Skip to main content

Posts

Showing posts from April, 2019

Ogaysiis

Akhristayaasha qaaliga ah ee boggaan ku taxnaa waxaan ku wargalinayaa inaan u wareegay degelka humbaale.com. Dekelkaan ayaan idin kula wadaagi doonaa casharradi waanada iyo wax sheegga ahayd ee aan halkaan kusoo bandhigi jiray. Fadlan ku xiran humbaale.com. Mahadsanidin

Seddex Tusaale oo na baraya doorka lataliyayaashu ku leeyihiin go’aanka madaxdu gaarto.

                                     Madaxweyne, raysulwasaare iyo wasiir kasta wuxuu leeyahay lataliyayaal farabadan. Lataliyayaashu waxay qabtaan howlo kala duwan. Qaar ayaa magaca lataliyo sito laakiin madaxweynaha boorsada kaliya u qaado, qaarka albaabka gaariga iyo ganjeelka guriga kaliya ayay furan halka qaar ay yihiin kuwa go’aannada masiiriga ah wax ka gaaro. Lataliyayaashu waxay mararka qaar madaxdooda ku matalaan shirar, waxay diyaariyaan dukumiintiyo ama waxay wakiil ooga noqdaan shaqo muhiim ah. Lataliyayaashu shaqada kuma helaan tartan ay u galeen mana aha jago dadku u simanyahay. Baddalkeeda waxaa lagu helaa sida uu ruuxu daacad ugu yahay ruuxa uu latalinayo iyo saaxiibtinnimada kala dhaxayso. Inta badan madaxda ayaa lataliye u magacawdo shaqsiyaadki ugu kaalmeeyay inay xilka ku guulaystaan. Lataliyayaashu kala awood badan una kala dhow madaxdooda. Tusaale, Karl Rove waxaa laga aaminsanaa inuu ahaa maskaxdi uu ku shaqaynayay madaxweyne Buushki yaraa. Si la

Three examples that teach us why it is important to choose advisors on merit system

Every leader, every minster and every institution of modern governance has many advisors. These advisors hold different roles and responsibilities in the government ranging from bag carriers and door openers to being at the centre of the government’s policy and decision-making. Their appointment is patronage and not open to all thus, ministers or leaders choose their close friends or people who helped them win and maintain office as advisors to reward for their support. Advisors act as proxies for their respective ministers or bosses by attending meetings, preparing documents and even hearing representations. Some are more powerful than others are and some are more close to the leaders thus, more influential in decision-making and policy settings. Karl Rove, for example, was known as the brain of President George W Bush while Farah Abdul-Kadir was known as the man behind the scene during Hassan Sheikh’s presidency. However, advisors are more influential than most of us know. In

Soomaaliland Eed ma leh inta Koonfur sidatan u dhaqmayso

Inta aanan guda galin dooddayda aan labo arrimood sii hormarsado. Tan koobaad waa in hadalka aan halkaan kusoo gudbin doono uu yahay aragtidayda shaqsiyadeed sidaas awgeedna aanan cidna ku matalin. Tan labaad waa inaan aaminsanahay Soomaali-weyn. Taasi waxay ka dhigantahay in aanan marnaba ka raalli noqon karin inta hartay oo sii kala tagto. Soomaalidu waa dad tiro ahaan aad ooga yar dhulka ay dagganyihiin. Gobalka walba oo dhul weynaha soomaaliyeed ka mid ah inta ku nool toban jibberkeed ayuu qaadi kari lahaa balse dad buuxiya lama hayo. Dhinaca kale waxaa dul yaxoobo dadyow aad u tiro badan oo dhulku cariiri ku yahay. Dadkaasu dhulka bannaan ee u dhow waa ay arkaan una hanweynyihiin. Sidaas awgeed isla joogidda waxay kaalmayn in cudud xooggan oo laga cabsado aan yeelanno. Halka kala taggu uu sahlayo in midba dhinac loo cuno innaga oo aan isu gurman karin. Tusaale waxaa noo ah Jabuuti marki ay kusoo duushay Eritareeya. Uma aannan diri karin ciidan, xataa afka kama sheegi karn

Warbixin Kooban. Safarkaygi Gobalka Gedo. Q5

Qormadi inoo danbaysay waxaan ku sheegnay inaan ku xijin doonno adeegyada biyaha iyo korontada. Waxaan si gaar ah ugu xusayaa labadaan adeeg muhiimmadda gaarka ah ee ay u leeyihiin nolosha aadanaha iyo inay halbeeg u yihiin horumarka ummadi samaysay.  Dabka Gobalku horumar muuqdo ayuu ka sameeyay xagga quwadda dabka. Inta badan magaalooyinka waaweyn waxay leeyihiin koronto joogta ah oo hal shirkad ay bixiso. Baladxaawo iyadu waxaa ka howl galo labo shirkadood oo marki hore hal ahaa haddase labo u kala baxay. Shacabku wuxuu helaa koronto joogta ah oo la isku hallayn karo. Sidoo kale, dagmada Luuq ayaa iyaduna intaan gobalka joogay loo dhammaystiray galinta dabka iyadoo heshay quwad koronto oo si joogta ah la isugu hallayn karo. Garbahaareey oo muddo dheer qabtay baahi koronto ayaa iyaduna hadda shaqo wanaagsan ka socotay. Waxaa gabo gabo marayay xiridda koronto saacad walba ah. Awal (xataa intaan anigu joogay) korontadu waxay joogtay saacado kooban oo waliba aad u yar

Contact Form

Name

Email *

Message *