Dalka Iiraan waa waddanka kaliya
ee ku yaal bariga-Dhexe ee madax-bannaani haysto. Madax-bannanidaan kuma imaan
si fudud ilaa haddana loogama harin. Sida waddamada kale muslimiinta Iiraan
waxaa marki hore loo dhiibay madax maqaar saar ahaa oo reer Galbeedku u
talinayeen. 1979ki ayaa daba-dhilifyadii xukunka laga tuuray waxaana talada la
wareegay kacaan ay hoggaan u hayeen wadaaddo shiico ah.
Kacaankaas waxaa uu abuuray
collaytan dhinacyo badan ah. Ree Galbeedka oo uu diidan xorriyadda, Sunniyiinta
oo ka caraysan shiico dowlad yeelatay iyo kooxo badan oo dowlado kale
isticmaalayeen ayaa si joogta ah ula collaytamay. Jiho walba waxaa ka jiray
cadow: Galbeedka Saddaam oo ujeedkiisu ahaa in la waayo wax Iiraan la yiraahdo,
bariga Taalibaan oo qorshaheedu ahaa inay laayaan shiicada Iiraan oo dhan,
koonfur-bari gobalka Baluchistan ee Pakistaan oo ah mid waligiis aan nabad
arag, dhinaca koonfureedna waxaa ka xigay waddamada Carbeed oo cadaawad fog
kala dhaxaysay. Intaas oo dab ku shidnaa Iiraan waa ka bad-baxday. Sidee?
1: waxay ku dadaashay inaysan
iyadu dagaal billaabin waxayna sugeen intii labada cadow ee ugu darnaa (Saddaam
iyo Taalibaan) uu Maraykanku madaxa ka jarayay. Marki labadaan la tuuray ma
aysan fadhiisane waxay ka qayb qaateen xalka siyaasadeed ee waddamadaan lagu
dajinayay waxayna hubiyeen in maamullo iyaga u dhaga nugul ay booska buuxiyaan.
2: Qarixi saraha Maraykanka ee 2001di
ka dib, si ay ooga badbaaddo caradi Maraykanka waxay taageertay geeddi-socodoki
siyaasadeed ee Ciraaq iyo Afqaanistaan. Sidoo kale waxay hubisay in
siyaasadeeda gudaha ahaato mid dagan. Taariikhdu waxay na bartay in dalki fara
galiyo dariskiisa ay xasilooni darradu si fudud kusoo gaarto. Tusaale,
faragalinti Pakistaan ee Afqaanistaan, tii Hindiya ku samaysay kacdoonki
Tamilka ee dalka Siiralaanka, Turkiga tii dhawaan ka raacday fara-galintisi Suuriya
iyo midda Sacuudiga ka haysato yeman.
3: Iiraan, si ka duwan taas,
waxay hubiyeen in dalkeedu dhex-dhexaad ahaado balse ay hubiso inay ka faaiidaysto
isbadalka ku yimid cadowkeedi hore. Cayaartaan ay sida xirfadaysan u cayaartay
ayaa u suura galisay inay noqoto awoodda gobalka iyadoon cidi ku taageerin.
4: Marki ay soo baxday kooxda
waalan ee ISIS, Iiraan ma aysan sugin inta uu dabku soo gaarayo. Waxay si
dhaqso ah u howl galisay kooxaha afkaarteeda ku shaqeeyo ee ay horay usii
diyaarsatay sida Xisbullahi oo laf dhabar u noqotay badbaadidda Bashar Al-asad.
Arintaan Iiraan waxay ku kasbatay sumcad waxayna qaddarin weyn ka heshay
shacabka bariga dhexe. Hasa ahaatee waxaan la hubin waxaa ka imaan doono
kooxaha ay hubaysay ee caqiidada ku dagaalamayo. Taariikhdu waxay na bartay in
waddanki koox hubayeeyo ay isaga dib ugu soo laabtaan marki howshii loo
hubeeyay soo dhamaato. Sida ay Iiraan ooga badbaaddo kooxaha boqolaalka kun kor
u dhaafay ee ay hubaysay waa arin waqtigu sheegi doono innaguna aan sugayno
hadii Eebe idmo.
5: Marki ay wada xaajoodka
arrimaha nukliyeerka galaysay lama aysan xaajoon maraykanka ee waxay la
xaajootay lixda dal ee adduunka ugu xoogga weyn, ugu danbayna waxay ku
guulsatay in barnaamijkeedina u badbaado cunaqabatayntina laga fududeeyo.
6: Adduunka kooxaysiga noqday
Iiraan waxay ku dadaashay inaysan daaf-daaq noqon sidaa darteed waxay heshiisyo
la gashay Ruushka, Shiinaha iyo Hindiya dhica kala waxay isku dayday inay
heshiisyadeedu aysan Maraykanka ka caraysiin taas oo dhib ooga imaan karay.
7: Si ay u koontaroosho saamaynta
dekadda Gawadar ee Pakistaan waxay shaqo galisay dekada Chabahar, si
aysan ugu muuqan inay Pakistaan tartan kula jirtana waxay soo jeedisay in
labada dekadood la walaaleeyo.
8: Si aysan bannaan ooga ahaan
xal u raadinta Suuriya, waxay wada shaqayn la yeelatay dalalka Ruusha, Shiinaha
iyo Turkiga sidoo kale waxay hubisay in carada Turkigu aysan albaabkeeda soo gaarin.
Marki ay fursadda heshayna waxay Turkiga kusoo dhawaysay gacmo furan.
9: Dhawaan waxay codsadeen inay
ka mid noqdaan dadaalka ay wadaan dalalka Pakistaan, Ruushka iyo Shiinaha ee
lagu doonayo in Taalibaan ay qayb ka noqoto hoggaanka Afqaanistaan. Haddii lagu
guulaysto waxaa yaraan doono cabsida ay qabtay dalkaas.
Iiraan waa dal la isku dayay in
la curyaamiyo laakiin si fiican u fahmay dabinka loo dhigay. Waxay taqaan marka
uu dagaalka iyo hanjabaaddu xal tahay iyo marka wada hadalku iyada anfacayo.
Waxay fahamsantahay waxa ay is hayaan inuu yahay Maraykan inta kalana ay yihiin
canaasiir uu isagu soo adeegsaday sidaa darteed marnaba ma tusto inay dagaal
kula jirto waddamada Maraykanku soo ganay. Badalkeedi waxay ku dadaashaa inay
danaheeda gaarto iyadoo iska dhigayso saaxiib xabiib ah. Iiraan waxay muddo dheer
ku jirtay mid shabahdo tan innaga na haysato sidaa darteed waxaa muhiim ah
inaan cashar ka baranno sida ay ku badbaaday hagardaamooyinki lala doonay danaheedana
u gaartay.
Qoraalkaan waxaa asalkiisi lagu
qoray halkaan: https://www.quora.com/Which-country-in-the-world-is-considered-to-have-the-best-foreign-policy-Why?ref=fb
Ibrahim Aden Shire
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/.
Comments
Post a Comment