Skip to main content

Horumarka Gobalka Gedo: Dowrki Aadan Cabdi Qarash



   Horumarka Gobalka Gedo: Dowrki Aadan Cabdi Qarash
Afeef
Qormadaan waxaan ku eegi doonnaa dowrki uu Adaan Cabdi Qarash ku lahaa horumarinta gobalka Gedo, gaar ahaan waxbarashada.
        
  Inta aanan billaabin qormadan waxaan is xasuusinaynaa in ujeedku qormadu uusan ahayn xayaysiin ama ammaan shaqsiy gaar ah lala doonay, balse uu yahay mahadnaq aanu ugu mahad celinayno dadkii ka qayb qaatay horumarinta dalkeenna iyo dadkeenna. 

Xadiis sugan ayaa macnihiisu ahaa marki la isu geeyo riwaayadahiisa kale duwan "Qofki wanaag loo sameeyo ha gudo, haddii usan gudi karin ha sheeg-sheego, waayo qof ka sheego wanaaga loo galay waa mahad-celiyay; qof kii qariyana waa ku kufriyay abaalki loo galay" xadiis kale waa kii lahaa "Eebe kuma shugriyo qofkaan dadka ku shugrin". 

Sidaa darteed dhinac waxaan gudanaynaa waajib na saaran dhinacna waxaan u mahad-naqaynaa dadkii abaalka noo galay. Maadaama aanan u samayn karin wanaaga ay noo galeen oo kale, waa inaan ka shakayno si aynu ugu dhaqanno xadiis kor ku xusan. 

Dhaq-dhaqaaqi Aadan

Ilaahay addoomihiisu waxaa ka mid ah  kuwo loo uumay u adeegida danta guud. waxay si hagar la'aan waqtigooda, maskaxdooda iyo maalkooduba ugu bixiyaan horumarinta aadanaha hadba inta ay awoodaan. Kuwaan lidkooduna waa jiraan oo qaar ayaa ku mashquulsan hagardaamada iyo habsaaminta bulshada kuwa hore horumarka la doonayaan. Laduba waa inagu jiraan kuwa danbe ayaase nagu badan, inta badanna aan qiimaha iyo qadarinta siinnaa. 

Qolada hore waxaa tusaale u ah mudanaha aan maanta halkaan ku xusayno. Aadan waxa uu ku mashquulsanaa horumarinta waxbarshada dagmada Ceel-cadee laga soo bilaabo 1993-di waqtigaas oo iskoolki oogu horeeyay laga furay dagmada tan iyo marki ay dowladdi dhacday. Iskoolkaas oo ka koobnaa labo qol oo cariishyo ah ayaa waxaa xaadiri jiray arday tobaneeyo ah iyo labo macalin.

Laga bilaabo waqtigaas ilaa maanta waxaa uu waqtigiisa u huray hagaajinta iskoolkaas meel walba oo uu joogo iyo duruuf kasta oo soo wajahdo. Aadan waxaa uu soo galay Yurub bartamihii shagaashameeyadi. Waqtiga uu yurub soo galay waxay ahayd waayadii dib u dhaca iyo dhibaatooyinka badan wadanka ka jireen, gaar ahaan gobalka Gedo. 

Dadki sagaashameeyadi soo galay wadamada Galbeedku uma badnayn inay dalki dib u eegaan iskaba daa inay dan caam ah ka shaqeeyaane. Labo arimood ayaa sabab u ahaa arintaan.Tan hore, inta badan dadki horay usoo dhoofay waxay ahaayeen dadki caasimadda iyo magaalooyinka waaweyn ka qaxay waligoodna nolol iska roon oo dowlad gacanta u hayso arki jiray wadamadi ay tageenna middi hore nolol ka fiican kala kulmay, sidaa darteed kuma aysan baraarugsanayn in dhibka dalka ka jiray uu iyagu sugayo inay wax ka qabashadiisa. 

Arinta labaad ayaa ahayd arimo dhowr ah oo is kaashaday sida inay rajo xumo badan ay jirtay iyo midda ugu muhiimsan oo ah xariir la'aanta dhex taalay qurba joogta iyo dadka intiisa kale. Ma jirin taleefanno jaban iyo internetka hadda wax walba inoo fududeeyay sidaa darteed qofki dadkiisa la hadlo inuu dantiisa gaar ah dhamaysto ayaaba qarash badan ku ahayd oo uusan karin. Waa waagi Ceel-cadde qof ooga soo safri jiray inuu Mandera oo 2oo KM u jirto taleefan ka tirsado. Waa waqtigi aanu u haysanay qof ku nool Ohaayo iyo kan ku nool Siyaatal Washitoon inay daris is maqlo yihiin oo farriin iigu dhiib la iska codsan jiray. Arintaas waxay sababtay in qof walba tiisa mooyee tu kale uusan soo hadal qaadin, qurba joogtuna inta qoyskoodu soo sheegto ku koobaan baahida jirto. 

Arimaas waaqiciga ahaa waxaa garab maray dad yar oo uu Aadan ku jiro. Aadan waxaa uu sabab u noqday inuu Ceel-cadde ka dhigo dagmada kaliya ee Gedo ku taal ee leh wax-barashada asaasiga ah ilaa kuleejo lagu barto culuum kala duwan. Arintaan kuma imaan sahal ee waxaa laga maray dhib badan, kakanaan iyo wareer dhafoorro-hays leh. wax-barashada Ceel-cadde iyo sida ay ooga qayb qaadatay horumarinta gobalka waxaan ku xusi doonnaa qoraalo kale balse middaan waxaan si kooban ooga hadlaynaa ninki sababta u noqday jiritaanka wax-barashadaas. 

Aadan waxaa uu waqti badan galiyay in Ceel-cadde hesho wax-barasho tayo leh. dagmada waxaa ka furraa kaliya dugis hoose oo ay hay'ad ajanabi ah gacanta u hayso sidiisana ku tayo hooseeyo. Ma jirin dugsi dhexe iyo mid sare toona. sidoo kale ma lahayn madaaris diimeed oo macno leh. Waqtigi uu Aadan dadaalka billaabay wali Ceel-cadde waxay ahayd tuulo oo dagmonimada waxaa la siisay waqtigii dowladdi AUN dowladdi Cabdullahi Yuusuf. Halkaas waxaad ka fahmi kartaa dad ku noolaa intuu la egyahay yariintiisa. 

Inkastoo uu Aadan howlaha waxbarashada gacmaha ku jiray ilaa 1993-di, hadana wuxuu sidii xidigii usoo iftiimay sanadi labada kun. Iskoolka aanu sheegnay ee labada qol ahaa waxaa waa dhexe gacan ku haysntiisa la wareegay hay’ad ay qurba joogtu oo uu Aadan xubin ka ahaa aas-aaseen taasoo la oran jiray Iqra. Iqra oo labadi qol labo kale ku dartay, bixin jirtayna mushaarka macalimiinta ayaa si lama filaan ah ugu tiri reer Ceel-cadde isu tashada wax lacag ah idiinma haynee.

Go’aankaan lama filaanka ah wuxuu khatar galiyay jiritaanka iskoolka maadaama wax meel usii yaalay aysan jirin. Aadan waxa uu sida ugu dhaqsaha badan ugu howl galay badbaadinta iskoolka, waxaa uuna dadaal badan galiyay inuu ka dhaahiciyo qurba joogta dagmadaas ka soo jeedo inay isu tashadaan, arintaasna Eebe waa ku guuleeyay.
Caqabadihii Aadan isku gudbay

Caqabado badan oo wajiyo kala duwan leh ayaa midba maalin meel bud kasoo dhahayay. Dhammaan caqabadahaas Aadan wuxuu ooga gudbay dulqaad iyo xeelad mid walbana waxaa la dhameeyay iyadoo uusan dhib ka dhicin. Tusaale, sanidihii xabashidu gobalka dagaalka ka hurisay dadki dagmada daganaa waxay u kala qaybsameen labadi kooxood is haysay (SNF iyo Ittixaad). Arrintaan iskoolka ayay si ba’an u saamaysay. Qolo walba raarkeeda ayay furatay oo murtad caruurtayda wax bari mahayo iyo caruurtayda argagixiso laga dhigi mahayo ayay waalidiinti ku kala andacoodeen. Aadan wuxuu xil weyn iska saaray xalinta arintaas dadaal dheer ka dibna wuxuu ku guulaystay in siyaasadda iskoolada laga saaro dibna la isugu soo celiyo iskoolki la kala raray.

Dhibaatada soomaali oo dhan haysato ee la yiraahdo lacag ayaa la igu qaadanayaa kama badbaadin dadaalki Aadan waday. Waxaa uu yiri isagoo ka hadlayo arintaas.
Waxaan qarash badan iyo waqtiba ku bixinay inaan ka dhaadhicinno odayaasha deegaanka qaar ka mid ah inay caruurta wax bartaan. Waxaan xasuustaa mar aan taleefan dhowr dal dad joogo iyo odayaan ka mid ah jiffooyinka dagmada dagan aan isugu keenay. Dhamaan dadkaan qadka soo galiyay waxay odayaasha ka qancinayeen in aan caruurtooda dantooda mooye dan kale aan lagu wadan.

Ogow caruurta bilaash ayaa wax lagu baraa oo wax qarash ah lagama qaado, kaliya waxaa waalidiinta laga baryayo waa inay ubadkooda dugsiga u diraan. Aadan dulqaad badan ayuu arrintaan u yeeshay waxayna socotay muddo 13 sano ku siman. Dulqaadki Aadan iyo dadaalkiisi waxay keentay in waalidiinti laga waayay bilaash caruurta wax ku barta ay maanta isla iskoolki u quuraan $20 bishiiba (dugsiga hoose/dhexe $10).

Xagga qurbaha dadku uma tunayn inay wax ku bixiyaan danta caamka ah gaar ahaan iskoolo aysan arkayn waxa lagu dhigo iyo cidda gacanta ku hayso. Waxay howl aad u adag in laga dhaadhiciyo inay lacag joogto ah ku bixiyaan qorshe caynkaas ah. Wax badan oo caawin lahaa sida in la tusso sawiro, muuqaalo ama maqal odayaasha iyo dadka muxtrimka ah ayaan iyaduna fududayn. 

Waxay noqotay shaqadaas oo dhan inuu Aadan qabto. Dhinac waxaa uu kala hadlaa odayaasha si uu ugu qanciyo baahida loo qabo wax-barasho tayo leh kana qayb qaataan sidii lagu heli lahaa, dhinac waxa uu kala hadlaa qurbo joog sidii ari goosan ah oo weer galay ugu kala firirtay dunida dacaladeeda. Dhinaca kale, waxaa uu raadinayaa xog iyo macluumaad ku saabsan sida ugu fudud oo lagu suura galin karo in la helo wax-barasho wanaagsan. 


2007-di ayaan habayn taleefan kula hadlay anigoo ka raadinayo xog iyo talo inuu iga siiyo iskool aynu rabnay inaan ka hirgalino Garbahaareey. Wax yaabhihii uu ii sheegay isagoo I tusaalaynayo howsha I hortaalo dhibkeeda waxaa ka mid ahaa inuu yiri 

"Waxaan usoo martiyay nin ku noolaa dalka Jarmalka waqtigii aan ku jiray qalqaalada iskoolka Ceel-cadde. Ninki subixii ayuu shaqo tagaa aniguna guriga ayaa sii joogaa. Subixi sedexaad ayuu igu yiri ninyahow iga guur aniga xabsi ha ii horseedine. sabab ayaan ku iri? wuxuu ku jawaabay waxaad ka shaqaynayso ayaan ka shakiyay oo intaan oo kaar ah aad ugu hadasho". Labadi cisho ee aan ninkaan martida u ahaa ugu yaraan 50 kaar ayaan ku hadlay, ninki waxaa uu is yiri ninkaan wixiisu iskool ka badane howlo kale ayuu lugaha kula jiraa.



Marka uu intaas oo dadaal ah uu Aadan galinayo inuu wax baro caruurta reer Ceel-cadde qaar ayaa ka shaqaynayay inay kala dhantaalaan howsha uu hayo. Kooxdaan kuma aysan ekaan kaliya dacaayad inay ka faafiyaan isaga iyo ururkiise ee sidoo kale waxay ku dacweeyeen dowladda uu la noolyahay iyagoo ku eedeeyay falal ammaanka ka dhan ah inuu ka wado Soomaaliya.

Dacwadaan waxay culays weyn ku noqotay shaqadi uu Aadan hayay. Wuxuu caqabado badan iyo caga juglayn kala kulmay hay’adaha ammaanka dalka ku noolyahay, waxaa su’aalo badan laga waydiiyay waxa uu ka shaqeeyo iyo cidda uu la shaqeeyo. Laakiin intaas oo culays ah dhabar ayuu u dhigtay shaqadi uu hayayna habayn kama uusan seexan, ugu danbayna waxaa caddaatay barinimadiisa.

Intaas waxaa dheer in ayaanti Iqara iskoolka gacanta ku haysay dad ay aad ugu dadaaleen inay joojiyaan lacagta uu iskoolku helo. Waxay la hadleen cid kasta oo ay qusaysay ama wax un lacag u bixiso hay’adda. Si ay u caddayn ugu helaan dacaayadooda waxay cajalo kasoo duubeen dad dalki ku nool oo ku dooday iskoolka caruur hal jiffo ah ayaa wax lagu baraa qof kalana looma ogola ee yaan lagu taageerin faquuqa iyo firsooca.

Arrintaan oo ahayd mid dhib badan Aadan kama uusan didin, weerarna kuma uusan qaadin kuwii dhibka waday ee wuxuu wajahay sidii loo dawayn lahaa dadkaa muxsiniinta ah ee laabtooda suntan lagu shubay. Dhammaan dadki wax bixin jiray ayuu qof qof iyo qoysba ula shiray. Wuxuu usoo qoray caruurta iskoolka dhigato iyo jilibyadda ay kasoo jeedaan taasoo horseeday inay si fudud ku qancaan taageerayaashi Iqra.

Garboolow Iskool: Luuq

Wax qabadka Aadan kuma koobna Ceel-cadde ee sidoo kale wuxuu saamayn ku leeyahay dagmada Luuq oo uu ka hirgaliyay iskool hoose/dhexe. Furintaanka iskoolka Garboolow oo ku yaal tuulo 17km u jirto Luuq ayaa ku dhacay si yaab leh oo aan horay looga baran dhulka soomaaliyeed.

Jaaliyaddi uu Aadan u qaabilsanaa arrimaha waxbarashada ayaa lacag fiican aruurisay. Marki lacagti soo xarootay ayaa waxaa is badal ku yimid meeshi marki hore loogu talagalay. Waxaa talo loogu noqday sidii laga yeeli lahaa, gudigi intiisi badnaydna waxay isku raaceen in meel uu Aadan u arkayay inay habboonayn lagu bixiyo lacagta.

G|o’aan dag-dag ah oo uusan dad badan ka talo-galin ayuu qaatay wuxuuna lacagti iskool ooga dhisay tuulada Garboolow. Aadan qaraabo qansax xattaa kuma lahayn tuuladaas. Laakiin wuxuu ogaa in baahi ba’an oo waxbarasho ay ka jirtay dadka dagganna aysan awoodin inay iskool furtaan. Waxaa u muuqatay caruur soomaaliyeed si fudud mustaqbalkoodi ku baaba’ayo iyadoon cidna ka war qabin.

Go’aanki niyad samida ku dhisnaa ee Aadan wuxuu noqday mid ciribtiisi la mahdiyay. Maanta iskoolki waxaa dhigato 140 caruur soomaaliyeed ah wuxuuna ku egyahay fasalka shanaad. Wuxuu u helay dadka caawiyo bixinta mushaaraadka macalimiinta iyo tashiilaadka kale ee iskoolku u baahanyahay.

Dhinaca kale waxaa go’aanki gadaal ooga farxay dadkii marki hore ka carooday taladi uu la garab maray iyo meesha uu lacagta galiyay. Waxay ka garaabeen qaladkoodi oo ay qireen inuu dhib weyn u horseedi lahaa ururka jaaliyaddu ku shaqayso.

Khulaaso

Aadan waxaa uu muddo ka badan 2o sano ka shaqaynayay waxbarshada gobalka Gedo. Wuxuu suura galiyay isagoo kaashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada inay caruurta reer Ceel-cadde helaan wax-barasho lagu faano. Wuxuu tusaale u noqday in badan oo jecel waxbarashada iyo horumarka kuwaasoo ku dayday kana bartay ku shaqaynta xaalado adag. Aniga gaar ahaan wuxuu i siiyay talooyin iyo tusaaleyn hagar la’aan ahaa waqtigii aan ku mashquulsanayn hirgalinta iskoolka Amiir-Nuur ee Garbahareey. Sidoo kale wuxuu safar usoo galay inuu xog siiyo lana wadaago waayo-aragnimadiisa rag aanka  wada shaqaynay taaba galinta Amiir-Nuur oo ku noolaa Norway. Waxaa ka mid ahaa dadki ku dayday kana bartay maamulka iskoolka Waabari ee ku yaal dagmada Balad-xaawo.


Ma fahmi karno wax-qabadka Aadan Cabdi Qarash ilaa aan ogaano waxbarashada ka jirto Ceel-cadde sidaa darteed waxaa si faahfaahsan ooga hadli doonaa iskoolada dagmda iyo sooyaalkodi haduu Eebe noo ogolaado. waxaa xusid mudan inuusan Aadan kaligiis uusan qaban howshaan balse ay jireen dad qayb weyn ka qaatay guusha laga gaaray howlaha waxbarashada ee dagmada. dadkaas inshallahu intii suura gal ah waxaan ku xussii doonaa qormooyinka danbe

Ibrahim Aden Shire

20/09/17


Popular posts from this blog

Toban Sano oo Xasillooni Nololeed ah: Toban Guuradii Guurkayga

Maanta oo kale Toban sano ka hor (23/02/2008) ayuu Sheekh Xasan Axmed Nuur qabbiltu yiri Laylo Aadan Maxamed isagoo aniga iga wakiil ah. Guntinta xirantay maalinkaas, waxay ahayd natiijo ka dhalatay sideed sano oo shukaansi iyo haasaawe jeceyl ah. Lix sano oo ka mid ah siddeeddaas sano,  waxaan ku kala noolayn dhul aad u kala durugsan,farriimaha jeceylkana haadka samada duuliyo haatufkaa siday. 
Maalintaas waxaa furmay bog cusub waxaana bilowday geedigii lagu ogaan lahaa dhadhanki mirihii siddeedda sano la kobcinayay. waxaa la guda galay markaan kala ogaan lahayn inaan sun iyo wabaanyo huursanaynay iyo inaan sabuul gallay iyo saan wacan waraabsanaynay.

Sacdiyo Xawaash ayaan ka guntay hadalkaan soo socdo, mar ay ka warraymaysay saygeeda fiicnaantiisa "guurku waa god madow oo aad gacanta u dirto. In abeeso ka qaniintana waa suura gal in dahab kaa soo raacana waa suura gal. anigu dahab ayaa iga soo raacay" ayay tiri.

Sida Sacdiya oo kale, ayaa aniguna godkii aan gacanta u dira…

Maktabadda garbahaarrey (Garbahaarrey library- مكتبة جربهاري)

Maktabbaddu waa maskaxda kaydiyaha qarsoon sida qofka uleeyahay maskax wax ku kaydsada ayaa makatabadduna ummad waliba ku kaydsataa aqoonteeda, afkaarteeda iyo dhammaan macluumaadka bulshada wax tarka u leh,waxaase u dheer in ay tahay muraayadda koobaad ee laga fiirsho bulshada, gaar haan markii larabo in la cabiro heerka aqooneed ee waddan-ka ama magaalada waxaa isha laga buuxsadaaa nidaaam-ka waxbarasheed iyo in ay leedahay goobo wax lagu akhrista sida Makatabadaha iyo matxafyada waa-weyn ee lagu kaydiya raad-raaca iyo dhaqanka dal-ka.
Tusaale ahaan sanadihii1960-1970 yadii waxaa tijaabo lagu sameeyay in laga yagleelo maktabado  dal-ka Ciraaq si loo qaado heerka waxbarasho iyo wax akhris ee dal-ka, natiijadi soo baxaday ayaa ahayd mid aad loogu riyaaqaay, iyadoo ay soo baxeen jiil wax badan fahmasan, oo kaalin weyn ka qaatay isbedlka aqooneed ee dal-ka. Dhanka kale dawaladah reer galbeedka ayaa aad oogu dadaalo in ay u sameeyaan goob waliba oo dad isugu yimaado goob yar oo wax lagu ak…

Qof Wax ma Baddalo ee Qalin iyo Qoraal ayaa wax Baddalo

Aadanuhu waa is baddal u joog. Wuxuu tartan kula jiraa isbadalka Rabbaniga ah ee ku dhacayo bii’ada uu ku noolyahay. Qowmiyaddi la socon waydo xawaaraha isbaddalku ku socdo waxaa ku dhaco dib u dhac ka reebo dunida kale.
Guud ahaan caalamka islaamka waxaa ku yimid dib u dhac xagga horumarka iyo hoggaanka dunida ah. Dalalka saboolka ah ee dalkeennu ka mid yahay ayaa ugu sii daran. Waxay u ilmaynayaa isbaddal siyaasadeed, mid bulsho, mid dhaqaale, mid aqooneed iyo mid hoggaan. Qof walba oo aad waydiiso waxa naga dhimman wuxuu si fudud kuu dhihi isbaddal ayaa loo baahan yahay.
Hasa ahaatee wax mushkilad noqotay in la fahmo cidda laga sugayo inay isbaddalka keenaan. Dadka intiisa badan waxay eegayaan madaxda iyo siyaasiyiinta oo ay ka sugayaan isbaddal dhinac walba ah. Laakiin qof wax ma baddali karaa iyada oo aysan bulshadu is baddalin? Bulshaduse yaa baddali karo yaase saamayn wax baddali karto yeelan karo?
Dabcan duunyo iyo dugaag isbaddal horumarineed laga sugi mahayo ee dad iyo sha…

Contact Form

Name

Email *

Message *