Skip to main content

Iskuul dhigashadu Macnaheedu Mahaan waxbarasho. Qeybti koowaad

                                               
                                                        
Shirkii ka dhacay caasimadda dalka Senigaal sanadki 2000, waxaa lagu guntay in dhammaan caruurta iskool gaartay ee ku nool dacallada adduunka la siiyo fursad ay iskool ku dhigtaan, marki la gaaro sanadka 2015-kana lagu guulaysto inuusan jirin canug aan iskool dhigan caqabad iskool la’aan darteed. Si taasi loo gaaro waxaa la kordhiyay kaalmadi la siin jray dowladaha saboolka ah si ay waxbarasho bilaash u siiyaan caruurtooda. Waxaa la dhisay dugsiyo cusub iyo fasallo farabadan. Waxaa boqol jibaarantay ardayda iska diiwaan galisay dugsiyada hoose/dhexe. Waxaa loo riyaaqay sida wax u socdaa iyo tirade ubadka subaxii iskoolada u kallaho.

Sanado ka dib waxaa la sameeyay cilmi baarisyo kala duwan oo lagu ogaanayo heerka aqoonta caruurta iskoollada dhigato si loo hubiyo in qorshihii fulay iyo in kale. Warbixinta qiimaha gaarka ah leh ayaa ah mid uu bil ka hor soo saaray Bankiga Addunk (World Bank). Laga soo billaabo sanadki 1978-di, Bankigu wuuu sanad walba daabacaa warbixin uu kaga warramayo horumarka addunka. Sanadkaan ayaa noqday kii ugu horeeyay ee Bankigu daabaco warbixin horumarka waxbarashada adduunka u gooni ah.

Natiijada kasoo baxday wabixintaan waxay noqotay mid ka fajacisay inta horumarka dunida danayso, gaar ahaan bahda waxbarashada u olaolayso. Warbixintaan oo ka kooban in ku dhow 240 bog ayaan ii saamaxayn inaan soo wada guuriyo, balse waxaan isku dayi doonaa inaan akhristayaasha la wadaago meelo si soo xulay muhiimmad gooni ahna noo leh. Inshallaah labo ama sadex qormo ayaan ka dhigi doonaa si aysan noo dheeraan. Midda ugu horrayso ayaa ah heerka waxbarashada caruurta ku nool dunida soo korayso. Middaas oo innaga si toos ah noo qusayso.

Sanadihii danbe waxaa si xowli ah u kordhay ardayda laga diiwaan galiyay dugsiada hoose iyo kuwa saraba. 1970ki is-diiwaan galinta dugsiyada hoose ee wadamada Saxaraha ka hooseeyo waxay ahayd 68% halka wadamada Koonfurta Aasiya ay ahayd 47%. 2010-ki labada gobalba is-diiwaan galintu waxay dhaaftay celcelis 100%. Waxaa sidoo kale, kordhay tirade gabdhaha iskoollada aadayo. Intii u dhaxay 1991-di iyo 2007-di saamiga gabdhaha iyo wiilasha dugisyada hoose wuxuu kasoo kacay 0.84% ilaa uu gaaray 0.96%. dugsiyada sare gabdhuhu way kaga bateen wiilasha.

Hase yeeshee marki la eego  waxa ay barteen caruurtu walwal iyo niyad jab ayaa ku taabanayo. Sababta iskoollada loo aadayay maahayn in fasallada un la camiro ama lagu faano intaas oo caruur ah ayaa noo diiwaan gashan. Waxa loo ordayay, qarashkana loo bixinayay waxay ahayd in la dhiso aqoonta dhalinta lana baro xirfado ay ku shaqaystaan. Xirfadahaas ayaa dalka iyo dadkaba anfici lahaa una horseedi lahaa horumar balaraan oo uu kaga gudbo caqabadaha dhaqan-dhaqaale ee haysto.

Laakiin, warbixintu waxay tilmaantay inaysan caruurtu intooda badan aysan waxba baran sida ay hadda yihiin haddii aanan wax laga badalinna aysan waxba la tagayn. Qaar badan oo ka mid ah, wixii ay ku baran lahaayeen bilo kooban aysan sano ku baran. Tusaale, caruurta dhigato fasalka sadexaad ee waddamada Kenya, Tansaaniya iyo Yugaandha oo ah kuwa aan innagu hiigsanayno caruurteenana u dhoofinno si ay waxbarsho tayo leh uga helaan, ayaa qiimayn lagu sameeyay. Waxaa la waydiiyay inay akhriyaan jumlo fudud sida “Eygayga magaciisu waa Baabi”. Sadex-afraad ¾ ardaydi la su’aalay, waa kicin waayeen waana fahmi waayeen macnaha ay samaynayso. Ogow caruurtaan markaas ugu yaraan sadex gu’ ayay iskool dhiganayeen. Waalidkood waxaa ooga baxay ugu yaraan qarashla buugta iyo direyska uu iskoolka ku aado, waxaa uuna ka sugayaa inuu waxa uu soo barto cidda oo dhan gaajada kaga saaro.

Sidoo kale, caaruurta yaryar ee ku nool tuulooyinka Hindiya ayaa iyaguna la qiimeeyay. Sidoo kale sadex-afraad ayaa ku guul-daraysatay inay ka shaqeeyaan kala jarid labo god ah sida 46-17, kala barow-bar kuwaa dhigto fasalka shanaadna intaas waa ka shaqayn waayeen. Baraasiil oo ah waddan dhaqaalihisu aad u kobcay sanadihii danbe kuna biiray waddamada ku jiro dabqadda dhexe ayaa isaguna fajac lagu arkay. Qiimaynti lagu sameeyay ardaydiisa waxay tustay in is badal wanaagsan uu jiro xagga xirfadaha caruurtu iskoolka ku bartaan marki loo eego siduu ahaan jiray laakiin in heerka aqoonta xisaabta caruurta baraasiil ay soo gaarto midda kuwa ku nool waddamada hodanka ah waxay qaadanaysaa 75 sano, xagga akriskana waxay qaadan doontaa 260 sano. Taasi waxay ka dhigantahay in aqoon ahaan Baraasiil ka danbayso Maraykanka iyo Jabbaan 260 sano. Tolow immisa ayay dalkeenna ku qaadan? (Akhrisku ahmiyad gooni ah ayuu leeyahay sidaas darteed waxaan isku dayi inaan si gooni ah u eego sababta keentay kala fogaanshahaan balaaran hadduu Eebe idmo).

Waddamada Saambiya iyo Mawali, 89% caruurta dhigato fasalka labaad waa kicin waayeen hal weedh. Macnaha inaysan waligood iskool dhigan ayay la mid noqdeen. Qiyaas guud, 125 milyan oo canug ayaan waxba kala tagin iskoollada ay dhiganayeen afar sano.

Dhibtu intaas oo kaliya maahan. Marki la eego farqiga u dhexeeyo dadka saboolka ah iyo kuwa hodanka ah ee waddan ku wada nool ayaa iyana waxaa soo muuqday argagax kale. Caruurta dhigato fasalka lixaad ee ku nool Yuruukwaay (Laatiin Ameerika) waxay shan jeer kaga hooseeyaan aqoonta xisaabta kuwa la ayniga ah ee kasoo jeedo reero hodan ah.

Waddamada aan soo xusnay dhibku gooni kuma ah. Waxaa jiro tobannaan milyan oo canug oo ku nool dhamaan qaaradaha adduunka oo aan iskoolada kala tagin xirkad horumar u hoggaamiso. Waxay dhammeeyaan dugsiyada sare iyagoon fahmi karin warqadda dhaqtarku u qoro, aan xisaabsan karin baaqiga ooga soo noqdo wax ay iibsadeen ama aan turjuman karin ballan-qaadyada ku qoran waraaqaha siyaasiyiinta xildoonka ah ay faafiyaan iskaba daa inay bartaan xirfad barto hal-abuur iyo isbadal nololeed oo dhab ah.

Xogtaan waxay waxaa laga aruuray kuwa yeeshay nasiib ay ku tagaan iskool. Wali waxaa dunida ku nool 260 milyan oo canug oo aan dhigan wax iskool ah. Badanka caruurtaan waxay ku nool yihiin waddamada ay dagaaladu ka socdaan sida keenna, Suuriya iyo Koonfurta Suudaan.

Warbixintaan waxay hurdada ka kicinaysaa waalidiinta u haysto in caruurta wax loo baro, maamulayaasha iskoollada ee u haysto inaan lugooyadooda laga war qabin, madaxda dowladaha meel eber ah kor ka daawanayo iyo deeq bixiyayaasha lacagta ku qubo meel aysan waxba kasoo socon. Taasi macnaheedu maahan iskoollada albaabada ha loo laabo. Ujeedku waa isbadal ha la sameeyo, ha la hagaajiyo nidaamyada waxbarashada hana la sameeyo nimaad sugan oo lagu qiyaaso heerka waxbarasho ee dalka. Muhiimadda uu qodobkaan (Qiimayn) leeyahay ayaan, hadduu Eebe idmo, qormada xigto kaga hadli doonaa.

Ibrahim Aden Shire

Ishire86@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Contact Form

Name

Email *

Message *