Skip to main content

Posts

Showing posts from August, 2017

Ma Ogtahay in Darajada ugu Sarayso ee la gaaro ay tahay in Bulshada loo adeego?

Dhammaan aadanuhu wuxuu ka simanyahay jeceylka darajo sare iyo sumcad. Qof walba wuxuu rabaa in la ammaano, la xasuusto, magaciisuna uu jiro qaruumo badan. Sidoo kale, wuxuu ka simanyahay, marki laga reebo in naadir ah, inay u maraan hadafkaas sare waddo aan ahayn tii ay ku gaari lahaayeen.  Waxaan dadaal badan u galnaa sidaan maal ku tabci lahayn kaasoo aan filayno inuu na gaarsiin doono maqaam sare. Qaarkeen waxay dhiig u daadiyaan, maal u dhacaan ama maato u laayaan inay gaaraan hadafkaas sare. Qaar si nabad ah oo xeelad iyo xikmad la isku daray ah ayay kursi ku doontaan si ay xaqiijiyaan hadafka ugu danbeeyo oo ah inay magac sare yeeshaan, xasuusna reebaan.  Intaas oo dadaal ah marki la maro, cimrigu horay u batto, lafahu jilcaan, wax tarkuna koobnaado ayaan fahannaa waddadi saxda ahayd inaysan ahayn middi aan wax kuu doonaynay. Markaas ayay qaarkeena iska quustaan, qaarna is daba qabtaan oo is badal sameeyaan.  Waddada ugu sahlan ee lagu gaaro magaca ugu sarreeyo aduu

Garbahaareey: Tallaabo kale oo ku dayasho mudan

Tan iyo marki ay dowladdi dhacday, dadka soomaaliyeed waxaa aabo iyo hooyo ay u dhib sheegtaan u noqday hay'adaha samafalka. Haddii abaaro dhacaan ama duufaano iyo daadad na wax yeelaayaan, halki aan ka fakari lahayn sidaan biyaha isaga moosi lahayn waxay noqotay inaan ka dhursugno hay'ad dibada ka timaado oo wax noo qabato ilaa ay ku dhawaatay in ninka koorta geela oogu xiran hadii ay ka jabto uu isku dayo inuu hay'adaha caalamiga ah u qayshado si ay koorta ugu qodbaan. Laakiin waxaa hadda muuqdo ifafaalo wanaagsan oo muujinayo inaan fahamnay in dhisida dhulkeena inaga un na sugayso. Isbadalkaan cusub ayaa ka bilowday dagmada Garbahaareey oo dhawaanahaanba meelo badan hormuud ku ahayd. Labo iyo toban bilood gudahood waxaa la marayaa in la dhiso sadex buundo oo dhammaantood ay maal galiyeen gudiga dagmada iyo shacabka oo iskaashanayo. Buundooyiinkaan maahan kuwo waaweyn ee waa kuwo la saaray farraqyo yaryar oo ninkeed dhiba ahaa.  Hadda waxaa gacanta lagu hayya

From Kaayaneey to Kansas: Wax ka baro Hayyaankii Axmed Caafi

Axmed Caafi wuxuu geel ku raaci jiray buuraha waaweyn ee loo yaqaan Kaayaneey ee ku yaal gobalka Gedo. Wuxuu tababar ku tagayaa jaamacadda caanka ah ee Kansas ee ku taal dalka Maraykanka. Arintaasu mucjiso nabi iyo karaamo awliyaad maahan ee wuxuu ku gaaray keynaan kabaallo jabis ah.    Inta aanan billaabin qoraalka, waxaan jeclahay inaan iraahdo ujeedka qoraalkaan maahan in lagu ammaano Axmed Maxamed Caafi (Axmed Gaaruf) ama lagu dhaliilo. sidoo kale, maahan mid lagu caan bixinayo si uu wax ugu helo ee ujeedka qormadaan ayaa ah in uu tusaale u noqdo dhalinta soomaaliyeed ee duruufaha adag ay haystaan. Sidaa darteed ku aqri qormadan qalbi furan oo diyaar u ah inuu barto casharada ficliga ah ee noloshu bixiso. Axmed Maxamed Caafi waxuu ku dhashay meel aan ka dheerayn miyiga 'Seere' oo ka tirsan deegaanka Ceel-gaduud ee hoostago Garbahaareey. Meesha u ku dhashay waa miyyi, reerkooduna wuxuu ahaa reer miyyi xoolo dhaqata reer guuraa ah. intii dalku nabadda ahaa, Axmed

Maxay tahay sababta Ciidamada ajaanibtu u Laayaan shacabka soomaaliyeed

Bishan gudaheeda waxaa dhacday sadex dhacdo oo si arxan darro ah loogu xasuuqay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. sadexdaan fal waxay ka kala dhaceen sadex gobal oo kala duwan waxayse wadaagaan in dhibku ay gaysteen ciidamo aan soomaali ahayn.  Waxaa la is waydiin karaa ciidamada Soomaalidu kuwaan ma dhaamaan maxaase keenay inay kuwa aan soomaalida ahayni dadka iska laayaan. si aan u fahano in ciidamadeenu ka anshax wanagsan yihiin kuwa ajaanibta ah, kana fiican yihiin sida dadku u haysto waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago dhacdooyin ay qayb ka ahaayeen ciidamo soomaaliyeed. 01/07/2013 ayaa ciidama isugu jiro Itoobiyaan iyo soomaali lagu weeray deeganka Quraan googoo ee duleedka tuulada  maykaareebey. Ciidanka dowlada Soomaaliya wuxuu u qeybsanaa labo ciidan: Dhibbow kasoo baxay tababar loosoo xirey iyo ciidan ka tagay Garbahaareey oo howlgal u aaday Daawo ( luuq Dolow iyo Beledxaawo).  Dagaalku wuxuu kubilowday si gaadmo ah oo ciidanka dowlada ee uu hogaaminayay abaan

Ma Dhabbaa in Soomaaliya ay Guumaysi Ku jirto?

waxaa maalinti shalay ahayd (24/08/2017) lagu daabacay qaar ka mid ah shabagadaha wararka ee soomaalida warbixin ciwaan looga dhigay Soomaaliya oo ku jirto guumaysi nooc kala ah. qoraha warbixinta ayaa tilmaamay in lix qaybood oo muhiim ah soomaaliya laga guumaysto kuwasoo kala ah: Ciidanka, dhaqaalaha, Diinta, Ganacsiga, Waxbarashada iyo Maskaxda. Hadaba ma jiraan arimahaan hadiise ay jiraan ma lagu tilmaami karaa guumaysi?  ka dib markaan aqriyay war bixintaan waxaa isoo baxday inay muhiim tahay in aan wax ka iraahdo. Sababtoo ah warbixinada noocaan haddii sidooda loo daayo dhaawac weyn ayay u gaysan karaan dareenka shacabka waxayna saamayn ku yeelan karaan harumarka dalka iyo dadka. sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in la iftiimiyo meelaha qaar.  Si guud waxaan dhihi karaa dhamaan inta uu qoruhu sheegay waan jiraan. waa jirtaa in Soomaaliya aysan lahayn ciidan sugi karo ammaankeeda, ilaalin karo xudduudaheeda difaacina karo haddii la soo weeraro. Sidoo kale waa jirtaa

Abaal Marinta ay Bixisay Al-Qalam waxay ka dhigantahay daruur hillaacday!

Hay'adda wax barashada iyo tabarbarada ee Al-Qalam oo fadhigeedu yahay dagmada Garbahaareey ayaa  shahaado sharaf bixisay 20/08/2017. Abaal marintaan lama siin ardo ku baastay natiijo sare, lama siin kuwo guulaystay tartarn Qur'aan lamana siin koox guul kasoo hoysay tartan cayaareed ay magaaladooda ku matalayeen. Balse waxaa la siiyay mudane dictoor  Cabdirashiid Cabudullahi Cilmi oo ah bare sare oo wax ka dhigo jaamacada Bariga Africa ee dalka Suudaan. Abaal marintaan ayuu diktoorku ku mutaystay wax qabadkiisi iyo doorka uu ku leeyahay horumarinta wax barashada dalka gaar ahaana midda gobalka Gedo.  Maxaa Muhiim ka dhigay Abaal marintaan? Waxaan caan ku noqonay inaan hiif iyo haaraan isugu darno kuwa bulshada u adeego oo waxay heli kareen iyo waxay haaban kareenba ku biiriyay horumarinta bulshada badalkii la bogaadin lahaa wax tarkooda. arintaan maahan mid ugub ah ee waa dhaqan waligiis soomaalida ka dhex jiray. Allaha u raxmadee Farax Xusseen Sharmaake waa kii lah

Gorfayn iyo Milicsi Buuga Hanqadh

waxaan hadda dhameeyay aqrinta buuga Hanqadh oo dhawaan uu qoray Muxamed-Haykal. Halkaan waxaan idin kula wadaagayaa sidaan u arko buuga. Buugu waa sheeko faneed xajmigiisu yaryahay. Waxaa dhex taal u ah oo ku saabsanyahay wiil la oran jiray Haybe oo isagoo 8 sano jiro ka ambaday reerkooda. Haybe ma uusan habaabin kaliya ee wuxuu u galay reer ay qoladiisu col xiire-xiire ah yihiin, wixii intaas ka dib dhacay waa sheeko cajiib ah oo aad u baahantahay inaad buuga ka aqriso. Sheekada buugu xambaarsanyahay waxaad moodaa sheekooyin dhowr ah oo dhab oo hal meel la isugu keenay. Intaan aqrinayay buuga meelo waxaad moodaa inay aniga iga hadlayaan oo waxay si toos u taabanayaan waayo aragnimo isoo martay, qaar waxay la mid yihiin kuwo dad aan aqaan ku dhacay ama aan goob joog ka ahaa, qaar waxay la mid yihiin kuwa la iiga sheekeeyay dad ay qabsadeen sidaa darteed buugu wuxuu dabaqayaa nolosha dhabta ee soomalida maanta. Intaa oo kali ah maaha. Sidoo kale, buugu wuxuu kulmiyay dhammaan

Idaacada Dowladda mise Idaacada Qaranka?

Dowladda Soomaaliya waxay leedahay idaacad ka kooban arag-baahiye iyo maqal-baahiye. Idaacadaahan waxay ku hadlaan afka dowladda, waxay faafiyeen wax tarkeeda iyagoo waliba buun-buuniyo, ma dhaliilaan dowladda iyo shaqada ay hayso. Sidoo kale, waxaa ka hadlo madaxda dalka si ay waxaan rabaa shacabkooda oogu soo gudbiyaan. Si kooban waa idaacad ka turjunto rabitaanka dadka xukunka hayo balse waxaa lagu magacaabaa Telefishinka Qaranka ama warbaahinta qaranka. Maxaa ku jaban magaca? Wax weyn ayaa ku jaban. Si aan u fahanno waxa ka qaldan waa inaan fahannaa farqiga u dhexeeyo 'dowlad iyo qaran'. Dowlad waxaa la yiraahdaa dadka talada hayo markaas oo la isku daray. waxay ka koobantahay hay'ado kala duwan waxaana ugu sareeyo madaxweynaha. Baarlamaanku kuma jiro dowladda.  Dowladdu waa mid is badasho. mid tagto midbaa timaado. waa adiga yiraahdo dowladdi Cabdullahi yuusuf ama tii Xasan. Dadku uma dhamma, qaar waa shacab mucaarad iyo muxaafid leh. Qaar waa siyaasiyiin

Wax-baridda iyo wacyi-galintu waa furaha hirgalinta iyo fulinta sharciga

Dowlad walba oo aduunka ka jirto ama horay usoo martay masuuliyadda kowaad ee saaran waa ilaalinta danaha iyo maslaxada shacabkeeda. Si loo xaqqiijiyo hadafka aan soo xusnay waxaa la soo saaraa sharciyo kala duwan oo lagu qaado kuwa dhibaateyo shacabka iyo nidaamka ay ku nool yihiin. Sharciyadaan inta badan waa ciqaab la mariyo xad-gudbayaasha, waxayna noqon karaan xabsi, ganaax ama dil. sharciyada waxa loo soo saaro maahan in dadka la ciqaabo ee waa in laga hortago, la joojiyo ama la yareeyo xad-gudubyada ay gaysanayaan. Sidaa darteed ujeedku waa in helo nabad iyo nolol shiddo iyo dhib la'aan ah. Balse su'aashu waxay tahay sidee ugu fudud oo lagu xaqqiijin karaa hadafkaas? ciqaabka oo la adkeeyo xal waara ma keenaa? ma jiraan wadooyin ka sahlan oo lagu joojin karo gar-darrada? Eebe wuxuu soo dajiyay Qur'aanka kariimka oo loogu talagalay aadanuhu inay ka qaataan sideey u noolaan lahaayeen. waxaa lagu cadeeyay wadooyinka ay tahay in la raaco, waxa banaan iyo waxa la

Xasuuqii Maykaareebay Maxaa Nagala Gudboon

12/08/2017 waxaa tuulada Maykaareebay oo waqooyi bari kaga beegan dagmada Garbahaareey ciidamada guumaysataha Itoobiya ku xasuuqeen dad shacab ah. Ciidamada xasuuqa gaystay ayaa ka yimid Luuq kuna wajahnaa Garbahaareey.  Ciidamada wax xasuuqay ayaa inti ay jidka kusoo jireen waxaa dhex u galay Shabaab, dagaal ayaana dhex maray aanan la ogayn qasaaraha kala gaaray. Marki xabbadi qabowday ayay Itoobiyaanku safarkoodi horay usii wateen. waxay jidka kula kulmeen niman reer miyyi ah oo xolo la joogo ka dibna "ciilki dawaay loo qabay weer daba xun lagu reeb" ayay ka dhigeen.  waxay dileen wiil iyo adeerki xoolo la joogay. wiilka inta ay qabteen ayay si xun u jir dileen ka dibna sii toogteen. maydkiisa waa la waayay marki hore laakiin baadi goob badan ka dib meel ay ku xooreen ayaa laga helay. sidoo kale waxay meel kale kusii dileen nin kale oo geel la joogay mid kale oo la socday ninka la dilayna isagoo aan waali la helin ayaa iigu danbaysay. inay isna meel ku xooreen ama

Hide your brightness bide your time

The title I choose for this article is millennia old Chinese saying. It is a proverb exercised in China throughout its civilisations to date. In this short article, I will try to present how China practically employed this proverb and how this habit played a crucial role in china’s economic and social development in recent history. Comparatively, I will put forward how boastfully displaying our ability and smartness hindered our development and led us to a self-inflicted calamity. China has been in the lead of human civilisation for thousands of years. It is considered to be the mother of all technologies particularly the modern ones. They were the first to invent true gunpowder; canon was used by Ming to topple down their Mongol rulers in the 14 th century. Movable printers were in place since 11 th century thus allowing publications of hundreds of books and creations large libraries in the country. In addition, it has been the most populous country in the world through the rec

Contact Form

Name

Email *

Message *