Skip to main content

Iskoollada caadada khilaafay (schools that defy the odds)


Sida ciwaanku tusayo halkaan waxaan idin kula wadaagayaa xog la xariirto iskoollo ku yal qaaradda Afrika oo ka yaabiyay bahda waxbarashada. 

Waxaa maxay caadada ay khilaafeen?

Dunida oo dhan waxay ka simantahay in tayada waxbarashadu ku xiran tahay lacagta iskoolka soo gasho. Lacagtaan waxay noqon kartaa mid ay keentay meesha uu iskoolku ku yaal sida inuu ku xaafad dad hodan ah dagan yihiin. Waxay sidoo kale ka imaan kartaa in iskoolku yahay mid gaar loo leeyahay sidaasna lacag badan oo ardayda laga qaado iskoolka la galiyo. 

Waxaa sidoo kale caan baxday in iskoollada dowladduhu leeyihiin kuna yaal xaafad taagta daran ay had jeer yihiin kuwa ugu tayo hooseeyo dalka oo dhan sidaas darteed ay meel hoose kaga jireen liiska dajaraynta iskoollada. Haddaba waxaa jiro iskoollo koox ah oo sidaasi ka weecday. Iskoolladaan waxay liiska hore kaga jiraan iskoollada ugu fiican waddamada ay ku yaallaan, haddana waa ku yaal xaafado masiintu dagto waxaana maamulo dowladaha dalalkaas. 

Sida ay taasi ku dhacday waxay ka yaabisay dadka xiiseeyo horumarka waxbarashada iyo hayadaha ka shaqeeyo waxbarashada. Waxaa la isku dayay in la ogaado waxa ay sameeyaan iskoolladaan. Ma meelo kale ayay wax ka helaan mise inta yar ee la siiyay ay si fiican u maamulaan?

Qaabka loo qaaday baaritaanka.

Cilmibaarayaasha ayaa raadiyay dhammaan iskoollada caynkaas ah. Waxaa kusoo xarooday raadinti kowaad tiro iskoollo ah. Ka dib way kala shaandheeyeen oo waxay ka saareen iskoollada ay gacan siiyaan waalidiinta wax haysato. Waxaa soo haray 26 iskool oo buuxiyay shuuridihii laga rabay. Shuruudaha ayaa ah in iskoolku yahay mid dad weyne, kuna yaal xaafad sabool ah. Sidoo kale waa in iskoolku uusan taageero ka helin hayad ama shaqsiyaad kale. 

26ki buuxiyay shuruudaha waxaa laga sii doortay 14 iskool. Cilmibaarayaasha ayaa dhex tagay 14kaan iskool iyagoo qaadayo waraysiyo wadareed iyo mid kali-kaliba kuwaas oo ay la yeesheen maamulayaasha, macalimiinta, ardayda iyo waalidiinta. Sidoo kale, waxay indhahooda kusoo arkeen siduu iskoolku u yaal oo ahayd midda ugu muhiimsan oo ay ku fami kareen waxa iskoolkaan loola yaabay. Intaas ka dib waxay heleen lix iskool oo ka yaabiyay kuwaas oo dhinac walba ka khilaafay caadada iskoollada.

Lixdaan iskool mid walba wuxuu leeyahay sheeko u gooni ah laakiin waxaa jiro kuwa ay ka middaysan yihiin waana kuwaas kuwa ay tahay inaan cashar ka baranno. Sida ka muuqato sawirka hoose, iskoolladaan waa kuwo ku yaal tuulooyin iyo xaafado ay daggan yihiin dad sabool ah. Ma laha dhismoyaal qurxoon iyo fasallo cammiran. Ma leh ganjeel iyo dayr xiran. Ma haystaan macallimiin tayo badan, mana helaan taageero dhaqaale. Haddanana dhowrki sano ee lasoo dhaafay waxay mid noqdeeb iskoollada ugu fiican Kiinya.

jikada mid ka mid ah iskoolladaas

Maxay sameeyaan Iskoolladaan?

Dhammaan madaxda iskoolladaan waa kuwo u istaagay hagaajinta iskoollada ay gacanta ku hayaan, la qabsiga isbadallada duruufuhu keenaan iyo kuwa nidaamiga ah. Waxay si hufan ooga faaiidaysataan tashiilaadka yar ee ay haystaan waxayna udub dhexaad ka dhigteen fayo-dhorka iyo waxbarashada ardayda ay hayaan.

Cilmibarayaashu waxay heleen in madaxda iskoolladaas ay ka siman yihiin niyad samaan iyo uur fiyoobi taasoo abuurtay muxtaqbal ifayo meel dadka intiisa badan mugdi u muuqdo. Niyad samaantaas ayay la wadaageen waalidiinta iyo bulshada inteeda kale. Taasi waxay keentay in wada shaqayn dhex marto qaybaha kala duwan ee bulshada si loo fuliyo siyaasadda dowladda iyo istiraatijiyadda waxbarashaada gobalka hab u cunnaaba bulshadaas awooddeedana ay leeyihiin. Taas oo ah in mararka qaar ay jabiyaan sharciyada dowladda kusoo rogtay ama ay yara qalloociyaan si ay ooga dhigaan mid u dan ah ardayda iyo bulshada.

Tusaale, qaar iskoollaadan ka mid ah waxay fasallada ka dhigeen meel ay habaynki seexdaan gabdhuhu hooyooyinoodka tababare oogu noqdaan. Inkastoo ay tani ay khilaafsan tahay siyaasadda dowladda Kiinya ee ku aadan goobaha waxbarashada haddana waxay fursad u siisay gabdhaha inay helaan saacado dheeraad ah oo ay waxbartaan, inay ka badbaadaan kufsi iyo faraxumayn iyo waliba haasaawaha keeni karo uur bannaan-qaad ah.


Intaas oo kali ah maahan. Madaxda iyo maamulayaasha iskoolladu waa kuwo xushmad u hayo ardayda iyo bulshada ogna duruufaha adag ee ku xeeran qoysaska ay kasoo jeedaan aradyadu. Waxay u beer jileecaan caruurta waxayna muujiyaan naxariis marki ay timaado fulinta siyaasadda iskoolka. Tusaale, ma cayriyaan haddii uu arday ku yimaado dirays aan habboonayn ama uusan soo qaadan midkii iskoolka.

Taas baddalkeedi waxay isku dayaan inay waraystaan canuga si ay u ogaadaan dhibka jiro. Ka dib waxay caawiyaan kuwa ay tabartu u diidday helidda dirayska iskoolka. Si ay u helaan dirays ay ku caawiyaan caruurta noocaas ah, waxay sameeyeen keyd ay ku aruuriyaan direyska. Dirayska kaydka lagu aruuriyo waxay ka helaan ardayda ka gudubto fasalkaas. Arrintaas waxaa sahlay wadashaqayn ka dhaxayso ardayda, macallimiinta iyo waalidiinta oo intaba isla fahmay in iskoolka ay wada leeyihiin.

Mararka qaar, macalimiinta ama qaar waalidiinta kale ka mid ah ayaa cuntaysiiyo caruurta iyagoo baahan iskoolka yimaado. Mararka qaar, iskoolku ardayda uu u aqoonsado inay yihiin sabool xad-dhaaf ah ma waydiiyo qarashaadka yar yar ee ay dowladdu soo rogtay, si aysan culays u dareensiin.

Si kooban, Iskoollada waxaa iska leh bulshada. In bulshadu fahanto inay iskoolka leedahayna waxaa keenay maamulka iyo macallimiinta oo ficil iyo qowlba ku muujiyay in iskoolka loo siman yahay. Sidoo kale, garashada iyo naxariista maamulayaasha iyo macalimiinta ayaa keentay in aradydu u xiisaan iskoolka kana dhigtaan hooy ay ku qalbi qabowsadaan.

Bal qiyaas canuga saaka ka waayay gurigooda quraac uu cuno balse og inuu iskoolka ka heli doono macallin garan karo xaalladiisa ka dibna quraacin doono? miyuusan usoo xiisayn, miyuusanse u arkayn meel ooga fiican guriigodana inuu ilaashadana ooga baahan?

Dhinaca kale, sidee ayuu dareemi lahaa canugaas isagoo baahan soo kallahay haddii uu macalinka uu  u yimaado ku garaaco maxaad la madluusan tahay ama aad u xiran tahay dhar uskak leh?


 Tallaabbooyinkaan oo dhan waa kuwo khliaafsan caadada ka jirto iskoollada Kiinya iyo guud ahaan kuwa Afrika. Waxaa wada ognahay duruufaha adag ee haysto dalkeenna iyo marxaladaha kagan ee ku hareeraysan qoysaska soomaaliyeed, sidaas darteed waa lagama maarmaan inaan ka baranno iskoolladaan tijoobooyinkaan qiimaha badan ee ay qaadeen.

Maamulayaasha iyo macallimiintu waa inay yeeshaan qalbi aadane tix galinna siiyaan duruufaha dhaqaale ee caruurta haysato. Madaxda iskoollada iyo milkiilayaashu waa inay waxbarashada caruurta iyo caafimaadkooda ka dhigaan ahmiyadda koowaad iyo tan labaadba. Kaliya marki aan la nimaadno qalbi-samaan kana dhigno waxbarashada caruurta goolku noogu weyn ayaan heli karnaa iskoollo soo saaro caruur qiimo leh.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/




Comments

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhac...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Contact Form

Name

Email *

Message *