Skip to main content

Posts

Showing posts from November, 2018

Ethiopia’s Unnoticed Soft Power: How Ethiopia is using Higher education as a tool to influence Somalia’s future generations.

Somali people are very sensitive and suspicios about all activities of Ethiopia. They see Ethiopia as the number one enemy of Somali people and country. The animosity towards Ethiopia did not result from previous wars only but it is the consequence of Ethiopia's constant aggression, invasion and political interferences in Somalia. Somali people feel that their country is occupied by land-locked Ethiopia and the aim of this occupation is to takeover Somalia’s territory to gain access to their sea. Every step that Ethiopia takes, no matter how good it seems, is looked with suspicious eyes and branded as ill-intended conspiracy. However, a very small number of Somali people noticed the soft power that Ethiopia has been exercising to influence Somali policies, culture and even the feeling of Somali people feeling towards it. In this short article, I will highlight one of the soft powers that Ethiopia uses as an instrument to change our views towards it and the possible out

Libaax nimaan aqoon baa lax ka rito: Soomaalida iyo Shirakadaha ay u shaqeeyaan

Talaadadi ina dhaaftay wuxuu daabacay wargayska New York Times in shaqaale Soomaali ah  ay Amazon ku qasbeen inay gasho wada xaajood. Wargaysku wuxuu yiri waxaa la yaab noqotay arrintaas maadaama Amazon aysan waligeed aqbalin gorgorton xataa mid hoose sida ay qireen dad aqoon u leh shirkadda iyo kuwa u dhaqdhaaqo arrimaha shaqaalaha. Amazon waa shirkad laga leeyahay Maraykanka. Waxay ka mid tahay shirkada caalamiga ah ee dunida ugu waaweyn uguna taajirsan. Milkiilaheeda ayaa dhowr goor noqday ruuxa ugu qanisan dunida. Shirkadaan oo la aasaasay 1994 ayaa si dag dag ah u kortay faaiido xad dhaaf ahna u samayso. Sifada ugu muhiimsan ee ay lacagta badan ku samayso ayaa ah sida la sheegay ku gaboodfalidda shaqaalaha. Waxaa lagu eedeeayay inay shaqaalaha u dirto shaqo tankooda ka badan, waqtiga xataa ilbiriqsiyo u xisaabiso, ilaa ay gaartay in la xisaabiyo inta daqiiqo ee ay suuliga ku jiraan. Dhibkaan lagu hayo shaqaalaha waa mid gaal iyo islaam, caddaan iyo madowba u siman ya

Maxaa ka Suuragal ah Isbahaysi Isir ku qotomo oo dhexmara Oromo Iyo Soomaali

Isu dhawaanshaha kasoo muuqday waddamada Geeska Afrika wuxuu dhaliyay su'aalo badan. Sababaha riixayo ayaa siyaabo kala duwan looga faallooday ruux walbana meel la aaday. Dadka arrintaas wax ka yiri waxaa ka mid ahaa aqoonyahan sare oo Kiinyaan ah lagu mgacaabo Peter Kagwanja kasoo aragtidiisa lagu daabacay wargayska afka dheer ee Daily Nation ee kasoo baxo Kiinyo. Aragtidi Peter waxaa soo guuriyay wargaysyada Soomaalida. Qaar waa turjumeen qaarna iyadoo sideedi u qoran ayay soo rareen. Waxaan jeclaystay inaan wax ka iraahdo qormadaas oo si laablakac ah loo faafiyay dad badanna u riyaaqeen. Waxaan doortay inaan Afsoomaali ku qoro waayo cidda aan rabo inay farriintaan gaarto maahan qoraaga ee waa dadka soomaaliyeed ee farriinta liqay. Iskuma dheerarinayo aqoonyahaankaas waxaana qirayaa inaan khibrad iyo aqoon midna ku gaarin. Laakiin taasi ii diidi mayso inta aan aqaan iyo meelaha aan leeyahay ma uusan asiibin inaan wax ka iraahdo. Peter wuxuu ku dooday in kacdoonka s

Abuu Mansuur wuxuu i xasuusiyay Hong Xiuquan.

Maanta markaan ku arkay sawirka kore bogga caasimada.com waan rumaysan waayay. Abuu Mansuur wuxuu la sawiran yahay safiirka dowladda Ingriiska u qaabilsan Soomaaliya. Sida sawirka ka muuqato, safiirka waxaa ka muuqdo cabsi wajigiisuna wax farxad ah ma saarna. Dhinaca kale, Abuu Mansuur, waxaa ka muuqdo farxad iyo dhoolla-caddayn lagu muujinayo raalli ahaansho iyo soo dhaweyn.  Sawirka ayaan aad u eegay muddo, waan wayneeyay oo yareeyay, waan soo dhaweeyay oo aan fogeeyay. Waxaan isku dayay inaan akhriyo waxa sheekh Mukhtaar qosolkaan ka keenay. Waxaa i horyimid isagoo aaminsan qofki sidaasi gaal ugu qoslaa inuu murtad yahay xukunkiisuna qoor-goyn yahay. Waxaa isoo muuqday isagoo qori jeeniqaarsan oo leh "wax ka yar inaan Islaam Alaska geyno nama deeqaan". Waxaa isoo baxay sawirkiisi isagoo qori horyaallo oo inta canug shan jir ah AK47 u dhiibay leh waa wiilkayga oo aan jihaadka u diyaariyay. Waxaa isoo baxay isagoo horkacayo caruur aan qaangaarin oo inta dagaal galiy

Muuno Miiggane Q3aad (Sheeko taxana ah)

                                  “Hoogayoo ba’ayeey, la ii soo galyoo guraygay ba’yeey, gabalkay dunyoo lafdheer baan ka jabayeey” erayadaas ayay muna afka kaga qaylinaysaa, illin kulul iyo duuf wada socda oo ka soo haajiray caasimada hmuragada iyo tiiraanyada ee ku taalla wadanka hantaaqo iyo hagardaamo, ayaa wadooyin ka samaystay dhabanadeeda, ilaa gadhka ayay illintii sii qulqulaysaa. Saacadu waa waxay ku taagnayd labada duhurnimo markii muno taleefan loogu soo sheegay geerida walaalkeed Warsame Miigane. Warsame labaatan iyo saddex gu ayuu afka ka jaray, kii afar iyo labaatanaad ayaa u bilowday. Warsame wuxuu ku dhashay iska galaha Koonfurta iyo Galbeedka Gobolka Gedo, maalintuu Warasme, todoba jir gaadhay adeerkii Cabdulaahi Warfaa Axmed (dhiig-sokeeye), ayaa reer Miigane, oo baadiyaha dagan booqasho ugu tagay, wuxuu walaakii Miigane iyo dumaashidii Saxarla, ka codsday in wiilkaas yar ee Warsame ah isaga faraha looga qaado, si uu wax u baro mustaqbalkiisana meel uga soo sa

Contact Form

Name

Email *

Message *