Skip to main content

Posts

Showing posts from May, 2018

Articles I liked (Qoraalladi aan ka helay)

                                              This website  tracks  down how African parties which are in power are performing Politics and poverty caused past conflicts in East Africa – not climate change Arsenal has a new shirt sponsor: Rwanda. The Rwandan Development Board has inked a deal with the famous English football club, who from next season will play with the slogan ‘Visit Rwanda’ on their famous white sleeves.  Here  what you need to know about Rwanda before visit PM ABIY AHMED TELLS HIS CABINET THE GOVERNMENT IS INVESTIGATING FOREIGN BANK ACCOUNTS HELD BY SENIOR OFFICIALS.  Read More here All you need to know about Africa's free Trade ambitions.  Read here more  According to the latest  report  by the  Stockholm International Peace Research Institute (SIPRI) , in total, countries around the world spent  $ 1.739 billion  on arms in 2017. Although there was a marginal increase of 1.1 percent rise in real terms on 2016, the total global spending in 2017

Qof Wax ma Baddalo ee Qalin iyo Qoraal ayaa wax Baddalo

Aadanuhu waa is baddal u joog. Wuxuu tartan kula jiraa isbadalka Rabbaniga ah ee ku dhacayo bii’ada uu ku noolyahay. Qowmiyaddi la socon waydo xawaaraha isbaddalku ku socdo waxaa ku dhaco dib u dhac ka reebo dunida kale. Guud ahaan caalamka islaamka waxaa ku yimid dib u dhac xagga horumarka iyo hoggaanka dunida ah. Dalalka saboolka ah ee dalkeennu ka mid yahay ayaa ugu sii daran. Waxay u ilmaynayaa isbaddal siyaasadeed, mid bulsho, mid dhaqaale, mid aqooneed iyo mid hoggaan. Qof walba oo aad waydiiso waxa naga dhimman wuxuu si fudud kuu dhihi isbaddal ayaa loo baahan yahay. Hasa ahaatee wax mushkilad noqotay in la fahmo cidda laga sugayo inay isbaddalka keenaan. Dadka intiisa badan waxay eegayaan madaxda iyo siyaasiyiinta oo ay ka sugayaan isbaddal dhinac walba ah. Laakiin qof wax ma baddali karaa iyada oo aysan bulshadu is baddalin? Bulshaduse yaa baddali karo yaase saamayn wax baddali karto yeelan karo? Dabcan duunyo iyo dugaag isbaddal horumarineed laga sugi mahay

Erayadii Hurdada ii diiday

Waa xagaagi 2003di. Waddanka waxaan joogaa dhowr bilood kaliya. Waxaan aadaa meel lagu maaweeliyo dhalinta ka saaqidday iskoollada shaqana aan doonan. Dadka dhigo iyo kuwa maalgaliyo barnaamijka waxay ku andacoodaan in dhalintaan maankooda iyo muraalkooda la dhisayo si ay shaqo u raadsadaan dadkana ula mid noqdaa. Laakiin aniga iyo inta ila mid ah waxaan u tagnaa lacag yar oo soddon gini ah taasoo asbuuci la isa siiyo iyo kaar baska lagu raaco oo isna asbuucle ah. Dhammaan dhalinta aan meesha ku bartay oo midkoodna uusan labaantanki gaarin waa wada muslimiin Soomaali badanna ku jirto. Waxaa ka mid ah wiil asal ahaan Pakistaan kasoo jeeda laakiin ku dhashay Ingriiska. Wuxuu jiraa 17 sano oo kaliya. Ma tukado wax astaan diimeed ahna kama muuqato. Runti da’da uu jiro ayaaba ah tii dhalintu diinta ku dhaqankeeda ka weecan jireen. Laakiin isaga waxaa usii dheer howlo kale. Mar walba waxaa dhagaha ugu jiro sameecado uu muusitigo ka dhagaysto kuna jaaso. Waqtiga biririfta, isag

Dhib noocee ah ayuu soo kordhiyay mashruucii "Aada Dugsiyada"

Sanadi 2013ki, hayadda UNICEF iyo dowladda dhexe ayaa si wada jir ah u daahfuray mashruuc loogu magac daray Aada Dugsiyada. Mashruucaan oo loogu talagalay inuu socdo muddo saddex sana ah, ujeedka laga lahaa ayaa lagu sheegay dugsiyaynta caruurta dan-yarta ah ee aan tagi karin iskoollada lacagta ah. Sidoo kale, mashruucu wuxuu qayb ka ahaa tallaabooyin lagu xoojinayay wasaaradda waxbarashada iyo hayadaha dowliga ah ee ka waxbarshada ka shaqeeyo. Waxaa la qiyaasay in hal milyan oo caruur soomaaliyeed ah uu mashruucu iskuuulayn doono. Mashruuca waxaa fulinaysay UNICEF oo dhaqaalaha lasoo marsiiyay laakiin waxaa maalgaliyay waddamada Maraykanka, Ingriiska iyo Nederland.  Maadaama Soomaalidu musuq iyo xatooyo caan ku noqotay, deeq-bixiyayaashuna aysan aaminin, waxaa caqabad noqotay sidii macallimiintu mushaarkooda ku heli lahaayeen iyadoo aan wax lagala harin. Xalka kaliya ee muuqday wuxuu noqday in la yiraahdo macallin walba isaga koontadiisa toos lacagta ha loogu diro, isk

EU’s pledge of direct budgetary Support to Somalia is another sign of good governance

Following the Mogadishu Security Conference of 4 December 2017, H.E. Hassan Ali Khaire and EEAS Deputy Secretary General Pedro Serrano co-chaired the Somalia High-Level Security Meeting on 2 May in Brussels. In a press conference, shortly after the conference, Prime Minister Hassan Ali Kheyre stated that the European Union agreed to contribute 100 million Euros to Somalia's budget. This is an overdue step taken in the right direction. The international community spends over a billion dollar of humanitarian and developmental aid in Somalia every year. Almost all this money is managed and dispersed by UN agencies and other NGOs. For a long time, the somali government has been requesting some of this money to be channelled through its treasury. In 2014, donors and Somali government agreed 15% of the Official Development Aid (ODA) being infused into the government budget. The implementation of that agreement was steady but slow. Only 4% and 8% of ODA, for instance, was m

Maxaa Sabab u ah Hijrada Dhalinyarada Gobalka Gedo Sideese lagu xallin karaa?

Qormadaan tii ka  horraysay waxaan ku tilmaamay in dhibka ugu weyn ee dhalinyarada gobalka Gedo qayb ooga noqon la'dahay noocyada kala duwan ee horumarka inay tahay hijrada ay dhalintu ka hijroonayso dhammaan deegaannada gobalku ka kooban yahay. Haddaba maxaa sabab u ah hijradaan maxaase xal u ah? Dadki faallooyinka fakerkooda ku dhiibtay iyo qaar farriimo gaar ah isoo dirayba waxay xuseen dhowr arrimood oo ay yiraahdeen ilaa xal loo helo hijradu dhammaan mayso. Saddex arrimood oo loogu badnaa ayaan halkaan kaga faalloon doonaa iyo hal kale oo qof kaliya uu isoo diray laakiin macquul iila muuqatay. Saddexda arrimood ayaa kala ah: Ammaan la'aan, jaamacad la'aan iyo fursad shaqo la'aan.  Ammaan la'aan Gobalka Gedo wuxuu ka mid yahay meelaha ugu ammaanka xun guud ahaan dalka Soomaaliya. Dagmooyinkiisa intooda badan way adag tahay in gaari loogu kala safro cabsi la'aan. Dagmooyin dhowr ah gudahooda joogitaankiisa ayaaba halis ah. Sidaa darteed doo

Dhalinyarada gobalka Gedo waxay la mid yihiin biyaha maro boholaha gobalka Gedo

Ayaanle Macalin Cabbeey oo ka mid ah dhalinyada firfircoon ee gobalka Gedo ayaa isoo diray farrintaan su'aasha ah ee hoos ku oqran: Masuul waxaan rabaa inaan kula wadaago dhallinyarada gobalka gedo Masiibada goonida u haysato oo naga reebtay goballada kale ama Xamarta an maanta ku suganahay aan kaga duwannahay annagoo haysanno dhul dihan oo dekad ah haddana maankeenna kuma fooraro wax la xariir o hanaqaad horumareed dhanka siyaasadana kuma jirno oo xaquuq xitaa kama helno. Adiga oo ah aqoonyahan wax badan ka qoro siyaasadda iyo arrimaha Somalia,sideen ku heli karnaa fakar mideysan oo wax baddala ama aan wax is bedal ah ku sameyn karno? Laga billaabo degmo ilaa iyo tuulo malahan wax xariir siyaasadeed ah iyo dano isku dhafan,anagoo ku dhex nool marxaladda aad marqatiga ka tahay sideen ku heli karnaa fursad an kaga gudubno meesha maanta an naalno oon ubeegsan karnaa halka nalaga doonayo inaan ka muuqanno oon ka dhallinyara ahaan ku muujin karnaa doowrka anku leen

Contact Form

Name

Email *

Message *