Skip to main content

Posts

Showing posts from April, 2018

Isu Ekaa Raggii Imaaraat Aaday iyo Wang Jingwei

Khamiisti  (26/04/2018) waxaa magaalada Dubaay ee Imaaraatka shir ku qabtay Cabdi Cali Gaas hoggaamiyaha maamulka Puntland. Waqtiga ay ku beegnayd, ujeedka laga lahaa iyo sida loo dhigay intaba waxay dhabar jab ku ahayd dowladda Soomaaliya oo go'aan adag balse loo baahnaa ka qaadatay Imaaraatka. Balse mudane Gaas iyo kuwo la mid ah uma horayn hogaamiye dhabar jabiyo dalkooda waqti xaalad adag lagu jiro. Tusaalaha ugu fiican waa Wang Jingwei oo ahaa Shiinays. Wang wuxuu ku dhashay koofurta Shiinaha 1883di. 1903di waxaa waxbarasho dibadda ah loogu diray dalka Jabaan. Waxbarashada waxaa u diray dowladdi markaas jirtay ee ay hoggaaminayeen firkii boqortooyadi Qing oo ahayd boqortooyo taag daran markaas maqaar saar ree Galbeed hoos joogto ahayd. Waqtiga Wang uu korayay waa xilligii ree Galbeedku xoogoodo faayay inta badan Shiinahana iyagaa haystay. Intii uu Jabbaan joogay Wang wuxuu xariir la  yeeshay Sun Yat-sen oo ahaa ninki hoggaaminayay kacdoonkii looga soo horjeeday bo

Reer Rag Leeyahay Roob Saan Ma u Galaa: Saxariirta Taallo Waddada Xiriiso Gedo

                                         Sanadkaan waxaa da'ay roobab xoog badan. Inkastoo roobabkaan baahi badan loo qabay in badanna Eebbe laga baryay, waxay la yimaadeen xoogaa qasaare ah. Dhibka ugu ballaaran ee hadda muuqdo waa in gobalka Gedo qarka u saaran yahay inuu kal xirmo maadaama jidka ugu muhiimsan ee isku xiro gobalka uu noqon rabo lama maraan. Warbixintaan hoose waxaan ila wadaagay Xasan Axmed Nuur oo shalay maray jidka isku xiro inta badan gobalka Gedo: Waa kan Baardheere iyo Balad-xaawo u dhexeeyo. Waxaan ka baxnay degmada garbahaarey shalayto saacaddu markay ahay 11am, annagoo ah shan nin oo xoog leh. Waxaan wadannay gaari suzuki vitara ah oo aad u xoog badan. Waxaan wadannay badeello iyo xargo waawayn oon ugu talo galnay inaan gaariga ku jiidno hadduu dhiiqo galo. Waxaan ku baxnay waddada aaddo godey kadib markii jidkii waynaa ee Balad-xaawo ay ka qodmeen boholo, meelana ay fariisteen dhagxaan taasoo ka dhigtay lama maraan. Waxay nagu qaadatay

Saddex waxyaalood oo aan ka bartay ururrada samafalka ee Soomaalida

2007di ayay ahayd marki aan si buuxdo u billaabay ka shqaynta safalka. 10ki sano ee u danbaysay waxaan ka qayb qaatay howlo badan oo ixsaan fal ah. Qaar aniga ayaa abuubulkooda lahaa intooda badanna qabtay, qaar dadka kale ayaa howl wadeen ka ahaa aniguna caawiye korjooge ah ayaan ka ahaa halka qaar aan xubin firfircoon  ka noqday kuwana aan tabarrucaadda kaliya aan ku leeyahay. Ururrada kala duwan ee aan la shaqeeyay ilaa haddana aan qaarkod la shaqeeyo dadka howl wadeenka ka ah waxay ka kala yimaadeen noocyada kala duwan ee bulshada: Culumo, aqoonyahanno iyo dad wanaagga iska jecel intaba. Inkastoo ay kala duwan yihiin afkaar ahaan, hadaf ahaan iyo walibo aqoon ahaan, haddana sadex arrimood oo ay ka simanyihiin ayaan arkay.  Si aan ooga fogaanno wareer iyo isfaham la'aan, marka hore aan qeexo waxa aan ooga jeedo samafale. Samafale ama Urur samafal, waa shaqsi ama urur u istaagay ama loo yagleelay in lagu caawiyo dad, deegaan ama dan guud. waxaa soo galayo maamullada

Kan ka Qaado Kaasna ka Qaado Waa Wixii Godka Nagu Riday

Dunida casriga waa mid isku tiirsan oo aan kala maarmin. Isku tiirsanaantu waa mid labo gees ah. Dhinac wuxuu isu muujiyaa in isaga lagu tiirsan yahay gacanta sarana leeyahay walow dhabti ahaanti uusan maarmi karin. Dhinaca kale wuxuu u muuqdaa mid baahan oo gacan qabasho kan hore uga baahan walow haddu is adkeeyo kan sida dhabta ah loogu baahan yahay uu noqon lahaa. Qaybta wax ku tiirsan waxay u kala baxdaa labo. Koox cir yar oo dal iyo labo waxay ka helaan iyo xariir ay la yeeshaan ku filan. Kooxdaas waxay xoojiyaan xariirka kala dhaxeeyo dalalka ay ku tiirsan yihiin meel aan kuwaas ahayna wax uma doontaan. Waddamada caynkaas waa kuwo had iyo jeer nabdoon. Tusaale, Sacuudiga iyo Maraykanku waa isku tirsan yihiin. Maraykan wuxuu u baahan yahay lacagta iyo batroola Sacuudiga, Sacuudiguna wuxuu u baahan yahay awoodda Maraykan inay ka ilaaliso ciddii kusoo duusho. Kooxda kale waa waddamo fara ku tiris ah. Waxay isku dayaan inay badsadaan irdaha wax imaanayaan. Waxay isku q

Fadlan Badda Xaggee Loo Maraa by Nuuraddiin Faarax

Waxaan jeclaystay inaan turjumo qormo ku saabsan sababta Soomaaliya ay u noqotay goolka quwadaha adduunka iyo sida ay Itoobiya waligeed uga quusan inay qayb ka hesho badda Soomaaliya. Maqaalkaan waxaa afka Ingiriiska ku qoray Nuuradiin Faarax oo ah qoraa Soomaaliyeed oo dunida caan ka ah. Wuxuu daggan yahay Koonfur Afrika wuxuuna dhige ka yahay jaamacad ku taal Maraykanka. Maqaalkan waxaa la qoray dhammaadki 1978di waxaadse mooddaa farriinta uu gudbinayo mid maanta la qoray. Qoramada waxaan kasoo dheegtay Hiiraan.com halkaan ayaana laga heli karaa: https://hiiraan.com/op4/2018/mar/157315/which_way_to_the_sea_please_horn_of_africa_journal_oct_dec_1978.aspx.  Boqollaal sano ayaa lagu dirirayay Soomaaliya iyo hanashada baddeeda. Qarniyaal badan ayay quwadaha adduunku kusoo duulayeen Soomaaliya, qabsanayeen dhulkeeda dadkeedana guumaysanayeen. Khilaafadii Cuthmaaniyiinta, Khedifkii Masar ee wakiilka u ahaa Cuthmaaniyiinta kasoo qabsaday Soomaaliya oo dhan ilaa Eritareeya, Boortiqi

Maxaa laga filan karaa Imaaraatka, ka dib xariirka xumaaday ee Soomaaliya

Dalka Imaaraadka Carabtu waa dal bad ahaan aad u yar, dadkiisu dhowr milyan uusan dhaafsiisnayn, xadaarad hooseeye ilbaxnimadiisuna boqol sano aysan ka shishayn. Saas oo ay tahay sanadahaan danbe awoodiisa aad ayay usoo shaac baxay. Isaga iyo dalalka kale ee Khaliijkuba waxay ku amar taagleeyaan dowlado waaweyn, una yeeriyaan waxa ay doonaan. Dhawaan ayay ahayd marki ay soo baxday in Imaaraatku codsaday in la baddalo wasiirka arrimaha dibada ee Maraykanka, codsigoodina dagdag ayaa loo ajiibay. Kaligood maahaan. Sacuudiga ayaa dalbaday in wasiirka arrimaha dibada loo magacaabo kolin Bowel waqtiguu Buushki yaraa waana laga yeelay si qasab ah. Sidoo kale, waxay dowladaha waaweyn ee reer Galbeedka ku qasbaan inay u hadlaan sida ay iyagu rabaan. Sanadki hore Taraam oo ku hadlayo afka waddamada Khaliijka ayaa sheegay inuu jabin doono heshiishki Nukliyeerka ee Iiraan kala dhaxeeyay. dowlado dhowr ah oo arkayay sida masuuliyad darrada ah ee ay wax u socdaan Faransiiskuna ka mi

Iskoollada caadada khilaafay (schools that defy the odds)

Sida ciwaanku tusayo halkaan waxaan idin kula wadaagayaa xog la xariirto iskoollo ku yal qaaradda Afrika oo ka yaabiyay bahda waxbarashada.  Waxaa maxay caadada ay khilaafeen? Dunida oo dhan waxay ka simantahay in tayada waxbarashadu ku xiran tahay lacagta iskoolka soo gasho. Lacagtaan waxay noqon kartaa mid ay keentay meesha uu iskoolku ku yaal sida inuu ku xaafad dad hodan ah dagan yihiin. Waxay sidoo kale ka imaan kartaa in iskoolku yahay mid gaar loo leeyahay sidaasna lacag badan oo ardayda laga qaado iskoolka la galiyo.  Waxaa sidoo kale caan baxday in iskoollada dowladduhu leeyihiin kuna yaal xaafad taagta daran ay had jeer yihiin kuwa ugu tayo hooseeyo dalka oo dhan sidaas darteed ay meel hoose kaga jireen liiska dajaraynta iskoollada. Haddaba waxaa jiro iskoollo koox ah oo sidaasi ka weecday. Iskoolladaan waxay liiska hore kaga jiraan iskoollada ugu fiican waddamada ay ku yaallaan, haddana waa ku yaal xaafado masiintu dagto waxaana maamulo dowladaha dalalkaas. 

Waxba ha la yaabin Baarlamaanka Soomaaliya, Baarlamaan oo dhan waa sidaase

Dhawaqa kasoo yeerayo baarlamaanka Soomaaliya iyo habdhabqankiisa waa kuwa dhagaha u daran qalbigana walwal galinaya. Musuqmaasuq xad dhaafay, dhuuninimo, waxtarxumo xagga wanaagga ah iyo wax dhibaal ay u hagar baxaan ayaa noqday astaamaha lagu garto xubnaha na matalo.  Haddii mikrafoon lala dhex maro dadka Soomaaliyeed oo la wayddiyo dalka yuu ka socon la'yahay jawaabta ugu badan waxay noqon baarlamaanka. Sidoo kale, haddii la waydiiyo adduunka yaa ugu baarlamaan xun, waxaa hubaal ah in dadka intooda badan ay lasoo boodi lahaayeen Soomaaliya.  Hasa ahaatee, dhammaan waxa loogu yeero baarlamaan oo dhan ayaa sidaas ah. Dhammaan astaamaha xun ee kan Soomaaliya uu caanka ku noqday way wada wadaagaan. Sida aan qadyaanka ooga taagannahay ayuuna adduunka oo dhan qadyaan ooga joogaa.  Dalka Ingiriisku wuxuu sheegtaa inuu leeyahay baarlamaanka ugu qaddiimsan dunida. Waxay ku andacoodaan in siddeed boqon oo sano uu jiro baarlamaankooda. Sidoo kale waxay sheegtaan inay leeyi

Contact Form

Name

Email *

Message *