Skip to main content

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"


Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'. 

Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah. 

Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad?

Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay dib u howl galiyaan isbitaalka. 

Dadaal dheer ka dib waxay ku guulaysteen inay isbitaalka dayac tiraan xoogaa qalab ahna keenaan. Ugu danbayn sanadkaan ayaa si rasmi ah albaabada loogu furay. Gabdhaha shaqada billaabay ilaa maantana ka warqabo maahan ganacsato jeebkooda lacagta ka bixiyay. Dhaqaalaha isbitaalka galay oo ku dhow nus malyuun waxaa laga qaaday dadka Soomaaliyeed. 

Hasa ahaatee, ujeedku maahayn dhisme qurux badan oo sariiro casri la dhigo. In isbitaalku daboolo baahidi loo dhisay waxay u baahan tahay qarash aad u badan oo joogta ah kaas oo aysan awoodin gabdhahu qaaraanna aan lagu keeni karin. 2016ki isbitaalku waa dhamays tirnaa laakiin maadaama  la waayay qarash lagu socodsiiyo wuu iska xirnaa ilaa laga soo gaaray sanadkaan.

Sanadkaan ayaa waxay gabdhihi howl galiyeen hal dhaqtar oo lala galay muddo sanad ah taqasuskiisuna yahay xanuunnada dumarka. Dabcan dawada, qalabka, baaritaanka iyo dhammaan howlaha halbowlaha u ah shaqada isbitaalka ma jirto cid bixiso. Si uusan isbitaalku u xirmin dadkuna uga faaiidaan, waxaa la qorsheeyay in caddaad yar oo lacag ah laga qaado dad isticmaalayo adeegga. Sidaas ayayna wax u socdaan ilaa hadda. 

Maxay ku salaysan tahay qaylada soo yeertay?

Dhibka ugu weyn ee jiro ayaa ah fakerka laga haysto howlaha noocaan ah ee ay qabtaan qurbajoogta ama hayadaha. Dadka waxay maqlayeen gabdho dibada ka yimid ayaa isbitaal dhisayo. Markii shaqadii dhammaatay ayay arkeen hebel oo ay ku yaqaanneen goobo kale oo caafimaad oo isbitaalki dhex fadhiyo dadkana lacag bixiya leh.

Kiibaa meeshiisi deeqi wayday oo kanna xoog ku qaatay ayaa lala orday. In la iska dhaadhiciyo adeeg walba oo la keeno inay bilaash yihiin waa arrin aad ugu baahsan dalka oo dhan. Qof walba oo isku dayo inuu shaqo qabto waxaa lagu salaamaa 'qandaraas ayuu kusoo qaatay iyo hadduu nagu qaraabanayaa'!

Maalmihii ay socotay dooddi canshuurta iibka, ayaan doodnay nin Xamar kasoo jeedo oo aan wada shaqayno. Wuxuu yiri dadka nabad iyo nolol ma haystaane maxay lacagta u dhiibi. Waxaan ku iri haddi aysan bixin lacagti lagu ilaalin lahaa sidee ayay nabad ku heli? wuxuu iigu jawaabay lacagta gaaladaa bixisee wax dheeraad ah oo jeebka lagu shubto ayaa la raadinayaa.

Ayaanti uu socday qorshihii lacagta loogu doonayay ayrbootka Garbahaareey ayaa dad ku kacsanaa ninkii shaqada billaabay waxaan ku iri ninkaan ha laga leexdo. Howlaha noocaan ah qof jeceyl u hayo kaliya ayaa ka guul keeni karo. Haddii aad gacantiisa ka bixisaan lama heli doono cid kale oo sidaas niyad iyo jeceyl ugu hayso oo ka miro dhaliso. Waxaa la iigu jawaabay ninku wuxuu rabaa xoolaha dadka laga qaadayo inuu ganacsi u baddasho hadhowna yiraahdo anaa leh. Ilaa maanta garoonki waa galgalin, raggii sidaas lahaana gacmaha ayay ka laabteen ninki watayna waa dhaafiyeen.

Hal ku dhiggaan na halaagay kuma koobna goobaha kheyriga ah ee xattaa ganacsiga gaarka loo leeyahay dadku inay bilaash ku cunaan ayay ku hamiyaan. wax ka yar ka dib, marki la hirgaliyay mashruuca biyo galinta Garbahaareey, ayaan is maqalnay ruux reerkoodu Garbaaareey dagan yahay laakiin qurbaha joogo.

Qofkaan ayaa igu yiri shirkadi biya galinta samaysay waxay noqotay dhiig miirato, dadki waa gubteen biyihiina waa iibsan la'yihiin. Ugu yaraan konton doolar oo biil ah ayaa bishii loo keenay qoskiiba (Xasuuso, in shalay dadku qaar qorayeen dhiigga konton doolar ayaa lagu baaraa).

Waxaan raadiyay waxa ka run ah in Raasumaal ay isu baddashay dhiig miirato iyo in kale. Waxaan ogaaday in qiimihi biyaha marki hore lagu cabbi jiray ay hoos u dhacay shirkadduna ay hal saddexaad ka hoosayso qiimaha kareetada biyaha calowga ah iibiso. 

Waxa wareerka keenay ayaa ahaa in dadki si masuuliyad darro ah u isticmaaleen biyihi iyagoo aan xisaabta ku darsan in calaa liitar loo xisaabayo biyaha ay qubayaan.

Marki bishii lagu soo dallacay biyihii ay isticmaaleen ayay dhafoorada qabsadeen ka dibna billaabeen dacaayad iyo dagaal ka dhan dadka ka haqab tiray biyo nadiif ah ee ducada ku lahaa. Qaar badan oo ka mid ah shacabka daggan magaalada waxay billaabeen in ay jabiyaan mitirka biyaha xisaabinayay marki ay soo dhawaado waqtigii biilka sii aan loo ogaan caddaadka biyaha ay cabbeen sida ay iyagu la ahayd. 

Xaqiiqda ayaa ah in dadkeenni ay rabaan inay bilaash ku noolaadaan. Waxaan rabnaa caafimaad heer sare ah, waxbarasho tayo leh, biyo nadiif ah iyo waddooyin laami ah. Laakiin intaba waxaan rabnaa inay cid kale noo qabato lacagna aannan ku bixin. Ciddii isxilqaanto ee isku daydo inay bulshada u faaiideeyaan dagaal iyo eed ayaa lagu qaadi. 

Waxa lagu hayo howl wadeennada isbitaalka Jaalle Siyaad waxaa sabab u ah arrimaha aan soo sharraxnay. waa in aanan bun looga dhimin ilaa jeebkeenna iyo gacanteennu isbartaan. Ciddii dadka u awooddo adeeg bilaash ah iyadoon cidna ceebayn ha siiso hana u waddo.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/


Popular posts from this blog

Toban Sano oo Xasillooni Nololeed ah: Toban Guuradii Guurkayga

Maanta oo kale Toban sano ka hor (23/02/2008) ayuu Sheekh Xasan Axmed Nuur qabbiltu yiri Laylo Aadan Maxamed isagoo aniga iga wakiil ah. Guntinta xirantay maalinkaas, waxay ahayd natiijo ka dhalatay sideed sano oo shukaansi iyo haasaawe jeceyl ah. Lix sano oo ka mid ah siddeeddaas sano,  waxaan ku kala noolayn dhul aad u kala durugsan,farriimaha jeceylkana haadka samada duuliyo haatufkaa siday. 
Maalintaas waxaa furmay bog cusub waxaana bilowday geedigii lagu ogaan lahaa dhadhanki mirihii siddeedda sano la kobcinayay. waxaa la guda galay markaan kala ogaan lahayn inaan sun iyo wabaanyo huursanaynay iyo inaan sabuul gallay iyo saan wacan waraabsanaynay.

Sacdiyo Xawaash ayaan ka guntay hadalkaan soo socdo, mar ay ka warraymaysay saygeeda fiicnaantiisa "guurku waa god madow oo aad gacanta u dirto. In abeeso ka qaniintana waa suura gal in dahab kaa soo raacana waa suura gal. anigu dahab ayaa iga soo raacay" ayay tiri.

Sida Sacdiya oo kale, ayaa aniguna godkii aan gacanta u dira…

Maktabadda garbahaarrey (Garbahaarrey library- مكتبة جربهاري)

Maktabbaddu waa maskaxda kaydiyaha qarsoon sida qofka uleeyahay maskax wax ku kaydsada ayaa makatabadduna ummad waliba ku kaydsataa aqoonteeda, afkaarteeda iyo dhammaan macluumaadka bulshada wax tarka u leh,waxaase u dheer in ay tahay muraayadda koobaad ee laga fiirsho bulshada, gaar haan markii larabo in la cabiro heerka aqooneed ee waddan-ka ama magaalada waxaa isha laga buuxsadaaa nidaaam-ka waxbarasheed iyo in ay leedahay goobo wax lagu akhrista sida Makatabadaha iyo matxafyada waa-weyn ee lagu kaydiya raad-raaca iyo dhaqanka dal-ka.
Tusaale ahaan sanadihii1960-1970 yadii waxaa tijaabo lagu sameeyay in laga yagleelo maktabado  dal-ka Ciraaq si loo qaado heerka waxbarasho iyo wax akhris ee dal-ka, natiijadi soo baxaday ayaa ahayd mid aad loogu riyaaqaay, iyadoo ay soo baxeen jiil wax badan fahmasan, oo kaalin weyn ka qaatay isbedlka aqooneed ee dal-ka. Dhanka kale dawaladah reer galbeedka ayaa aad oogu dadaalo in ay u sameeyaan goob waliba oo dad isugu yimaado goob yar oo wax lagu ak…

Qof Wax ma Baddalo ee Qalin iyo Qoraal ayaa wax Baddalo

Aadanuhu waa is baddal u joog. Wuxuu tartan kula jiraa isbadalka Rabbaniga ah ee ku dhacayo bii’ada uu ku noolyahay. Qowmiyaddi la socon waydo xawaaraha isbaddalku ku socdo waxaa ku dhaco dib u dhac ka reebo dunida kale.
Guud ahaan caalamka islaamka waxaa ku yimid dib u dhac xagga horumarka iyo hoggaanka dunida ah. Dalalka saboolka ah ee dalkeennu ka mid yahay ayaa ugu sii daran. Waxay u ilmaynayaa isbaddal siyaasadeed, mid bulsho, mid dhaqaale, mid aqooneed iyo mid hoggaan. Qof walba oo aad waydiiso waxa naga dhimman wuxuu si fudud kuu dhihi isbaddal ayaa loo baahan yahay.
Hasa ahaatee wax mushkilad noqotay in la fahmo cidda laga sugayo inay isbaddalka keenaan. Dadka intiisa badan waxay eegayaan madaxda iyo siyaasiyiinta oo ay ka sugayaan isbaddal dhinac walba ah. Laakiin qof wax ma baddali karaa iyada oo aysan bulshadu is baddalin? Bulshaduse yaa baddali karo yaase saamayn wax baddali karto yeelan karo?
Dabcan duunyo iyo dugaag isbaddal horumarineed laga sugi mahayo ee dad iyo sha…

Contact Form

Name

Email *

Message *