Skip to main content

Xasuuqii Maykaareebay Maxaa Nagala Gudboon

12/08/2017 waxaa tuulada Maykaareebay oo waqooyi bari kaga beegan dagmada Garbahaareey ciidamada guumaysataha Itoobiya ku xasuuqeen dad shacab ah. Ciidamada xasuuqa gaystay ayaa ka yimid Luuq kuna wajahnaa Garbahaareey. 

Ciidamada wax xasuuqay ayaa inti ay jidka kusoo jireen waxaa dhex u galay Shabaab, dagaal ayaana dhex maray aanan la ogayn qasaaraha kala gaaray. Marki xabbadi qabowday ayay Itoobiyaanku safarkoodi horay usii wateen. waxay jidka kula kulmeen niman reer miyyi ah oo xolo la joogo ka dibna "ciilki dawaay loo qabay weer daba xun lagu reeb" ayay ka dhigeen. 

waxay dileen wiil iyo adeerki xoolo la joogay. wiilka inta ay qabteen ayay si xun u jir dileen ka dibna sii toogteen. maydkiisa waa la waayay marki hore laakiin baadi goob badan ka dib meel ay ku xooreen ayaa laga helay. sidoo kale waxay meel kale kusii dileen nin kale oo geel la joogay mid kale oo la socday ninka la dilayna isagoo aan waali la helin ayaa iigu danbaysay. inay isna meel ku xooreen ama horay u kaxaysteen ayaa laga yaabaa.

Dhamaan dadka la laayay waxay ahaayeen reer miyyi aan magaalo ka war qabin. mucaarad iyo muxaafid toona aan ahayn, waxa aduunka ka socdana aanba u war hayn. waxa kaliya ay galabsadeen ayaa ah inay soomaali yihiin. 

Dhacdada ka dib waxaa baraha bulshada qabsaday cambaarayn iyo cabasho. waxaa la is dhaafsaday sawirada maydadki la xasuuqay. waxaa eedayn loo jeediyay dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland. Waxaa la is waydiiyay maxay ooga hadli la' yihiin. 

Dowladu wax ma qaban kartaa?

Waxaa muhiim ah inaan labo arimood fahamno. Kow, ciidamada Itoobiya ogolaansho ayay dalka ku joogaan. waxay ku magacaabanyihiin nabad ilaalin. sidaa darteed joogitaankoodu sir maahan sideey bari ahaan jireen. mudahaard iyo qaylo waxbo u dhimi mayso, dowladda dhexe iyo beesha caalamkuna ciidan soo gurmaday oo na bad-baadinayo ayay u arkaan.

Labo, Maamulka Jubbaland iyo dowladdaba waxaa ilaaliyo ciidamada AMISOM. haddii hoos loo sii dagana waxaa awooda ugu sarayso leh AMISOM. sidaa darteed aad ooguma qaylin karaan, baaritaan ma dalban karaan, mag-dhowna warkiisa ha sheegin. sidaa awgeed waxay door bidaan inay is-ilowsiyaan oo kasoo qaadaan inaysan waxba dhicin. 

Maxaa xal ah?

Maahan marki koowaad oo Itoobiyaan dad shacab ah naga xasuuqaan. waxay horay ooga dhacday Xamar, Hiiraan, Bakool iyo Galgaduud. kuwii ugu xanuunka badnaa waxaa ka mid ah odayaashii iyagoo qof ku tufayo ay is kor saareen ee ka dhacday Bakool iyo nabadoonadii ay ku laayeen Hiiraan. sida aan haddaba samaynay waan qayl-qaylinay ayaamo ka dib meeshi ayaa lagu ilaaway.

si ay dadka la gumaaday xaqqoodi u helaan ugu yaraan mag-dhow, waxaa haboon inaan samayno arimahaan soo socdo.

1: In dadka la laayay ehelkoodi gar-gaar loo fidiyo. Gaar ahaan dadka joogo Garbahaareey waa inay dad Maykaarebay u diraan, dhaqaalo u aruuriyaan loona tacsiyeeyo ehelada musiibadu ku dhacday. sidoo kale ummada kale soomaaliyeed waxay ku tari karaan ha ku tareen dadkaas, haddi la heli lahaa dad magac leh oo u istaago inay wax u aruriyaan way fiicnaan lahayd. 

sidoo kale, wax garadku iyo culimadu waa inay cadaadis ku badaiyaan maamulada si ugu yaraan mag-dhow u siiyaan ehelada dadka la gumaaday koleey AMISOM lama hadli kareene jeebkooda ha ka bixiyaan.

2: Waa in la helaa dad aruuriyo xogta dadka ay xasuuqaan ciidamada dalka joogo. waa in la diiwaan galiyaa magacyada dadka dhintay meesha ay ku dhinteen iyo taariikhda la dilay. Maalin unbaa la gaari doonaa la xisaabtami karo dadkaana xaqqoodi loo dooni karo. marka waa in la hayaa xog saxan. sidoo kale arintaan waxay noqon taariikh buugta noogu jirto taasoo sabab u noqoto inaan la illaawin dadki xaq-darrada lagu dilay.

Dad gudaha dalka joogo ayaa ku fiican inay shaqadaan u istaagaan maadama qof dalka dibadiisa ku nool ay adag tahay inuu helo xog rasmi ah. Dabcan dhaqaalo shaqada lagu qabto waa loo baahan balse cid u istaagto haddi la helo la waayi mahayo dad wanaaga jecel oo taageero.


3: Waa in la sameeyaa  maalin la xusso shacabka la xasuuqay. xuskaan waa in la qabto sanad walba si aysan arintu u duugoobin. Arintaan waxay horseedi inaan mar kale lagu dag-dagin laynta maatida. Hadda waxaa nagula bartay inaan maalmo qaylino ka dibna ariga iska raacano. Laakiin haddi la ogaado inaan nahay dad aanan ilaawin dhibka loo gaystay xaalku sidaan ahaan mahayo.

waxaa laga yaabaa in xus arintaan ku saabsan lagu dhigi waayo dalka gudahiisa dowladdu iyo maamul gobaleedyaduna hor istaagaan. Laakiin ugu yaraan waxaan ku dhigi karnaa INTERNET-LAND. sida aan hadaba u qaylinayno haddii aan sanad walba usoo celino xalku si kale ayuu noqon waa haddii ay dhacdo in dalka lagu dhigi waayo.

Xalku  ama xoog ama waa xeelad. Maanta xoog mahayno ee xeeladu yaysan na dhaafin. 

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *