Skip to main content

Posts

Showing posts from January, 2018

Maxaa laga dhaxlaa dhulka dad weynaha ee la siinayo shirkadaha gaarka loo leeyahay?

Waxaa dhawaanahaan nagu soo batay maqalka dhul la siiyay shirkad ama shaqsiyaad lagu sheegay inay maal galinayaan. Dhulkaan wuxuu ku yaal magaalooyin waxaana bixiyo maamulka markaas magaaalada gacanta ku hayo. Asbuucii lasoo dhaafay ayay ahayd markaan maqlaynay hooyooyin leh meeshi aan daganayn ayaa xoog la inooga raray. Kuwaas waxaa ka horeeyay kumannaan masaakiin ah oo dhul Xamar ku yaallo laga barakiciyay. Waxbo ka oran mahayo dhulalka aan kor ku xusay waayo xaqiiqdooda hoose waxba kalama socdo saxna maahan inaan go’aamiyo wax aanan ogayn. Laakiin waxaan halkaan idin kula wadaagi dhibaatooyinki ay dhaxleen dalalki horay ooga kireeyay dhulkooda shirkado maalgashanayo. Dhulka yaa leh? Sidaan qormo hore https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/2018/01/dhul-boobka-iyo-cawaaqibta-ka-dhalan_22.html ku sheegay dhulka Eebaa leh, aadanahana waa u wakiishay. Intii meel kuwada nool waxaa ka dhaxeeyo dhulka wixii kasoo haro intuu qof walba shaqsi ahaan u leeyahay. Tusaale, Soomaa

Keating Ha Loo Sheego

Madaxa UN-ta ee Soomaaliya Mudane Michael Keating ayaa Arbacadi warbixin siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Keating hadalkiisu wuxuu u badnaa dhaliil, eedayn iyo ka digid dhibaatooyin soo socdo, inkastoo uu tilmaamay horumarro ay dowladdu samaysay. Mudanaha ayaa dowladda ku eedeeyay xoog isticmaal, dag-dag iyo musuqmaasuq baahsan. Sidoo kale hadalka Keating ayaa laga dhadhansan karay inuu ayidayay warar ay qoreen warsidayaasha qaar, kuwaas oo tilmaamayay in Taabit isku dayay inuu xoog isticmaalo ciidamo beeshiisa ahna xarunta dowladda hoose uu geeyay, ka dibna dowladdu ciidan waydiisatay AMISOM balse lagu gacan sayray. Hadalkaas ayaa meel ka dhac ku ah guddoomiye Taabit iyo guud ahaan madaxda Soomaaliya. Haddii si kale loo dhigo, hadalku wuxuu noqonayaa madaxda soomaamlidu wali waa moryaan qabiil kaliya aaminsan. Ujeedka uu sidaa Keating ugu hadlay qormadaan ayaa kaga hadlay maadama aysan marki koowaad https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/search?updated-max=2018-01-

Muqdisho Maxaa ka Maqan?

Doodadda maqaamka Muqdisho maahan  mid nagu cusub. Ilaa maalinti maamul goboleedyadu dalka ka bilowdeen, reer Muqdisho waxay u halgamayeen in magaaladu maamul goboleed noqoto. Ree Muqdisho ayaa ku doodayo in caasimaddu mudan tahay inay noqoto maamul la  mid ah Jubbaland iyo Koofur-Galbeed. Waxaa is waydiin leh waxa uu ku dhisan yahay rabitaankaan? Anigu shaqsiyan waan fahmi waayay. Siyaasi darajada ugu sarrayso ee uu gaaro waa madaxweynenimo, magaalana maqaamka ugu sarreeyo ee gaarto waa caasimadda dalkeeda. Madax meel ka sarrayso oo la salaaxo ma jirto, muqdishana madixi ayay joogtaa ee xagee u socotaa? In badan waxaa lagu doodaa, haddii  Banaadir maamul goboleed noqdo wuxuu noqon maamulkaas sida maamullada kale sidaa darteed wixii kasoo baxo dakaddeeda, ayrapoorkeeda iyo canshuuraha laga qaado dadkeeda iyada kaligeed ayaa cuni. Ma is waydiinnay in sababta ayrapoorka Xamar iyo dakaddeedu lacagta badan u soo saaraan inay tahay maqaamka caasimadnimo ee ay haysato? Laca

Madasha Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum)

Sanad walba bisha janaayo dhammaadkeeda waxaa magaalada Davos ee dalka Iswiisarland isugu tago wafti ballaaran oo ka wada hadlo dhaqaalaha adduunka iyo sida loo kobcin lahaa. Waftigaan ayaa ka kooban madax waddameed, madax shirkadeed iyo milkiilayaasha shirkadaha adduunka ugu waaweyn iyo waliba tujaar maalgashato meelo kala duwan. Shirkaan wuxuu soo jiitaa indhaha hayadaha horumarinta iyo la dagaalanka gaajada ka shaqeeyo kuwaasoo soo saaro warbixinno ay ku iftiiminayaan caddaalad darrada maanshaysay dhaqaalaha adduunka iyo sida dadka saboolka ugu dulmanyahay dunida sii hodmaysa. Hodantinnimada saafida ah ee adduunku aad ayay u kobacday. Ilaa sanadki 2000, hodantinnimada saafida ah (net wealth) waxay korortay qiyaasti $114 tiriiliyan waxayna gaartay guud ahaan $280 tiriiliyan. Maraykanka ayaa dhaqay waddan walba waxayna gaartay hodantinnimadiisu $93 tiriiliyan. Midda Shiinaha ayaa korortay 300% muddadaan waxayna gaartay $29 tiriliyan taasoo ka dhigtay waddanka labaad

Dhul Boobka iyo Cawaaqibta Ka Dhalan Doonto

Tobanki sano ee lasoo dhaafay waxaa si xawli ah u kordhay dhulka bannaan ee dad iska oodanayaan. Magaalooyinka inta la iskala baxay ayaa dhulki xooluhu daaqi jireen la laan goostay iyadoo ka quud-darraynayo in maalin eegaas magaalo noqon doono. Eebe ayaa dhulka uumay sida uu ku sheegay aayadaha 25-26 ee suuratul Mursalaat waxaa uu dhulka ka dhigay mid ku filan aadanaha inta nool iyo inta dhimatayba. Laakiin basharka oo ah mid lagu imtixaamay hunguri weynin iyo dhuuninimo ayaa aaminay inuusan dhulku la ekayn sidaas awgeedna ootay intuu u baahan yahay in ka badan. Tirada dadka adduunka ku nool oo dhan waxaa lagu qiyaasaa 7.4 bilyan. Haddii sida New York looga dago, shucuubta adduunka oo dhan waxaa ku filan gobalka taxes oo Maraykanka u yaallo. Taxes inyar ayay Soomaaliya ka weyn tahay. Bal qiyaas haddii dadkoo dhan hal gobol la isugu geeyo inta dhul soo hari lahayd iyo sida looga faaiidaysan lahaa! Saas oo ay tahay adduun meel walba dhul la’aan ayaa ka jirto. Wax la ha

Naftiinna Ha Habaarina

Habaarku waxa uu ka mid yahay dagaalka lagalo noocyadiisa ugu halisan, habaarku waxa uu keenaa cirib xumo uusan keeni karin dagaalka gacanta ah, qofka la habaaray oo lala helay wuxuu sanado badan la baartaa cirib xumada iyo natiijada ka dhalato habaarka lagu gamay.  Waxaa kale oo la arkay inuuba ka talaabo xuduuda qofka la habaaray oo uu u gudbo faraciisa illaa dhawr fac. Habaarku waa noocyo badan yahay ee waxaa ugu halisan midka uu qofku mutaystay ee waalidka iyo qaraabada ay ku gantaalaan qofka. Waxaa jiro mid aabi iyo gardarro ugu dhoco qof aanwaxba galabsan balse waalidkii uu ku halgaaday si qooq iyo iskawarqab la aanah ugu dhoco. Midkaan danbe dad badan oo bari ah ayuu dhibaateeyey reero badan oo ladan oo saldanada xajinwaayey barwaaqada Allaah siiyey ku mahadeedii laga waayey  ayuu kooraha u gadiyey. Inta badan wuxuu ka imaadaa waalid iskala waayey oo nimcadu ka badatay waxaad maqli heblo iyo hebel iyaga oo qoys buuxo ah ayay ishabaari jiteen caruurta

Ilmaha Badiya aan Badbaadnee

Waxaa ayaamahaan warbaahinta soomalida kusoo batay xayaysiimo looga gol leeyahay in lagu yareeyo caruurta ay dhalaan dadka soomaaliyeed. Mid ka mid ah xayaysiimahaas ayaa ciwaan looga dhigay “hooyo ubadka kala kori”. Ii-dhehdaan ayaa waxaa lagugu tusayaa hooyo kaligeed ah oo haysato caruur isku nuug ah, oo intii mid ay xafaayada ka badalaysay kii kale dabka kusii ordayo, markay kaas soo qabo dhahdo kii u jiifay sii cararayo dabadeed daal iyo noog dhinac ula dhacayso. Sawirkaan oo lagu muujinayo dhibaato weyn oo ay qabaan hooyiyinka soomaaliyeed, tasoo oo ay sababtay ilmaha badan, ayaa waxaa ka qayb qaadanyo culumo akhrinayo aayado Qur’aan ah kuwasoo ay u daliishanayaan inay muhiim tahay in ilmo yar la dhalo iyagoo u dhigayo qaab ilmo-kala-korin ah. Intaas waxaa dheer war bixin ay sida wada jirka usoo saareen UNICEF iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay qabaan caruurta iyo hooyooyinka soomaaliyeed dhibaatooyin badan sida dhimasho waqtiga foosha. Dhimasha

Jubaland: Candhalaa Curatay

waxaan marka hore caddaynayaa inaanan siyaasi ahayn, arrimaha siyaasadda ee socdo dhulkeennana aanan aad u danayn. Waxa iga quseeyo, halkaanna aan ooga hadli doono waa wixii la xariiro horumarka oo ah mid aan daneeyo xiiso badanna aan u qabo la socodkiisa. Waxaa maalintii shalay ahayd la daah-furay xarunta khilaafaadka ee dagmada Garabahaareey. Xaruntaan ayaa noqonayso madal ay fadhiistaan odayaasha matalo qabaaillada dago dagmada Garbahaareey. Shaqada odayaasha ayaa ah inay xalliyaan wixii khilaaf ah ee ka dhex dhaco dadka ay mataalaan si looga maarmo maxkamad.  Xarunta oo hadda lagu billaabay guri kiro ah ayaa waxaa maal-galin doono maamulka Jubalad. Maamulka oo gacan ka helayo hayado caalami ah ayaa wado inuu dagmo walba ka sameeyo xarun noocaan ah oo la shaqayso waaxda caddaaladda. Waxaa la filayaa in sanadkaan gudahiisa la dhisi doono xarun ay madashu leedahay odayaashuna ay qaadan doonaan mushaar joogta ah.  Hadda, sidaan xogta ku helayo, waxaa la siin doonaa sh

Contact Form

Name

Email *

Message *