Skip to main content

Maxaad ka ogtahay magaalada qurba-joogta looga soo Duceeyo


Waxaan safar ku joogay baryahaan dagmada Garbahaareey ee gobalka Gedo. Maalinti shalay ahayd waxaa dhagtayda kusoo dhacay hadal la hayay oo Qur'aan akhris ahaa. Waxaan sheekadi ka helay in ujeedku yahay duco iyo xirsi-xir loo sameeyo soomaalida qurbaha ku nool. Waxaan jeclaystay inaan wax badan ka ogaado waxaana codsaday in maanta aan ka qayb galo Alla bariga taasoo la ii ogolaaday.

Salaaddi Casar ka dib ayaan tagay goobta la ii sheegay in muraadku ka dhacayo. Waxaan koox koox u yimid wadaaddadi ducayn lahaa. Waxaa soo xaadiray 21 wadaad oo dhalinyaro aan labaatan gaarin u badan. Waxaa la keenay cunno fudud sida bun, daango, timir iyo cabbitaanno kala duwan. Cunto ka dib waxaa naloo qaybiyay boqol boqol kun oo Soomaalli ah. Waxaana la yiri akhriya waxaad kartaan oo Qur'aan ah duceeyana. Waxaa loo duceeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed ducadina waxaa lagu khatimay qurba-joogta oo aad iyo aad loogu duceeyay in Eeebbe dhowro iyaga iyo caruurtooda. 

Waxaan codsaday in aan la kulmo agaasimayaasha Alla-bariga waxaana la yeeshay waraysi kooban. Waxaa howsha wado hooyooyin iksu xiran oo koox ah. Waxay qofkiiba ka qaadaan 100 kun oo Soomaali ah oo u dhiganta $4. Alla-bariga waxaa loo qabta bille mararna waxaa dhacda inuu noqdo bil dhaaf. 

Waxaa la ii sheegay inuu socday muddo saddex sano oo uusan baaqan. Waxaase jirtay in shan sano ka hor mar la billaabay laakiin u kala go'ay marka bilowgiisa marka danbe ayaa loo nisbeeyaa maadama inuusan marnaba baaqan. Hooyooyin caruuro waxbarsho ooga aadeen waddamada Aasiya iyo Afrika ayaa bilowgi lahaa. Hooyinkaas ayaa u kulmay inay caruurtooda u xirsi-xirtaan maaddaama ay ahaayeen kuwa yaryar oo tahriibna looga cabsi qabay. 

Marki in muddo ah ducudu socotay kuna jihaysnayd ardayda kaliya una muuqatay hooyooyinki waday in baryadi la aqblay ayay go'aansadeen inay ballaariyeen oo u ducooyeen inta qurbaha nool oo dhan. Waxaan waydiiyay sidi ay ku ogaadeen in ducadi la aqbalay. Waxay iigu jawaabeen caruurti ducada lagu jiheeyay midna kama tahriibin, kama saaqidin wax dhib ah lama kulmin intii ay maqnaayeen. Maadaama arrimihi laga ducaystay ay baaqdeen waxaa loo sababeeyay Alla-barigi. Waxay ii sheegeen hooyooyinkaas in hadda dad badan kusoo xirmeen oo uu batay dadka danaynayo inay lacag ku bixiyaan ducadi kheyrkaasna aysan ma maqnaan.

Halkaas waxaa laga dheehan karaa qiimaha hooyooyinka Soomaaliyeed. Waxaa muuqato jeceylka iyo lexojeclada ka haysa dadka Soomaaliyeed. Waxaa muuqdo sida dadka daggan Garbahaareeey walwal ooga qabaan dhib ku dhaca ummada soomaaliyeed taasoo tusaysa waddaniyad iyo galgacayl.

Waxaa kaloo iyana jirta, inkastoo ay dalka intiisa badan la qabaan, in dibadda dad badan ka jiro Garbahaareey tasoo ay dhici karto inay qayb ka tahay in loo gooni yeelo qurba-joogta. Sida ay doonto ha noqotee tani waa arrin u gaar ah Garbahaareey. Waa jid wanaag ah oo ay billaabeen mudanna in lagu daydo. Eebbe ha inoo aqbalo ducadooda hana nagu nabad yeelo meel walba oo aan joogno.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *