Skip to main content

Abaal Marinta ay Bixisay Al-Qalam waxay ka dhigantahay daruur hillaacday!

Hay'adda wax barashada iyo tabarbarada ee Al-Qalam oo fadhigeedu yahay dagmada Garbahaareey ayaa  shahaado sharaf bixisay 20/08/2017. Abaal marintaan lama siin ardo ku baastay natiijo sare, lama siin kuwo guulaystay tartarn Qur'aan lamana siin koox guul kasoo hoysay tartan cayaareed ay magaaladooda ku matalayeen.

Balse waxaa la siiyay mudane dictoor  Cabdirashiid Cabudullahi Cilmi oo ah bare sare oo wax ka dhigo jaamacada Bariga Africa ee dalka Suudaan. Abaal marintaan ayuu diktoorku ku mutaystay wax qabadkiisi iyo doorka uu ku leeyahay horumarinta wax barashada dalka gaar ahaana midda gobalka Gedo. 

Maxaa Muhiim ka dhigay Abaal marintaan?

Waxaan caan ku noqonay inaan hiif iyo haaraan isugu darno kuwa bulshada u adeego oo waxay heli kareen iyo waxay haaban kareenba ku biiriyay horumarinta bulshada badalkii la bogaadin lahaa wax tarkooda. arintaan maahan mid ugub ah ee waa dhaqan waligiis soomaalida ka dhex jiray. Allaha u raxmadee Farax Xusseen Sharmaake waa kii lahaa

"Tolkay baan nin-doorkiis aqoon jeer god loo diro e 
Boqorkii u daahira col bay ugu dedaaleene 
Dayaxoodu goortuu dhacaay ‘dugey!’ yiraahdaane!

Sidoo kale, Cali sugule waa kii yiri "Kol haddaanad geerida horteed geesiga aqoonnin
Goblan weeye Soomaaliyeey garashadaadii".


Tusaale, haddi shaqi is xilqaamo dadaal dheerna u galo inuu soo helo minxo wax barasho oo bilaash ah. waji gabax, baryo badan iyo kallahad badan ka dib uu ku guulaysto inuu soo helo 10 boos, la eegi mahayo dadaalki uu sameeyay ee aysan cidna lacag ku siine waxaa la bilaabi in la yiraahdo wuxuu ku qaraabtaa magaceena, wuxuu xaday boosaski loogu talagalay caruurta, wuxuu ka taajiray iibsashada fiisooyinka uu kasoo qaado jaamacadaha iyo wax la mid ah. 

Tani waxay keentay in dad badan oo bulshada qiimo u lahaa wax badanna qaban lahaa ay isaga cararaan si ay wajigooda u ilaashadaan. waxay keentay in kuwii ka shaqayn jiray soo saaridda fiisayaasha ay faraha ka qaadaan. waxay niyad jabisay dadkii ku howlanaa u shaqaynta wax barashada iyo badbaadinta mustaqbalka ubadkeena. Sidaa darteed abaal marinta ay bixisay Al-Qalam ayaa noqonayso middii ugu horaysay ee nooceeda ah inta aan anigu ka war qabo oo la siisay ruux lagu sharfay shaqada uu bulshada u hayo. waxay badali doontaa ilahay idinkii fakarkii foosha xumaa ee aan ka haysanay kuwa noo adeego waxayna dhiiri galin doontaa kuwa hadda noo shaqeeyo kuwo cusubna way soo jiidi doontaa.

Labo, wuxuu yiri suubanahu SCW "qofkii wanaag idiin sameeyo u beegtooma. haddii iidan u beegtoomi karin u duceeya". mar kale wuxuu SCW "Eebe kuma shukriyo kuwaan dadka ku shugrin". Axaadiistaan waxay na barayaan inaan aqoonsano dadka noo axsaan sameeyo aana ugu abaal gudno wanaag ka badan ama la mid ah kay inoo galeen. hadii duruuftu inoo diido inaan u samayno waxay noo sameeyeen oo kale inaan u ducayno Eebe weyne aan u waydiino janno iyo danbi dhaaf. sidaa darteed abaal marintan ay bixisay Al-Qalam waxay inaga ridaysaa waajibki na saarnaa.

Sadex, waxaan rajaynayaa inay furi doonto waddo wanaagsan oo dad badan oo kale ooga daydaan. Al-Qalam iyo maamulkeeda horay waxay u billaabeen howlo badan oo aan gobal hortood jirin wax yar ka dibna waxaa ku dayday dad badan oo raacay jidkoodi sidaa owgeed waxaan filaynaa in sidii hore oo kale loogu dayan doono lana arki doono dhawaan abaal marino kale oo lagu maamuusay dad bulshada wax u qabtay.

Inkastoo ay Al-Qalam horay shahaado sharaf u guddoonsiiyaya hay'adaga kala ah NCA iyo SEDO sanadi 2013 hadana tani way ka duwantahay waayo waa mid shaqsi kaligiis ah lagu maamuusay. Kala duwanaanshaha waxaa si fiican u muujinayo in hayaduhu yihiin kuwa taageero maaliayadeed bixiyio taasoo dadku ay oran karaan waxaa abaal marinta loo siiyay si lacag looga helo. Balse midda la siiyay Dr Cabdirashiid maahan mid uu kasbaday lacag uu bixiyay iyo mid usoo qaraabay toona ee mid loogu aqoonsaday dadaalkiisa uu u fidiyay caruuurta soomaliyeed si kala sooc la'aan ah, iyo dadaal ki uu galiyay inay wada shaqayn dhexmarto qaar ka mid ah jaamacadaha Soomaaliya iyo kuwa Sudaan.

Waxaan rajaynayaa inaan arki doonno iyadoo la aqoonsaday dadki gobalkaan ka hirgaliyay wax barashada taabbo qaaday ee maanta ka jirto iyadoo aysan jirin dowlad iyo maamul ku garab istaagay. dadki waqtigoodi u huray danahoodina ka hormariyay hir galinta goobo wax barasho oo badbaadiyo ubadkeena iyo mustaqbalka dalkeena.

Dadkaas oo ay oogu horaayeen Allaha xafidee Sheekh Xuseen Ibraahim Axmed-Nuur (sheekh xuseen dheere), Aadn Cabdi Qarash, Qaasim Macalin Cali iyo Maxamed Ibraahim Xasan iyo kuwo kale oo aan halkaan hadda kusoo koobi karin. sidoo kale waxaa xusid mudan oo aan laga abaal dhici karin hay'adaha samafalka ee wax barashada gacanta ku lahaa sida NCA, Trocare iyo HIRDA. 

waxaan ku bogaadinayaa qof walba oo aqriya qormadaan inuu ku daydo dadkaas aan kor ku xusay haddii uusan qaban karin shaqada ay hayyaana u ku taageero ugu yaraana ugu duceeyo in Eebe ka abaal mariyo dadaalkooda.




Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *