Skip to main content

Awoowyadeen Maxay Qaban Jireen


                                                


(Suurta- gal ma ahan umad aan war ka heyn darraad wixii dhacay  inay horumar gaarto, sideen uga hortagnaa inaan ahaano umad hal-fac ah abid?.
Haa waan og nahay awoowyaadeen waxay faleen sida ay raggii facood ahaa iasaga celiyeen, gabayadii  dhiilada, colaada, kicinta, iyo aflagaadada watay ee ay isu tiriyeen marka ay dadka ehelka ah kicinayaan iyo marka ay libintu xaggooda u meerto,  waan og nahay geelii la kala dhacay iyo sidii loo cayrteeyey ree hebel , inta ree hebel laga dilay, dakanadii foosha xumayd ee  dhexmartay  ree tolkay iyo kuwii dariska la ahaa,  wixii dhacay ee ciil iyo colaadii hurgumada ay reebtay.
Buugaagtayay noogu qoreen Abwaanada-Soomaaliyeed odoyaasha ayaa kasheekeeyo, qabiilada maanta joogo waaba diiwaanka lagu kala saaro sida ay ukala fiican yihiin waa sidii ay  awoowyadii hore dadka ukala dhici ogaayeen rag badan ayaa lagu tixgaliyaa inay fir fiican kujoogaan maadaama aabayaashood saqiirada iyo agoonta dhici jireen.
Waxaa su,aal ah marka laga soo tago dhaca iyo dagaalada ma jiraan dadnimo kale oo ay lahaayeen awoowyadeen, dad magac ku yeeshay  wanaag, waxgaradnimo, cilmi, iyo waxtar ay umadda u hayeen?, Hadii ay lahaayeen dhaqan wanaagsan maxaa colaadda iyo dhaca  loo buunbuuniyaa oo  wanaaga iyo waxtarka dadkii hore loo maqli waayey?
HAA waan lahayn dhaqan wanaagsan  waxaan lahayn culimo-diineed oo heer caalamia ah, waxaan lahayn rag cuqaalah, nabadoonno iyo ugaasyo wanaaga ka shaqayn jiray, waxaan lahayn geesiyaal aan walaalkii waranka u wadan, waxaan lahayn maalqabeeno aan xoolaha ka xoogin masaakiin, gacan furan oo deeqsinimo layaableh lahaa.
waxaan lahayn dhakhaatiir cudurada ay daweeyeen,  siday wax u kabeen, iyo masalooyinkii ay xaliyeenafkala qaad noqotay, waxaan lahayn garyaqaano  khilaafaadka iyo sida ay wax u xaliyeen ay mudan tahay in jaamacadaha lagu daraaseeyo, waxaan lahayn afqabeeno looyarada caalamaiga la darajo ah oo hadaladooda iyo sida ay wax udifaacayaan markaad maqasho xaaddu ku istaagayso, waxaan lahayn hogaamiyeyaal daacad ah, maamul aqoon ah gabayada iyo hadalada   laga hayo ay noqdeen maahmaahyo, iyo hadal hayn-caalami ah.
Su,aashu waxay tahay maxaa kuwa hore loo buunbuuniyey buugaagta casriga ah loogu qoray, cajaladaha loogu duubay ka sheekaynta dagaaladoodii  iyo colaadihii ay hurin jireen. Oo maxaa kuwan danbe loo sheegi-waayey, (marka laga soo  tago sheekooyinka afka-lagu kala dhaxlo ee maalinba ay qayb lunto ) buugaag looga alifi waayey.
Way iska caddahay su,aalahaa  jwaabahooda  waxayna noo muuqdaan iyaga oo ficil ah waaqaca maanta taagan ayaaba fasirayo  sida aan uga helo qaybta hore dagaalka, mushkiladda, khilaafka, iyo is qabqabsiga dad badan ayaa maanta faruurta u qaniinsan inuu jilo dhaqankii boobka iyo dilka ku salaysnaa ee awoowyadii ay fali jireen.
Eedda koobaad yaa iskaleh:  dhammaan Soomaalida ayaa iskaleh gaar ahaan waxaa iskaleh dadka wax qora oo ka warama dhacdooyinkii iyo xadaaradii umadan aysoomartay kuwa isku hawlo inay waxka qoraan, waxaa kaloo jiro in qaybkaste oo cilmi ahba an ay eedeeda yeelanayaan  dadka hadda ku hawlan tusaale: dhakhaatiirta soomaaliyeed ee casriga ah waxay qaadanayaan eedda ka xog la,aanta dhakhaatiirtii hore ee Soomaaliyeed sidii ay wax u dawayn jireen , xogtoodii uruurin waayaan inay aruuriyaan iska dhaafe waaba col  kuwa casriga ah iyo ku hab-dhaqameedkii hore waxku daaweeyo.
SOO JEEDIN.
Soo ma mudna cilmigu wuu iskaabayaaye marka aan dugsiyada iyo jaamacadaha loo dhigayo casharada  ardada kuliyad kaste marka la marayo baabbka ay ka hadleen ay usoo qaadan waayeen macalimiinteenna si sharaxaad iyo baraarujin in ay arinkaan ka hadleen dadkii hore ee Soomaalida ahaa arinkaana waxay keenaysaa labo faa iido.
• In lagu baraarugo Soomaalidu inay leedahay dad la mid ah umadaha kale ee ka hadlay, tijaabiyey, wax daweeyey inay jiraan taasna qodobka labaad aya ka dhalanayso.
• Oo ah in ay ardadu dhiirrato oo iyagu wax curiyaan  si ayna ugu malaynin in dadkeennu cilmiga ay baranayaan uusan ahayn kaliya mid laga keenay umado kale markaana ay ku dhiiradaan in ay baaris iyo siyaado  sameeyaan.
Tan kale ma cadaaladbaa inaan ardada u dhigno marka aan ka hadlayno sida wax loo maamulo, ama loo hadlo ama khilaaf loo xaliyo inaan soo qaadano hadaladii ay yiraahdeen  WINGER, JOHN SMITH oo aanan soo qaadan: UGAAS XIRSI, DIIRIYE SHAKUUL, KHAALID FIQI XASAN, IBRAAHIM WEHELIYE, MAXAMED-HADAL -WANAAJIYE, (GEDO),   INA SANWEYNE –(TOGDHEER) iwm.
Soo gar ma ahan dhakhtarada  Soomaaliyeed ee ka hadlo daaweynta iyo kabida dadka inay hayaan cilmiga ragii hore soo qaataan raga Soomaaliyeed ee lagu yaqaano qaybta caafimaadka sida: BARRE SAGAAR (GEDO),   GUURE CIYOOW (HIIRAAN).iwm
Waan hubaa in deegaanada Soomaaliya ay ka jiraan rag halyeeyo-cilmi ahaa oo laga hayo warbixino waxku ool ah maxaa loo aruurin waayey sida suugaanta, gabayada, loo aruuriyey?.
Hadiise dhaqanka dagaalka iyo dhibka buugaagta ku qoran soo uma ekaanayno dad xasarad iyo buuq maahane aan waxtar kale lahayn? Taasina sax ma ahan dadkeenna iyo dhaqankeenaba waxaa ka buuxo hal abuurro iyo cilmi fara badan oo dayacan.
Allaah-subxaanahu watacaalaa marka umad uu abuuro wuxuu  siiyaa dhul, iyo hanti ay ku noolaadaan, wuxuu siiyaa cimilo munaasib u ah oo ay la qabsan karaan wuxuu  u diyaariyaa habkii ay unoolaan lahaayeen,wuxuu ku ilhaamiyaa (hanuuniyaa) habkii ay udhaqaalaysalahaayeen waxa la siiyey, xanuun haduu ku dhoco dawadiisii dhulka  ay ku dhaqan yihiin ayaa inta badan laga helaa ama ha ogaadaan ama yaysan ogaanine, intaa marka ay dhacdo waxaa kale oo Allaah u diyaariyaa bulshada halkaa ku dhaqan dad aqoonta ashyaadaa lagu ilhaamiyo oo bulshadaa ka tirsan.
Dadka qaar ayaa Allaah   ku ilhaamiyaa, baraa cilmi iyo aragti cusub oo wali Ibnu-aaadmku gaarin, kuwo leh xifado iyo faham fara badan oo ka koreeyo fahamka dadka caadiga ah.   waxaad arkaysa qof deegaanka ku dhashay aan meel kale waxbaarasho u aadin dadkii ka horeeyeyna aan waxka baran oo dadka daawaynayo, qofka ama xoolaha jabay kabayo, xoolaha dawaynayo,  caqli iyo xikmad dadka ku kala saarayo,  sidaa ayay umad kaste ahayd illaa aduunku isbadalay aduunkii oodhan is xog ogaaday la isku darsaday wax kaste oo khayraada ah oo la haystay cilmigii bari jiray iyo kii galbeed jiray la isu keenay. 
Dadku waligiiba wuu kala dheereyn jiray   wadamada qaar ayaa cilmigii ay hayeen iyo cilmigii ay umadaha ka barteen, ama ka xoogeen (sida muslimiinta buugtoodii loo boobay) ay isku darsadeen, habeeyeen dad gaara ah u yeeleen illaa ay heerka aan maanta joogno lasoo gaarsiiyey.
wuu sii socday illaa qofkii waxyaqaano wadan kaste isku dayayo inuu ka qaato dhulkii iyo dadka uu u dhashay sidaana ay qolo ku yeelatay inayba iyagu cilmiga iska leeyihiin halka umado fara badan laga dhaadhiciyey inaysan waligoodba cilmi yeelanayn oo ay u daba fadhiyaan iyaga cilmiga ay bartaanna uu noqdo mid umad-kale laga keenay afkalana ku qoran.
Inta dan iyo hawl ka jirto aduunyada kale ayaanu lahayn waqtigaan aannu joognana ugasii baahi badnahay  balse waxaad mooddaa inaanu nahay kuligeen dad suhaad ah oo aan aduunyo ubaahnayn  waxaase xaqiiqdu tahay inaanu nahay dad xoolo mubadar-ah oo jiilkkaste lumiyo kayd aqoon ah oo aan soo noqod lahayn, waxaan maalin dhawayd maqlayey maah sheegayso: (mar kaste oo uu dhinto nin waayeel- Afikaan ah waxay la mid tahay inay gubatay Maktabad (library)  ay yaalaan dhawr-kun oo bug,ah).
Marka aad maqasho wadan hebel wuxuu leeyahay  aqoon iyo sanaaco casri ah waa wadan amaan ah kala danbayn buuxdo ayaa ka jirto  ogoow aqoontaasi halmaalin kuma imanhal facna  ma keenin ee waa aqoon fac tirsatay oo jiilba jiilka dhaxlay horayna usii socoto. Suurta galna ma ahan umad aan war ka heyn darraad wixii dhacay  inay horumar gaarto.
Cilmiga aduunka ee noocyadiisa aadka ubadan ee lagu daraaseeyo Jaamacadaha aduunka qof ayaa bilaabay , qof ayaa lagu arkay bilowgiisii waa la qoray midkale ayaa sii balaariyey ilaa uu soo gaaray heerka maanta uu marayo.
Inaga Soomaali ah waxaan lahayn dad hal abuur leh, aqoon-naadir ah leh maantana wax laga hayo majirto oo aan ka ahayn Hebel  dakhtar lahubo ayuu ahaa, hebel gar aqoon ayuu ahaa,  hebel xoolaha si wanagsan ayuu u daaweyn jiray,  hebel wuxuu yiri: (war hashu maankayga gadaye ma masaarbay liqday) balse lagama baran lama qorin waxaana og nahay cilmigu wuu firaa sida ay dadku u firaan hadii cilmiga qofka ugu horeeyo ee lagu arkay laga baran lahaa, la qori lahaa, lana kaydiyo wuu sii badan lahaa, firi lahaa illaa uu gaaro  qof kii bilaabay mid kaga wanaagsan.

Hadaba inaga Soomaali ah waan ognahay oo dadkii naga horeeeye mahayno cilmigii ay lahaayeen intiisa badan, balse way imaanayaan halyeeyo kale oo lamid ah kuwii hore , waana inaanu ka digtoonaanaa inaanu ahaan umada HAL FAC AH markastaa  oo aan war kahayn jiilashii ka horeeyey.

              Umad si ay u horumarto waxaa la doonayaa:
• Inaanu inteenna nool kala faa iidaysannaa oo aysan cajabin qofkaste inta uu yaqaanno, oo lawadaago khibradda shaqo, qofku waa in uu maanka kuhayaain ay jiraan rag isaga ka cilmi badan, ka caqli badan, ka khibrad badan.
Sidaa awgeed Inta aan la gaarin kuwii dhintay  maxaa diidayo intanada nool aannu wax kala faa,iidaysanno?. Kala faa iidaysiga ka horna waa in aan meesha ka saarraa habdhaqanka xun ee Soomaali caado u leedahay oo ah qofkaste inuu inta uu yaqaano ay cajabiso,  cidkaste oo majaalkaa wax ka garanayana ay saaxiibaan.
• Habka shaqada xafiisyada: hadii qof mas,uuul ah xafiis uu ka shqaynayey sanado badan laga qaado oo lagu wareejiyo qof kucusub xafiiska, ama ah qof dhalinyaro khibrad yaraan ay hayso, sida habboon waa inuu masuulka xafiiska uga horeeyey khibrad ka qaataa la saaxiibaa, kala wareegaa habkuu uu wax u maamulijiray, iyo dabeecadda xafiiska.
Inagu sidaa ma samaynaa mise inaga oo caraysan ayaan xilka lakala wareegnaa marka aan kala tagnana xafiisyada qaar ay iswaydaarsadaan labadii masuul (kii tagay iyo kii xilka la wareegay)dicaayado. 
Sidaana uu xafiiskaa  iyo shaqada meesha ka socoto ay waligeed uu ahaado xafiis cusub oo aan lahayn klhibrad ku filan oo shaqada xafiiska si fiican u gudan karo.
waligeed aysan dhaafin hal-jiil ujeedkii xafiiska laga lagaahana aanan la gaarayn abid,  marka laga reebo dhowrka qof ee ka shaqayso inay mushaar ka helaan.
• Guud ahaan inuu jiro wacyi ogaal in qofkaste laga doonayo inuu wax barto xog keeno  inuu maanka kuhayo maanta sida uu unoolyahay si kawanaagsan inay unoolaadaan caruurtiisa.

• In ay dawladu si gaar ah u danaysaa ula socotaa hadii ay dadka noocaa ah aragto waa dadka Allaah ku manaystay inay bilaabaan wax aan horay ujirn, ogaado cilmi cusub oo dadka ka daahan, dadka sida aadka ah u fahmo waxa ay arkaan halmar  waxna ku daro wax sii jiray, dadka xifdiga badan, dadka bilaabo arin ugub ah inaan ku baraarugno jiritaankooda hadii la arkana la dhiiri galiyo, aan la dayacin laga reebo waxa ay soo kordhiyaan, loo sameeyo xarumo  iyo qarash ugaar ah oo ay ku hormariyaan cilmiga ay hayaan.


• Aduunyada faqriga ah ee aan haysan cilmi iyo nolol dadkeeda waxtarka ah waalaga qaataa umadahaa aan ku tuhunno horumarka ayaa naga qaato inaguna waxaan moodaynaa qofkaan inuu yeeshay darajo uu ku gaaro dawladahaa hormaray dadkeeda inuu la noolaado oo waaku faraxnaa hebel jaamacadda Maraykanka ayaa qaadatay mana ogin in qayb ahaan dadkii naloo siiyay inay wax naga badalaan in nalaka qaatay.

Waxaan maqlayey maalin hore jaamacadda aduunka ugu qaalisan ee Harvard Maraykan ku taallo ayaa waxbarasho lacag la aan ah siisay wiil Soomali ah dugsiga sare uga baxay xeryaha qaxootiga Dhadhaab.

Bal iswaydii ma suurto galbaa jaamacaddii aduunak ugu qaalisanayd in uu lacag la aan ku dhigto wiil afrikaan-qoxooti ah inay nimankaa Maraykan wax bilaash ah iska siiyaan kadiban ay noo soo celiyaan si wadankiisii hooyo uu wax ugu qabto iyaga oo aanan faa iido iyo dan ka alahayn?.

• In aqoonyahanka iyo dadka wax qoro ay qoraan khibradaha dadkeenna Tusaalekuwa Geela raaco in laga qoro habka ugu wanaagsan ee Geela loo raaco, xiliyada biyaha uu cabo ugu habboon, geedaha  iyo caleenta uu jecel yahay , dhulkadaaqa-leh kiisa carro-sanka loo yaqaano .
Cudurada geela ku dhaca iyo hababka loo daweeyo, da,da geela iyo qiimaynta noocyada geela uu u kala boxo, calaamadaha lagu garto hasha caanaha badan, tan geel-labka ah ee adkaysgia badan, waa la hubaa qoraalo layaableh oo lagu intifaaco in la heli lahaa .

Ogoow waxyaabaha jaamacadaha aad kusoo baratay qofka ku barayo geel ma raacin waxa uu kuu dhigayo waa khibrad nin Geelleey ah laga soo qoray kadib aad loo rogrogay,  tijaabooyin la mariyey, xoolaha kale oo la dhaqdana sidoo kale la yeelo.

• Beeralayda iyagana laga qoro odayga 90-jirka ah inta uu jirayna beer tabcanayey saaka hadii la waraysto buugaag ayuu buuxin lahaa ,  ganacsiga, waxbarashada, maamulka, dhaqanka iyo nabadoonada  siyaabaha ay u xaliyaan khilaafaadka, qoloda farsamada gacantaiyo dhamaan xirfadaha aannu ku shaqaysanno waxaa ka dhexbuuxo rag hadii afkaartooda lasoo bandhigo aduunku la yaabi laha.

Balse waxaa nagu daabacan  inay dadkeennu waxba ahayn, waana inaad kala ogaataa horumarla,aanta guud ee nahayso inay asal u tahay isku-kalsooni la,aan, iska warqabla aan, waxaanu nahay inaanu aqoon,
waxaana naga buuxo wiilal iyo gabdho Xifdi iyo hal-abuurleh (IQ-sareeyo) oo haddii laga shaqaysiiyo wax badan soo kordhinayo.

Taa hadii la samayn waayo sida hadaba jirto qofkaste oo waxtar ah oo qixi karo wuu isaga tagayaa dhulkaan midka soo noqdana waa mid qolo kale ay diyaarsatay oo ay usoo dirsatay inuu alaab meel uga soo qaado.

Maxamed Ibraahim xasan.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhac...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Contact Form

Name

Email *

Message *