![Maxamed Ibraahim Xasan's profile photo, Image may contain: 1 person, sunglasses and close-up](https://scontent-lht6-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-1/c0.0.240.240/p240x240/14716122_570357729826315_5472114488291034992_n.jpg?oh=49cdeff4a8765aa6d769db8a227ab784&oe=5A938D1A)
1987-ki
illaa waqtigan aannu joogno ayuu Turkigu raadinayaa inuu kamid noqdo midowga
Yurub walina ma naasa-cadda in qoyska
lagu daro si ay quud iyo qaaraan ula wadaago. Haddii midowga lagu darana
faa,iidooyin badan ayuu helayaa oo xag dhaqaale iyo xag awood
diblomaasiyadeedba leh.
Ree Yurub oo
aan xoolahooda been-been lagu cunin, ayaa daraasad ka diyaariyey dhibaatada u imaan karto
haddii Turki ku biro midowgooda. Natiijadi daraasadda waxaa ugu mhuiimsan odobadan.
1-Tiro badnaan ay la socoto Muslinimo:
Turki hadda waa 75milyan, 2050-ka wuxuu noqon doonaa 91 milyan sidaana wuxuu ku
noqonayaa wadanka ugu badan midowga Yurub, wuxuu yeelanayaa kuraasta ugu badan
ee baarlamaanka midowga Yurub sidaana uu
ka mid noqdo xubnaha ugu firfircoon barlamaanka.
Waxayna
qabaan cabsi ah maadamaa Turki muslim yahay
inuu awood sharciyeed uu ku yeesho midowga Yurubna uu markaa ku
qasbanaado udoodida arimaha islaamka oo
uu difaaco qadiyadaha mulimiinta.
2- Cabsi dhaqaale: waxay qabaan in hadii lagu daro dad badan oo
Turki ah ay u socdaalaan wadamada Yurub oo shaqada ay ku cariiriyaan dadka kale
maadaama ay ka shaqaalo jaban yihiin, badeecada Turki soo saaro oo ay ka
baqayaan in ay ku fatahaan suuqyada Yurub, sidoo kale in shirkadaha ree Yurub ay si weyn u
maalgashadaan wadanka Turkiga sidaana uu ku noqdo suuqa Yurub ugu weyn maadamaa
uu haysto 75 milyan oo halmeel wada dagan.
3-Dood xagga juqraafiga ah: Dalka Turkiga
boqolkiiba 97 waxa uu ka tirsan yahay qaaradda Aasiya marka in boqolkiiba 3 uu
yurubnimo ku helo inaysan sharci ahayn ayay ku doodayaan.
4- Cabsi dhinaca diinta iyo dhaqanka ah: Taariihkda,
diinta, iyo hiddaha Turkiga waxa ay ku arooraan bartamaha Aasiya iyo Bariga
Dhexe oo dadkoodu isaga dhow yihiin dadyow kasta oo dunida ku nool oo hiddo iyo dhaqan
aysan dadyowga ree Yurun aysan la wadaagin.
Sidoo kale
wax badan oo ka dhexeeyo ree Yurub inaysan la wadaagin waaya aragnimada iyo
sooyaalka taariikheed ee ay kamid yihiin dhaxalka dhaqan iyo aqooneed ee ay
kala hareen casriyadii la baxay Ilayska iyo kor-ukaca, dhibaatadii iyo xanuunka
ay wadaagaan dalalka hada midowga Yurub
ku jiro ee kasoo gaartay dagaalkii labaad ee aduunka oo sabab u ahaaba
dhalashada fikirka midnimada Yurub. Dadka Turkigana ay yihiin Muslim hidde iyo
dhaqan ahaan si buuxda uga duwan dadka Yurub oo iyaga dhaqankoodu ku arooro Kiristaan.
Waxaa intaas
dheer, marka taariikhda Turkiga dib loo raaco, xiriirka ka dhexeeyo Yurub iyo
Turkiga wuxuu ku aroora kuwii bilowday
waqtigii dawladda Cusmaaniyiinta ee ay inta cudud ciidan ku qabsatay, muddo
dheerna ay wadamo badan oo ree Yurub ah maamulaysay taasina ay ree Yurub ku
reebtay boog aan wali bogsan. Waxay xeeldheerayaasha Ree Yurub ee
cilmi-baarista sameeyay warka kusoo hooriyeen:
In aanayba Turki isku cid ahayn.
Waxaan ka
qaadanaynaa cashirkaan in noloshu ubaahan tahay qorshayn ka duwan mida aan hadda
ku noolahay oo la mid ah dad saaran doon aan lahayn naakhuude, dadka saarana
aysan aqoon, darawal la’aanta ha joogtee,
meel ay u socdeen markii horeba, arinkeenuna uu yahay bal waxa uu waa la baryo aan dhawrno.
Sidoo kale waxaan
ka fahmaynaa, aduunka inaan lagu eegin maanta waxa taagan ee la qorsheeyo
sanado badan waxa soo socdo. Waxaan la yaabay in daraasadda ree Yurub ay qorshaha ku darsadeen Waxa
50sano kadib imaanayo.
Waxaa kale
oo baraarujin mudan sida reer Yurub uga fakerayaan ilaalinta dhaqankooda iyo
diintooda oo ah sababta ugu muhiimsan ee ay Turki ood-afada isaga saareen. Waxaan
aragnaa in aqoonyahkeenna ay cajabiso afkaarta dhaqan-dhaqaale ee ree galbeedka
iyagoo ku doodayo Yurub waxay horumar ku gaartay inay diin iyo dhaqan meel iska
dhigeen danahoodana aqoonsadeen. Sidaa awgeed
waxaad arkaysaa in marka diin lasoo qaado, dhaqanka in lagu fara adaygo aad ka
hadasho, ree galbeedku inay wax khaldayaan oo dahankeenna duullaan ku yihiin
aad usheegto in lagugu tuhmo mintidnimo iyo mayal-adayk.
Bal u fiirso
waa ree Yurub waa raggaa hada aduunka haysto, waa 28 waddan waxa ayna ka
baqayaan hal waddan hadii ay wax ku darsadaan waxa uga imanayo. Waxay walaac ka
qabaan diintooda, dhaqankooda, iyo dhaqaalahooda inay wax soo gaaraan.
Ugu danbayn
waa in aqoonyahankeennu gartaa in aqoontu
qiimo ku leedahay dhaqanka iyo diinta, waxa aqoonta loo yeeshana ay tahay in
lagu ilaaliyo danaha dadkaada iyo qaayasoorkooda. Aqoon lagu dumiyay aasaaska
jiritaankaada maahan mid qiimo leh. Horumar baabiyo sooyaalkaadi iyo
taariikhdaadina horumar maahan. Taasina waa sababta ay reer Yurub si walba oo
ay noloshooda u hormariyeen ay wali ugu faanaan inay yihiin kiristaan.
W/Q: Maxamed Ibraahim Xasan
Comments
Post a Comment