Skip to main content

Laba-kaclaynta Loollanka Geeska Afrika. Q4aad


Qaybtaan waxay la socotaa middi ka horraysay. Waxay dhamaystiraysaa dhibatooyinka Jabuuti ooga soo fool leh quwadaha shisheeye ee xeebaheeda laga wada kireeyay. Waxaa noo danbaysay in Jabuuti oo dhul ahaan labo jeer wax ku dhow ka yar gobalaka Mudug (Mudug waa 60,000km2 hala Jabuuti ay tahay 23,200KM2) ay xeebaheeda isugu keentay, Shiine, Maraykan, Faransiis, Japan iyo Sacuudi Carabiya. Waxaan soo sheegnay in Shiine deyn xad dhaaftay ku yeeshay Jabuuti ilaa haddana oo mid kale siinayo taasoo looga shaki qabo inuu ku doonayo la wareegidda gacan ku haynta xeebaha Jabuuti marki ay bixin waydo qaanta. Waxaan maraynay in Shiine iyo Maraykan oo Jabuuti ku leh saldhigyo ciidan oo isu jiro 6 mayl kaliya ay billaabeen isku eedayn daandaansi.


Siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidamada Maraykanka ugu sarrayso ayaa walaac weyn ka muujiyay damaca Shiinihu kuu doonayo in gacanta ku dhigo dekadaha Jabuuti. Jananka haysto ciidamada Afrika ee Maraykanka ayaa sheegay Shiinuhu u diidi karo  Maraykanka isticmaalka dakedda haddii ay sidaan howshu kusii socoto. Shiine oo la wareego gacanta ku hayn xeebaha Jabuuti waxay, sidoo kale, ka dhigan tahay inuu isagu maamulo marinka Baab-Al-Mandan oo ah meesha 5% shidaalka adduunku uu maro. Haddii taasi ay dhacdo Maraykan iyo xulufadiisu waxay marti u noqonayaan Shiinaha, oo aanan keeni doonin kaliya inuu kaga adkaado tartarnka ka dheexeeye, ee sidoo kale keeni doonto inuu isagu yeeriyo waxa meesha marayo iyo koontaroolkeeda. Arrintaas inay dhacdo Maraykan dhimasho oogama duwana.


Inkastoo aysan hadda muuqan tallaabooyin u furan oo arrintaas uu ooga hortagi karo, haddana Maraykanku wuxuu ku jiifaa walwal joogta ah oo uu ka qabo is balaarinta Shiinaha ee Geeska Afrika. Xataa haddii uusan dhex marin dagaal hubaysan, mid siyaasadeed ee u dhaxeeyo labada dal ee adduunka ugu tunka weyn ku filan inay baabi'iso Jabuuti.

Waddamada Carabta ee sida lama filaanka ah ugu soo biiray loollanka ayaa la tuhmayaa inay Maraykanka jaraanjaro u yihiin. Imaaraatka oo ah saaxiibka ugu dhow Maraykanka, ayay Jabuuti isfahmi waayeen. Isfahanwaagaas wuxuu keenay in Imaaraat qaado talaabooyin is xigxigo oo muuqdo kuwo uu ku doonayo inuu Jabuuti god ku rido. Tusaale, wuxuu xariir dhow la samaystay Itoobiya lacag aad u bandanna siiyay. Sidoo kale wuxuu xariir aan caadi ahayn la yeeshay Eritareeya oo ay Jabuuti dhulna isku hayaan tartan xagga badaha ahna ku jiraan.

Heshiiska lama filaanka ah ee dhaxmaray Eritareeya iyo Itoobiya waxaa la sheegayaa inuu sabab u ahaa Imaaraat oo doonayo in Itoobiya isticmaasho dekadaha Eritareeya si loo wax yeelleeyo Jabuuti. Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegayo in Imaaraatku ballanqaaday dayac tirka dakedaha Masawa iyo Casab ee Eritareeya, inuu dhiso jidku isku xiro Adisaba iyo Casamara iyo mid isku xiro Masawa iyo Makelle oo ah caasimadda gobalka Tikreega. Mashrrucaan oo sidaa su hirgalo Jabuuti wuxuu ku yahay dhabarjab naafeeyo dakhliga kasoo galo deledaeheeda taasoo adkayn doonto inay bixiso deynta lagu leeyahay.

Laakiin fulinta mashruucaan wuxuu u baahanhay balaayiin lacag ah iyo waqti gaarayo tobannaan sano taasoo la ogayn sida Imaaraat oo ku ceyrtoobay dagaalka Yemen uu u fulin karo.  Hasa yeeshee marki la fiiriyo hanka Itoobiya ee ah inay dalkeeda ka dhisto kaabayaasha dhaqaalaha kasoo u sahlayo damaceeda ah inay ka mid noqoto waddamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay sanada 2025'ta iyo sidoo kale qar iska-tuurnimada Imaaraat iyo waddamada carbeed lagu yaqaan waa mid aad ugu dhow inuu fulo. Culayskaas soo fuulay Jabuuti wuxuu u ogolaan karaa Maraykanka inay gorgortan la galaan madaxda dalkaas xalna u helaan cabsida laga qabo in Shiine la wareego xeebaha Jabuuti. Sidoo kale wuxuu sii murgin karaa xaaladda Jabuuti oo waxaa suuragal ah inay Shiine si buuxdo isugu dhiibto iyadoo u fakerayso sida Imaaraatka ee ah 'rag iska celi'.


Haddii ay ka badbaado dabinka Shiinahu u dhigay Jabuuti, waxaa adag inay ka badbaaddo midka ay dhigtay Itoobiya. Qaanta uu Shiine siiyay Jabuuti afar laabkeed ayuu siiyay Itoobiya. Lacagtaan in badan oo ka mid ah waxaa lagu maalgaliyay waddoyin iyo tareen Itoobiya ku xiro Jabuuti. Hadafka mashaariicdaan waa in la isticmaalo boqollaal sano. Heshiisyada lagu galay mashaariicdaan Jabuuti qayb ayay ka ahayd sidaa darteed kama weecan karto.

Haddii ay dhacdo inay is qoomaan Itoobiya iyo Jabuuti oo howlo un isku qabtaan, Jabuutina go'aansato inay xirato xudduudkeeda, Itoobiya waa xaqiiq inay isku dayi doonto inay xoog kula wareegto Jabuuti oo dhan. Arrintaas waxay u cuskan inay difaacanayso danaheeda iyo lacagta balaayiinta ah ee ka gashay dhulka Jabuuti. Sidoo kale waxay ku doodi inay Jabuuti jabisay heshiiski lagu saleeyay mashaariicdaan Itoobiya qaameeyay.

Intaas waxaa dheer in dad Itoobiyaan ahi ay buux dhaafiyeen Jabuuti. 2015'ki Itoobiyaanka ku noolaa Jabuuti wuxuu ahaa 50,000 oo qof (0.16% ayay ka ahaayeen shacabka Jabuuti) inta aan la aqoon inay yimaadeen ee iska soo galay xad ma leh. Waqtigaas waddada tareenka lama dhisan mashaariicda shaqooyinka badan laga helayo ee Jabuuti ka socdana bilow ayay ahaayeen. Sidaas awgeed hadda waxaa suuragal ah inay ilaa 80 kun gaarayaan. Dadka Itoobiyaanka ah ee galo Jabuuti waxay u badan yihiin dad dago oo ku talagala inaysan soo noqon. Waxaa caasimadda ku yaallo xaafado u gooni oo gaaray inaysan cid kale ag mari karin (arrintaan ma hubo oo sheeko ayay igu soo gaartay). Lama yaqaan in dowladda Itoobiya si ku talagal ah dadkaas ugu dirto Jabuuti inay si dabiici isaga dhacdo laakiin waxaa hubaal ah in haddii tiro xooggan oo Itoobiyaan deegaan ku yeeshaan Jabuuti ay sahlanaan doonto inay Itoobiya qabsato Jabuuti.

Jabuuti waxaa ku nool Canfar 40% shacabka ah. Qowmiyaddaan waxay aaminsantahay inay iyadu Jabuuti deegaan u leedahay Ciisana kaga badan tahay ee Soomaali aan ree Jabuuti ahayn xoog ku muquunisay. Tabashadaan waxay noqon kartaa mid ay Itoobiya ka faaiidaysato marki ay u diyaar garowdo duullaan ay ku qaaddo Jabuuti. Canfartu waxay ku baahsantahay Itoobiya, Jabuuti iyo Eritareeya mana leh dal u gooni, marka inay ku fakeraan yeesha dal idiin gaar ah wax la baciidsado maahan.

Waxaa kaloo meesha ku jiro in Itoobiya sida ay Soomaaligalbeed oogala wareegtay Ingriiska uu qorshuhu ahaa inay Jabuuti oogala wareegto Faransiiska. 1894'ti Faransiiska iyo Itoobiya waxay kala saxiisdeen heshiis lagu dhisayo jid tareen oo kasoo baxo Jabuuti yimaadama Adis Ababa. Waa jidka hadda dib Shiinuhu u dhisay. Heshiiskaan waxaa ka mid ahaa in Faransiisku jidkaas iyo dhulkuu maro ee Jabuuti ah uu gacanta ku haynayo muddo 99 sano. Marki muddadaas dhammaato wuxuu si otomaatik ah u noqonayaa jidka iyo dhulkuu maraba mid hoos yimaada Itoobiya. Nasiib wanaag 99 ka hor ayay Jabuuti iska rogtay heeryadi guumaystaha. Laakiin Itoobiya waxay aaminsantahay in Jabuuti tahay dhul ay iyadu leedahay oo Faransiis ka xoogay ka dibka xorriyad ka siiayay. Sheegashadaas, inkastoo aannan idaacadaha ka maqal, waa mid lagu dhigo iskoollada ilaa jaamacadaha.

Ugu danbayn tartanka ka aloosan Geeska Afrika wuxuu u muuqdaa mid loogu tartamo qaybsigiisa. Waddamo horay guumayste u ahaa, kuwo hadda doonayo inay wax guumaystaan iyo kuwo dano dhaqaale kaliya leh ayaa isku eryayo gacan u haynta mandhiqadda. Deegaannada Soomaalida oo ay Jabuuti ku jirto ayaa ah ugu baylahsan ee cid walba isha ku hayso oo ay is leedahay la qaybsaye ha ka qadin. Waddamada quud-darraynayo inay qaybta wax ka helaan waxaa ka mid ah Itoobiya oo isu diyaarinayso inay isu muujiso dalka aan laga tallaabsan karin. La soco qormada xigta inshallah.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/



Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *