Skip to main content

Posts

Showing posts from February, 2018

Toban Sano oo Xasillooni Nololeed ah: Toban Guuradii Guurkayga

Maanta oo kale Toban sano ka hor (23/02/2008) ayuu Sheekh Xasan Axmed Nuur qabbiltu yiri Laylo Aadan Maxamed isagoo aniga iga wakiil ah. Guntinta xirantay maalinkaas, waxay ahayd natiijo ka dhalatay sideed sano oo shukaansi iyo haasaawe jeceyl ah. Lix sano oo ka mid ah siddeeddaas sano,  waxaan ku kala noolayn dhul aad u kala durugsan,farriimaha jeceylkana haadka samada duuliyo haatufkaa siday.  Maalintaas waxaa furmay bog cusub waxaana bilowday geedigii lagu ogaan lahaa dhadhanki mirihii siddeedda sano la kobcinayay. waxaa la guda galay markaan kala ogaan lahayn inaan sun iyo wabaanyo huursanaynay iyo inaan sabuul gallay iyo saan wacan waraabsanaynay. Sacdiyo Xawaash ayaan ka guntay hadalkaan soo socdo, mar ay ka warraymaysay saygeeda fiicnaantiisa "guurku waa god madow oo aad gacanta u dirto. In abeeso ka qaniintana waa suura gal in dahab kaa soo raacana waa suura gal. anigu dahab ayaa iga soo raacay" ayay tiri. Sida Sacdiya oo kale, ayaa aniguna godkii aan gaca

Aabbo qaado Masuuliayadda Caruurtaada

Waxaa aad u badanayo caruuraha ay korinayaan hooyo kaliya. Dhammaan dacallada dunida waxaa sameeyay masuuliyadda sii yaraanayso ee aabaha. Dalalka Afrikaan ah ayaa ugu daran. Koonfur Afrika, in ku 40% caruurta waxaa korsado hooyo kaliya. Musambiik, wax yar unbay dhaantaa oo 36% ayaa hooyo kaliya ka hoos ooyayo. Kenya iyo Laybeeriya ayaa iyaguna 30% iyo 31% kala haysto sida ay u kala horreeyaan. Dunida sheegato inay hormartay qudheedo ilmaha hooyo kaliya ay koriso aad ayay ugu soo bateen. Maraykan, matalan, waxaa sadex laabmay boqollayda caruurta hooyo kaliya la nool. 1960ki waxay ahaayeen 8%, 2016kina waxay gaareen 23%.  Guud ahaan addunyada waxaa la sheegay inay ku nool yihiin 2.3 bilyan oo canug. 14% (320 milyan) caruurtaan ayaa  hal waalid kaliya la nool.  Aabayaasha dhalay caruurtaan ma dhiman mana dheero ee intooda badan waxay kula nool yihiin waddanka ay dagan yihiin ama hal magaalo. Arrimo dhowr ah ayaa huriyay dhibkaan. Inta badan waddamada Afrikaanka aabuhu c

Maxaa ka suura gal ah in dadka Bariga Afrika uu Yeesha isu-socod furan (Free Movement of peoples)?

                                                            Isniinti ina dhaaftay waxaa Xamar lagu qabtay shir wadatashi oo ku saabsanaa sida lagu suuragalin karo helidda isu-socod furan oo ay helaan dadka dagan Bariga Afrika. Shirkaan ayaa wuxuu ku koobnaa kaliya waddamada IGAD ku midaysan oo ay Soomaaliya ku jirto. Inta badan dadka soomaaliyeed iyo idaacadahaba sawir madow ayay ka bixiyeen qorshaha la wado. Waxaa aad looga dhawaajiyay in la midaynayo baasaborrada soomaaliya iyo Itoobiya. Taasoo ah cabsi na haysay tobanki sano ee lasoo dhaafay. Haddaba maxaa ka suura gal ah in la helo waddamada Bariga Afrika oo xuduudaha isu furo? Haddiise ay dhacdo yay dan ugu jirtaa? Sodanki sano ee lasoo dhaafay waxaa si xowli ah ku socday dhisamaha xulufo goboleed. Qaarad walba waxaa laga dhisay urur ay waddamo koox ah ku middaysan yihiin. Afrika waxaa ka jiro IGAD, SADC, ECOWAS iyo kuwa kale. Aasiya waxaa ka jiro kuwa badan sida AFTA, Yurub iyo Amerikana waa la mid. Dhammaan

Faaiidooyin ayaa ku Jiro Jaamacadaha Tirada Badan

Waxaa si xowli ah waqti kooban gudahiis waddanka u maansheeyay jaamacado. Toban sano gudahood waxaa lagu furay in ka badan boqol jaamacadood oo waddanka ku baahsan. Tartanka ku saabsan in jaamacad la furto ayaa gaaray heer hal dagmo oo Xamar ku taal laga furay 27 jaamacadood. Jaamacadahaan waa kuwo si gaar ah loo leeyahay qarashka ku baxana ardayda laga qaado, waa ganacsi faaiido laga rabo sidaa darteed muhiimaddu maahan yaa dhigan karo ee waa yaa iska bixin karo. Taasi waxay keentay walaac badan iyo cabsi laga qabo soo bixidda kumannaan arday oo shahaadooyin bilaa aqoon ah wato. Waxaa lagu heesay, tayo ayaa la rabaaye tiro lama rabo. Waxaa la gaarsiiyay in ardayda dalkeenna wax ku baratay loo arko inaysan waxbo soo dhigan. Khasaaro mooyee lama saadaalin wax faaiido ah oo ka imaan karo tirada badan ee jaamacadaha. Laakiin aniga waxaa ii muuqato in faaiidooyinka laga helayo tirada badan ay badan yihiin khasaaraha laga baqayo. Sida aan hadda wada ognahay jaamacadaha, isbita

Anigu Hadal lama Gabbado

Amuuraha ugu waaweyn ee diinteennu la timid waa horumarinta nolosha aadanaha iyo sare u qaadidda wada noolaanshaha bulshada. Eebe wuxuu Suuratul Al_ancaam aayadda 108aad ku reebay in la caayo ilaahyada gaalada sababta loo reebayna waa in ay ka falceliyaan oo ay iyaguna Eebe caayaan. Sidoo kale wuxuu suuratul Xujuraad aayadda 11aad ku reebay in la isugu yeero naanaysyo la dhibsanayo. Suubanaha SCW ayaa isaguna ficil ahaan iyo hadalba ku sheegay inaan ilaalinno quluubta walaalaheen oo aannan ku dhihin hadal ay dhibsadaan. Axaadiis badan ayaa tilmaamayso in kalmadda wanaagsan ay sadaqo tahay. Sababta sidaan loogu caddeeyay looguna adkeeyay inaan la is dhihin hadallo la isku dhibsado ayaa ah in la helo wada noolaansho daggan oo aan colaad iyo naceyb xambaarsanayn. Waxaa la wada ogyahay inuusan jirin qof ka aamusayo hadal qalloocan oo lagu yiri. Ka falcelinta hadallada xunna waxay u gudbi gacan-qaad iyo colaad uurka la isugu qaado. Shucuubta ku nool adduunyada Galbeed waxa

Contact Form

Name

Email *

Message *