Skip to main content

Afrika iyo Galbeedka kee la biilaa, keese wax biilo?



Afrika waa qaarad sabool ah, waxaa naga saran masuuliyad inaan caawino. Waa hal ku dhig dhagaheenna ku badan kumannaan sawir, muqaallo, boggaga hore ee wargaysyada, idaacadaha caalamiga ah iyo  codsiga hayadaha gargaarka lagu ayido. Sheekooyinka hal dhinac laha ah ee lasoo xulo iyo sawirrada qarracanaka wato, iyagoo isticmaalayo, ayay qalbigeenna ku tallaaleen hal sawir oo ay Afrika leedahay kaas oo ah faqri. Balse xaqiiqdu waxay tahay in Afrika ay biisho dunida hodanka ah ee aan iyada la biillin.

Afrika waxaa dunida kale kasoo galo $161 bilyan oo isugu jiro kaalmo, deyn iyo lacagaha ay diraan Afrikaanka dibadaha ku nool. Dhinaca kale Afrika waxaa sanad walba dunida kale ka aaddo $203 bilyan. Aan jajabinno caddaadka aan xusnay.

Afrika waxaa kaalmo loo siyaa $19 bilyan laakiin intaas saddex laabkeed ($68 bilyan) ayay shirakadaha waaweyn ee ree Galbeedku dibadda ooga bixiyaan si xatooya ah. waxaa ka mid ah qaabka ay lacagtaas ku qaataan ka been sheegid faaiidada ay helaan si loogu dhaafo canshuurta dowladda, ka been sheegid caddadka alaabaha ay soo dajiyaan ama ay dhoofiyaan si aan loo canshuurin iyo siyaabo kale oo wada sharci darro ah.

Aqoon la'aanta shaqaalaha, qalab la'aan, xil gudasha la'aanta madaxda iyo musuqa baahsan ee qaaradda ka jiro ayaa sahlay inay shirkadu xadaan adduun sidaas u badan. Shirkad xadayso bilyans sanad walba ayuu madaxweynaha dalka laga xadayo waydiista deyn iyo kaalmo, halka uu raadin xal uu ku ilaashado xoolahiisa.

Qurbajoogta Afrika ee ku nool Galbeedka ayaa sanad walba dira lacag dhan $30 bilyan taas oo in badan aan ka maqalno idaacadaha ree Galbeedkuna noogu manno sheeegto laakiin qurbajoogta ree Galbeedka ee ka shaqeeyo shirakadaah ka howl galo Afrika ayaa Galbeedka usoo diro $32 bilyan oo doolar. Midda qurbajoogteennu soo dirto waan maqalnaa laakiin ma maqalno midda dalalkeenna ka baxdo noomana xisaabsano walow ay ka badan tahay midda aan helno.

Dowladaha Afrikaanka ah waxaa deyn loo siyaa balaayiin doolar oo loogu manno sheegto walibana shardi looga dhigo in ay talada wax ka siiyaan deyn bixiyaha laakiin caddadka aan u bixinno dulsaarka sanad walba ayaa ka badan deynta aan helno haddana cod kuma lihin mana sheegan karo. Tusaale, sanadki 2015ki Afrika waxaa la siiyay deyn dhan $32.8 bilyan laakiin waxay dulsaar ahaan u bixisay $18 bilyan. Waa in ka badan kalabar deynti ay heshay. $9 bilyan oo kale waxay dulsaar u siisay shirkado iyo shaqsiyaad deymo gaar ah leh.

Bixinta dulsaarka ayaa dalal badan ka dhigay kuwo u shaqeeyo dowlado shisheeyo kaliya. Gaana, tusaale ahaan, 30% lacagta kasoo gasho dalkeeda waxay ku bixisaa dulsaarka deynta ay qabto. Dalka Musambiik, halki doolar oo uu helaba waxaa saran 21 doolar. Cilmibaaris kale waxay tustay in halki doolar ee cawimaad loo bixiyaba lagu baddalo siddeed doolar oo miiska hoostiisa la marsiiyo. 

Hayadaha gargaarku xatooyada nadiif kama aha. Waxaa jiro hayado waaweyn oo ay leeyihiin dowlado gaar ah kuwaas oo maalgaliyo deymaha la siiyo waddamada Afrika iyadoo loo yeelayo waji gargaarka. Tusaale, hayadda UKAID, ayaa bixiso lacago deyn ah oo ay siiso shirkado furayo iskoollo iyo isbitaallo. Ujeedka ayaa ah inay hayaddu bixiso lacagta raasamaalka ah, shirakadaha la siiyayna ay furaan adeegyo anfaco dadka deegaanka.

Laakiin shirkadaha furo adeegyadaas iyo hayadda maalgalisayba waxay rabaan inay wax usoo noqdaan taasoo keentay in la tahli waayo adeegyadoodi. Waddamo badan oo ay ka  mid yihiin Yugaandha iyo Kiinya ayaa albaabbada u laabay iskoollada sidaas lagu furay ka dib marki la arkay inay dhiig-miirati yihiin.


Intaas waxaa dheer kheyraadka sidiisa lagu xado sida macdanta, dahabka, dhirta iyo kalluunka. Isku dar kheyraadka ay xadaan shirkada shisheeyo ayaa lagu qiyaasay $32 bilyan sanadkiiba. Sidoo kale, $36 bilyan ayaa lagu qiysaasay lacagta Afrika magdhow ahaan ooga heli lahayd shirakadaha ree Galbeedka ee wasaqeeyo hawadeeda. Waddamada kale waa qaataan magdhowgaas laakiin Afrika cidna ma siiso iyaduna ma doonato, inaysan warba u hayna laga yaabo. 


Dadka boobayo qaarada Afrika maahan caddaan iyo Aasiyaan kaliya ee Afrikaan badan ayaa dhinacooda ka wado xaalufinta qaaradda. Waxaa jiro 165000 oo ah Afrikaan aad  maalqabeen u ah. Hantidoodu marki la isku daro waxay gaaraysaa $860 bilyan. Hasa ahaatee xoolahooda waxaa ka faaiido ree Galbeedla, Afrikana waxay ka qaadaan mooyee wax badan kuma caliyaan.

Tusaale, sanadki 2014ki $500 bilyan oo ay leeyiin maalqabeennada Afrikaanka ayaa taallay malja'yada canshuuraha (tax heavens) oo ah jasiirado uu maamulo Ingriisku. Lacagtaan waxay ka shaqayn lahayd qaaradda dhexdeeda. Waxaa lagu maalgalin lahaa adeegyada bulshada ee kala duwan ee kaabayaasha dhaqaalaha. Waa lacag haddii ay tujaartaas qaaradda galiyaan looga maarmi lahaa maalgashi shisheeye. Nasiib-darro waxaa ka faaido ree Galbeed kaliya halka dadka laga dhex tabcay qaarna laga xaday ay gaajo la ildaran yihiin

Maxaa xal ah

Xalka dhabta ah wuxuu gacanta ugu jiraa madaxda Afrika. Laakiin uma socdaan inay xal u helaan mushkiladda qaaradda haysato. Marka waa inaan u cabannaa kuwa aan ka cabanayno si ay dhibka noogha khafiifiyaan kolleey naga deyn mahayeene.

Midda ugu horrayso waa in qaaradda Afrika laga raabaa suuqa xorta iyo u oglaanshaha shirakadaha shisheeye inay u tartamaan mashaariicda dowladaha Afikaanka ah waayo malaha awood iyo aqoon ay isaga eegaan heshiisayada ay galayan kulana xisaabtamaan shirakdaha waaweyn ee ay leeyihiin dowladaha waaweyn.

Arrintaan Afrikaanka dhexdooda xataa dhib ayay isku hayaan, tusaalana waxaa kuugu filan in shirkadaha Kiinya iyo Itoobiya ay si siman kula tartamaan shirkadaha Soomaaliya mashaariicda lagu hormarinayo Soomaaliya. Qoloba qoleey ka daran tahaye, innagu waxaan ugu hoosaynaa Afrika xagga awoodda iyo aqoonta sidaas darteed inaan galno hsehiisyo caalami ah oo muddo dheer soconayo waqtigaan waxa laga dhexli doono waa waxa haysto qaaradda inteeda kale.

Labo deeqaha la siiyo qaaradda Afrika waa in loo arkaa magdhow laga siinayo xoolahooda la boobayo ee aan laga dhigin cawimaad iyo kaalmo abaal wadata. Ugu danbayna waa in xal loo helaa malja'yada canshuuraha ee lagu qarsado lacagaha laga soo xado Afrika si qaaraddu u hesho maalgashi dadkeedu leeyahay. Dhabta ayaa ah in Afrika oo adduunka uga diiwaan gashan culays gacanta lagu hayo ay tahay midda lagu dul noolyahay ee biisho caruuraha raaxada ku nool.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/






Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *