Skip to main content

Posts

Showing posts from June, 2018

Hadalka cadowga ha u qaban madaxdaada iyo dadkaada

Lagdanka iyo isu-xoog-sheegashada u dhaxeeyo aadanaha waa mid waliggiis jiray. Had iyo jeer damac qolo ka galo xaq dad kale leeyahay ayaa keeno xurguf mararka qaar ku dhammaado dhimasho. Ilma aadan oo dhowr ah hal abbo iyo hal hooyo kaliya leh adduunka intaan la ekna kaligood ku nool ayuu damacu bilowday. Waxaa la sheegaa in markii u Qabiil Habaail ku dilay xaq uusan lahayn ay dunida ku noolaayeen lix qof kaliya oo labo ahaayeen kuwa is dilay. Damaca iyo Hunguri wayninka ku dhisan waxaad haysato kuma deeqaan ama kan kale wuxuu haysto ayaa kaada ka wanaagsan waa mid maalintaas bilowday ilaa qiyaamahana jiri doono. Waxaa kala duwan farsamada iyo habka loo maro hadba waqtiga la joogo iyo dadka nool. Sidoo kale ilbaxnimada dadka lagu socdo ayaa go'aamiso luuqada la isticmaalayo iyo wajiga la tusayo dunida kale. Laakiin guumayste waqti walba oo uu joogo farsamadiisu saddex shay kama baxaan. Mid ku saabsan dhulka la rabo in la qabsado, mid ku saabsan dadka loo socdo in la q

Maxaa Sabab u ah Isbaddalka Ka Socdo Itoobiya

Siduu u yimid raysulwasaare Abiy, dalka Itoobiya waxaa ka socdo isbaddaal xawaare dheereeyo ku socdo. Isbaddalka uu wado mudane Abiy waxaa ka mid ah kuwo aanan la filayn saamayn weyna ku yeelan karo guud ahaan Geeska Afrika. Tusaale, go'aanka uu ka qaatay qadiyadda Baadhame oo ay Eritareeya isku hayeen. Haddaba maxaa keenay isbaddalkaan dad badan ula muuqdo qar iska-tuur qaarna ula muuqdo mid aad loogu baahi qabay? Labo arrimood ayaa sabab u ah isbaddalka mudane Abiy: Culaysyo siyaasadeed oo gudaha ah iyo mid dhaqaale oo soo foodsaaray. Siyaasadda gudaha Mudane Abiy wuxuu ka dhashay qowmiyadda Oromada oo ah tiro ahaan kuwa ugu badan dalka Itoobiya laakiin waligood aan hanan hoggaanka dalkaas. In la doorto waxaa keenay kacdoonno waaweyn oo uu qabiilkiisu sameeyay kuna dalbanayeen xuquuq siyaasadeed iyo mid xorriyad. Imaanshaha mudane Abiy waxay ahayd guul usoo hoyatay Oromo iyo musiibo u billaabatay Tikre iyo kuwa saaxiibka la ah. Tikre oo hastay xukunka muddo

Anigu sidiibaan ahaye adinkaa isoo gaaray: Maxaan ka baran karnaa doodda Sheekh Bashiir Shiil iyo Cabdirisaaq Xirsi

Waxaa ayaantaan socotay dood u dhaxaysay labo wadaad oo Kanada ku wada nool. Labadan sheekh fool ka fool uma aysan wada hadal balse waxay isugu jawaabayeen muuqaallo duuban. Doodda u dhaxayso labada sheekh waxay ku saabsantahay in muslimiinta ku nool waddamada Galbeedku ay guryo ku qaadan karaan nidaamka dulsaarka (ribada) ee wax lagu kala iibsado  marki la joogo waddamadaas. Sheekh Cabdirisaaq ayaa qabo inay dadkaasi u bannaantahay in guryaha lacag ay ku gataan ay ka daynsadaan bankiyada dulsaarka qaato. Sheekh Bashiir wuxuu leeyahay sinnaba uma bannaana in qof muslim ah uu ribo qaato ama bixiyo. Mas'alada waxay tahay, kan ku saxan iyo iyo kan khaldan midna anigu xaq uma lihi inaan ka hadlo waayo aqoonteed ma lihi. Hasa ahaatee waxaa ii muuqatay inay jiraan casharro muhiim ah oo ka baxsan mas'alada taaso ka muuqato qaabka wax u socdaan. Labo arrimood ayaan hoos kusoo qaadi. Isbaddalka ku dhacayo bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha timid Soomalidu xooggeedu w

Links I Liked (Qoraalladi aan ka helay)

This article answers some of the questions we have on Ethiopia's navel building plan.  lick here to read China has announced it will host the inaugural China-Africa defense and security forum later this month, signaling its deepening engagement in Africa.  See here for more This is an interesting article which sheds a light on how governments benefit the suffering of others.  What is explained in this article makes you suspect the work of AMISOM and other organisations working in Somalia to bring peace.  click here for more here is a stud y which answers  Why are  African women more politically active in some countries  than others? The U.S. is punishing Rwanda for rejecting our old jeans and T-shirts. It’s a shortsighted move.  Read here for more Yes, water is a human right, fundamental to life - yet if you are an average American, you would be lucky to have access to it, at a price you can afford to pay and not be poisoned.  Read here more Apgar was born in New

Kumuu ahaa Ibnu Dhufayl?

Sanadki hore dhammaadkkisi ayaa qormo lagu daabacay bolooggaan waxaa lagu magac-dhabay Ibnu Dhufayl. Ma uusan ahayn ruux aan horay u maqlay. Waxaan jeclaystay inaan wax badan ka ogaado. Akhris badan ka dib waxaan ogaaday inuu ahaa sheekh meelo badan in looga daydo mudan, gaar ahaan jeceylka uu aqoonta u qabay iyo dadaalki uu galiyay raadinteeda. Sidaa darteed waxaan jeclaystay inaan la wadaago dhalinta Soomaaliyeed ee marki ay hal maaddo bartaan isu maleeyo inay waxba u harin si ay u ballaariyeen raadinta cilmiga siduu uu Ibnu Dhufayl-ba u kulmiyay culuum badan oo kala duwan. Ibnu Dhufeyl waa Faylasuuf saynis yahan iyo dhaqtar muslim Carab ah. Waa mid kamid ah maanshiilayaasha Carbeed Ee magacoodu uu sida aadka ah u baahay. Wuxuu dhaxal ahaan u reebey buugaag badan oo uu ka qoray falsafada, suugaanta Carbeed, xisaabta, meeryaasha iyo caafimaadka. Magaciisu Waa Abuu Bakar, aabihii waxaa la oran jiray Cabdi Malik Maxamad. Qabiil ahaan w uxuu kasoo Jeedaa qabiilka carbeed Ee Qey

Links I liked (Qoraalladi aan ka helay)

  International partners appear to be stuck in a “chicken or egg” conundrum in Somalia. On the one hand, they recognise that using country systems is critical for building national capacity and achieving broader state-building objectives. Yet, on the other hand, the weakness of these systems is often the excuse donors cite for avoiding the use of country systems. Read  here more Here are  over 30 studies about education and health. There are some good and informative researches in them. Have a go see how many you can reed Rwanda sponsored English Premier League club Arsenal  here is criticism about  and  here is its defense What kind of Evidence Influences local officials? A great example from Guatemala .  Read here more

Contact Form

Name

Email *

Message *