Skip to main content

Posts

Showing posts from March, 2018

Waxbaa Isoo Hari Waayay: Hal ku dhigyada Halaaga noo Horseeday

Qormadaan middi ka hooraysay https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/2018/03/hal-ku-dhigga-halaagga-noo-horseeday.html waxaan kaga sheekaynay jumlooyin noqday halqabsi lagu weeraro dadka u shaqeeyo bulshada kuwaas oo waqtigoodi iyo maalkodiba galiyay caawinta dan yarta iyo hurumarinta bulshada. Hal ku dhigyadaas waxaa ka mid ahaa: 'Hantida dad weynaha ayaa goob ganacsi loo baddalay'; 'Qandaraas ayuu nagu soo qaatay'; 'Lacag ayuu nagu cunaa'; Magaceenna ayuu rabaa inuu ku qaraabto' iyo kuwo kale oo badan. Qormadaan waxaan kusoo qaadanaynaa kuwo kale oo u gaar ah Soomaalida qurbaha ku nool gaar ahaan kuwa Yurub ku nool. Waxaan fadhinnay biibito, waqti casar hore sanadki 2006di. Waxaa na soo ak fadhiistay nin soomaali ah da' dhexana ku jiro. Wuxuu yiri waxaa la isoo sheegay inaad ka shaqaysaan halkaas oo aniga shaqo la iigu diray. Barri inaan shaqo tago ayaan rabaa carradana waan ku cusabahay oo ma aqaan meesha aan rabo. Marka inaad meesha i tusat

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Maxay dhalinta Sacuudigu diinta ooga sii fogaanayaan maxaanse ka baran karaa?

Sida aan wada ognahay Jasiiradda Carabta maantana loo yaqaan Sacuudi Carabiya waa ubucdi Islaamka waxaana ku yaal Mako iyo Madiino. Waayadii danbe waxaa loo baxshay dhulkii towxiidka taasoo loola jeeday meeshii diinta dib looga soo nooleeyay. Kalimadaan 'baladdu Tawxiid' waxaa si gooni loogu ammaana Sacuudiga culumaddiisa iyo madaxdiisa oo dadku qaar u arkaan inay diinti daba-qabteen. Hasa yeeshee, dhawaanahaan waxaa soo ifbaxay in dhalin yaradi Sacuudigu kasoo istaageen diinti. Waxaa batay dadka isku tilmaamayo inaysan diinta ku dhaqmin halka qaar ay gabi ahaanba ka baxeen diinta. Sanadki 2012ki, sahan lagu sameeyay 57 dal oo sacuudigu ku jiro natiijadi kasoo baxday ayaa dunida ka yaabisay. Sahankaan wuxuu tusay in dadki reer Sacuudi ee ka qayb galay sahankaas ay 19% isku tilmaameen in ay diinta aaminsan yihiin laakiin aysan ku dhaqmin halka 5% ay isku tilmaameen kuwa aan Rabbi jiritaankiisa aaminsanayn.  Arrintaas waxaa sii xoojinayo tallaabboyinka uu qaaday dhax

Faqrigu Inaad Aragto Ayuu Kugu Dilaa

                                                   Qormadaan waxay daba socotaa middii asbuucii hore aan kaga hadlay faqriga dhibka uu leeyahay marki aad aragto https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/2018/03/dhaawaca-ugu-weyn-ee-saboolnimadu-ay.html    Markaan akhriyay faallooyinki ay dhiibteen akhrisristayaashu waxaa ii muuqatay in akhristayaasha intooda badan ay u fahmeen si ka duwan sidaan u waday. Sidaas awgeed ayaan qormadaan oo ah qaybtii labaad ee tii hore u baddalay ciwaankeeda.  Ujeedka qormada ayaa ahayd inay iftiimiso dhibka uu leeyahay faqriga marki aad dareento inaad faqiir tahay. Waxaan soo tilmaannay in dadka faqriga arko ay noqdaan qar-iska-tuuro u bareero qataro badan. Waxaan soo sheegnay in qofka dareemayo inuu faqiir yahay uusan waxba meel dhigan kana fakerin waxa barri imaan doono.  Haddaba yaa faqiir ah? Waa sidee dareenka kuwa wax haysto? Ma jiraa caddad hantiyeed oo haddii la helo laga baxo faqriga? Maxaa keeno in qofku arko ama dareemo faqriga? Su

Dhaawaca ugu weyn ee saboolnimadu ay gaysato waa dareemidda saboolnimada

                                                Saboolnimadu waa mid dhib badan waxayna geysataa dhaawacyo kala duwan. Waxay bahdishaa qofkeeda. Waxay baabi'isaa karaamada shaqsiga waxayna dadka ku jarribtaa wax uusan doorteen. Sayid Cali Allaha ka raali nodee ayaa la sheegay inuu yiri "Faqrigu haddii uu qof ahaan lahaa, madaxa ayaan seef ooga goyn lahaa". Hasa ahaatee, dhaawacyada uu gaysto faqrigu waa kala dhib iyo dhibaato badan yihiin. Midka ugu dhibka badan maahan mid muuqdo ama fool ku yaal ee midka qarsoon oo qofka laabtiisa ku baaqi ah. Ma jiro dhaawac ka weyn in qofku dareemo inuu faqiir yahay. Haddii uu sabool yahay balse uusan dareensayn inuu faqiir yahay wuu caymo qabaa, noloshiisana horumar ayay yeelan. Keith Payne waa borofeesar ku taqasusay kasmo-nafeedda. Wuxuu macalin yahay jamaacadda North Carolina. Keith waxaa uu xasuustaa is badalki ku dhacay maalintuu saboolnimada dareemay. Waxaa uu yiri isagoo ka warramayo arrintaas: Waxaan kasoo jeed

Contact Form

Name

Email *

Message *