Skip to main content

Posts

Showing posts from November, 2017

Farriin ku Socoto Ganacsatada Soomaaliyeed

                  Muddadii ku dhaweyd sodonka sano ee dalkeennu burburku ka jiray, gacansatadu waxay soo jiiteen eedaymo badan iyo ammaanba. In badan waxaa lagu eedeeyay inaysan u aaba yeelin waxay ka ganacsadaan. Waxaa lagu duray inay lacag badan ka sameeyaan beecsharada hubka dadku isku gumaaday, inay dalka keenaan dawo iyo raashin dhacay, keenidda iyo suuq-galinta lacagaha faalsada ah iyo kuwo kale oo aan tiro lahayn sida inay ka macaashaan dowlad la’aanta. Laakiin wax walba oo laga sheego waxaan la inkiri karin kaalinti ay ganacsatadu lahayd baadbaadinta dalka iyo dadka. Intii lagu jiray dowlad la’aanta, ganacsatada ayaa dalka dowlad ka ahayd: iyaga ayaa bixinayay adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka lacagba ha ku qaataane, iyaga ayaa keenayay dhammaan wixii daruuriyaad ah ee loo baahna. Sidoo kale waxay ahaayeen dadka kaliya ee uusan xaddidin colaadihii umulo dooxa ahaa ee dalka ka socday sanadihii hore ee dagaalka sokeeyo. Ganacsiga iyo ganacsatadu

Dadka yaa dowlad u ah? Wuxuu na baday Burburki wuxuu na baray baa kasii daran.

                                                                            Asbuucaan warki iigu xiisaha badnaa waxaa uu ahaa miisaaniyadda 2018ka ee dowladdu soo bandhigtay. Inkastoo aanan helin masaaniyadda oo dhamaystiran, hadana goosgooska lagu soo bandhigay shabagadaha wararka ayaa iigu filnaaday mashquul. Mar walba oo aan akhriyaba xog dheeraad iyo qodobo xiiso leh ayaa ii baxayay. Laakiin waxaan goor danbe ku baraarugay in xiisaha ay ii leedahay miisaaniyaddu aysan dadka u wada lahayn. Sidee? Marki ay dowladdu soo bandhigto qorhse cusub, waxaa caado noo ahayd in aad looga faalloodo. Muxaafid iyo mucaarad ayaa loo kala safan jiray. Mid aqoon u leh iyo midaan waxbo kala soconba qof walba fakerkiisa ayuu dhiiban jiray. Maqal, muuqaal iyo qoraalba waa lagu wadaagi jiray. Laakiin miisaaniyaddu sidaasi ma noqon inkastoo ay ahayd midda ugu qiimaha badan qorshayaalki aan arkeenay dhawaanahaan. Waxay ahayd in idaacaduhu ay aad u baahiyaan misaaniyadda sharraxaad dheeraad ahna

Why the West’s and the UN’s Funding were not included in the 2018 budget of Somalia

                                                                            On last Monday (22/11/17) Somalia’s finance minister announced his 2018 budget. In his statement, he explained how they would spend the budget as well as where they expected this year’s income. In addition to the 620 million expected to be collected in taxes, the minister disclosed further 62.3 million expected from three countries: Saudi Arabia 32 million, Turkey 20 million and Qatar 10 million. However, the contributions from the UN and the West, which are the main backers of the government and its biggest financers, were not included in the budget so where the western donor’s money gone and why is it not in the budget? The answer is that their money cannot be counted on because of two reasons. Firstly, the west believes that Somalia’s finance management systems are too weak to permit budget support thus, they use other ways to deliver their assistance and support the government. For example, in 2016, S

Macallimiintu kama Muhiimad Hooseeyaan Ciidamada Qalabka Sido

                                                          Maalmaha loo asteeyay weynaanta ciidamada kala duwan sida booliska, militiriga iyo asluubta, waxaa si weyn ooga qayb galo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaan aragnaa madaxda dalka ugu sarrayso oo xiran dirayska ciidamada. Waxay ka qayb galaan xafladaha lagu maamuusayo weynaynta maalmahaas ilaa aan aragnay madexweyne Farmaajo oo inta bururay qoob-ka-cayaar masraxa la fuulay isagoon is ogayn. Waxaa idaacadaha dowladda laga siidaayaa heesaha loo qaaday ciidamada waxaana meel walba lagu xardhaa astaamaha kala duwan ee lagu aqoonsado ciidamada. Bulsho weynta soomaaliyeed ayaa iyaguna muujiyo taageerada ay u hayaan ciidamada waxayna ooga qayb qaataan siyaabo kala duwan weynanta maalmahaas. Meelaha aan sida weyn ooga arki karno taageerada dad weynaha ayaa ah baraha bulshada oo ay dadku kusoo bandhigaan erayo ama sawiro muujinayo taageerada ay u hayaan ciidamada. Si taasi ka duwan, maanta oo ah (21/11/17) maalinti

Ma Saxbaa inaysan Soomaalidu Culimo Madax u Dooraan?

                                                                                         Suaalihii shalay (17/11/2017) Sheekh Maxamed Cabdi Umal lagu waydiiyay masaajidkiisa ayaa waxaa ka mid ahaa maxay culimadu ooga qayb qaadan la'dahay hannaanka nabad soo celinta Soomaaliya. Sheekhu wuxuu ku jawaabay "miyaad culimo u doorateen inay in maamuulaan"? intaas wuxuu  kusii daray "marki lagu yiri Soomaalidi soo doorta dad idin matalo ma jirin hal beel oo wadaad soo dooratay". su'aal ayuu dadkii kusoo celiyoo waxaa uuna yiri "mise waxaad rabteen inaan kursiga xoog ku qabsanno oo aan dagal oogayaasha ku biirno?" suaasha dadka iyo jawaabta Sheekhu waxaa ka muuqdo ugu yaraan aqoon darro, haddaysanba dafir ahayn, ku saabsan doorka culimadu ku lahaayeen siyaasadda soomalida iyo maantana ku lee yihiin.  Inta aanan galin sidaan ugu arko, aan caddeeyo inaan anigu ku tirsanahay wadaaddada. Tuulada yar ee an daganahay Soomaalida dagan waxay iigu yeera

Cawimaad mise Curyaamin: Maxay tahay sababta Maraykanku Raashinka u siiyo Afrika

                                                                                                                                                     Waxaa indhaeenna ku badan kiintaallada haruurku ka buuxo, tanagyada saliidda lagu cabbeeyay, kiishashka lagu ningaxay boorashka macaan ee nafaqadiisu waqti yar haweenka iyo caruurta macaluushu hayso ku cayiliyo. Dhammaan alaabtaan waxaa ku sawiran calanka buluuga iyo casaanka isugu jiro ee lagu xardhay xidigiha ee Maraykanka, hoosna waxaa far waaweyn lagu dhigay “USAid” gargaarka Maraykanka. Nacfigaan kali kuma nihin ee waxaa sideenna oo kale helo dhammaan walaalaheenna ku nool qaaradda madow. Sanadki hore (2016) wuxuu Maraykanku bixiyay raashin qiimihiisu yahay 2.2 bilyan doolar. 80% raashinkaan waxaa la siiyay Afrika. Hadaba side ku billaabatay raashin bixintaan yaase faaiido ku qabo? Goormaa la billaabay? Dagaalki labaad ee adduunku wuxuu dhaawac xooggan gaarsiiyay waddamadii galbeedka Yurub. Gaajo, macaluul iyo maal

Maxay Ree Yurub Turki ku Diideen?

                                                                                                 1987-ki illaa waqtigan aannu joogno ayuu Turkigu raadinayaa inuu kamid noqdo midowga Yurub walina ma naasa-cadda in qoyska  lagu daro si ay quud iyo qaaraan ula wadaago. Haddii midowga lagu darana faa,iidooyin badan ayuu helayaa oo xag dhaqaale iyo xag awood diblomaasiyadeedba leh. Ree Yurub oo aan xoolahooda been-been lagu cunin, ayaa  daraasad ka diyaariyey dhibaatada u imaan karto haddii Turki ku biro midowgooda. Natiijadi  daraasadda waxaa ugu mhuiimsan odobadan. 1- Tiro badnaan ay la socoto Muslinimo: Turki hadda waa 75milyan, 2050-ka wuxuu noqon doonaa 91 milyan sidaana wuxuu ku noqonayaa wadanka ugu badan midowga Yurub, wuxuu yeelanayaa kuraasta ugu badan ee baarlamaanka midowga Yurub  sidaana uu ka mid noqdo xubnaha ugu firfircoon barlamaanka. Waxayna qabaan cabsi ah maadamaa Turki muslim yahay  inuu awood sharciyeed uu ku yeesho midowga Yurubna uu markaa ku qasbanaado

Iskool Dhigashadu Macnaheedu Maahan Waxbarasho. Qeybtii-3aad.

                                                              Waxaan qormadi kowaad si kooban ooga hadalnay dhibaatooyinka haysto waxbarashada adduunka iyo sida caruur badan loo hafro. Tii xigtay waxaan ku eegnay meelaha uu farqiga balaaran ka jiro iyo sababaha qaar ka mid ah. Middaan waxaan ku eegi doonnaa mid ka mid xalalka ay warbixinti Bankiga Adduunku soo jeedisay oo ah Qiimayn (measurement/assessment). Maxay u jirtaa dhibaatada haysato waxbarashada adduunka? Maxaa keenay in ilmo afar sano iyo ka badan fasal fadhiyay wali u yahay ummi? Maxay bahda waxbarashadu mushkiladahaan xal ugu la’yihiin? Mid ka mid ah sababaha ugu weyn waa inta badan waddamada adduunku aysan lahayn nidaam lagu ogaado kan waxbaranayo iyo kaan baranayn. 121 dal oo xog-raadin lagu sameeyay, hal-sadexaad (40 dal) kaliya ayaa yeeshay keyd-xogeedka (data centre) waxbarashada dugsiayada hoose/dhexe. Si tani loo xalliyo, inkastoo aysan ku filnayn inay baabi’iso dhibka oo dhan, waa in helaa nidaam qiimayn

Iskool dhigashadu Macnaheedu Maahan Waxbarasho: Qeybti 2-aad.

                                                                                                                         Waxaan qormadi hore kaga warrannay si kooban heerka aqoonta caruurta dhigato iskoollada ee ku nool dacallada adduunka. Waxaa soo sheegnay in dalka baraasiil ay ku qaadanayso 75 sano inuu soo gaaro heerka aqoonta xisaabta ay ka gaaraan caruurta ku nool waddamada hodanka ah, halka ay 260 sano ku qaadanayso inay kala mid noqdaan akhriska. Hadaba maxaa sababay fogaanta intaas la eg? Maxay fogaanta xisaabtu ooga yartahay midda akhriska, miyuusan akhrisku ka fududayn xisaabta? Su’aalahaan jawaabahooda loogama faalloon warbixinta Bankigu daabacay laakiin waxaa isku dayi inaan fikrad kooban idinka siiyo annigoo isticmaalayo waayaragnimadyda iyo baaritaan kale oo aan sameeyay. Marka hore, xisaabta iyo akhriska waxaa fudud in la barto xisaabta. Uma baahnid inaad aqoonyahan tahay inaad taas ogaato. Dib u milicso dadki aad taqaanay. Odayga reer miyiga iyo haweeneeyda su

Contact Form

Name

Email *

Message *