Skip to main content

Posts

Showing posts from July, 2018

Laba-kaclaynta Loollanka Geeska Afrika. Q2aad

Qormadaan tii ka  horraysay  waxay gogal dhig u ahayd qormooyin dhowr ah oo tilmaamayo sababte keentay inuu soo cusbaanoodo loollanka loogu jiro hanashada siyasadda iyo ganacsiga Geeska afrika iyo cidda ku loollamayso. Qormadaan waxaan ku eegi doonnaa marki uu soo noolaaday loollanka iyo cidda bilwoday iyo dalalka ku jiro. Qoramadi hore waxaan ku tilmaamay in dhibaatooyinka ka jiro marinka Baab-Al-Mandan aysan waxba u dhimin isu socodka ganacsiga adduunka. Laakiin asbuucaan gudahiisa ayuu bilowday culayski ugu horreeyay ka dib marki Sacuudigu uu sheegay inuu joojinayo shidaalka uu mariyo marinkaas  khatar xagga ammaanka oo timid darteed. Khatartaan ayaa ah in kooxaha Xuutiyiinta ee Yemen ka dirira ay ku hanjabeen inay duqaynayaan maraakiibta sidda shidaalka ee ka timaadda sacuudiga. Intaas waa wixii ka danbeeyay qormadi hore. Dowladda yar ee Qatar ayaa afuuftay dabka ka bixi jiray Bariga Afrika ee waa hore baqtiyay. Qatar ayaa sanadihii labo kunnadii horraanteedi bilwoday

Bolooggaan oo Maanta Gu jirsaday. Sidee ku billaabay Maxaanse faaiiday?

Hal sano ayaa kasoo wareegtay maalinti aan billabay inaan boggaan wax ku qoro. Aroorti 28 July 2017'ki kuma soo toosin inaan boloog billaabo. Iskaba daa inaan billaabee maba aqoon inaan heli karo mid bilaash oo diyaarsan hal dhufasho kaliyana ay iga xigto inaan arigtayda saaxiibayday kula wadaago. Sababti ma xaussuto laakiin goor galin danbe ah ayaan is maqalnay Isxaaq Cabdullahi Climi-Sahal oo asxaabta ka mid ah. Sheeko ka dib wuxuu igu yiri qoraallada aad soo dhigto Facebook-ga waa fiicanyihiin laakiin waxaa kasii fiicnaan laahyd inaad boloog kusoo qorto si ay u noqdaan kuwo rasmi ah oo laga faaiidi karo. Markaan muujiyay inay igu adag tahay samynta bog iyo gacan ku hayntiisa ayuu ii sheegay inuu jiro mid iigu diyaarsan akoontiga aan ku leeyahay google-ka. Saacad ka dib markan jaray telkiisi ayaan soo dhigay midki ugu horreeyay aan ku tijaabiayay. Walow aannan isu soo wicin wadatashi, hadalkeenni wuxuu ku dhamaaday talo i anfacday abaal weyna aan uga hayo lagana yab

Laba-kaclaynta Loollanka Geeska Afrika. Q1aad

Muddo dheer xiriirka u dhaxeeyo Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika wuu dansanaa laakiin hadda wax walba waxay isu baddalayaan si dhaqso ah. Qormooyin dhowr ah ayaan isku dayi doonaa, haduu Eebbe idmo, inaan kusoo bandhigo sababaha riixayo isbaddalka cusub. Furintaanki kanaalka Suways sanadki 1869'ki ayaa baddalay gabi ahaanba Badda-Cas. Habayn qur ah ayay iska baddashay gacan yar oo aan cidna qiimo ugu fadhin isuna baddashay halbowlaha ugu muhiimsan isu socodka ganacsiga dunida. Si loo muujiyo ahmiyadda marinka cusub, farshaxanaystihii Faransiiska ee  Frederic Bartholdi ayaa soo bandhigay taallo weyn oo laga dhiso irridka kanaalka Suweys loona bixiyo 'taalladii horumarka'.  Hasa ahaatee, mashruucii taallada waxba kama suuragalin. Dowladdi Masar ee waqtigaas jirtay ayaa deyn badan ka qaadatay bangiyadii Ingriiska si ay u dhisto kanaalka. Sharci jiray qarnigii sagaal iyo tobnaad, oo loogu talagalay in marmarisiyo looga dhigto dhul boobki ree Yurub, ayaa dhigayay in h

Shirakadaha Ganacsiga iyo dadka kee u xaq leh Biyaha Maraykanka?

Biyahu waxay ka mid yihiin xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah ee ay tahay inuu qof walba haysto laakiin haddii aad tahay Maraykan nasiib ayaa leedahay haddiiba aad ku hesho qiimo aad ku iibsan karto.  Arrintaan waxaa laga yaabaa inay qariib kula noqoto, inay kula noqonaysana waa sababta aan u jeclaystay inaan kula wadaago. Sidee waddanka dunida ugu hormarsan xagga nolasha, dhaqaalaha, ciidan iyo ilbaxnimada sheegtana inuu yahay aabbaha dunida xorta ah ay suuragal ku tahay in dadkiisu biyo la'aan hayso? Dhabta ayaa ah in nolosha quruxda badan ee aan aragno yaysan wada haysan ree Maraykan, qaar badan oo ka mid ah haddaysanba ahayn intooda badan ay ku noolyihiin nolol xuquuq la'aan. Waxaan halkaan idinkula wadaagi hal tusaale oo ku saabsan sida loola dhaqmo dadka saboolka ah ee Maraykan ku nool iyo cidda leh awoodda dalka. Flint waa magaalo ku taal gobal Mishigaan. Dadka saboolka ah ee daggan dagmadaas ayaa lagu qasbay inay isticmaalaan biyaha caagadaysan ee suuqayada la

Afrika iyo Galbeedka kee la biilaa, keese wax biilo?

Afrika waa qaarad sabool ah, waxaa naga saran masuuliyad inaan caawino. Waa hal ku dhig dhagaheenna ku badan kumannaan sawir, muqaallo, boggaga hore ee wargaysyada, idaacadaha caalamiga ah iyo  codsiga hayadaha gargaarka lagu ayido. Sheekooyinka hal dhinac laha ah ee lasoo xulo iyo sawirrada qarracanaka wato, iyagoo isticmaalayo, ayay qalbigeenna ku tallaaleen hal sawir oo ay Afrika leedahay kaas oo ah faqri. Balse xaqiiqdu waxay tahay in Afrika ay biisho dunida hodanka ah ee aan iyada la biillin. Afrika waxaa dunida kale kasoo galo $161 bilyan oo isugu jiro kaalmo, deyn iyo lacagaha ay diraan Afrikaanka dibadaha ku nool. Dhinaca kale Afrika waxaa sanad walba dunida kale ka aaddo $203 bilyan. Aan jajabinno caddaadka aan xusnay. Afrika waxaa kaalmo loo siyaa $19 bilyan laakiin intaas saddex laabkeed ($68 bilyan) ayay shirakadaha waaweyn ee ree Galbeedku dibadda ooga bixiyaan si xatooya ah. waxaa ka mid ah qaabka ay lacagtaas ku qaataan ka been sheegid faaiidada ay helaan s

Qulubku (Depression) Ceeb Maahane Waa Cudur

Qulub (Depression) waxaa lagu qeexaa dareen rajo-la'aan iyo quus. Waxaa loo qaybiya saddeex: Mid fudud (mild), mid dhexdhexaad ah (moderate) iyo mid weyn (major). Midka ugu danbeeye waa xaalad caafimaad oo halis ah. Qofku wuxuu dareemaa walwal joogta iyo walbahaar. Waxaa qabto xanuun uusan garanayn waxa uu yahay iyo meesha laga hayo. Wuxuu faraha qaadaa wixii uu qaban jiray oo dhan. Waxaana kusoo dago caajis uu far dhaqaajin waayo kaas oo moodsiiyo inuu xanuun wax la qaban la'yahay. Wuxuu sameeyaa cuntada, hurdada iyo dhammaan nolasha ruuxa uu hayo. Waxaa lala galaa isbitaal marar badanna qofka sidaas loo qabto wuxuu ku fekeraa inuu is dilo.  Qulubku waa xanuun ku baahsan dunida oo dhan midda saboolka ah iyo teeda hodanka ahba. Wuxuu ku dhacaa saqiir iyo kabiir waxaana la xaqiiyay inuu ku dhaco xataa caruurta saddex jirka ah. Hayadda Caafimaadka Adduunku waxay sheegtay in sanadki 2017-ki ay saddex boqol oo milyan oo qof oo qulub qabto dunida ku noolyihiin.  Qulubku

Faallo: Qudbadii Cabdikariin (Qalbi-dhagax)

                                                                Cabdikariin Sheekh Musse oo magac dheer Qalbi-dhagax maahan mid maqalkisu nagu cusub yahay. Tobanki bilood ee lasoo dhaafay xaaladdiisu waxay ahayd mid haraysay sheeko maalmeedka ummada soomaaliyeed meel walba oo ay joogtaba. 27ki Agoosto 2017 ayay ahayd maalinti iigu horraysay ee aan maqlo magaciisa iyo jiritaankiisaba. Waa maalinti loo gacan galiyay cadowga Soomaaliyeed, waana maalin dhaawacday karaamadi ummadda soomaaliyeed daqarna ku dhufatay sharafta madaxda xilka hayso. Soo dayntiisi ka dib wuxuu jeediyay qudbad isagoo joogo magaalada Nayroobi ee Kiinya. Qudbadaan ayaa ahayd mid aad loo sugayay maadaama la filayay inuu faahfaahin doono sideey wax u dhaceen iyo cidda sida rasmiga loogu eedayn karo dhiibistiisi. Waxaa si gooni ah loo naawilayay inuu bidhaamin doono kaalimihii ay madaxweynaha iyo raysulwaraasruhu ka cayaareen dhiibistiisi iyo soo dayntiisi.  Xalay ayaan dhagaystay qudbadi oo duuban. Waxaa

Contact Form

Name

Email *

Message *