Skip to main content

Posts

Showing posts from March, 2019

Warbixin Kooban. Safarkaygi Gobalka Gedo. Q4

Waxaa ku jirnaa arrimaha bulshada. Tii inoogu danbaysay waxaan soo taabannay adeegga caafimaadka kaas oo sawir taban aan ka bixinnay. Hasa yeeshee meelo badan oo waxaa jiro horumar fiican uu ka jiro sida isboortiska. Garbahaareey waxaa ka dhisan siddeed naadi oo heer koowaad ah. Si joogta ah ayaa loo cayaaraa oo markuu xilli dhammaadaba dib ayaa loo billaabaa. Kooxaha koob ayaa loo dhigaa lacag ah. Inta badan waa $100 qiimaha abaalmarintu marmarna inuu ka bato ayaa laga yaabaa. Kooxdi qaaddo koobka ayaa meel fagaare ah lagu guddonsiiyaa abaal marinta. Ciyaarahaan waxay ka dhacaan garoonki kubbadda kacta ee dagmada oo saddex sano ka hor la dayac tiray. Garoonka oo loo dhisay darbi daawadayaashu fadhiistaan ayaa aad loo soo cammiraa. Maalinta ay jirto cayaarta kama danbaysta ah waa la buux dhaafiyaa. Waxaa xusid mudan in dad ugu badan ee cayaaraha daawado ay ka mid yihiin ciidanka. Waxaad arkaysaa iyagoo tuutahooda xiran qoryana sito oo shacabka dhex fadhiya. Dadka ugu yar ee

Warbixin Kooban. Safarkaygi Gobalka Gedo. Q3

Qormadi inoo danbaysay waxay ku saabsanayd amniga. Laakiin waxay inaga soo dhexgashay qodobbo arrimaha bulshada ahaa oo inoo socday. Waxbarshada ayaan si kooban ooga hadalnay. Iskoollada maadiga lagu barto iyo goobaha diinta loo diraaseeyaba inay buuxaan ayaan soo sheegnay. Waxaan ka daba gaynayaa in goobaha diinta lagu barto ay aad u ballaaranayaan. Tusaale, waxaa soo socda qorsha ballaarinta machadka Imuumu Dahabi ee Garbahaareey oo dhawaan inuu bilowdo la filayo. Haddii lagu guulaysto waxa uu qorshuhu yahay in la dhiso dhismo dabaq ah oo mati galin karo kun arday ka badan hal mar. Waxaa sidoo kale lagu wadaa in masjikd jaamica ee Garbahaareey gabi ahaanba dhulka la dhigo si loo waasicyo. Masjidku waa udub dhexaadka aqoonta islaamka ee gobalka. Waa meesha ay fadhido xerta kunka ku dhow ee kutubta raacato. Waa meesha salaadda jumacaad sidoo kale lagu oogo. Haddaa waa uu qaadi la'yahay baahiyahaas, waxaana u ilmaynayaa ballaarin taasoo howsheedi lagu jiro. Caafimaadk

Warbixin Kooban: safarkaygi Gedo Q2

Qormadi hore waxaan kaga soo hadalnay in ree baladnimadu kobacday, dhismayaasha iyo dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada oo aan waxbarashada kasoo qaadannay. Waxay ahayd inaan ku xijiyo caafimaadka iyo adeegyada kale balse waxaa igu soo noqnoqday codsi ah inaan wax ka iraahdo ammaanka gobalka iyo waxaan soo arkay. Qodobkaas ayaan maanta gorfayn doonaa hadduu Eebbe idmo.  Gobalka waxaa laga galaa dhulka ama cirka. Inta badan magaalooyinku waxay leeyihiin garoomo diyaaradeed oo shaqeeyo. Doolow ayaa ugu caalaminsan oo duullimaad maalin walba ah leh. Baardheere iyo Garbahaareey ayaa soo raaco. Buurdhuubo iyaduna marmar waa laga dagaa haddase dib u habayn ayaa garoonkeeda ku socdo in duullimaadku hagaago ayaa suuragal ah. Cid walba oo hawada marto cabsi badan ma qabto. Laakiin haddii dhulka la maro waa howlo badan tahay. Dadka qurbaha ka tago inta badan Mandera ayay Gedo ooga gudbaan. Xadku rasmi ahaan waa uu xiran yahay. Hasa yeeshee si caadi ah ayay la isugu gudbaa. Askarta Kii

Warbixin kooban: Safarkaygi Gedo

Waxaan safar gaaban ku gaaray gobalka Gedo, gaar ahaan magaalooyinka Baladxaawo iyo Garbahaareey. Safarkaan oo qaatay inti u dhaxaysay 16/02/19-09/03/19 ayaan intiisa badan joogay dagmada Garbahaareey ee caasimada gobalka Gedo. Intii aan joogaay dagmadaas waxaan u kuurgalay horumarrada iga danbeeyay iyo waxa iska baddalay nolosha dadka.  Ree balad Arrinta koowaad ee isoo jiidatay ayaa ah in magaaladu ballaaratay. Waxaa ku darmaday in ku dhow inti ay awal ahayd. Sidoo kale waxaa kobcay tirada dadka ku nool inkastoo wali aysan helin caddadki ay qaadi kari lahayd. Dadka badan ee soo buuxshay magaalada waa midkii dagganaa miyageeda. Dadkii xoola-dhaqatada ahaa ayaa soo xarooday oo ree balad noqday.  Arrintaan waxay la qabtaa dagmadu qaaradda Afrika oo ree magaaloobiddu aad u kobcayso. Bankiga adduunka ayaa ku warbixiyay, qaaradda Afrika, in dadka magaalooyinka dagayo ay kobcayaan 3.5% sanad walba. Sidoo kale Bankigu wuxuu sheegay in inta u dhaxayso 2010 iyo 2025'ka caa

Safarkaygi Garbahaareey wuxuu mar kale i baray qiimaha gabdhaha Soomaaliyeed.

Dadnimada haweenka soomaaliyeed waa mid horay loo sajalay. Caddaan iyo madow, gaal iyo islaam cid walba oo u kuur-gashay nolosha dadka soomaaliyeed waxay qarrireen in haweenka soomaliyeed raggooda ka waxtar badan yihiin. 163 sano ayaa laga joogaa marki Richard Burton, oo maray bariga Afrika, uu qoray sidatan “awoodda jireed iyo adkaysikaba, haweenka Soomaaliyeed aad ayay ooga sarreeyaan raggooda. Guriga marki la joogo waxay qabtaan dhammaan howlaha guriga… marki la guurayo shaqadooda kala duwan oo mid buux dhaaftay. Waxay raraan awrta, garwadaan ugu danbayna ka furaan [heeryada marki la gaaro meeshi loo guurayay]. Waxay dhisaan aqallada, waxay soo guraan xaabada, waxay soo arooraan biyaha waxayna kariyaan cuntada”. Inta uu sheegay dhul mareenkaas waa mid aan anigu soo gaaray ilaa maantana ay la noolyihiin inta miyaga wali joogto. Marki ree baladka la noqday howl-karnimadaas ma noqon mid miyigi looga yimid balse way sii korortay. Qaybtoodi iyo tii raggaba iyagaa isku qabt

Contact Form

Name

Email *

Message *