Jean-Jacques Rousseau waxaa loo aqoonsanyahay inuu ka mid yahay aqoonyahannadi ugu qiimaha badnaa qarnigii 18naad ilaa maantana ugu saamaynta badan culimada kasmo-nafeedda (psychology). Waa aabaha iyo marjica kasmo-nafeedda korniinka bini-adamka (developmental psychology). Waa ninka soo jeediyay nidaam maanta inta adduunka wax lagu baro caruurta ee loo yaqaan “child-centred approach”. Hase ahaatee waxaan oo qiimo ah waxay soo baxeen dhimashadiisi ka dib, intooda bandanna waxaa la fahmay 100 sano geeridiisi ka dib halka ilaa maanta la barto dhigaalkiisi iyo afkaartisi lana sii hormariyo. Sidee ku dhacday? Rousseau waxaa uu ku dhashy magaalada Jeneefa ee dalka Swiisarland sanadki 1712ki. Aabihii waxaa uu ahaa biro-tume saacadaha sameeyo, hooyadiina waxay ahayd gabar aad u qurux badan oo reer dabaqadda sare ah kasoo jeeddo aabihiina aa