- Get link
- Other Apps
Madaxweyne, raysulwasaare iyo wasiir kasta wuxuu leeyahay lataliyayaal farabadan. Lataliyayaashu waxay qabtaan howlo kala duwan. Qaar ayaa magaca lataliyo sito laakiin madaxweynaha boorsada kaliya u qaado, qaarka albaabka gaariga iyo ganjeelka guriga kaliya ayay furan halka qaar ay yihiin kuwa go’aannada masiiriga ah wax ka gaaro. Lataliyayaashu waxay mararka qaar madaxdooda ku matalaan shirar, waxay diyaariyaan dukumiintiyo ama waxay wakiil ooga noqdaan shaqo muhiim ah. Lataliyayaashu shaqada kuma helaan tartan ay u galeen mana aha jago dadku u simanyahay. Baddalkeeda waxaa lagu helaa sida uu ruuxu daacad ugu yahay ruuxa uu latalinayo iyo saaxiibtinnimada kala dhaxayso. Inta badan madaxda ayaa lataliye u magacawdo shaqsiyaadki ugu kaalmeeyay inay xilka ku guulaystaan. Lataliyayaashu kala awood badan una kala dhow madaxdooda. Tusaale, Karl Rove waxaa laga aaminsanaa inuu ahaa maskaxdi uu ku shaqaynayay madaxweyne Buushki yaraa. Si la