Skip to main content

Maxaad ka ogtahay magaalada qurba-joogta looga soo Duceeyo


Waxaan safar ku joogay baryahaan dagmada Garbahaareey ee gobalka Gedo. Maalinti shalay ahayd waxaa dhagtayda kusoo dhacay hadal la hayay oo Qur'aan akhris ahaa. Waxaan sheekadi ka helay in ujeedku yahay duco iyo xirsi-xir loo sameeyo soomaalida qurbaha ku nool. Waxaan jeclaystay inaan wax badan ka ogaado waxaana codsaday in maanta aan ka qayb galo Alla bariga taasoo la ii ogolaaday.

Salaaddi Casar ka dib ayaan tagay goobta la ii sheegay in muraadku ka dhacayo. Waxaan koox koox u yimid wadaaddadi ducayn lahaa. Waxaa soo xaadiray 21 wadaad oo dhalinyaro aan labaatan gaarin u badan. Waxaa la keenay cunno fudud sida bun, daango, timir iyo cabbitaanno kala duwan. Cunto ka dib waxaa naloo qaybiyay boqol boqol kun oo Soomaalli ah. Waxaana la yiri akhriya waxaad kartaan oo Qur'aan ah duceeyana. Waxaa loo duceeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed ducadina waxaa lagu khatimay qurba-joogta oo aad iyo aad loogu duceeyay in Eeebbe dhowro iyaga iyo caruurtooda. 

Waxaan codsaday in aan la kulmo agaasimayaasha Alla-bariga waxaana la yeeshay waraysi kooban. Waxaa howsha wado hooyooyin iksu xiran oo koox ah. Waxay qofkiiba ka qaadaan 100 kun oo Soomaali ah oo u dhiganta $4. Alla-bariga waxaa loo qabta bille mararna waxaa dhacda inuu noqdo bil dhaaf. 

Waxaa la ii sheegay inuu socday muddo saddex sano oo uusan baaqan. Waxaase jirtay in shan sano ka hor mar la billaabay laakiin u kala go'ay marka bilowgiisa marka danbe ayaa loo nisbeeyaa maadama inuusan marnaba baaqan. Hooyooyin caruuro waxbarsho ooga aadeen waddamada Aasiya iyo Afrika ayaa bilowgi lahaa. Hooyinkaas ayaa u kulmay inay caruurtooda u xirsi-xirtaan maaddaama ay ahaayeen kuwa yaryar oo tahriibna looga cabsi qabay. 

Marki in muddo ah ducudu socotay kuna jihaysnayd ardayda kaliya una muuqatay hooyooyinki waday in baryadi la aqblay ayay go'aansadeen inay ballaariyeen oo u ducooyeen inta qurbaha nool oo dhan. Waxaan waydiiyay sidi ay ku ogaadeen in ducadi la aqbalay. Waxay iigu jawaabeen caruurti ducada lagu jiheeyay midna kama tahriibin, kama saaqidin wax dhib ah lama kulmin intii ay maqnaayeen. Maadaama arrimihi laga ducaystay ay baaqdeen waxaa loo sababeeyay Alla-barigi. Waxay ii sheegeen hooyooyinkaas in hadda dad badan kusoo xirmeen oo uu batay dadka danaynayo inay lacag ku bixiyaan ducadi kheyrkaasna aysan ma maqnaan.

Halkaas waxaa laga dheehan karaa qiimaha hooyooyinka Soomaaliyeed. Waxaa muuqato jeceylka iyo lexojeclada ka haysa dadka Soomaaliyeed. Waxaa muuqdo sida dadka daggan Garbahaareeey walwal ooga qabaan dhib ku dhaca ummada soomaaliyeed taasoo tusaysa waddaniyad iyo galgacayl.

Waxaa kaloo iyana jirta, inkastoo ay dalka intiisa badan la qabaan, in dibadda dad badan ka jiro Garbahaareey tasoo ay dhici karto inay qayb ka tahay in loo gooni yeelo qurba-joogta. Sida ay doonto ha noqotee tani waa arrin u gaar ah Garbahaareey. Waa jid wanaag ah oo ay billaabeen mudanna in lagu daydo. Eebbe ha inoo aqbalo ducadooda hana nagu nabad yeelo meel walba oo aan joogno.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/

Comments

Popular posts from this blog

Warbixin Kooban. Safarkaygi Gobalka Gedo. Q4

Waxaa ku jirnaa arrimaha bulshada. Tii inoogu danbaysay waxaan soo taabannay adeegga caafimaadka kaas oo sawir taban aan ka bixinnay. Hasa yeeshee meelo badan oo waxaa jiro horumar fiican uu ka jiro sida isboortiska. Garbahaareey waxaa ka dhisan siddeed naadi oo heer koowaad ah. Si joogta ah ayaa loo cayaaraa oo markuu xilli dhammaadaba dib ayaa loo billaabaa. Kooxaha koob ayaa loo dhigaa lacag ah. Inta badan waa $100 qiimaha abaalmarintu marmarna inuu ka bato ayaa laga yaabaa. Kooxdi qaaddo koobka ayaa meel fagaare ah lagu guddonsiiyaa abaal marinta. Ciyaarahaan waxay ka dhacaan garoonki kubbadda kacta ee dagmada oo saddex sano ka hor la dayac tiray. Garoonka oo loo dhisay darbi daawadayaashu fadhiistaan ayaa aad loo soo cammiraa. Maalinta ay jirto cayaarta kama danbaysta ah waa la buux dhaafiyaa. Waxaa xusid mudan in dad ugu badan ee cayaaraha daawado ay ka mid yihiin ciidanka. Waxaad arkaysaa iyagoo tuutahooda xiran qoryana sito oo shacabka dhex fadhiya. Dadka u...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Maxaa laga filan karaa Imaaraatka, ka dib xariirka xumaaday ee Soomaaliya

Dalka Imaaraadka Carabtu waa dal bad ahaan aad u yar, dadkiisu dhowr milyan uusan dhaafsiisnayn, xadaarad hooseeye ilbaxnimadiisuna boqol sano aysan ka shishayn. Saas oo ay tahay sanadahaan danbe awoodiisa aad ayay usoo shaac baxay. Isaga iyo dalalka kale ee Khaliijkuba waxay ku amar taagleeyaan dowlado waaweyn, una yeeriyaan waxa ay doonaan. Dhawaan ayay ahayd marki ay soo baxday in Imaaraatku codsaday in la baddalo wasiirka arrimaha dibada ee Maraykanka, codsigoodina dagdag ayaa loo ajiibay. Kaligood maahaan. Sacuudiga ayaa dalbaday in wasiirka arrimaha dibada loo magacaabo kolin Bowel waqtiguu Buushki yaraa waana laga yeelay si qasab ah. Sidoo kale, waxay dowladaha waaweyn ee reer Galbeedka ku qasbaan inay u hadlaan sida ay iyagu rabaan. Sanadki hore Taraam oo ku hadlayo afka waddamada Khaliijka ayaa sheegay inuu jabin doono heshiishki Nukliyeerka ee Iiraan kala dhaxeeyay. dowlado dhowr ah oo arkayay sida masuuliyad darrada ah ee ay wax u socdaan Faransiiskuna ka mi...

Contact Form

Name

Email *

Message *