Dhammaan aadanuhu wuxuu ka simanyahay jeceylka darajo sare iyo sumcad. Qof walba wuxuu rabaa in la ammaano, la xasuusto, magaciisuna uu jiro qaruumo badan. Sidoo kale, wuxuu ka simanyahay, marki laga reebo in naadir ah, inay u maraan hadafkaas sare waddo aan ahayn tii ay ku gaari lahaayeen. Waxaan dadaal badan u galnaa sidaan maal ku tabci lahayn kaasoo aan filayno inuu na gaarsiin doono maqaam sare. Qaarkeen waxay dhiig u daadiyaan, maal u dhacaan ama maato u laayaan inay gaaraan hadafkaas sare. Qaar si nabad ah oo xeelad iyo xikmad la isku daray ah ayay kursi ku doontaan si ay xaqiijiyaan hadafka ugu danbeeyo oo ah inay magac sare yeeshaan, xasuusna reebaan. Intaas oo dadaal ah marki la maro, cimrigu horay u batto, lafahu jilcaan, wax tarkuna koobnaado ayaan fahannaa waddadi saxda ahayd inaysan ahayn middi aan wax kuu doonaynay. Markaas ayay qaarkeena iska quustaan, qaarna is daba qabtaan oo is badal sameeyaan. Waddada ugu sahlan ee lagu gaaro magaca ugu...