Halista ku jirta isticmaalka weedha “Soomaalida-Itoobiya” Waxa dhegaheenna ku batay weedha “Soomaalida-Itoobiya”. Madaxda dalka u sarreysa, culimo caan ah iyo idaaacadaha ugu waaweyn dalka ilaa saxafiyiin madaxbannaan ayaa si maalinle ah u isticmaala weedhaas gurracan. Waa weedh ku cusub qaamuuskeenna. Taas oo nagu soo gashay mashruucii Tigreega ee la soo dhexmariyay gacanyarayaashii Itoobiya. Ogaal la’aan ayay weedhaasu noqotay mid caadi ah oo dareen la’aan nagu dhex faafayso. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in aan ku baraarugno halista ay ay xambaarsantahay iyo caaqibada ka dhalantooda caadiyeynteeda. Soomaalidu waa dad ku midoobay abtirsiinyo, af, dhaqan, taariikh, diin, iyo dhul ay wadaagaan. Ka hor inta aysan xuduudaha gumeysigu kala qaybin Geeska Afrika, bulshooyinka Soomaaliyeed waxay ku noolaayeen dhul baaxad leh oo isku xiran, waxayna isu arki jireen xubno ka tirsan hal qoys. Qoysaska xoolo-dhaqatada ahi waxay u guuri jireen raadinta daaq iyo biyo; ganacsigu wuxuu is...