Skip to main content

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

 



Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga. 


Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay). 


Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro.


Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu buugga waxa uu uga warramayaa waqtiyo dhib badan oo soo maray qoraha iyo sidii uu ugu adkaystay. Gogoldhigga buugga, qoruhu waxa uu ku taxay dhacdooyin argagax leh oo noloshiisa soo wajahay kuwaas oo u dhexeeya sumcaddil iyo iskuday khaarajin intii uu siyaasadda ku jirey iyo mar uu ahaa shaqaale caadi ahba. Hasa-ahaatee markii aad billowdo akhrinta buugga waxa aad ogaanaysaa in dhibtu la kowsatay Cabdiraxmaan saacadduu ifka yimid. Si ka duwan siyaasiyiinta Soomaalida badankood, Cabdiraxmaan wuxuu ku dhashay isbitaal. Markii hooyadii laga soo qabtay ayuu ka fakaday gacmaha umilisada. Kalxanta bidix ayuu ka jabayaa ka dibna waxa qarinaysa umilisada oo ka soo jeedday dalka Filibbiin. 


 Markii la ogaado in uu jabanyahay ayaa, lama aamusin e, dedaal loo galayaa raadinta xuquuqdiisa. Abbihii ayaa waqti gelinaya in uu ka gungaaro tacaddiga dhacay iyo qarinta. Ugu danbaynta samir ayuu qoysku dooranayaa waana la socanayaa dhibkaas. 


Dhacdadaas oo keliya ayay dadku qaarba si u akhrisan karaan. Qaar baa oran shiddada uu maanta la joogo uurka hooyadii ayuu la joogay oo markii uu duniada yimidba wuxuu ka farabaxsaday umulisadii. Qaar kale ayaa oran nolosha ayuu dhibbane u noqday ilaa maantuu dhashay oo dadka iyo waayuhuba waa ka hiilliyeen. Isaga iyo in kale oo badan waxay oran halganka iyo adkaysiga ayuu halkaas ka billaabay oo waxaa loo diyaarinayay inuu noqdo hoggaamiye adkaysi badan kuwa dhibaateeyana cafiya!


 Inkasta oo maalmo qurux badan iyo sanado kifaax ay marar badan soo marayaan noloshiisa, Cabdiraxmaan harjadkaas iyo halgankaas ayuu ku jirayaa ilaa maantana wuu ku jiraa. 


`buuggu waxa uu ku qoranyahay luuqad fudud. Waxaa loo qorey hab sheeko. Waa sidii adiga oo dhegaysanaya sheekatahan kaaga warramaya facaad aad xiise gaar ah u haysay. Waxaa kaaga warramayaa dhacdooyin qoruhu goobjoog ka ahaa. Inteennii la socotay wararka siyaasadda, waxa uu siinayaa doodihii laga soo dhiraandhiriyay war murtiyeedka lanoo akhriyay. Natjiiada aan haysanno sidii lagu keenay, siyaasyiintii ka qeybgashay mowqifyada ay kala qaateen iyo meelaha mideeyay


Buuggu wuxuu dul istaagayaa siduu Cabdiraxmaan ku soo galay siyaasadda, kaalintisii dhismaha ururkii qurbajoogtaa ee markii danbe qayb ka noqday isbahaysigii dib-u-xoreyta ee Casmara. Halkaan laga billaabo Cabdiraxmaan waxaa uu noqonayaa xubin muhiim ah oo siyaabo kala duwan uga soo muuqanaya goobaha lagu gorfeynayo mustaqbalka dalka. Wuxuu ku dul geynayaa doodo adag, dibindaabyo iyo is-mijaxaabin. Siyaasiyiinta Soomaalida ayuu kaa siinayaa sawir qaabdaran. Macnadarrada ay ku mashquulsanyihiin iyo hooseynta fekerkooda ayuu dhab kuu barayaa. Wuxuu ku laqinayaa sida ay u dhaqmaan dowladaha taageero ururrada Soomaalida markii ay ka waayaan danahooda. Tusaale nool ayaa ku jira tallaabooyinkii ay qaadday Casmara markii la yiri dowlad loo dhan yahay baa la dhisayaa!


Waa buug dad badan ka caraysiin doona ama ugu yaraan ay dhibsan doonaan. Qaar ayuu sumcaddooda dhaawac weyn u geysan doonaa. Dadka aan is leeyahay kama aamusi doonaan waxaa ka mid ah Sheekh Shariif sheek Axmed. Buuggu wuxuu keenayaa dhowr dhacdo, oo haddii ay dhab yihiin, ku baraya shaqsiyadda Shariif. Ballan la’aan, munaafaqayn, hawaraacnimo iyo nooc mooryaamayn ah ayuu ku sifaynayaa buuggu. 


Hasa ahaayee tilmaamahaan maaha kuwo meel lagu taxay ama loola jeeday in Shariif lagu sumcad dilo. Se waa kuwo laga akhrisan karo hab-dhaqanka Shariifka meelaha uu ka soo galo buugga. Tusaale, markii lagu heshiiyay in ay wada hadlaan dowladdii KMG ahayd iyo isbahaysiga dib-u-xoreynta, waxaa laga dooday cidda shirka ku matalaysa isbahaysiga. Dood dheer ka dib waxaa la isku raacayaa in Cabdiraxmaan la wakiisho. Arrintaas Shariif afka wuu ka aqbalay laakiin uurka kama jirin. Wuxuu watay AUNtee Dr Ibraahin Caddow oo aan xubin ka ahayn golaha dhexe ee guddiga isbahaysiga. Waxaa la kala tagayaa iyada oo isku ogyahay in guddiga wadahadalka uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan. 


Shirka waxaa loo asteeyay in uu billowdo 1/5/2008. Jabbuuti ayaa la isugu tagay. Waxaa la sugayaa in uu shirka furmo. Haddaba maxaa dhacay? Cabdiraxmaan waxaa uu ku qorey bogga 92aad:


… waxaa yimid saddex nin oo raggii maxkamadaha ahaa oo sheekh Shariif qoraal ka wada… qoraalka oo uu Sheekh Shariif ku saxiixnaa ayay u gudbiyeen xafiiska Ergeyga Gaar ah… waxaa qoraalka ku qoran in Prof Ibraahin Xasan Caddow uu yahay madaxa guddiga wadahalka. 


Heshiiskii lagu soo kala tagay iyo wixii la isku ogaa oo dhan inta laalay ayuu keligii go’aan ku qaatay in uu wakiisho nin ay saaxiibbo iyo koox yihiin. Ma uusan xeerin xeerarkii ururka, ballankii uu galay iyo maslaxadii loo socday. Ka sii darane isma uusan weydiin awood ma u leedahay in aad adigu magacowdo cidda aad doonto. 


Waa tusaale nool oo na baraya sida madaxda Soomaalidu u aragto xilka. Qofkii meel yar loo dhiibo waxaa uu isu haystaa in uu keligii talada leeyahay. Siduu doono ayuu ugu tegrifalaa wax uu xeeriyana lama arko. Ballan la’aanta noocaan mar kale buuggu wuxuu ka sheegayaa Xasan sheekh teeramkiisii hore. Wuxuu xusayaa ballan uu ka qaadayo Maraykanka haddana uusan halkeedii ka qaadin. 


Meelo kale oo dhowr ayuu buuggu sheekh Shariif ka sheegayaa amuuro yaab badan. Doorashadii 2017-kii ee Farmaajo ku soo baxay, masalanba, Shariif wuxuu soo jeediyay in aan la aqoonsan Xasan hadduu mar kale soo baxo. Cabdiraxmaan wuxuu yiri aniga iyo Farmaajo iyo murashxiintii kale waxaan ku qancin waynay Shariif in doorashada qofkii ku soo baxaba ay tahay in la aqoonsado. Shariif wuxuu taagnaa Xasan marna ma aqoonsan doono. Bogga 244 waxaa ku qoran:


… wuxuu soo jeediyay in aan la aqoonsan natiijada doorasha hadii ay iyagu guuleystaan. Dooddii waa sii dheeraatay. Sheekh Shariif xanaaq badan ayaa ka muuqanayay, wuxuuna ku adkaystay soo jeedinstaas…Wuxuu ku celicelinayay kuna adkaysanayay in uusan ictiraafarynin haddii nimankaasi soo baxaan. 


Inkasta oo uusan buuggu xusin, waxaa jirtay in Shariif yiri hadal intaas oo kale tusayay habeenkii Xasan dib loo doortay. Wuxuu yiri “Farmaajo in uusan soo bixin ayaa u fiicnayd waayo lama aqoonsadeen hadduu soo bixi lahaa”. Halkaas waxaa ka muuqato in Shariifku mar walba diyaar u yahay inuusan aqoonsan madaxweynaha xilka haya haddii dib loo doorto. 


Waxaa ka buuxa buugga dhacdooyin sidaan oo kale kuu baraya siyaasiga Soomaaliga. Wuxuu ku dul geynayaa Xasan oo madaxweyne ah oo ka cabsanaya in lagu yiraahdo Shabaab ayaad xiriir la leedahay hadduu yiraahdo wadahadal ayaan ku dayayaa kooxaha hubeysan. Wuxuu kuu keenayaa Faarax Cabdiqaaddir oo ku fadhiya kuraasta laba wasiir oo laga reebay shir ay ku qornaayeen. Wuxuu ku marinayaa madaxda Soomaalida oo sidii carruurta loo canaanayo. 


Buuggu wuxuu ku tebinayaa kaalimihii Cabdiraxmaan ku lahaa wadahadlkii Jabbuuti, arrintii badda, heshiiskii Kambaala ee Farmaajo lagu tuuray ilaa doorashooyinkii Xasan oo laba jeer ah iyo Farmaajo. Wuxuu tafaasiil ka bixinayaa doorkuu ku lahaa maareeyntii xildhibaannadii Ceelwaaq iyo qabsoomiddii doorashada guddoonka baarlamaanka. Wuxuu qorayaa eedaymo culus sida bixinta laaluush uu isagu qeyb ka ahaa lana siiyay AUNtee Farxaan Qaroole si loo suurageliyo qabsoomidda doorashada guddoonka!


Wuxuu soo tebinayaa dhacdooyinkii uu qaybta ahaa ama xiriirka la ahaa qoraha buugga sidaa darteed wax badan oo aad raabtay in aad marxalad ka ogaato ayaadan ka wada helayn. 


Buuggu ma laha wax badan oo lagu dhaliilo xagga qoraalka, farriin gudbinta iyo xiisagelinta. Hasa-yeeshee qoraha iyo siduu isagu isu sawiray waa ulo booco. Wax naqdin ah kuma uusan samayn taariikhdiisa siyaasadeed. Nooma sheegin wax ka khaldamay oo uu cashar ka bartay ama khaladaadkiisii horseeday qaarka mid ah guuldarrooyinkiisa. Guuldarro siyaasadeed oo walba cudurdaar buu u raadshay. Tusaale, raggiisii ilaa Casmara ay wada socdeen ayaa xilkiisa siinaya rag ay isku jifo yihiin si loo qanciyo koox ay ka tirsanayeen. Waqtigii Xasan ayay sidaa oo kale ku dhacaysaa. In xilka uu ugu fadhiiyay qolodiisa looga qaado mid la qabiil ah dabcan waxaa qayb ka ah in ninka kale ka saamayn badan badnaa oo uu haystay wax qasbaya in lagu beddelo. Xilalka uu sheegay oo dhan waa kuwo xal looga raadiyay koox fallaaga ah sida Ahlu-sunnadii sheekh Shaakir. 


In sidaas wax u dhacaan Cabdiraxmaan wuxuu ku eedeeyay habqaybsiga 4.5. Taasi waa qayb jawaabta ka mid ah. Laakiin taas oo keliya ma aha sababta. Cabdiraxmaan hadduu ka tirsanyahay koox xoog badan ama uu dhisnaan lahaa urur ama awood wax yeeli karta dowladda xilkiisa loogama qaadeen ina adeerkii. Isaga iyo macallin Maxammuud farqiga u dhaxeeya waa keliya in macallinku madax u yahay koox adag oo xal laga rabay halka Cabdiraxmaan uu yahay keligii duul. 


Si la mid ah hadalladii badnaa ee buuqa kicin jirey marar kala duwan ayuu dhammaan isku dayayaa inuu sharxo oo si kale u dhigo. Cabdiraxmaan waxaa lagu yaqaannaa nin hadlo marar u caraysanyahay. Caradaas waxaa ay keentaa inuu ku hadlo erayo iin leh oo ku qasba in uu mar kale sharraxaad ka bixiyo. Waxaa ka mid ahaa “martida” oo uu ula jeeday dowladda in ay Muqdisho marti ku tahay taasoo dabcan ka dhignayd in cidda uu jeedo ay tahay madaxda dowladda ayaan muqdisho qabiil ahaan u dhalan. Bogga 272 ayuu arrintaan aad ugu sharxay oo uu iska dayay in uu yiraahdo waxa uu ahaa hadal siyaaqa (context) laga saaray. Sharraxaadda uu bixiyay wax inta aan fahannay ka badan kuma uusan sheegin!


Mararka qaar si uu difaaco hadal gef ah oo ka dhacay jawaabihii laga bixiyay waxaa uu galayaa badda shirqoolka (conspiracy theory). Tusaale ahaan hadalkii uu ka jeedin jirey Jarmalka oo ku saabsanaa Axaaddiista culimo badan ayaa ka falcelisay. Culimadaas waxaa ka mid ahaa sheekh Maxammed Cabdi Umal. Umal wuu ku fogaaday Cabdiraxmaan ilaa uu yiri yaan la dooran. Sheekh Umal waxaa lagu yaqaan inuu si kulul u hadlo. Sidoo kale waxaa lagu yaqaan inuu marar badan wax aan maqaam ahaaan la sinnayn uu ka hadlo. Degdeg badan ayaa lagu xantaa. Laakiin dabeecadahaasu waa kuwo abuuris ahe ma aha kuwo ku xiran cid uu adeegayo intaan ognahay. 


Hasa-ahaatee Cabdiraxmaan wuu leeyahay Sheekh Umal iyo culimadii kale ee weerarka ku qaadday waxaa soo direy N&N. wuxuu ku eedaynayaa in ay ahaayeen Ictisaam, Ictisaamna ay isu arkayeen in ay dowladda wax ku leeyihiin maaddaama Fahad oo ka tirsan uu awood badan ku lahaa. Sidaa darteed marka sheekh Umal uu leeyahay yaan la dooran Cabdiraxmaan waxaa uu u adeegayay dib-u-doorashada N&N ayuu qorey Cabdiraxmaan. waa eedayn aan daliil wadan, tuhun aan boos haysan iyo dood jaban!


Ugu danbayn Cabdiraxmaan waxaa uu ka mid noqday siyaasiyiinta fara-ku-tiriska ah ee iyaga oo siyaasadda ku jira wax noo qorey. Wuxuu noo keydiyay taariikh naga lumi lahayd, wuxuu nala wadaagay xogo naga qarsoonaa waxaa uuna danqiyay boogo dadkii ay ku yaalleen ay noolyihiin kuwaas oo ku qasbanaan doona in ay wax ka dhahaan. Taas, oo rejaynayno in ay horseeddo buugaag kale oo soo baxa. 


Adkaysi wuxuu ku barayaa qofka uu yahay Cabdiraxmaan iyo sida uu ugu adkaystay maalmihii adkaa ee soo maray. Adkaysiga Cabdiraxmaan waxaa si waafi ah noo fahansiinaya sida uu u arko codadkii uu helay labadii doorasho ee uu galay 2017 iyo 2022. Eyadadiisa ayaan qormada ku xirayaa. Bogga 311 waxa uu ku qorey:


Dabcan laba mar ayaan doorashada madaxweynaha ka qeyb galay. Middii hore sagaal cod ayaan keenay, tii danbana 15 cod ayaan helay. In kastoo uu gaabis yahay, haddana horumar ayaan sameeyay… welina waxaan ku jiraa dedaalkii iyo damacii qabashada hoggaanka dalka. 



Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com


Comments

Popular posts from this blog

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhac...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Contact Form

Name

Email *

Message *