Skip to main content

Posts

Showing posts from September, 2018

Lix Sano iyo Bar Shirki Koowaad oo aan Tagay Maxaan kala soo Kulmay?

Shir looga hadlayo arrimo bulsho oo aan tago waxaa iigu danbaysay bishii kowaad sanadki 2012'ki. Bishaas waxaa muddo asbuuc gudahiis ah aan tagay labo shir oo aan safar u galay. Rafaadki aan kala kulmay iyo faaido la'aan aan kala soo noqday darteed waxaan go'aansaday inaan joojiyo tagidda shirarka ceynkaas. Waqtigaas ka dib, kama qayb galin wax shir ah marki laga reebo kuwo shaqo ama ururro aan ka tirsanaa ku saabsanaa. Sabtidi hore ayaan helay farriin casuumaad shir ka dhacayo tuulada aan daganahay. Inaan tagin ayaa markiiiba qalbigayga kusoo dhacday, laakiin ninkii isoo diray farriinta oo ah ruux aktayda xurmo ku leh dan muhiim ahna ummada u hayo oo aan isku aragnay masaajidka ayaa iga codsaday inaanan ka maqnaan shirka waana ajiibay. Shalay oo ahayd maalinti uu shirku dhici lahaa, laga soo billaabo waqtigaan u kacay salaadda subax ilaa saacaddi uu shirku qabsoomi lahaa inti u dhaxaysay saacad aan nasto ma helin. Howlo taxan ayaan midba mar qabanayay oo ay uu

Deynta Baanka Adduunku dhib iyo dheef kee u badantahay?

Maalinti shalay ahayd, Bankiga Adduunka ayaa sheegay inuu ansixiyay deynti ugu horraysay ee uu siiyo Soomaaliya muddo soddon sano ah. Deyntaan oo gaarayso 80 milyan oo doolar ayaa si ballaaran loogu dabbaal dagay. Dowladda Soomaaliya iyo Baanka Adduunka ayaa ku tilmaamay guul usoo hoyatay dowladnimada Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeed ayaa iyaguna u arkay tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday iyo calaamad muujinayso taabbagalka dowladnimada. Waxaa sidoo kale jiro dad markiiba walaac ka muujiyay shakina galiyay faaiidada ku jirto halka qaar la soo boodeen waa dhib soo kordhay. Si aan aragtiyada ooga dhiibto arrintaan waxaan halkaan kusoo gudbin qormo kooban oo cabbirayso dhib iyo dheef kan ay u badan tahay deyntaan. Baanka Adduunku wuxuusan Soomaaliya dowlad ahaan ula macaamilin muddo sodoon sano ah. Tallaabada uu shalay qaaday waa mid muujinayso inuu Soomaaliya u aqoonsaday dowlad jirta oo mudan in loola macaamilo sida dowladaha kale. Miyaysan ahayn wax lagu farxo inuu ku aa

Maxaan kusoo Arkay Xamar?

Xamar ayaan tagay 18'ki July 2018. waxaan ka dagay garoonka caalamiga ah ee Adan Cadde. Laga billaabo markaan diyaaradda ka dagay ilaa maalintaan soo baxay waxaan la kulmayay waxyaabo i cajab galiyo oo yaab iyo faraxba leh. Waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago waaya-aragnimadi aan kala soo kulmay Xamar waa intaasoo ay wax un tartaaye. Markaa diyaaradda kasoo dagato oo aad garoonka gudaha usoo gasho waxaa taagantahay qaybta socdaalka (immigration). Diyaaradda halka la dhigo iyo xafiiska socdaalka waxaa u dhaxeeya oo kaliya derbiga hoolka. Taasi waxay muujinaysaa yaraanta garoonka. Saf baan galnay, muwaadin iyo ajaanib baa ku kala qoran. Laakiin intii meesha socotay oo aan anigu ku jiro muwaadinba kuma jirin oo wada ajaanib ayay ahaayeen inkastoo dhalasho ahaan ay Soomaali ahaayeen. Qaybta socdaalka waxaa yaal qalab casri ah. Waxaa ka mid ah qalabkaas digital camera iyo digital finger printer. Taasi waa tilmaan tusayso horumarka garoonku sameeyay iyo la mid y

Contact Form

Name

Email *

Message *