Skip to main content

Posts

Showing posts from December, 2017

Sirta Hadalki Keating: Madaxa UN-ta ee Soomaaliya

                                                                                                                                                                    Maalmo ka hor waxaa war qoraal ah soo saaray madaxa UN-ta u joogo Soomaaliya. Warkaan ayaa ku saabsanaa wixii soomaaliya u qabsoomay sanadkaan iyo sida uu xaalkeedu yahay. Hadalka mudane Keating ayaa labo waji lahaa. Meel wuxuu ku sheegay in wax badan oo horumar ah la sameeyay. Dhinaca kale wuxuu tilmaamay inuusan xal dhawayn. Wuxuu si gooni u far-fiiqay musuq baahansan iyo dhibaatooyin maamul xumo ku qotomo. Somaalidi qolaba inti ay jeclayd ayay ka qaadatay hadalkaan. Qolyaha mucaaraadka ahi iyo shacabkoodu waxay meel walba ku faafiyeen inta dhibka sheegtay si ay u muujiyaan in dowladdu waxba aysan qaban. Dhinaca dowladda taageersan waxay soo xigteen inta ammaanta ah aadna u faafiyeen si ay u tusaan inaysan dowladdaan oo kale horay aysan noo soo marin. Labada dhinacba iskuma aysan shuqlin nuxurka hadalkaan iyo

Mashaariicda Horumarineed ee ka fulay gobalka Gedo sanadka 2017. Q2

                                                                                                              Waxaan qaybti hore kaga warrannay mashaariicdi sanadkaan ka hirgashay magaalooyinka Baardheere iyo Garbahaareey. Waxaan qormadaan ku eegaynaa dagmooyinka Buurdhuubo, Ceelcadde iyo Luuq. Halkaan ka akhri haddi ay qaybti hore ku dhaaftay.  https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/2017/12/mashaariicda-horumarineed-ee-ka-fulay.html Buurdhuubo Magaalada Buurdhuubo waxay ka mid tahay meelaha ay Shabaabku go’doomiyeen sidaa darteed dad badan oo maalgashan lahaa iyo hayado mashaariic ka fulin lahaa ayaa ka cabsaday. Hasayeeshee waxaa jiro dhowr mashruuc oo ka suura galay qaarkoodna baahida magaalada wax weyn  ka badaleen. Mashruuca ugu muhiimsan ayaa ah garoon diyaaradeed oo dadka deegaanku dhisteen. Awal dagmadu waxay lahayd garoon fiican laakiin magaalada bannaankeeda ku yaalo. Garoonkaas waxaa loo isticmaali waayay cabsida shabaabka magaalada hareerahooda dhooban laga q

Awoowyadeen Maxay Qaban Jireen

                                                 ( Suurta- gal  ma ahan umad aan war ka heyn darraad wi xii dhacay  inay horumar gaarto, sideen uga hortagnaa inaan ahaano umad hal-fac ah abid?. Haa waan og nahay awoowya ad een waxay faleen  sida ay raggii facood ahaa iasaga celiyeen,  gabay a dii  dhiilada, colaada, kicin ta,  iyo aflagaadad a watay ee ay  isu  tiriyeen marka ay dadka ehelka ah kicinayaan iyo marka ay libintu xaggooda u meerto,    waan og nahay  geelii la kala dhacay iyo sidii loo cayrteeyey ree hebel , inta ree hebel laga dilay, dakanadii foos ha xumayd ee  dhexmartay  ree tolkay  iyo kuwii dariska la ahaa,  wixii dhacay ee ciil iy o co laadii hurgumada ay reebtay. Buugaag t a  ayay noogu qoreen Abwaan ada-Soomaaliyeed  odoyaasha ayaa ka sheekeeyo, qabiilada maanta joogo waaba diiwaanka lagu kala saaro sida ay ukala fiican yih iin waa sidii ay  awoowyadii hore  dadka u kala dhici ogaayeen rag badan  ayaa lag u tixgaliyaa i nay fir fiican kujoogaan m

Contact Form

Name

Email *

Message *