Skip to main content

Maxay dhalinta Sacuudigu diinta ooga sii fogaanayaan maxaanse ka baran karaa?


Sida aan wada ognahay Jasiiradda Carabta maantana loo yaqaan Sacuudi Carabiya waa ubucdi Islaamka waxaana ku yaal Mako iyo Madiino. Waayadii danbe waxaa loo baxshay dhulkii towxiidka taasoo loola jeeday meeshii diinta dib looga soo nooleeyay. Kalimadaan 'baladdu Tawxiid' waxaa si gooni loogu ammaana Sacuudiga culumaddiisa iyo madaxdiisa oo dadku qaar u arkaan inay diinti daba-qabteen.

Hasa yeeshee, dhawaanahaan waxaa soo ifbaxay in dhalin yaradi Sacuudigu kasoo istaageen diinti. Waxaa batay dadka isku tilmaamayo inaysan diinta ku dhaqmin halka qaar ay gabi ahaanba ka baxeen diinta. Sanadki 2012ki, sahan lagu sameeyay 57 dal oo sacuudigu ku jiro natiijadi kasoo baxday ayaa dunida ka yaabisay. Sahankaan wuxuu tusay in dadki reer Sacuudi ee ka qayb galay sahankaas ay 19% isku tilmaameen in ay diinta aaminsan yihiin laakiin aysan ku dhaqmin halka 5% ay isku tilmaameen kuwa aan Rabbi jiritaankiisa aaminsanayn. 

Arrintaas waxaa sii xoojinayo tallaabboyinka uu qaaday dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Binu Salmaan (MBS). Tallaabboyinkaas, oo uu arkay kuwa uu dhalinta kusoo jiidan karo, taageero ballaaranna ku heli karo, ayaa u badan hirgalinta dhaqamada reer Galbeedka iyo dabcinta ku dhaqanka xukunnada ku salaysan diinta ee ku saabsan anshaxa. 

Waxaa la dhihi karaa MBS oo isaguba dhalin yara ah, waxaa u muuqatay rabitaanka dhalinta iyo inay qadyaan ka taagan yihiin wacdiga wadaaddada sidaasna uu u abbaaray meesha ugu sahlan ee uu taageero ku kasban karo. Tallaabboyinka uu qaaday waxaa ka mid ah furidda shaneemooyin, goobo lagu caweeyo, dumarka oo loo ogolaaday inay gawaari wadi karaan, garoomada lagu cayaaro kubbadda cakta ay gali karaan iyo waliba inay dhar fudud suuqyada ku mari karaan. Wuxuu sidoo kale dhisayaa magaalo xabeedyo lagu tunto oo rag iyo dumar wada qaawan isla joogi karaan. Magaalooyinkaan ayaa sida uu sheegay loogu talagalay dadka dibadda ka yimaado, halka qaarkood loo astaynayo in Sacuudiyaanku ku tamashleeyaan kala sooc la'aan.

Asbuucii hore ayuu sidoo kale sheegay in la ogolaanayo khamaarka. Xogyaha guud ee arrimaha cayaaraha iyo dhaqanka ayaa isagoo tilmaamayo ahmiyadda ay leedahay ogolaanshaha arrintaas yiri "mar danbe Dubaay u aadi maysaan baashaal. Adinga ayaa la idiin soo baashaal tagi doonaa". 

Dhalintu tallaabboyinka diin ka cararka ah ee uu MBS la yimid aad ayay usoo dhaweeyeen waana u riyaaqeen halka dadka waaweyn ay aad ooga niyad xun yihiin dhinaca uu dalku u u socdo. Haddaba maxaa keenay in dhalintu sidaas u dhaqanto?

Dhabti ma jirto cilmi-baaris ama sahan lagu sameeyay amuuraha dhalinta ku riixayo inay diinta ku dhaqankeeda ka fogaadaan. Hasa ahaatee waxaa jiro dhibaatooyin bulsho oo wajahayay dhalinta Sacuudiyaanka iyo guud ahaan shacabka dalkaas kuwaas oo la oran karo waxay gogoldhig u noqdeen isbadalka ku yimid dalkaas.

Waxaa hayso dhalinta Sacuudiyaanka shaqo la'aan baaxad leh. Sanadki 2014, 28.3% dhalinta da'doodu u dhaxayso 15-24 ayaa camal la'aan ahayd. Dhadiga da'daas 35% ayaa hayn wax camal ah. Caddadku inuu aad u kordho ayaa la filayaa waayo 37% dadka ku nool Sacuudiga waxay ahaayeen kuwo da'doodu ka yartahay 14 sano sanadki 2011ki.

Waxaan wada ognahay dhalinta shaqo la'aanta ah inaysan Sacuudi gaar ku ahayn ee dalalka muslimiinta oo dhan ay la qabaan kana sii daran yihiin haddana aysan dhalintu diintooda aad u saamayn. Waxa Sacuudiga shaqo la'aanta dhib weyn ka dhigayo ayaa ah in dhalinta si ula kac ah xaaladdaas loo galiyay ee aysan jirin shaqo la'aan.

 Inti u dhaxaysay 2010ki iyo 2013, Sacuudigu wuxuu abuuray labo milyan shaqo. Hal milyan iyo bar ka mid ah shaqooyinkaas waxaa la siiyay ajaanib dibadda laga keenay. Arrintaas waxay tusaysaa in ay dowladdu si ula kac ah  shaqo la'aan uga dhigtay dhalinteeda.

Intaas waxaa dheer, habka lagu xusho shaqaalaha ayaa ka dhigay dhalinta kuwo aan gali karin tartanka shaqo doonka. Tusaale, Sacuudiga wuxuu leeyahay nidaam wax barasho oo wangaasan lacag badanna lagu bixiyo. Sida lagu xusay qaraar uu soo saaray gudiga waxbarashada iyo dhaqanka, hadafka iyo ujeeddada Sacuudiga ka leeyahay waxbarashada ayaa ah inay u  fahmaan dadku diinta Islaam sida saxda, bartaan caqiidada toosan, xambaaraan qiyamka Islaamka, ku dhaqmaan iyo waliba inay faafiyaan oo dunida gaarsiyaan diinta Islaamka. Sidoo kale, waxaa ku cad qaraarkaas, in kobcinta dhaqaalaha, hagaajinta bulshada ay ka mid yihiin ujeedooyinka waxbarashada Sacuudiga.

Halkaas waxaa kaaga cad in aad loo tix galiyay diinta caruurtana lagu ababiyay barashada diinta nidaamka waxbarashadana lagu saleeyay diinta. Waxa la fili karo ayaa ah marki ardaygaas suuqa shaqo doonka uu kusoo biiro, in qiimaynta lagu daro aqoontiisa diinta waayo waxa xoogga la saaray waxay ahayd barashada diinta. Taas baddalkeeda waxaa dhacday bogga hore xayaysiinta shaqooyinka in lagu qoro qofka doonayo shaqadaan waa inuu ku hadlaa luuqadda Ingiriiska.

Shuruudda ah in qofku yaqaanno afka Ingriiska waxay keentay in waalidiintu caruurta gaystaan iskoollo gaar loo leeyahay si ay wax ugu bartaan afkaas qalaad. Waxaa hoos u dhacay rabitaanka loo hayay afka dalka maadaama meel kale iska daaye aan dalka gudahiisa shaqo looga helayn. Waxaa xusid mudan in Ingiriiska lagu dhigo iskoollada Sacuudiga laakiin waxaa loo qaataa maaddo ahaan waxayna ka billaabataa fasalka lixaad sidaas darteed caruurtu iyagoon aqoon ayay ka baxaan iskoolka.

Rabitaanka dadku u hayaan luuqadda Ingriiska waxaa aad loo fahmay markuu curtay kacaanki Carabta ee lagu riday kali-taliyayaashi carbeed. Dowladda Sacuudiga ayaa markay aragtay sida wax u socdaan waxay qaadday tallaabboyin ay ku qaboojinaysay dadka kici doono. Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ahaa furitaan goobo dadka waaweyn lagu baro afka Ingiriiska oo bilaash ah. Sanadki 2011ki waxaa bilowday kororka macalimiinta dhigto afka Inriiska ee dalkaas u shaqo tagayo. waxaa lagu qaadanayay macalinki haytso shahaado xirfaddaas ah, $4000 iyo waliba gunno iyo guryayn.

Dhibka shaqo la'aanta waxaa dheer, guri la'aan. Guryaha Sacuudiga ayaa ah kuwo qaali ah oo aysan gadan karin dadka intiisa badan. Xataa tirada yar ee hesho shaqooyinka ma awoodaan inay is dabaraan oo ay iibsadaan guri iyaga u gaar ah si ay qoys badax bannaan u noqdaan. Sanadki 2014ki, abaarmiindo labo qol ah oo ku taal Riyaad waxay ahayd $130,000, guri ka weyna warkiisa ha sheegin. Arrintaas waxay keentay in dadku ku noolaadaan guryo kiro ah, dhilintana uu u muuqdo mustaqbal madow. 60% Sacuudiyaanku waxay ku jiraan guryo kiro ah.

Shaqo la'aanta, guri la'aanta iyo qarashla ku baxo aroosyada iyo waliba waalidiinta oo gabdhahooda ku xoolo doonto ayaa qasabtay in dhalintu aysan guursan. Sanadki 2016ki, 5.6 milyan oo guur gaartay ayaa doobnimo ku joogtay dalka Sacuudiga. Sadex milyan ayaa rag ahaa halka inta soo hartay ay dhadig ahaayeen. Celis celis, raggu wuxuu ku guursadaa afartan jir halka dumarku guur la'aan ku gaaro 36 jir.

Su'aasha madaxaada ku wareegayso ayaa ah, maxay tahay xariirka ka dhaxeeyo mushkiladaha laga soo sheekeeyay iyo dhalinta diinta ka fogaanayso? Xariiro badan ayaa ka dhaxeeyo. Kow, waa midda aan soo sheegnay oo ah in iskoolladi caruurta lagu dhiiri galiyo barashada iyo ku dhaqanka diinta, marki ay tagaan suuga shaqadana lagu yiraahdo uma baahnin waxaad barateen.

Labo, culimadi ayaa diinti ka dhigay mid ku salaysan rabitaanka boqoarrada. Wadaddadu kama hadlaan mushlidda haysato bulshada kamana hadli karaan. Hasa ahaatee kama aamusaan balse waxay isku dayaan inay u cudur daar kale u sameeyaan dhibka ummada haysto. Waxaa dhalinta lagu wacdiyaa in dhibka haysto iyaga iyo guud ummada muslimiint at ay tahay Tawxiidka oo khaldamay iyo ku dhaqanki diinta oo laga tagay.


Sidee wiilka ku barbaaray barashada Islaamka, shanta salaadood ku tukado masaajidda Qur'aankana aan afka qaadin haddana isago taagan shaqadiisi la siiyay nin Ingiriis, Maraykan ama Hindi ah ugu qancaa waxaad wax la wayday waa diin la'aan. Sidee wiilka rabo inuu guursado balse aan awoodin inuu guri kiraysto, qiimaha guryaha oo sarreeyo awgeed, haddana arkayo lacagti dalka oo dhowr nin dibadda ugu tumasha tagaan, uu ugu qancaa waxaa guri la'aanta kugu riday waa diin ku dhaqan la'aan!

Waxaa lagu wacdiyaa tusaale ha iddin noqdaan Ibnu Cabbaas, Ibnu Cumar, Caaisha iyo Xafsa, balse xisaabta laguma daro in kuwaas ay ku hoos noolaayeen Cumar, Abuu-Bakar, Maymuuna iyo Ummu-Sulaym, kuwaas oo nolol ahaan la mid ahaa kuwa hore waxa ay naftooda siiyaanna dadka la nool siin jiray. Sidee ugu qancaan dhalinta nool qarnigaan ku noolow noloshi Ibnu Cumar, lacagti aad xaqa u lahaydna wiil kula mid ah Faraari ha ku wato? Wuxuu is waydiinayaa maxaa muslimiinta u diiday dhalinyaro ka danbaysay saxaabadi oo lagu daydo?

Wacdiga aan la socon waaqaca waxna aan ka taabanayn mushkiladda jirto haddana u muuqdo mid loogu cudur daarayo dhibka bulsho ee ay sababtay maamul xumada ayaa keenay in dhalinto su'aalo badan ka keenaan waxa ay diinta u baranayaan ama ugu dhaqmayaan. Sanadki hore horraantiisi ayaa Sheekh Maxamed Al-Cariifi oo ah wadaad dhalin yar, aqoon badan kana mid ah kuwa ugu macquulsan culimada Sacuudiga wuxuu dadka waydiiyay waxa ay u malaynayaa in ay sabab u tahay dhibka haysto muslimiinta. Sadex arrimood oo uu soo jeediyay midna kuma jirin maamul iyo hoggaan xumo balse sadexdaba waxay ku dul wareegayeen Tawxiid, diin iyo ku dhaqankeed. In diinta aan lagu dhaqmin waa jirtaa laakiin cidda aan ku dhaqmin ee u baahan in loo sheego waa madaxda iyo ganacsatada ee maahan dhalinta duruufuhu dhaga tireen.

Mar walba oo ay dhacaan mushkilado bulsho, waxa saxo ama u istaago waa aqoonyahannada. Dalka Sacuudiga waxaa aqoonyahan ka ah culimada dadkuna qaddarin weyn u hayaan, hasa yeeshee marki ay u daadagi waayeen xaqiiqda mushkiladda waxaa ka dhashay kalsooni xumo.

Dabcan, waxaa lagu doodi karaa waddaadu ma hadli karaan dhibkana ma sheegi karaan maadaama dowladdu ay tahay mid qayr daran. Waxa la rabo maahan mucaarad, cambaarayn iyo suuq ka qaylin, mana jirto cid ku eedayn karto wadaaddadu boorar ha qaateen. Laakiin howsha ay gabeen ayaa ah la hadalka dowladda, iyo soo bandhigidda mushkiladda, baddalidda dhaqanka foosha xun ee shacab ku baahsan ee ah gabdho iibinta iyo adkaynta guurka.

Ugu yaraan waxay ahayd inay xoogga saaraan sidii loo heli lahaa bulsho maskax ahaan bisil, og dhibka haysto, xalna u dooni karto arriamah guurka iyo is dhexgalka. Arrimahaan oo ah shaqada gaarka ah ee culimada iyo guud ahaan aqoonyahanka ayaa laga seexday waxaana xoogga la saaray difaacidda iyo amaanta dowladda aan daryeelin shacabkeeda. Middaas waxay horseedday in dadku u arkaan culimada iyo dowladda kuwa aan waxba is doorin, diintana u arkaan gaariga lagu wado boqortooyada iyada isu nool.

Ugu danbayn, mushkiladda Sacuudiga ka jirto waa mid innaga xataa na hayso, shaqo la'aanta, qiiamah guryaha qaaliga ah iyo waliba guurka laga dhigay dhiiggi shariifka intaba waa ina haystaan. Wax ka qabashadeeda waa mid si gooni ah ugu taal culimada iyo aqoonyahaynka kale. Waa inay xoogga saaraan sidii xal loogu heli lahaa. Ugu yaraan waa inay baraarujiyaan wacdiga ugu badanna uu noqdaa sheegidda dhibka jiro. Haddii kale, aan la soo istaagno maxay dhalinteenni diinta oogu dhaqmi la'yihiin.

Hadda dhammaan dugsiyada hoose/dhexe ee dalka ka jiro diintu waxay ka tahay 50%, haddii aannan xisaabta lagu darin sidii ardaydu uga faaiidaysan lahaayeen diinti ay barteen markay iskoollada ku jireen, waxaa billaabeen inay iswaydiiyaan sababta ay u baranayaan aqoon aysan u baahan doonin.

Sidaas awgeed, shirkadaha ganacsiga ee dalka laga leeyahay waa inay tixgalin gaar ah siiyaan dhalinta leh aqoon diimeed marki ay tartan la galaan kuwa leh aqoon maaddi kaliya. Waxaa igu maqaala ah in Hormuud ay sidaasi yeeli jirtay. Haddii ay jirto waa arrin wanaagsan oo ay tahay in ay kuwa kalana kaga daydaan si loo dhiiri galiyo in dhalintu labada cilmi wada barato.

Mushkiladda ka jirto waddamada Carbeed way nagu soo socotaa mana foga markay nasoo gaari doonto, marka waa in hadda loo tabaabushaystaa.


Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco:https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *