Skip to main content

Dhalinyarada gobalka Gedo waxay la mid yihiin biyaha maro boholaha gobalka Gedo


Ayaanle Macalin Cabbeey oo ka mid ah dhalinyada firfircoon ee gobalka Gedo ayaa isoo diray farrintaan su'aasha ah ee hoos ku oqran:

Masuul waxaan rabaa inaan kula wadaago dhallinyarada gobalka gedo Masiibada goonida u haysato oo naga reebtay goballada kale ama Xamarta an maanta ku suganahay aan kaga duwannahay annagoo haysanno dhul dihan oo dekad ah haddana maankeenna kuma fooraro wax la xariiro hanaqaad horumareed dhanka siyaasadana kuma jirno oo xaquuq xitaa kama helno.


Adiga oo ah aqoonyahan wax badan ka qoro siyaasadda iyo arrimaha Somalia,sideen ku heli karnaa fakar mideysan oo wax baddala ama aan wax is bedal ah ku sameyn karno?

Laga billaabo degmo ilaa iyo tuulo malahan wax xariir siyaasadeed ah iyo dano isku dhafan,anagoo ku dhex nool marxaladda aad marqatiga ka tahay sideen ku heli karnaa fursad an kaga gudubno meesha maanta an naalno oon ubeegsan karnaa halka nalaga doonayo inaan ka muuqanno oon ka dhallinyara ahaan ku muujin karnaa doowrka anku leenahay bulshadeena?

Marka hore waxaan ka cudurdaaranaya inaanan ahayn ninki ku habboonaa su'aashaan. Maahi aqoonyahan. Takhasus gooni ah uma lihi dhibaatooyinka noocaan oo kale ah. Sidoo kale ma jirto cilmibaaris aan sameeyay oo aan ku salaynayo mushkiladda uu Ayaanle sheegay. Sidaa darteed wixii aan halkaan ku qoro waa sida ay aniga ila tahay. Maahan nas iyo arrin haysato baaris qoto dheer. Waa dood furan oo qof walba uu aragtidiisa ka dhiiban karo. Kaliya markaan ka doodno mushkilada jirto ayuu xalku noo muuqan karaa.

Dhalinyadu waa halbowlaha horumarka ummadeed. Waa shaagga uu ku dhaqaaqo isbadalku, waxaa kiciyaha bulsho huruddo. Isbadal walba oo dunida soo maray waxaa suura galiyay dhalin yaro. Bal eeg sidii dhalintii ree Madiino salka ugu dhigeen dowladdii Islaamka ee Suubbanuhu NNKH dhisay.

Dhawaanahaan kacdoonnadii isbadal doonka ahaa oo dhan dhalinyaro ayaa hoggaanka u haysay: Hadduu yahay dhaqdhaqaaqi bulshada rayidka ah ee dadka madow ee Maraykanka xaqooda lagu doonayay, midki xasuuqii Maraykanku ku hayay Fiitnaam looga soo horjeeday iyo kii darraad ahaa ee Gugii Carabta ee dhiigyacabyadii Xusni Mubaarak iyo Zaynul-caabiddiin kurisga looga tuuray.

Sidoo kale, horumarka dhaqaale, kan aqooneed iyo kan tegnoolojiyadeedba waxaa hormuudka ah dhalin yaro. Maqli maysid oday ayaa hal abuuray aalad cusub. Laga yaabo mid dhalinyaronimo ku billaabay iqtiraaq inuu da' weyn kale ku sameeyo. Sidaa darteed dhalinta oo madasha hormuudka nolosha laga waayo waa musiibo aan la dhayalsan karin iyo dib u dhac bulsho oo dheelinayo.

Xalka arrintaan ma aan hayo oo oran mahayo sidaas iyo sidaas ha yeelo dhibka waa laga bixiye balse waxaan is leeyahay dhibka haddii la fahmo xalka waa la heli. Sida ay anigu ila tahayna muskiladdu waa hijrada.

Sanad walba waxaa da'o roobab xoog badan kuwaas oo buuxiyo bololaha waaweyn ee gobalka Gedo. Sidi aan maalin aan fogayn idinla wadaagay https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/2018/04/reer-rag-leeyahay-roob-saan-ma-u-galaa.html biyaha badan ee ay boholuhu keenaan waxay socod ku maraan dhul ballaaran iyagoo yaacayo oo ku jihaysan xaggaas iyo Wabi Jubba. Inta ay socdaan waa laga cabbaa, beero xoogaa ah ayay waraabiyaan laakiin wax kale lagama dheefo oo sidaas ayay ku dhaafaan gobalka.

Biyaha boholahaas maray waxaa la mid ah dhalinyarada gobalka Gedo. Dhammaan siddeeda dagmo ee gobalku ka kooban yahay waxay ka siman yihiin inay dhalintu ka haajirto markay soo kacaan. Hadda ka hor Axmeey Xirsi Dheere oo saaxiibkeey ah ayaa igu yiri Garbahaareey waa meel aad u yar haddana qof walba oo aan barto iyadaan ka imid ayuu leeyahaye magaaladu ma god hoose oo lagu noolaado ayay leedahay xagay intaan oo dad ah ku haysay?

Waxaan ku iri waa la isu banneeyaa. Halki ku koray ay magaalada ballaarin lahaayeen oo guryo cusub iyo suuqyo la dhisi lahaa, ayay ka hijroodaan. Marka booskoodi waxaa galo kuwa soo kacayo sidaas ayayna ku socotaa ilaa maanta. Warkaasu waa xaqiiq. Ilaa dowladdi dhexe, Gobalka sidaas ayaa looga haajirayay, joogidda dhalintuna waa inta ay dugsi-sare ka dhammaynayaan.

Hijrada iyo dhalinta

Dunida oo dhan in dhalinta daafaha ku dhalato u hijroodaan magaalooyinka waaweyn waa mid sugan. Sahan lagu sameeyay 150 dal ayaa tusay in rubac ka mid ah dhalinta ka yar 24 sano ay rabaan inay ka haajiraan deegaannadooda.

Qaaradda Afrika dhalinteeda hijro ayaa kala reebtay. Lab iyo dhadig isku si ayay nolol doon u yihiin. Cilmibaarisyo koox ah oo dalal kala duwan oo Afrikaan ah lagu sameeyay waxay tuseen in 101 dhadig ah oo ka yar 20 sano ay caasimadaha u hijroodaan marki ay 100 lab ah hijrotaba.

Hijradu had iyo jeer maahan mid taban ee marar badan waxay saamayn togan ku yeetaa meelihii laga haajiray. Tusaale, dhalinta hijrootay waxay yarayn culayska shaqo doonka oo inta hartay inay shaqo hesho u badi mushaar fiicanna la siiyo. Labo, kuwa baxay waxay soo diraan lacago wax u taro nolosha qoysaskooda ugu danbayna dagmada gaarto oo dhaqaalaha kobciso. Sadex, aqoon iyo xirfad ayay soo baran oo dib ugu soo celiyaan meelihii ay ka hijroodeen. Afar, ilbaxnimo iyo waayo-aragnimo ayay lasoo noqdaan.

Hasayeeshee, dhalinta Gedo faaiidooyinkaan lagama helo marki laga reebo hal iyo labo aan macno weyn samayn. Garbahaareey iyo Ceelcadde waa labada dagmo ee ardayda ugu badan ee dibbadda waxbarsho u aadday ay ka yimaadeen. Intaan ogahay ma jiro mid dib ugu laabtay markuu wax soo bartay. Intaan isku dayay inaan ogaado waxaan la ii sheegay hal Garbahaareey ah oo Suudaan kasoo laabtay iyo mid Ceelcadde ah oo iskoolka sare macallin ka noqday marki uu Bakistaan wax kusoo bartay ka dib. Kumannaan ayaan labo kaliya ka haynaa.

Maskaxdi iyo waayo-aragnimadi waxay la aadaan Xamar. Intooda badan shaqo kama helaan oo dhaqaale dib uguma soo celiyaan dagmooyinki ay ka yimaadeen. Sidaa darteed aqoon iyp dhaqaale toona lagama faaiido. Kuwa badan iyagaaba ka dhuro dhaqaale oo waalidkood Xamar ku biilaan.


Intaas waxaa dheer in dhalinta Gedo ay iyagoo Xamar joogo rabaan inay isbadal keenaan si la mid ah sida siyaasiyiinta gobalku aysan cag usoo dhigin meelihii ay matalayeen. Waxaa jiro qaylo iyo sawaxan kasoo yeerayo dhalinta iyo siyaasiyiinta gobalka. Eedo badan ayaa loo jeedinayaa madaxda dowladda dhexe iyo midda Jubaland. Haddana cida sharqarayso ma joogto meesha ay wax u rabeen!

Haddii aan usoo laabto su'aasha Ayaalne jawaabteeda. Dhalintu uma baahna in la mideeyo. Gobalku aad ayuu u ballaaran yahay waxaana ku nool dad badan oo kala duwan. Dhaqaale, xirfad, aqoon, siyaasad iyo hammi intaba waa ku kala duwan tahay dhalintu. Sidaas darteed inay mid noqoto ma dhici karto. Kala duwanaanshuhu sidiisaba dhib ma keeno ee isqabsiga iyo wada shaqayn la'aanta ayaa keento.

Marka waxba waqti yaan la galin in la helo hal urur oo gobalka matalo ee ha laisu xiro ururada badan ee ka jiro dagmooyinka hal dallad oo kulmiso iyagoo kala duwanna ha loo sameeyo ayaan dhihi lahaa.

Midda sideen wax ku noqonnaa waxaan ka leeyahay kaliya marki ay dhalintu ku noqto gobalki ayay wax noqon karaan, wax soo kordhin karaan waxna baddali karaan. Inta hijradu socoto dhalinta Gedo waxay la mid ahaan biyaha na maro bilo ka dibna aan ka oommannahay.

Waa iga dhan tahay waana dood furan oo u baahan in laga wada qayb qaato. Farriin ahaan waad iigu soo diri kartaan inboxka.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco:
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *