Skip to main content

Qof Wax ma Baddalo ee Qalin iyo Qoraal ayaa wax Baddalo



Aadanuhu waa is baddal u joog. Wuxuu tartan kula jiraa isbadalka Rabbaniga ah ee ku dhacayo bii’ada uu ku noolyahay. Qowmiyaddi la socon waydo xawaaraha isbaddalku ku socdo waxaa ku dhaco dib u dhac ka reebo dunida kale.

Guud ahaan caalamka islaamka waxaa ku yimid dib u dhac xagga horumarka iyo hoggaanka dunida ah. Dalalka saboolka ah ee dalkeennu ka mid yahay ayaa ugu sii daran. Waxay u ilmaynayaa isbaddal siyaasadeed, mid bulsho, mid dhaqaale, mid aqooneed iyo mid hoggaan. Qof walba oo aad waydiiso waxa naga dhimman wuxuu si fudud kuu dhihi isbaddal ayaa loo baahan yahay.

Hasa ahaatee wax mushkilad noqotay in la fahmo cidda laga sugayo inay isbaddalka keenaan. Dadka intiisa badan waxay eegayaan madaxda iyo siyaasiyiinta oo ay ka sugayaan isbaddal dhinac walba ah. Laakiin qof wax ma baddali karaa iyada oo aysan bulshadu is baddalin? Bulshaduse yaa baddali karo yaase saamayn wax baddali karto yeelan karo?

Dabcan duunyo iyo dugaag isbaddal horumarineed laga sugi mahayo ee dad iyo shaqsiyaad ayaa laga sugaa is baddal. Sidaa darteed ciwaanka qormadu wuxuu ku fadhiyaa qof kaliya ma keeno mana yeesho saamayn wax badasho laakiin qoraal hal qof uu qoray waa keeni karaa.

Qiimaha qalinka waxaa noogu filan inuu yahay shaygi ugu horreeyay ee Eebe uumay. Sida ku cad axaadiis badan Eebbe ayaa abuuray Qalinka ka dibna ku yiri qor. Qalinki ayaa yiri maxaan qoraa? Eebbe ayaa ku yiri waxa imaan doono ilaa qiyaamaha qor. Eebbe mar waa kan ku dhaartay Qalinka iyo wuxuu sadareeyay (Nuun, 1). Mar wuxuu aadanaha ugu manno sheegtay inuu baray qalinka (Calaq 4).

Dhammaan shaqsiyaadka dunida kusoo kordhiyay isbaddal waaro waxay ka tageen kutub. Tusaale waxa noogu filan anbiyada Eebbe nabad galyo korkooda ha ahaatee.

Qoraalku wuxuu toosiyaa bulsho huroddo oo habsan ah. Hal qiso aan isku tusaalayno. Lu Xun (Luu Shun) wuxuu ahaa aqoonyahan shiinays ah oo noolaa 1881-1936. Wuxuu ka dhashay reer danyar ah oo shaqaale dowladeed ah. Aabbihi xanuun ayaa ku dhacay Lu oo wiil yar ah. Wixii ciddu xoolo lahayd daawaynta odaga ayay ku baxday waxaana kordhay saboolnimadi reerka.

Lu Xun oo arkay dhibka dawo iyo daryeel la’aan, ee ay keentay dhaqaatiir la’aantu, ee haysto aabbihii wuxuu go’aan ku gaaray inuu marto caafimaad si uu u badbaadiyo bukaannada aabbihii oo kale ah. Wuxuu waxbarsho caafimaad oo dibadda ah ka helay Jabbaan. Markuu meel dhexe marinayo waxbarshadi ayaa waxaa usoo baxay in xirfadda caafimaad ee uu baranayo aysan waxbo ka baddali karin laandheeraha Shiine ee ka habsaamay horumarka dunida.

Wuxuu yiri aqoon walba oo ay leedahay, ummad hurudo ah waxay addoon u ahaan mid soo jeeddo  marka dadkaygu waxay rabaan in hurdada laga kiciyo. Sidaas ayuu ooga tagay waxbarashadi caafimaadka una qaatay qalin. Wuxuu u jeestay qoridda sheekooyin gaagaaban oo mala-awaal ah kuwaas oo uu sawirro kala duwan kaga bixin jiray nolosha Shiinaha iyo hurdada ay ku jiraan.

Waxaan hubaa in akhristayaasha qormadaan ay markiiba kusoo dhacayso sheeko faneedyo meelaha lagu qoray maxay soo kordhin, una arkayaan go’aanki Lu Xun mid lunsanaa. Laakiin Xaqiiqdi Lu Xun wuxuu ka mid noqday dadki ugu saamaynta badnaa guud ahaan dalka Shiinaha ee abid soo maray. Dood la’aanna wuxuu ku jiraa tobanki qof ee ugu saamaynta badnaa isbaddalladi ku yimid horumarka Shiinaha qarnigi labaatanaad. Aabbihi Shiinaha casriga ah Mao Zendong wuxuu ku tilmaamay Lu Xun wali loo soo diray Shiine.

Waxaa saamaynta yeeshay waa qormooyinkiisa ee maahayn isaga. Waxaa hubaal ah haddii uu ku ekaan lahaa dhaqtarnimadi uu billaabay inuusan waxbo baddaleen warkiisuna uu ku koobnaan lahaa tuulada uu ku nool yahay iyo inta taqaan oo kaliya. Buugtiisi uu sida xirfadaysan u qoray iyo farriimihi kicinta cilmiyaysan watay ayaa saameeyay dad weynaha Shiinaha una jiheeyay wax iska caabbin iyo kor isu qaadid.

Waxaa ka dhicin Lu Xun, Mahatiir Mohamed oo ah raysulwaraasha Malayshiya hadda talada hayo muddo dheerna xilkaas hayn jiray. Dadka Malaysiyaanka ah waa dad qabow dabeecad ahaanna aan jecalayn siyaasadda. Taasi waxay ku keentay inay u nuglaadaan guumaysiga oo dhaxalsiiyay inay dalkooda ku noqdaan masaakiin ay majaraha dhaqaale u hayaan tiro yar oo soo galooti ah xataa xornimadi ka dib.

Mahatiir oo arkayay dadkiisa sida ay u hurdaan ayaa billaabay qoraallo kusoo baxo joornaalada waddanka ugu caansan isagoo isticmaali jiray magac aan kiisa ahayn si uu uga fogaado dhib. Ugu danbayn wuxuu qoray buuggiisa caanka noqday ee Malay Dilemma. Qormooyinki Mahatiir waxay qayb weyn ka noqdeen baraaruggi Malaysiyaanka taasoo horseedday inay dalkooda dib u hantaan dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba, maantana noqdaan waddamada ugu hormarsan dunida Islaamka.

Sidoo kale, qoraalku wuxuu keenaa isbadal siyaasadeed wuxuuna saamayn ku yeeshaa hab fakerka siyaasiyiinta iyo kuwa is baddal doonka ah. Tusaale, Karl Max iyo Friedrich Engels waxay 1848-di daabaceen buug konton bog kaliya ah oo ay u baxsheen manafestada hantiwadaagga (communist manifesto). Risalaadaas yar waxay gaartay dunida dacalladeeda waxayna kicisay kacaanno gilgilay dunida boqortooyooyin xoog badnaana dhulka dhigay.

Qoraalku ma uusan suuragalin in farriintu gaarto meel fog oo kaliya ee wuxuu sidoo kale abuuray saamayn xoog badan oo duufsatay fakerka shucuub aan aqoon qorayaasha iyo meel ay ku nool yihiin toona. Erayga qoran ayaa ka xoog badan midka afka laga yiri.

Qoraalku wuxuu usoo jeediyaa dareenka siyaasiyiinta xagga dadka dan yarta ah wuxuuna horseedaa faragalin keento isbaddal horumarineed. Jakob Riis wuxuu ahaa nin asal ahaan Danmaak kasoo jeedo oo noolaa intii u dhaxaysay 1849-1914-ki. Wuxuu isagoo dhalin yar u haajiray Maraykanka. Waqtiga uu Jakob tagay Maraykanka waxay ku beegnayd markii ree Yurub u naq raaceen qaaradda dadki lahaa la gumaaday ee Emeerika.

Waxaa imaanayay dad raxan raxan u socdo oo aan cidna ka horrayn. Arrintaan waxay abuurtay dad badan oo ku nool nolol hoose iyo darbi jiif badan. Meelaha sida ba’an loogu baahnaa waxaa ka mid ahayd New York oo dhinac ka ahayd qashin-qub ay ku noolyihiin masaakiinta dhinaca kale muraayad ay ku noolyihiin maal-qabennada.

Jakob oo noqday qoraa iyo wadaad masiixi ah wuxuu u dul qaadan waayay sida magaaladiisu u kala qaybsan tahay. Wuxuu go’aansaday inuu u istaago wax ka baddalida nolosha dadka saboolka ah ee ku noolaa New York. Waxaa usoo baxday sida ugu fudud ee dadkaan wax loogu qaban karo inay tahay in indhaha siyaasiyiinta iyo kuwa maal-qabeenka loo soo jeediyo dadkaan.

Habka ugu sahlan ee taasi lagu suura galin karo ayaa ula muuqatay inay tahay inuu sameeyo qoraallo joogto ah oo ka warramo xaaladda dhabta ah ee dadkaas ku noolyihiin. Ugu danbayn 1989ki ayuu qoray buuggiisa la magac baxay How the other half lives (sida dhinaca kale u noolyahay).

Buugaan oo ka koobnaa sawirro uu ka qaaday xaafadaha masaakiinta iyo farriimo kala duwan ayaa soo jiitay indhaha shacabki Maraykanka ugu danbayna wuxuu horseeday inay dowladdu faragaliso xaafadahaas. Saamaynti buuggu waxay keentay in xeerar dhowr ah oo isxigxigay kuna saabsan guryaynta iyo caawinta saboolka la meel mariyo. Xeerarkaas waxaa lagu dabaqay dalka oo dhan taasoo natiijada buugga ka dhigayso mid wada gaartay dalka oo dhan.

Dhabta ayaa ah in qoraalku yahay muraayad uu qoruhu hordhigo bulshada si ay u arkaan foolxumada ay ku nool yihiin, caddaalad darrada ka jirto deegaannadooda, waxa ay qabaan dariskooda iyo sida ay uga dib dhaceen dunida kale. Qaraha wuxuu qoraaalka bulshada ku tusaa, awooddooda ka qarsoon, wuxuu baraarujiyaa cuqaashiisa jiifto, wuxuuna dhiirri galiyaa kuwa niyad jabay. Qoraalku waa muraayad loo baahan yahay in maalin walba la isku eego.

Sidaa awgeed, dadkeennu wuxuu u baahan yahay qorayaal dhinac walba wax ka qoro. Waxaan u baahannahay kuwo noo qoro sheekooyin ay caruurtu iyo dhalintu noo akhristaan kuna ogaadaan xaaladda dalkoodu marayo. Waxaan u baahannahay kuwo noo qoro buug ay akhristaan madaxada dalka iyo kuwa joogo maqaamyada sare si ay u ogaadaan xaaladda dadka iyaga aan ahayn.

Waxaan u baahannay kuwo noo qoro buug ay akhristaan aqoonyahanka si ay u arkaan hurdada ay ku jiraan iyo sida ay u gabeen howshoodi. Waxaan u baahannay kuwo noo qoro buug ay akhristaan kuwo u baahan maddadaalo kaliya si ay ugu madadaashaan wax ku saabsan dalkooda iyo dadkooda inti ay akhrin lahaayeen mid ku qusaysa dadyow kale.

Inta aaminsan in Soomaalidu dhago waxmaqlo iyo qalbi wax fahmo midna aysan lahayn oo qoraal iyo farriin kale toona aysan anfacayn, waxaan leeyahay Lu Xun iyo kuwa kale ee aan kor ku sheegay waxay aaminsanaayeen in dadkoodu dhintay oo dhaga belay haddana ma aysan joojin qoraalki ee rajo unbay qabeen waana guulaysteen ugu danbayn.

Lu Xu ayaa yiri dadkaygu waxay la mid yihiin dad dhex hurdo guri shub ah oo albaabbadu u xiran yihiin dushana dab ooga shidan yahay oo hal qof kaliya bannaanka ka joogo oo ku qaylinayo ka baxa guriga waa uu gubanayaaye. Maadaama ay hurdaan warkama hayaan dabka ku shidan oo mar dhow gubi doono iyaga iyo guriga oo dhan, mana maqlahayaan qaylada qofka dibadda joogo. Waxaa lagu yiri tusaalahaan iyo wacyi galintaadu iskuma toosna, waayo dad xaaladdaas ku jiro maxay u taraysaa qaylo bannaanka lala taagan yahay. Wuxuu ku jawaabay, waxaa laga yaabaa inuu qof ama labo ay ku toosaan qaylada oo ay inta kale kiciyaan dhammaanna sidaas ku badbaadaan.

Ibrahim Aden Shire
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/




Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Contact Form

Name

Email *

Message *