Skip to main content

Tallaabada uu qaaday Guddoomiye Mursal waxay i xasuusisay Dhacdadii dhexmartay Rory Stewart and Mullah Mustafa

Maanta anigoo meel aan qof ku yara sugayay taagan ayaan mobilkayga yara eegay. Waxaan furay caasimada.com wixii ugu horreeyay oo aan arkayna waxay noqdeen Mursal oo aqbalay mooshin madaxdweynaha xilka looga qaadayo. Anoo wali yaabban si fiicanna uusan warku iigalin ayaan markale furay mise waa mid kale oo dag-dag ah. Waxyaabihii loo cuskaday mooshinka ayaa lasoo qoray. Dhaqso ayaan isha u mariyay laakiin mid aan ku qanco ma arag waayo, inkastoo ay ahayeen dhammaan qodabada la keenay waxay ahaayeen kuwo aan jeclaa in marhore madaxweynaha inta loo yeero su'aalo laga waydiiyo, haddana jid sax looma marin.

Halkii la waraysan lahaa ka dibna go'aan laga qaadan lahaa sheekadi waxay ka billaabatay xil ka qaadis iyo eedaymo meeshi ugu xumayd oo ah qiyaamo qaran. Su'aalo rax-raxan ah ayaa qalbigayga isku cariiyay. Mursal miyuusan ogayn dhibka iyo wareerka siyaasadeed ee arrintaanu keeni karto? Hadii usan dan ka lahayn taasi miyusan ogayn in 184 cod loo baahanyahay si xilka looga qaado madexweynaha? Miyuusan ogayn in tiro konton  gaarayso oo xildhibaanno ah ay dowladda xilal ka hayaan taasoo u muuqato in dowladdu ka gaashaamatay weerar noocaan ah? Sidee wax yihiin, muxuu kaka jeedaa, si kale oo uu ragga isaga dhiciyo miyuu waayay? 

Anoo wali jawaab la' ayaa waxaa igu soo dhacay sheeko aan hadda ka hor buug ka akhriyay oo uu qoray Roray Stewart oo aha siyaasi iyo dublamaasi Ingriis ah marna soo noqday xildhibaan. Stewart wuxuu aad ooga soo horjeedaa dagaalka Afqaanistaan in badanna wuu booqday. Booqashada waxaa u dheer inuu dadka shacabka ah dhex galo, tuulooyinka tago martina u noqday odayaal iyo dagaal oogayaal intaba. 

Wuxuu yiri, xilli uu socdaal ku marayay meelaha fof-fog ee dalka Afqaanistaan ayaan marti u noqday mid ah ka mid odayaasha awoodda leh ee dalkaas. Meeshi odayaal iyo culimo kale ayay ku kulmeen wuxuuna marti u noqday nin la yiraahdo Mullah Mustafa oo madaxda iyo cuqaasha aagga ka mid ah. Waxaase yaab iyo argagax iyo lama filaan noqotay inuu Mullah Mustafa isku dayay inuu toogto ninki martida u ahaa. Eebbe waa badbaadiyay dhibna ma gaarin. Stewart wuxuu yiri ma waydiin sababta uu dili rabay iyo waxa uu iga rabay. Shib ayuu yiri wuuna ka tagay. 

18 bilood ka dib ayuu markale booqday meeshi lana kulmay Mullah Mustafa. Waa xilli ku hobboon oo colaaddi iyo xanaaqi lasoo dhaafaye, wuxuu ku yiri maxaad igu gashay maalinti aad xabbada igu ridday. Stewart waxaa loo sheegay in Nadir Shaah oo Mullah Mustafa ay ilma adeer yihiin uu ku yiri "waxan sharad ku dhigan karaa inaadan ninkaas cad dili karin" Mullah Mustafa si uu muujiyo inuu yahay libaax aan la caraabin ayuu baas ku furay ninkii uu marti galiyay isagoo wax kale oo dan ah ka lahayn.

Waxaan is iri Mudane Mursal waxaa lagu yiri xaniinyo aad ku aqbashid mooshin Farmaajo ka dhan ma lihid isana si uu muujiyo inuu yahay libaax aan boqol geed ooga leexan ayuu yiri ii keena anaa in tusiye. 

Nasiib darrada ku habsatay dalalka dagaalada daba-dheeraaday ay ka jiraan ayaa waxaa ka mid ah inay madax u yihiin dadka ummad dhan masiirkeeda ama qof aan waxba galabsan naftiisa u jara "waxaan ahay ayaan ku tusi"

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Contact Form

Name

Email *

Message *