Skip to main content

Warbixin Kooban. Safarkaygi Gobalka Gedo. Q4


Waxaa ku jirnaa arrimaha bulshada. Tii inoogu danbaysay waxaan soo taabannay adeegga caafimaadka kaas oo sawir taban aan ka bixinnay. Hasa yeeshee meelo badan oo waxaa jiro horumar fiican uu ka jiro sida isboortiska.

Garbahaareey waxaa ka dhisan siddeed naadi oo heer koowaad ah. Si joogta ah ayaa loo cayaaraa oo markuu xilli dhammaadaba dib ayaa loo billaabaa. Kooxaha koob ayaa loo dhigaa lacag ah. Inta badan waa $100 qiimaha abaalmarintu marmarna inuu ka bato ayaa laga yaabaa. Kooxdi qaaddo koobka ayaa meel fagaare ah lagu guddonsiiyaa abaal marinta. Ciyaarahaan waxay ka dhacaan garoonki kubbadda kacta ee dagmada oo saddex sano ka hor la dayac tiray.

Garoonka oo loo dhisay darbi daawadayaashu fadhiistaan ayaa aad loo soo cammiraa. Maalinta ay jirto cayaarta kama danbaysta ah waa la buux dhaafiyaa. Waxaa xusid mudan in dad ugu badan ee cayaaraha daawado ay ka mid yihiin ciidanka. Waxaad arkaysaa iyagoo tuutahooda xiran qoryana sito oo shacabka dhex fadhiya. Dadka ugu yar ee daawado waa wadaaddada iyo waayeelka.

Waxaa sidoo kale dhisan sagaal kooxood oo heerka hoose ah (junior). Kooxahaan waxay u dhisanyihiin caruur da' ahaan yar. Laakiin si wanaagsan ayaa loo agaasimaa oo is reereeb ayay leeyihiin inkastoo aysan abaalmarin u taal jirin. Buuq iyo dagaal iyo bannad kama dhaco. Labada kooxood ee maalinlaas cayaarayo mooyee inta kale waa daawadayaal.

Saallaxa ayaa isna jiro oo ah goob xiran oo la dhigay caws artifishal ah. Sallaxa waaxaa ku cayaari karo tiro yar inta badanna waxaa loo isticmaalaa almiito. Sidoo kale waxaa ku cayaaro jilib culayska ka cuslaaday inay garoonka caruurta la galaan. Sallauxu wuxuu leeyahay leyr ilaa tobanka fiidnimo ayaana lagu cayaaraa. Ganacsatada iyo dadka maalinti aan waqti hayn cishaha ka dib ayay is ballansadaan oo ay yara boodboodaan. 

Howsha sidaan u qurux badan iskama imaan ee dadaal iyo waqti badan ayaa la galiyay. Waxaa u taagan guddiga isboortiska dagmada oo ah mid doorasho ku yimid si joogta ahna loogu tartamo xilalkiisa. Guddigaan wuxuu ka koobanyahay 7 xubnood. Doorasho sanadle ah ayaa la qabtaa. Inta badan xubnuhu waa dhacaan oo kuwa cusub ayaa la doortaa. Dhowrki sano ee lasoo dhaafay si wacan ayay ku dhammaatay oo uusan dhiig ku daadan. dhiigga waxaan u xusayaa Afrikaan doorasho galay oo ugu yaraan daqar uusan ka dhicin waa tuke cad. 

Guddigaan shaqadiisu waa agaasimidda iyo korjoogtaynta cayaaraha. Iyagaa dajiyo shuruucda iyo nimaadka ciyaaruhu u dhacayaan. Iyagaa ka masuul ah abaalmarinta iyo keenniddeeda. Abaalmarintu waa mid ka timaaddo bulshada. Macnaha lacagta la dhigayo waa mid baladka dadka daggan laga qaado. Waxaa la filan karaa soomaalida diyaar u ah inay cayaaro lacag ku bixiso yaraanteeda. Saas oo ay tahay marna ma baaqan oo sidii loo billaabay waa la joogteeyay. Arrintaasi waxay tusaysaa howlkarnimada maamulka iyo muhiimmada ay leedeehay doorashadu.

Haddii uu waxqabadka maamulku xumaado sanadka ka dib waa la tuuri sidaas, sida aan isleeyahay, baa sababtay in hadba qofki xilkaasi haya uusan fadhiisan ilaa uu howlaha joogtada looga rabo uu meel soo saaro. Ciyaaraha sidaasi loogu foogganyahay waalidiinta, culimda iyo bahda waxbarashadu dagaal ba'an ayay kula jiraan. Inshallah si gooni ah ayaan arrintaas ooga hadli doonaa. 

Meelo kale oo waxaa jiro ay dhalintu isu taagtay sida sixada dad weynaha. Koox dhalinyaro ah, tusaale ahaan, oo waxaa jirto isu xilqaantay inay la socdaan waqtiga dhicidda cuntooyinka suuqa lagu gado. Inteey howshaan wadeen waxaa yaraaday raashinka dhacay ee iskafaallooyinka saarnaan jiray. Mid awal ugu wacnayd ayaa ahayd in ganacsatadu inteeda badan aysanba eegi jirin cimriga raashinka ay soo iibsanayaan. Mararka qaar bariis waa hore dhacay ayay gawaari kasoo buuxsan jireen iyagoonba ogayn. Laakiin sidii baraarujintaan loo billaabay iska fiirin ayaa billaabatay caddadka raashin dhacsan ee suuqa yaallana hoos ayuu aad ugu dhacay.

Sidoo kale, dhalintu waxay isku xilqaameen ilaalinta nadaafadda dagmada. Waxaa furan labo shirkadood oo ka shaqayso aruurinta qashinka waddooyinka iyo guryaha illinkooda lagu qubo. Shirakadahaan, sida la ii sheegay, dadka ayay lacag ka qaadaan howsha lagu qabto. Tuhun iyo qandaraas baa ku jirana sidi caaddau ahayd waa yeeraysay.

Dhinacyada adeegyada ee magaalada anfacay waxaa ka mid ah biyaha iyo korontada. Inshallah labadaas ayaan ku eegi doonnaa qormada xigta.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/



Comments

  1. Waa qormo aad u xiiso badan bidhaaminaysana xaalada Magaalada Garbahaarey gaar ahaan dhanka arrimaha Bulshada. Runtii qoraagu wax badan buu iftiimiyey oo dhanka hormarka ah waloow ay jiraan waxyaabo badan oo qabyo ah, lamana dhihi karo wax walbo waa inay ahaadaan 100% sababtoo ah Dal burburay 30 sano burbur ku jiro waa la dareemi karaa hormarka uu gaari karo, dib-u-dhaciisa ayaa ka badan hor-u-socoshadiisa.

    Mahadsanid Ibrahim Shire wax badan baad noo iftiimisay.

    ReplyDelete
  2. The casino is down right now due to cyberattack
    that 강원도 출장마사지 was seen from an unknown source. A few 의정부 출장마사지 days 창원 출장마사지 ago, it took more than 15 hours to fix the issue. The 세종특별자치 출장마사지 casinos are all 성남 출장마사지 closed.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *