Skip to main content

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

 




28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo.

Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak. 


Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii.


Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne, Baardheere, Luuq, Doolow, Muqdisho iyo magaalooyin kale oo carriga soomaaliyeed ah. 

 

Horraantii 1960-kii Sheekh Maxammed AUNtee,  wuxuu ku biiray mac’had lagu baran jirey diinta oo hoostagayay jaamacadda Al-Azhar, ku se yiillay Muqdisho, halkaa oo uu ka dhigtay dugsiga dhexe, isaga oo ku guulaystay kaalinta koowaad.


1965-kii ayuu sheekhu deeq waxbarasho ugu safray magaalada Qaahira ee dalka Masar. Qorshii lagu qaaday waxaa uu ahaa in uu qaadan doono afar sano oo u diyaariyo jaamacad laakiin markii laga qaaday dhawr imtixaan oo lagu qiimeeynayay aqoontiisa waxaa soo baxday inuusan u baahnayn afartaas sano sidaas ayaana isaga iyo arday Liibiyaan ah loogu oggolaaday in ay fadhiistaan imtixaankii ugu danbeeyay. Sidaas ayuu sannadkii xigeyba ku billaabay Jaamaccadda Al-Azhar Kulyadda luuqadaha. Laakiin duruufihii dagaal ee markaa ka dhex qarxay Israa'iil iyo Masar, sheekha waxaa uu u wareegay jaamacadda Ummu-Durmaan ee dalka Suudaan, halkaa uu ka qalin jabiyay 1969-kii. Sheekh Maxammed AUN,  waxaa uu dalka ku soo laabtay dhammaadkii 1969-kii, markii ay dalka la wareegeen ciidamada qalabka sida.


Shaqooyinka uu sheekha soo qabtay waxaa ka mid ahaa


1.  1970 sheekha waxaa madax looga dhigay qaybta Arrimaha Islaamka ee wazaarada garsoorka.


2. 1973  ilaa 1975-kiii, Sheekh Maxammed waxaa uu u wareegay dhanka maxkamadaha, isaga oo garsoore ka noqday maxkamadaha  Hargeysa  iyo jowhar. 


3. 1976-kii, waxaa uu la taliye sare ka noqday maxkamaddii sare ee dalka.


4. 1978-kii waxaa sheekha loo magacaabay  ku xigeenka maxkamadda sare.


5. 1979-kii sheekha waxaa loo magacaabay sii-hayaha gudoomiyaha maxkamada sare.


6. Isla sannadkaas ( 1979 ) sheekha waxaa loo magacaabay ku xigeenka maxkamaddii Badbaadada ee uu madaxda ka ahaa Maxammuud Geelle. Sheekha kuma uusan raagin maxkamada badbaadada,  isla sannadkaas ayuu ka iska casila, isaga oo go'aansaday inuu ka wareego shaqadii garsoorka iyo maxkamadaha. 


7. Dhamaadkii 1980-kii, sheekha AUNtee,  waxaa loo magacaabay wakiilka Soomaaliya u fadhiya hay'ada Muslim World League ama Raabidatu Al-caalam Al-islaami oo hoos tagta ururka islaamka ay ku bahoobeen 57 dal xaruntiisuna ay tahay magaalada jidda ee Sacuudi Carabiya.


8. 1984-kii ayaa sheekha loo beddelay dalka Baniin ee dhaca Galbeedka Afrika, halkaa oo madax looga dhigay Xarunta Boqor Faysal ee faafisa diinta islaamka.  Intii sheekha AUNtee uu joogay dalka Baniin waxaa uu Aasaasay xarun labaad oo raacsan Xarunta Boqor faysal, taas oo laga furay magaalada Borokonofo (Caasimada ganacsiga ee Baniin).


9. Sheekha Maxammed Allaha unaxariisto,  wuxuu dalka ku soo laabtay 1988-kii, wuxuuna ka mid noqday macalimiinta jaamacada ummadda Soomaaliyeed  waxaa uuna dhigi jiray luuqadda Carabiga. 


10. 1990-kii, sheekha, isaga iyo rag isugu jira aqoonyahanno iyo ganacsato waxaa ay aasaaseen  hay'ad la yiraahdo Jamciyatul Takaaful Al islaami,  nasiibdarro se  dagaalladii sokeeye awgeed   ma hana qaadin hay'addu.


 11. 1991-kii  Markii qof walba oo mansab iyo maqaam lahaa dantu bidday inuu aado deegaankii qoyskiisu degganaa sheekh Maxammed waxaa uu qaxay Gedo. Waqtigaan ayuu sheekhu aad u soo shaac baxay. Dhiciddii dawladda waxaa la socday xoogaysagii Itixaad. Sheekh Maxammed waxaa uu madax ka noqday ururkii Itixaad qaybtiisii Gedo oo lagu garan ogyahay Imaaradii Gedo taas oo dhisnayd ilaa Tigreegu burburiyay 1997-kii.


Sida aan ku soo aragnay sooyaalkii nololeed ee sheekha, kama uusan mid ahayn dadkii horey ugu biiray ururrada islaamiyiinta. Dad aan la hadlay waxaa ay ii sheegeen inuu Itixaad ku biiray 1991-kii. Nin ka mid ahaa culimadii Itixaad ee hore waxaa uu igu yiri Sheekh Maxammed waxaa uu ka qayb galay shirkii Jabbuuti loogu qabtay siyaasiyiinta Soomaalida isaga oo aan ka mid ahayn Itixaad. Shirkaas waxaa uu dhacay bartamihii 1991-kii. Si kastaba ha ahaatee, goortii uu ka mid noqday ururka waxaa uu qabtay xil culus oo masuuliyad weyn xambaarsanaa.


Wax qabadkii iyo saamayntii ururka Itixaad uu ku yeeshay Gedo waxaa arrin wejiyo badan leh. Shar iyo kheyrba waa ay lahayd. Hadba dhinaca laga eego iyo maqaamka la joogo ayaa jihaynaya sida looga warramo Imaaradii Gedo iyo doorkii Sheekh Maxammed AUNtee. Waxaa hubaal ah in waqti dalku la ildarnaa ammaanxumo, dayac iyo daryeel la'aan ay Gedo haystay amni wacan iyo adeegyada aasaasiga ah ilaa xad. Horumarkaas muuqday door weyn ayay ku lahayd Imaaradii Gedo ee Sheekh Maxammed uu madaxda ka ahaa.


Waxaa kale oo hubaal ah in siyaasaddii ururka Itixaad, ficilladii uu ku kici jirey iyo la dhaqankiisii shacabka Gedo ay sabab u ahayd dullaankii wuxuushta Tigreega iyo gumeysiga ilaa maanta lagu jiro. Mas'uuliyadda arrintaa ma ahan mid sheekh Maxammed ka bilaabata ama ku dhammaato se waxaa ay ahayd mas'uuliyad urur oo wadar ahaan ugu dhacaysa dad badan oo uu sheekhu nafar ka yahay. Arrintaas waxaa aan ku faahfaahiyay buugga Halgankii Gunnimaddoonka.



Si kastaba ha ahaatee Sheekh Maxammed waxaa uu ka mid ahaa maqaawiirta Soomaaliyed. Waxaa uu ahaa nin yaraantiisii dedaalay, dalkiisa u shaqeeyay intii uu dawlad lahaa. Markii meesha ay baxday dawladdii Soomaaliya, waxaa uu ka mid ahaa dadkii u istaagay islaaxinta deegaannadii ay ka soo jeedeen. Walow laga yaabo in ay wax badan ku hallaabeen wanaagdoonkiisii iyo niyad samaantiisii. Sida ka muuqata shaqooyinkii uu qaban, waxaa uu ahaa nin firfircoon oo aan isku koobin shaqada loo direy oo keliya ee sidaa oo kale isku daya inuu hal-abuuro wax dadka uu la joogo faa'iido u leh. Waa innaga kor ku sheegnay inuu aasaasay hay'ad markii uu joogey Baniin bil matal. Dedaalkiisii waxaa kale oo na tusaya inuu ka mid yahay culimada fara-ku-tiriska ah ee isku dayday in dadka dhigaal uga tagaan. Waxaa isoo gaartay inuu reebay xasuusqor aan weli la daabicin.


Sheekh Maxammed AUNtee waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa nin hadal cad mararka qaarna hadal adag. Waxaa uu ahaa ruux ka gabban dhihidda waxa uu xaqa u arko wixii dhibana isaga dhex baxa sida aan ku soo aragnay ka tagiddii Maxkamadda Badbaadada. Dadkii la shaqeeyay waxaa ii sheegeen inuu ahaa nin aad ugu fiicanaa maamulka. Inkasta oo maamulka (management) iyo hoggaamintu (leadership) ay laba kala yihiin. Waxaa kale oo ay ku tilmaameen nin go'aammada dadka kala tashan jirey marar badanna cod geliyay oo halkii loo batay raacay. Waxaa se jirta in ururka Itixaadba ay aad ugu yarayd in ay ka shiraan arrimo saamayn weyn leh. Taasu ma ahayn mid sheekha uu sabab u ahaa e waxaa ay ahayd dhibaato guud ahaan haysatay ururkii Itixiaad. Waxyaabo badan ayaa ka qayb qaadanayay habdhaqanka noocaas ahaa. Waxaa ka xusi karnaa in madaxda ururku ay dunida ku kala firirsanaayeen oo in la isu yimaado aysan fududayn iyo in aysan jirin isgaarsiinta maanta ee sida fudud la isugu xirmi karo iyada oo la kala fog yahay.


Sheekh waxaa uu ku tilmaannaa deeqsinnimo aad ah. Waxaa uu ahaa nin aan xoolo urursan wixii soo galana inta uga baahi badan siiya. Waxaa uu ahaa nin tawaaduc badan oo raggiisa aan laga aqoon.


AUNtee sheekh Maxammed waxaa uu ahaa aabbe, awoowe, sawj, culimo, iyo hoggaamiye.


Eebbe ha ka abaalmariyo wanaaggii uu geystay, saamaxaadna ha ka siiyo wixii gef ahaa ee ka dhacay. Ehelka, asxaabta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed beddel kheyr qaba Allaha ka siiyo.


Xogta halkaan ku xusan waxaa aan ka soo ururiyay dad kala duwan inteeda badanna baraha bulshada ayay dhawr qof ku faafiyeen.


Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com










Comments

  1. This absolutely stylish, a well designed and beautifully orchestrated biography

    ReplyDelete
  2. Waa ku mahadsan tahay sida qurxoon ee aad usoo diyaarisay taariikhda wadaadka.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhac...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Contact Form

Name

Email *

Message *