Skip to main content

Abuu Mansuur wuxuu i xasuusiyay Hong Xiuquan.


Maanta markaan ku arkay sawirka kore bogga caasimada.com waan rumaysan waayay. Abuu Mansuur wuxuu la sawiran yahay safiirka dowladda Ingriiska u qaabilsan Soomaaliya. Sida sawirka ka muuqato, safiirka waxaa ka muuqdo cabsi wajigiisuna wax farxad ah ma saarna. Dhinaca kale, Abuu Mansuur, waxaa ka muuqdo farxad iyo dhoolla-caddayn lagu muujinayo raalli ahaansho iyo soo dhaweyn. 

Sawirka ayaan aad u eegay muddo, waan wayneeyay oo yareeyay, waan soo dhaweeyay oo aan fogeeyay. Waxaan isku dayay inaan akhriyo waxa sheekh Mukhtaar qosolkaan ka keenay. Waxaa i horyimid isagoo aaminsan qofki sidaasi gaal ugu qoslaa inuu murtad yahay xukunkiisuna qoor-goyn yahay. Waxaa isoo muuqday isagoo qori jeeniqaarsan oo leh "wax ka yar inaan Islaam Alaska geyno nama deeqaan". Waxaa isoo baxay sawirkiisi isagoo qori horyaallo oo inta canug shan jir ah AK47 u dhiibay leh waa wiilkayga oo aan jihaadka u diyaariyay. Waxaa isoo baxay isagoo horkacayo caruur aan qaangaarin oo inta dagaal galiyay meydkoodi uu bannaan kaga yimid. 

Waxaan is iri, markuu intaas oo dhib ah gaysanayay muxuu rabay? ma kurisgaan, xukun iyo darajo iyo jako mise imaanka ayaa ka run ahaa? Haddii uu aminay inuu horay u khaldanaa muxuu uga xishoon waayay inuu wuxuu sanadka ka hor u arkayay gaalnimo uu isagu maanta u tafaxayto? Waxaa markiiba igu soo dhacay Hong Xiuquan oo ah tusaalaha ugu fiican ee aan ka baran karno sida ruux kursi doon ah aysan waxba u xirin iyo sida bulsho wayta hadba iyo jeer ay u hodaan.

Hong wuxuu ku dhashay dalka Shiinaha kowdi Janaayo 1814'ki. Qoyskiisu wuxuu ahaa ree tuulo sabool ah oo beero tabcado. Hong wuxuu lasoo baxay firfircooni iyo ragganimo yaraantiisaba. Wuxuu jeclaaday waxbarashada waalidkiisna waxay u hureen waxay heli kareen oo dhan si inta wax u barto baladka u galo iyaguna gadaal oogu baxsadaan. Hadafkiisu wuxuu ahaa inuu marki uu iskoolka hoose dhammeeeyo uu ku baaso imtixaanka dowladda.

Waqtigaas dhammaan shaqaalaha rayidka ah ee doonayo inay dowladda u shaqeeyaan waxaa laga qaadi jiray imtixaan aad u adag qof aan ku baasinna xil sare iyo mid hoose toona ma qaban jirin. Hong imtixaanki waa uu ku dhacay. Dhowr jeer ayuu ku noqday waase baasi waayay. Qoyskiisi waa sii wadi waayeen inay waxbarasho kusii hayaan ilaa uu ka baaso sidaa awgeed waxay ku yiraahdeen soo laabo aad beerta noo tabacdide taasoo Hong murjisay. Xariiftan ka dib meel ayuu ka helay deeq waxbarasho taasoo u suuragalisay inuu qaato shahaado uu macallin ku noqdo laakiinse imtixaanki dowladda waa uu hollin waayay.

Hong qalbigiisa kama bixin inuu dalkiisa madax sare ka noqdo jid uu marana waa uu waayay. wayadaas waxaa aad u faafayay masiixiyadda oo guumaystihi ree Yurub furaha ay dadka ku qabsadaan u ahayd. Waayadaas waxaa Shiinaha gaaray wadaaddo ka socday kaniisado oo masiixiyadda faafinayay. Hong waxaa u muuqatay fursad qaali ah oo dadkiisa ku hoggaamin karo maqaam sarana uu ku gaari karo. Waxaa uu sheegtay inuu yahay NABI CIISE WALAALKI ka yar loona soo diray badbaadinta Shiinaha.

Dabcan sheegashadiisa ree Yurub ma rumayn mana soo dhaweyn oo diintoodi ayay xadgudub ku ahayd laakiin malaayiin dadkiisi ah ayaa rumeeyay kaas ayuuna qasadkiisu ahaa. Hong wuxuu gobolkiisi ka yabyabtay boqortooyo uu ku hoggaamiyo dadka uu nabiga u noqday. Boqortooyadi Shiinaha ayaa arrintaas ka carootay dagaal ayaana sidaasi ku qarxay.

Dagaalki maalintaas curtay wuxuu noqday dagaalki ugu dheeraa ee dhaco qarnigi 19aad. Wuxuu socday 14 sano oo xariir. Waxaa ku dhintay dad lagu qiyaaso 20 ilaa 70 milyan oo qof. Qiyaasaha qaar ayaa gaarsiiyo 100 milyan. Tiro intaas aad ooga badan ayaa ku barakacday. Dadka isaga u dirirayay waxay u dagaalamyeen faafinta diintoodi masiixiga ee cusub taasoo sida iyagu u arkayeen Nabi Ciise walaalki ula yimid isagoo noolna dhex joogo. Waxay hureen naf iyo maal waxayna goobaha dagaalka ka dhigeen wacdarooyin taariikhda galay. Laakiin isagu waa uu ogaa inuu Hong yahay oo uusan ahayn nabi iyo Ciise walaalkii toona. Hadafkiisu wuxuu ahaa inuu mansab iyo maqaam sare helo waa uuna gaaray taariikhdana waxaa loogu qoray mid ka mid ah labaatanki qof ee Shiinaha ugu saamaynta badnaa.

Haa isagu waa uu gaaray hadafkiisi laakiin tobonnaanka milyan ee u dhintay maxay gaareen? ma ogaayeen hadafkiisa runta ah haddise ay ogaan lahaayeen maxay fali lahaayeen? Arrintaan Hong kuma eka ee wajigiisu waa kan dhabta ah ee ragga xukun doonka ah. Haddii imtixanki horaba uu ku baasi lahaa barasaab iyo guddomiye dagmo isagoo ku qanacsan inuu dhiman lahaa laga yaabo, ama si nabad ah ayuu ku gaari lahaa maqaam sare. Markise uu waayay sidii nabadda ahayd wuxuu isticmaalay siduu islahaa waxbaad ku heli kartaa. Inta badan dadka hoggaamiyo kacdoonnada waa un sidaas. Waxaase farxad ah in Abuu Mansuur ku hormaray xabbad wax ku dooniddi haddana uu go'aansaday inuu si nabad ah wax ku raadsado. Waxaanse ogayn haddii uu waayo meesha uu ka bus kicin doono!

Taariikhu way soo noqnoqon Hong oo kalana dhammaan maayo. Waligeed koox iyo shaqsiyaad kursi doon ah oo daahirka daacad ooga ek waa jiri shacab dhaga la' oo qayladi yeertaba u dhintana wuu jiri doona.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: ishire86@gmail.com.



Comments

Popular posts from this blog

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Warbixin Kooban: safarkaygi Gedo Q2

Qormadi hore waxaan kaga soo hadalnay in ree baladnimadu kobacday, dhismayaasha iyo dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada oo aan waxbarashada kasoo qaadannay. Waxay ahayd inaan ku xijiyo caafimaadka iyo adeegyada kale balse waxaa igu soo noqnoqday codsi ah inaan wax ka iraahdo ammaanka gobalka iyo waxaan soo arkay. Qodobkaas ayaan maanta gorfayn doonaa hadduu Eebbe idmo.  Gobalka waxaa laga galaa dhulka ama cirka. Inta badan magaalooyinku waxay leeyihiin garoomo diyaaradeed oo shaqeeyo. Doolow ayaa ugu caalaminsan oo duullimaad maalin walba ah leh. Baardheere iyo Garbahaareey ayaa soo raaco. Buurdhuubo iyaduna marmar waa laga dagaa haddase dib u habayn ayaa garoonkeeda ku socdo in duullimaadku hagaago ayaa suuragal ah. Cid walba oo hawada marto cabsi badan ma qabto. Laakiin haddii dhulka la maro waa howlo badan tahay. Dadka qurbaha ka tago inta badan Mandera ayay Gedo ooga gudbaan. Xadku rasmi ahaan waa uu xiran yahay. Hasa yeeshee si caadi ah ayay la isugu gudbaa. Askarta...

Warbixin Kooban. Safarkaygi Gobalka Gedo. Q4

Waxaa ku jirnaa arrimaha bulshada. Tii inoogu danbaysay waxaan soo taabannay adeegga caafimaadka kaas oo sawir taban aan ka bixinnay. Hasa yeeshee meelo badan oo waxaa jiro horumar fiican uu ka jiro sida isboortiska. Garbahaareey waxaa ka dhisan siddeed naadi oo heer koowaad ah. Si joogta ah ayaa loo cayaaraa oo markuu xilli dhammaadaba dib ayaa loo billaabaa. Kooxaha koob ayaa loo dhigaa lacag ah. Inta badan waa $100 qiimaha abaalmarintu marmarna inuu ka bato ayaa laga yaabaa. Kooxdi qaaddo koobka ayaa meel fagaare ah lagu guddonsiiyaa abaal marinta. Ciyaarahaan waxay ka dhacaan garoonki kubbadda kacta ee dagmada oo saddex sano ka hor la dayac tiray. Garoonka oo loo dhisay darbi daawadayaashu fadhiistaan ayaa aad loo soo cammiraa. Maalinta ay jirto cayaarta kama danbaysta ah waa la buux dhaafiyaa. Waxaa xusid mudan in dad ugu badan ee cayaaraha daawado ay ka mid yihiin ciidanka. Waxaad arkaysaa iyagoo tuutahooda xiran qoryana sito oo shacabka dhex fadhiya. Dadka u...

Contact Form

Name

Email *

Message *