Skip to main content

Toban Sano oo Xasillooni Nololeed ah: Toban Guuradii Guurkayga

Maanta oo kale Toban sano ka hor (23/02/2008) ayuu Sheekh Xasan Axmed Nuur qabbiltu yiri Laylo Aadan Maxamed isagoo aniga iga wakiil ah. Guntinta xirantay maalinkaas, waxay ahayd natiijo ka dhalatay sideed sano oo shukaansi iyo haasaawe jeceyl ah. Lix sano oo ka mid ah siddeeddaas sano,  waxaan ku kala noolayn dhul aad u kala durugsan,farriimaha jeceylkana haadka samada duuliyo haatufkaa siday. 

Maalintaas waxaa furmay bog cusub waxaana bilowday geedigii lagu ogaan lahaa dhadhanki mirihii siddeedda sano la kobcinayay. waxaa la guda galay markaan kala ogaan lahayn inaan sun iyo wabaanyo huursanaynay iyo inaan sabuul gallay iyo saan wacan waraabsanaynay.

Sacdiyo Xawaash ayaan ka guntay hadalkaan soo socdo, mar ay ka warraymaysay saygeeda fiicnaantiisa "guurku waa god madow oo aad gacanta u dirto. In abeeso ka qaniintana waa suura gal in dahab kaa soo raacana waa suura gal. anigu dahab ayaa iga soo raacay" ayay tiri.

Sida Sacdiya oo kale, ayaa aniguna godkii aan gacanta u diray dheemman iga soo raacay. Dadaalki iyo samirkii dheeraa ma noqon mid aan ku qasaaray balse wuxuu noqday mid ka mid nimcooyinkii ugu waaweynaa ee Eebbe igu galladay. Waxaan dhihi karaa waxay asal u noqotay nimco walba oo aan maanta haysto iyo guul walba oo aan gaaray.


Inay tahay middii uu Suubbanuhu yiri, mar uu ka jawaabayay su'aal ahayd xaas midde ugu fiican Ø§Ù„تي تسره إذ نظر، وتطيعه إذا أمر، ..[رواه النسائي]. Tan markaad jalleecdana ku farax galiso, markaad wax ka codsatana kuu fuliso. (FG xadiisku erayga amar ayuu isticmaalay laakiin ujeedku waa is maqal.), waxay noqotay mid ka mid ah sadexda qof ee nolashayda jiheeyay saamaynta ugu badanna ku yeeshay: Aabahay Maxamed Shire Deer (Jiicow) walaalkay Maxamuud Xaaji Aadan iyo Xaasakayga Leylo Sandheere (Buug markuu Alle doono soo bixi doono ayaad kaga bogan doontaan sadexdaan qof iyo qaybta uu mid walba ku lahaa jihaynta noloshayda).

Waxaan guursaday anigooy jiq igu tahay Eebana waa ii kala furay. Waxaan guursaday anigoo ah qaalin buubaal ah, maantana waxaan ahay hayin guradiisa caruur lagu aamino. Waxaan guursaday anigoo doob doola ah maantana waxaan leeyaahy guri haddii aan saacad ka maqnaado aan usoo karreebeeyo, bad iyo baro lagu soo hirto martidana laga sooro.

Waxaan guursaday anigoo sanado badan waxbarasho kala caagnay, wax shahaado ah nooci ay rabtaba ha noqotee aanan haysan. Sanadkii uu dhacay nikaaxeennu buuggaan qaatay ayaan ilaa maanta dabada hayaa waxaana qaatay muddadaas, labo dibloma, digrii iyo master aan hadda gacanta ku hayo. Dulqaadkeeda, dhiirri-galinteeda, taageeradeeda iyo ku filnaashada reerkeeda hadduusan ahayn subaxna buug ma kala fureen.

Intaas oo dhan waxaa ka qiimo badan oo ay noqotay mid tarreeg la hor taagan wax walba oo ay u aragto inay aakhiradayda khatar ku yihiin. Hal tusaale aan idin siiyo. Xagaagi 2014ki, ayaan waxaan ku seexannay inaan subixi aadno magaalo aan naga fogayn. Shaqo ayaan u kallahay waxaana soo laabtay tobanki subaxnimo.

Waxaan imid guriga oo aan lahayn meel aan gaariga dhigto. Baakingi guriga waxaa buuxiyay baabuur meelo kale ka timid oo ay ahayd in aanan halkaa la dhigin. Anigoo caraysan ayaan dib u dhaqaaqay ka dibna waxaan taabtay, oo aan inti far fiiddeeda la saaro ka xoqay gaari meesha yaalay cidna aysan ku jirin.

Waan isaga tagay meel kale ayaana gaariga soo dhigtay. Waxaan ku soo laabtay gaarigi waxaana qiimeeyay dhaawaca aan gaystay intuu la egyahay. Waxaan ogaaday inuusan weynayn laakiin dhaqanka dhulkaan ka jiro ah oo ah mar un i taabo ayaa walwal i galiyay. Cid aan ilaahay ahayn oo i arkaysay ma jirto. waxaan sameeyo ayaan garan waayay. Waxaan go'aan ku qaatay inaan waraaq taleefankayga ku qoranyahay ku dhajiyo waana yeelay.

Guriga ayaan galay waxaan arkay xaafadda oo jiifto. Xoogaa markaan fadhiyay ayuu shaydaan igu yiri gaarigaan waxba uma aadan gaysane maxaad baxar isu galin. Caymisku waa qaali, qofkaan wuxuu noqonna ma ogid oo waxaa laga yaabaa inuu kugu adkeeyo oo uu ku yiraahdo caymiskaada i qor. Waan soo laabtay waxaana ka fujiyay warqaddi, guragaygi ayaana dib ugu soo laabtay.

Marki la gaaray waqtigaan bixi lahayn ayaan u sheegay xaaska waxa dhacay iyo waxaan sameeyay. Waxay igu tiri "qof xoolisiiha ayaad wax yeellaysay. Maanta fursad ayaad haysataa oo gaarigii ayaa wali meesha yaal. Laakiin hadduu gaarigu tago, garan maysid cid leh iyo meel aad ka raadiso barri ka maalin haddii qalbigaadu is baddalo. Aakhirana xisaab ayaa kaaga horrayn addunyadana shallayto aan dhammaan ayay kugu noqon. Wixii dhacayo ha dhacaane aakhiradaada ha fasahaadin".

Waan qaatay warqaddi ayaana dib u saaray. Casarki marki la joogo anoo wali safarki ku maqan ayay gabar isoo wacday arrinta gaariga ka hadlayso. Waxay igu noqotay gabar Afrikaan ah wayna igu adkaysay oo way diidday waxaan mag dhow ahayn inkastoo gaariga riinji yar oo ka kacay mooyee wax kale aysan gaarin. Ugu danbayn waxay noqotay inaan u sameeyo waxayna iigu kacday lacag ku dhow boqol doolar.

Waxaan tusaalahaaan u doortay ayaa ah in ragga galbeedka ku nool aakhiradoodi dumar seejiyeen. Waxaa ugu badan ee lagu aakhiro beelo ayaa ah qaabki lacag lagu samayn lahaa, inta badanna dumarkaa ragga ku riixo arrimo aan habboonayn, laakiin Eebbe galladi Laylo waxay noqotay mid jecel ku noolaanshaha nolol fudud, aad ooga cabsato xoolaha aan la hubin, ka fakerto waxa ay caruurteedu cunayaan, nolosha dariskeedana aan ku mashquulin.

Ujeedkayku maahan inaan ku faano xaas wanaagsan. Balse danta aan ka leeyahay qormadaan ayaa ah mahad naq. Hababka Rabbi loogu shugri naqo waxaa ka mid ah in la sheek-sheego nimcada uu ku siiyay. Eebe kor ahaaye waa isagii suubbanaha SCW ku yiri suuratu Al-Duxaa aayadda ugu danbayso "Rabbigaa nimcadiisana ka sheekee". Anigoo ku camal falayo ayaaddaas ayaan qormadaan oo aan ugu shugri naqayo, xaaskayga, ehelkeeda, iyo dhammaan intii gacan igu siisay helidddeda, koleey talo ku tahay, u qorayaa maanta.

Talo Wadaag

 In badan oo akhristayaasha ka mid ah ayaa laga yaabaa inay dhihi lahaayeen 20 sano ka badan ayaad dumar la macaamilaysay ee talo na sii.

Inta reeraha leh waxaan dhihi lahaa jeceylka iyo isu dhawaansha maahan mid ku yimaado ubax la gado, baarar loo casho tago, erayo afka laga yiraahdo ama bixinta dhaqaale badan. Jeceylku waa arrin ka dhacdo qalbiga. qalbiagna waxaa gacanta ku hayo Eebe wuxuuna ku xasilaaa wuxuu Eebe raali ka yahay. Isagaa ku abuuri karo jeceyl, isagaana isu soo dhawayn karo qalbiyo kala fogaaday.

Mar uu la hadlayay suubbanaha SCW kana warramayay sida ay ku dhacday jeceylka ay isu qabaan saxaabada, wuxuu ku yiri "Haddii aad ku bixin lahayd waxa dhulka yaal oo idil, isuma aadan dunteen quluubtooda. Laakiin Eebe ayaa isu dumay dhexdooda, illeen isagaa adkaade falsan ahe" (Anfaal aayadda, 63). Sidaa darteed haddii aad rabtaan inaad ahaataan reer is jecel oo isu roon ku ducaysta inuu Eebe qalbiyadiinna burcad isu mariyo, xumaantiinnana kala qariyo, wanaagiinnana is tuso.

Hadalkaan meesha ka saari mahayo isu rooraanta, wax isa siinta, isu hibaynta, wada casho tagidda iyo wax isu celinta, balse waxaan tilmaamayaa in farxadda laga raadiyo meesha ay jirto. Arrimaha kale oo dhan waa kaabayaal ee maahan dhaliyayaal. Sameeya ficilka natiijada la hubo dhalinayo kuna kaba falalka xoojinayo.

Inta guur doonka ah lab iyo dhadigba waxaan dhihi lahaa: HA DAN GUURSANNINA ee jaceyl guursada. Waxaan ula jeedaa guursada kuwa aad jeceshhiin ee ha guursannina qof aad rabtaan inaad ku dan gaartaan ama dano adduunyo aad ka dhex aragtaan. Maanta iga qora, qofki qof u guursado inuu ku dan gaaro waligiis heli mahayo nolol daggan iyo guri lagu nasto.

Haddii aad hayso qof aad jeceshahay u guurso sida ugu dhaqsaha badan hana sugan waqti ku habboon waayo ma jiro waqti habboon oo aad gaari doonto. Siddeedda sano ee aan israbnay Leylo waxaan sugayay maalin ku habboon laakiin ugu danbayn waxaan guursaday waqti ka mid ah waqtiyadii ugu adkaa ee isoo maray. Waqtigii ku habboonaa waxaan helnay markaan is guursannay ka dib. Marka waqtiga ku habboon ha iska xayirina ee horay u gaara.

Haddii ay dhacdo in Eebbe calaf kuugu daro qof aadan adigu dooran sida in waalidkaa kugu daro ama kula jeclaado qof, xumaan haddii aadan ku ogayn dhaqo, jeceylkana adigu abuuro. Jeceylku maahan mid guurka ka horreeyo kaliya. Xaqiiqdi waxa guurka ka horreeyo waa xiiso iyo hammuune maahan jeceyl xaqiiq ah. Eebe talo saaro, u Alla bari iimaankana isku sug, Ilahay idinki waad liibaani.

Intaas waxaa dheer, uma baahnidin, sanado ama bilo badan si aad isu barataan. 100 sano haddaad wada socotaan ilaa aad guri wada dagtaan waxba iska baran maysaan. Siddeedda sano ee shukaansiga ahaa waxaa raacay hal sano iyo bar kale oo aan sii kala maqnayn innagoo isku mehersan. Sagaalkaas sano iyo barkaas, waxaan iska barannay waxaa ka batay bishii koowaad ee aan aqal galnay intaan iska barannay. Ilaa maantada la joogo, barashadi fari kama qodna oo wali way socotaa. Sidaa darteed waqti yuusan idiin kaga lumin "waan is baranaynaa" waqti yar oo kooban ayaa idinku filan.


Ugu danbayn, Waxaan Eebe ka baryayaa inuu tobanaan kale wada jir iyo farxad nagu gaarsiiyo. Dhammaan qoysaska Soomaaliyeedna jeceyl iyo xasillooni kuwii ku wada noolaado Allaha ka dhigo. Inta is hayso iyo inta mugdi uu kala dhaxlagay Allaha isu soo dumo. Toban guurada xigto barwaaqo iyo baraare Allaha nagu gaarsiiyo.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/



Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Contact Form

Name

Email *

Message *