Skip to main content

Muqdisho Maxaa ka Maqan?


Doodadda maqaamka Muqdisho maahan  mid nagu cusub. Ilaa maalinti maamul goboleedyadu dalka ka bilowdeen, reer Muqdisho waxay u halgamayeen in magaaladu maamul goboleed noqoto. Ree Muqdisho ayaa ku doodayo in caasimaddu mudan tahay inay noqoto maamul la  mid ah Jubbaland iyo Koofur-Galbeed. Waxaa is waydiin leh waxa uu ku dhisan yahay rabitaankaan?

Anigu shaqsiyan waan fahmi waayay. Siyaasi darajada ugu sarrayso ee uu gaaro waa madaxweynenimo, magaalana maqaamka ugu sarreeyo ee gaarto waa caasimadda dalkeeda. Madax meel ka sarrayso oo la salaaxo ma jirto, muqdishana madixi ayay joogtaa ee xagee u socotaa?

In badan waxaa lagu doodaa, haddii  Banaadir maamul goboleed noqdo wuxuu noqon maamulkaas sida maamullada kale sidaa darteed wixii kasoo baxo dakaddeeda, ayrapoorkeeda iyo canshuuraha laga qaado dadkeeda iyada kaligeed ayaa cuni.

Ma is waydiinnay in sababta ayrapoorka Xamar iyo dakaddeedu lacagta badan u soo saaraan inay tahay maqaamka caasimadnimo ee ay haysato? Lacagta badan ee soo gasho soo maahan  mid ay dhaliyeen tobannaanka kun ee kasoo haajiray goballada dalka iyagoo daba socdo dowladda? Waxa camiray huteelada soo maahan dadka dalxiiska iyo ku dakaynta caasimaddooda dalal kale ooga yimid?

Maxaa loo aadi la’yahay Kismaayo iyo Baydhabo oo Xamar loogu hormaraa? Ma karaamo aan magaca caasimadda ee ku dhacay aan ahayn ayay leedahay? Waxa dhulkeeda qaaliga ka dhigay soo maahan magaca caasimadnimo? Baal aan sawiranno iyadoo lagu heshiiyay in Baadir ismaamul laga dhigo Caasimaddana Marko loo raray, waqti intee la ek ayay Marko Xamar kusoo gaari lahayd? Qiimaha ay caasimad leedahay reer Cadaado ha la waydiiyo, xanuunka caasimad la baddalayna uu leeyahay iyaga ha la waydiiyo labadaba iyagaa arkaye!

London iyo Muqdisho

Dalka Ingiriisku wuxuu u qaab egyahay Soomaaliya. Wuxuu ka kooban yahay afar dal (gobal): Iglan, Iskootlaan, Welesh iyo Waqooyiga Ayrlaan. Sadexda danbe mid walba wuxuu lee yahay baarlamaan u gooni ah iyo ismaamul iyo caasimad. Gaar ahaan Iskootlaan waxay u dhaqantaa sidii waddan madax banaan. Laakiin Igland ma lahan maamul iyo caasimad u gooni ah. Hasa yeeshee waxaa dagan dowladda dhexe, waxaana ku taal London oo ah caasimadda guud ee dalka.

London dadka ku nool wuxuu tirada guud ka yahay 12.5% haddana waxay soo saartaa 22% dhaqaalaha guud ee Ingriiska oo dhan. Dhaqaalaha ay abuurto London sanad walba ayaa u dhigma kan ay abuurta Sacuudi Carabiya oo dhan. Bogga BBC-du wuxuu qoray in London sabad walba dhaqaalaha dalka ku darto 34 bilyan oo gini.

Saas oo ay tahay, reer Iglan ma dalbadaan ismaamul gooni iyagoo og inay dhaqaalaha ugu badan waddanka soo galiyaan. Sababta aysan u dalban waxaa ugu badan inay ogyihiin waxay ku heleen dhaqaalahaas iyo sharafkaas inuu yahay hoggaanka dalka ee ay London hayso.

Caasimaddu waa wajiga waddankeeda marar badanna waxay qaadataa magaca waddankeeda. Tusaale, waxaad maqli war tabiye leh “isfahamwaaga ka dhaxeeyo Muqdisho iyo Nayroobi…”. Halkaan dalalki Soomaaliya iyo Kenya waxaa matalayo Muqdisho iyo Nayroobi. Marnaba ma dhici karto inay matalaan Boosaaso iyo Mombaasa. Ree Iglaan taas ayay fahamsan yihiin una doorteen in Weelish maamulkiisa la gooni noqdo koodana kula daarto. Haddaba reer Muqdisho maxay ooga cararayaan ahaanshaha hoggaanka Soomaaliyeed oogana door bidayaan inay noqdaan xaafad beel u oodan illeen maamul goboleed waa un beele?

Araktidayda

Waxaa la yiri markii Eebe uumay xoolaha ayaa geel ku dooday in wax la dheeraysiiyo xoolaha kale. Alle ayaa ku yiri dheerar ayaan ku siiyay oo ari iyo lo’ba adaa ka dheereeyay. Geel waa soo laabtay oo wuxuu yiri  wax kale iigu dar. Waxaa lagu yiri kurus ayaan kuugu daray oo ari iyo la’ba aysan lahayn. Maalmo ka dib ayuu haddana soo laabtay aw geel wxuuuna yiri iguma filna ee wax kale iigu dar. Eebe ayaa u carooday oo ku yiri dhug iyo dhukaan ayaan kuugu daray, sidaas ayaana labo cudur oo aan ku dhicin xoolaha kale geel loogu gaar yeelay.

Waxaan kaga jeedaa, wixii sharaf iyo xoolo Soomaali lahayd Xamar ayaa la isugu keenay. Aqoonyahanno badan ayaa qabo in wixii burburiyay Soomaaliya ay ka mid ahayd dhaqaalihi iyo xafiisyadi dowladda oo hal meel lagu soo aruuriyay. Tii ayada ahayd waxba lagama baran oo ilaa maanta xafiis walba iyo xigtii soo dhacdaba Xamar lama dhaafin.

Saas oo ay tahay dood ayay sii qabtaa, marka waxaa ila quman in dad weynaha Banaadir afti laga qaado lagu waydiinayo kay rabaan caasimad iyo maamul goboleed. Haddii ay doortaan midda danbe, waxaan qabaa in dowladdu aqbasho waqtina loo qabto ay ku raadsato caasimad aan maamul goboleed hoos imaan.

Si taas loo helo, ha loo soo bandhigo magaalooyinka Soomaaliyeed ee aan xudduudaha ku oolin, tartanna ha galaan, maamulki aqbalo inuu bixiyo caasimad ka badax bannaan maamulkaas ha la qaato hana loo guuro muddo cayiman qiyaas ahaan toban sano gudahood. Tusaale, haddii ay Baydhabo ku guulaysato inay noqoto Caasimadda dalka, way ka madax bannaanaan Koofur-Galbeed, waxaa loo diyaar garoobi inay xafiisyada dowladda tartiib-tartiib loogu wareejiyo.

Ibrahim Aden Shire
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/



Comments

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhac...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Contact Form

Name

Email *

Message *