Skip to main content

Warbixin kooban: Safarkaygi Gedo


Waxaan safar gaaban ku gaaray gobalka Gedo, gaar ahaan magaalooyinka Baladxaawo iyo Garbahaareey. Safarkaan oo qaatay inti u dhaxaysay 16/02/19-09/03/19 ayaan intiisa badan joogay dagmada Garbahaareey ee caasimada gobalka Gedo. Intii aan joogaay dagmadaas waxaan u kuurgalay horumarrada iga danbeeyay iyo waxa iska baddalay nolosha dadka. 

Ree balad

Arrinta koowaad ee isoo jiidatay ayaa ah in magaaladu ballaaratay. Waxaa ku darmaday in ku dhow inti ay awal ahayd. Sidoo kale waxaa kobcay tirada dadka ku nool inkastoo wali aysan helin caddadki ay qaadi kari lahayd. Dadka badan ee soo buuxshay magaalada waa midkii dagganaa miyageeda. Dadkii xoola-dhaqatada ahaa ayaa soo xarooday oo ree balad noqday. 

Arrintaan waxay la qabtaa dagmadu qaaradda Afrika oo ree magaaloobiddu aad u kobcayso. Bankiga adduunka ayaa ku warbixiyay, qaaradda Afrika, in dadka magaalooyinka dagayo ay kobcayaan 3.5% sanad walba. Sidoo kale Bankigu wuxuu sheegay in inta u dhaxayso 2010 iyo 2025'ka caasimadaha Afrika ay hooy u noqon doonaan 85% shacabka dalkooda daggan. 2012'ki 36% shacabka Afrika ayaa ree balad ahaa, tiradaas waxay gaari doontaa 50% sanada 2030'ka iyo 60% sanada 2060'ka. Guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Gedo mustaqbalka dhow tirada ku nool miyiga waxay noqon doontaa mid aad u yar. 

Dhismaha

Dagmooyinka Baladxawo iyo Garbahaareey waxaa ka muuqday dhismayaal cusub. Gaar ahaan Garbahaareey waxaa kuu muuqanayo fillooyinka cusub ee soollarada iyo haamaha biyaha kor loo saaray si loo helo shaawer. Dhismayaalkaan ayaa ah kuwo ka turjumaya lacagta magaalada gashay iyo isbaddalka nololeed ee dadku samaynayaan.

Waxaa sidoo kale siyaabo qurux badan loo dayac tiray xarumihi dowladda ee waa hore baaliyoobay sida xafiiska gobalka, midka dagmada iyo guriga martida. Waxaa dhisme cajiib ah loo dhisay dhalinyada kasoo ka kooban xafiisyo, hool shir oo mug weyn iyo barxad nasasho. Waxaa la qarin karin dhismaha isbitaalka Jaalle Siyaad iyo midkii hore oo hadda dayactirkiisu gabagabo ahaa. 

Inta badan ku nool dagmadu ma dareensana horumarkaan iyo dhaqaalaha ka muuqda dagmada. Laakiin markaad u fiirssato sida dadku lacagta u isticmaalayaan waxyaabaha raaxada ah ee ay iibsanayaan iyo isticmaalka tagisga iyo bajaajta waxaad ogaanaysaa in dakhliga dadku aad u kordhay. Alaabihi dhowr sano ka hor dhag ka maqal ahaa sida qasaaladaha dharka dhaqo iyo qaboojiyaalka ayaa maanta ka mid ah alaabo dad badan aasaasi u ah. 

Adeegga Bulshada

Wax badan iskama baddalin adeegga dad weynaha ee ay ahayd in dagmadu  bixiso sida waxbarashada iyo caafimaadka. Hasa ahaatee waxaa muuqanayso in adeeggaas in badan oo ka mid ah dadku iskood u samaysteen.

Waxbarashada

Waxaa si habsami leh u socdo waxbarsahda hoose/dhexe iyo sare. Waxaa Garbahaareey ka furan saddex iskool hoose/dhexe oo labo bulshadu furatay midna hayad ay gacanta ku hayso. 

iskoollaadka isku dar waxaa dhigto ardo ka badan labo kun oo canug tiraduna way sii kordhaysaa. Dadka markaad la sheekaysato waxaad ogaanaysaa in la fahmay qiimaha waxbarashada. Waxa walwalka ugu badan uu ka hayo waa tacliinta abudkooda. Waxay ka hormariyaan qutul-yoonka. Qofkii ku shaxaado waxaa uu ku waydiisto waa ilmo iskool iiga bixi ama lacag qalin-jabin baa la iga rabaa ee iga caawi.

Rabitaanka waxbarashadu wuxuu gaaray heer la dhihi waa lagu xad-gudbay. Waayo waxaad arkysaa waalid canug uu dhalay rabo inuu barto wax walba oo tacliin ah oo baladka yaal. Waxaad arkaysaa caruur Qur'aanka xafidday oo mid cusub oo aan tabar lacageed loo hayn la gaynayo iyadoo lala rabo siyaadsaso iyo inuu shahaado helo.

Waxaa sidoo kale aad ku kordhay iyadoo qaabka wax loo dhigto la casriyeeyay dugsiyada Qur'aanka. Meel dhaliil lagu tilmaami karo xagga dugisyada waa in macallimiinta malcamadaha lahi ay waaliddinta ku qasbaan in aan caruurta iskool la gayn iyagoon Qur'aanka dhammayn. 

Macallimiinta ayaa yiraahdo haddii aad canugga iskool gayso dugsigayga sii dhigan maayo. Arrintaas waxay keentay in waaliddiintu caruurta u daayaan malcamadda kaliya xataa iyagoo ay caddahay in ay sanado badan ku qaadan doonto barashada Qur'aanka. Waxaan arkay caruur 14 sano gaartay oo ilaa hadda aan iskool la gayn waayo waxaa ku adkaaday Qur'aanka, inuu dhammeeyo ayaana shardi looga dhigay si iskool loo geeyo.

Maddaarista iyo culuumta laga barto masaajidda ayaa iyaguna ah kuwo aad u cammiran. Masaajidka jaamica ah ee Garbahaareey oo saldhig u ahaa cilmi-xalaqaadka ayaa buuxa. Saacaddi aad tagtaba waxaad ku arkaysaa wiilal aad u da' yar, oo intooda badan aan is iri 15 sano ma gaarin, oo kutaab ku fooggan. Waxaa socdo culuum kala duwan oo diini ah sida cilmiga luuqadda Carabiga, Fiqhiga iyo barashada cilmiga Xadiiska oo ka kooban axaaddiista iyo musdhalaxa.

Dadka ku taxan culuumtaan oo aan ku qiyaasay ilaa 600 oo ruux ayaa ah kuwo ka kala yimid miyiga fog ee Gedo. Intooda badan ehelo kuma laha dagmada sidaas darteed waxay tacaluq ku yihiin dadka dagmada. Marar badan waxaa dhacdo in masaajidka laga yiraahdo waxaa joogo labo ama mid xerow ah ee yaa tacaluq siiyay isla markaasna ruux gacanta taagto. Ma jiro qoys saani u daggan illaa mid ama labo xertaas ka mid ah ayaa cunto ku leh. Arrintaas ayaan aamminsanahay inay gaar u tahay Garbahaareey. Intaan ogahay ma jirto magaalo kale oo maanta Soomaaliya ku taal oo ay fadhiyaan xer intaas la tiro eg oo aqoon doon kaliya u fadhido. Sidoo kale, waxaan is leeyahay way adagtahay in la helo magaalo kale oo dadkeedu diyaar u yahay inuu dusha saarto nolosha wiilal reerahoogi ooga yimid dalmid cilmi kaliya ehelna aan la wadaagin.

Labo arrimood oo aan ku arkay Garbahaareey inta ay dadkeedu wadaan wanaag, barako iyo barwaaqo ka bixi mahayaan. Tan hore waa marti-galinta dhalinyarada soo xeraysata. Tan labaadna waa Qur'aanka sida joogtada ah guryaha iyo masaajidda ay ugu akhristaan. Wadar iyo waaxid kuu noqdaba ma jiro ayaad is dhihi guri aan asbuuci Qur'aan lagu dhammayn. Masaajidda ayaad aroorti ku arki dad u fadhiya akhriska Qur'aanka. Subaca waa iska joogto. Jumco walba waxaa salaadda subax ka dib si jamac ah loo akhriyaa marre balaayada looga xirsi-xirto dadkana loogu duceeyo. Dadka jameecada soo xaadiro ayaa horay ubbadooda usoo qaato si ay tahaliil ugu sii shubtaan. Qur'aankaas iyo ducaddaas ayaa la gaarsiiyay in loo akhriyo kuwa dibadaha jiro ee dhibka looga baqayo iyagoon codsan dhaqaalana lagu waydiisan. Halkaan guji si aad ukhriso dheeraad.

la soco qaybta xigta

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/





Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *