Skip to main content

Posts

Showing posts from December, 2018

Maxaysan waqtigaan u shaqayn karin siyaasadda ay ku socdaan qolyaha Mooshinka keenay?

Xildhibaanno dhowr darsin ah ayaa Axaddi Mooshin xil ka qaadis ka keenay madaxweynaha dalka. Qodabada loo loo cuskaday mooshinka waxay ahaayeen kuwo cabsi, walwal iyo mugti uu galay mustaqbalka dalka lagu muujiyay. Waxay sheegeen inay go'aanka u qaateen inay badbaadiyaan madaxbannaanida Soomaaliya oo khatar ugu jirto in Itoobiya lagu daro. Xildhibaan Fiqi oo ka mid ah ragga indhaha u ah kuwa mooshinka keenay ayaa yiri "gaari fariin la'aan ayaa shacabki la saaray marka inta uusan la gaddoomin inaan badbaadinno waaye".  khiddada mooshinka lagu dhisay, idaacadda laga sheegay dadkana loo akhriyo waxaa mid caan ah adduunka oo dhanna ka jirta. Waa kaarto ay isticmaalaan xagjiriinta iyo dadka siyaasadda dibad joogta ah inta badanna waxay sahashaa inay hantaan hoggaanka dalka iyagoon dhib badan u marin. Waa farsamada Taraam kursiga saartay. Afka qalaad waxaa lagu yiraahdaa "politics of fear and anger". Waxay ku dhisantahay in dadka laga cabsiiyo, loo muuji

Tallaabada uu qaaday Guddoomiye Mursal waxay i xasuusisay Dhacdadii dhexmartay Rory Stewart and Mullah Mustafa

Maanta anigoo meel aan qof ku yara sugayay taagan ayaan mobilkayga yara eegay. Waxaan furay caasimada.com wixii ugu horreeyay oo aan arkayna waxay noqdeen Mursal oo aqbalay mooshin madaxdweynaha xilka looga qaadayo. Anoo wali yaabban si fiicanna uusan warku iigalin ayaan markale furay mise waa mid kale oo dag-dag ah. Waxyaabihii loo cuskaday mooshinka ayaa lasoo qoray. Dhaqso ayaan isha u mariyay laakiin mid aan ku qanco ma arag waayo, inkastoo ay ahayeen dhammaan qodabada la keenay waxay ahaayeen kuwo aan jeclaa in marhore madaxweynaha inta loo yeero su'aalo laga waydiiyo, haddana jid sax looma marin. Halkii la waraysan lahaa ka dibna go'aan laga qaadan lahaa sheekadi waxay ka billaabatay xil ka qaadis iyo eedaymo meeshi ugu xumayd oo ah qiyaamo qaran. Su'aalo rax-raxan ah ayaa qalbigayga isku cariiyay. Mursal miyuusan ogayn dhibka iyo wareerka siyaasadeed ee arrintaanu keeni karto? Hadii usan dan ka lahayn taasi miyusan ogayn in 184 cod loo baahanyahay si xilka lo

Wax ka ogow Cawaaqibta ka Dhalan karto Deeqda Waxbarsho ee Itoobiya na Siiso

Dadka Soomaaliyeed waxay xasaasiyad xooggan ka qabaan dhaqdhaqaaqa Itoobiya. Waxay u arkaan inay tahay cadowgooda koowaad. Cadaawaddaan maahan mid ka dhalatay dagaalo hore ee waa natiijo ka dhalatay duullaanka joogtada ah ee Itoobiya iyo faragalinta aan jogsiga lahayn ee ay ku hayso arriimaha Soomaalia. Fal walba oo ay samayso siduu doono ha u qurxanaadee waxay Soomaalidu ku fiirisaa il shakisan waxayna ku shaabbadeeyaan khiyaano ay u maleegayso dadka Soomaaliyeed.  Waxa inta badan noo muuqdo waa tallaabooyinka militiri ama kuwa siyaasadeed ee sida muuqato noogu wajahan. Laakiin dad yar ayaa arko awooddo jilicsan ee ay Itoobiya bilowday inay isticmaasho si ay u hanato qalbiyada dadka Soomaaliyeed. Qormadaan gaaban waxaan ku iftiimin doonaa mid ka mid ah awoodaha jilicsan ee ay Itoobiya noo isticmaasho waa waxbarashda sare e si ay u baddasho aragtideenna iyo fahamka aan ka qabno duullaankeeda.  Eray cilmiyeedka 'awoodda jilicsan' waxaa guntay borofeesar wax ka dhigo

Contact Form

Name

Email *

Message *