Skip to main content

Posts

Showing posts from August, 2018

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Damaca Itoobiya. Laba-kaclaynta Loollanka Geeska Afrika. Q5aad

Tani qormadi shanaad ee aan ku eegayno loollanka loogu jiro la wareegidda gacan ku haynta siyaasadda iyo dhaqaalaha Geeska Afrika. Qormadaan waxay si gooni u eegaysaa dadaalka ay Itoobiya ugu jirto inaysan ka mid noqon kuwa la qaysanayo ee ay ka mid noqto kuw wax qaybsanayo. Marki laga hadlayo qaybsi iyo saamayn lagu yeesho dalalka Geeska Afrika waxaa nagu soo dhaco kaliya waddamada waaweeyn sida Maraykan, Ruushka, Turkiga, Shinaha, Iiraan ama kuwa lacagta leh sida Imaaraatka iyo Qatar. Waxa meesha ku jiro ee aan ilowsannahay ayaa ah waddamada gobalka ku yaal ee tartanka qaybta ah. Sidaasi waxaa yiri Allison Fedirka oo fadhigiisu yahay Washiton kana faallodo siyaasadda caalamiga ah. Waddamada gobalka ee uu mudane Allison sheegay waa Itoobiya oo waqtigaan qaadday tallaabooyin ay wax ooga baddalayso siyaasaddeeda gudaha, midda dibadda, dhaqaalaheeda iyo xariirka kala dhexeeyo dalalka ee dunida. Aqoonyahannada ka faalloodada siyaasadda gobalku waxay aaminsanyihiin in ujeedka ug

Laba-kaclaynta Loollanka Geeska Afrika. Q4aad

Qaybtaan waxay la socotaa middi ka horraysay. Waxay dhamaystiraysaa dhibatooyinka Jabuuti ooga soo fool leh quwadaha shisheeye ee xeebaheeda laga wada kireeyay. Waxaa noo danbaysay in Jabuuti oo dhul ahaan labo jeer wax ku dhow ka yar gobalaka Mudug (Mudug waa 60,000km2 hala Jabuuti ay tahay 23,200KM2) ay xeebaheeda isugu keentay, Shiine, Maraykan, Faransiis, Japan iyo Sacuudi Carabiya. Waxaan soo sheegnay in Shiine deyn xad dhaaftay ku yeeshay Jabuuti ilaa haddana oo mid kale siinayo taasoo looga shaki qabo inuu ku doonayo la wareegidda gacan ku haynta xeebaha Jabuuti marki ay bixin waydo qaanta. Waxaan maraynay in Shiine iyo Maraykan oo Jabuuti ku leh saldhigyo ciidan oo isu jiro 6 mayl kaliya ay billaabeen isku eedayn daandaansi. Siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidamada Maraykanka ugu sarrayso ayaa walaac weyn ka muujiyay damaca Shiinihu kuu doonayo in gacanta ku dhigo dekadaha Jabuuti. Jananka haysto ciidamada Afrika ee Maraykanka ayaa sheegay Shiinuhu u diidi karo  Marayka

Laba-kaclaynta Loollanka Geeska Afrika. Q3aad

Tani waa qormadi saddexaad ee aan ku eegayno amuuraha dabada ka riixayo loollanka cusub ee loogu jiro hanashada Geeska Afrika. Qormadi koowaad waxay ahayd gogal xaar. Middi labaad waxaan ku eegnay waddamada loollanka ku jiro iyo waqtiyadii ay kusoo kala biireen hardanka. Qaybtaas waxaan ku khatinnay in faaiidooyin ay ka heleen waddamada lagu loollamayo. Sidoo kale waxaan tilmaannay inay kasoo muuqdaan hardankaan khataro waaweyn oo dhibaatooyin u horseedi kara dadka ku nool gobalka oo dhan. Waa qodabkaas danbe midda ay qormadaan faafaahin doonto. Khatarta kasoo muuqata loollaankaan waa mid dhowr waji leh dalalka Geeska-Afrikana si kale duwan u saamayn doonta. Qaar waxay isku dayayaan inay ka mid noqdaan kuwa loollanka ku jira ee wax qaybsanaya halka qaar ay yihiin dhibbanayaal dhab ah oo dhibta ugu weyn ay kaligood ku dhici doonto. Soomaalida (Soomaaliya iyo Jabbuuti) waxay noqon doontaa dhibbane la hubo hadduusan Eebbe faraj kale furin. Halis Siyaasadeed Waddamada ku

Contact Form

Name

Email *

Message *