Skip to main content

Posts

Showing posts from February, 2019

Maxaad ka ogtahay magaalada qurba-joogta looga soo Duceeyo

Waxaan safar ku joogay baryahaan dagmada Garbahaareey ee gobalka Gedo. Maalinti shalay ahayd waxaa dhagtayda kusoo dhacay hadal la hayay oo Qur'aan akhris ahaa. Waxaan sheekadi ka helay in ujeedku yahay duco iyo xirsi-xir loo sameeyo soomaalida qurbaha ku nool. Waxaan jeclaystay inaan wax badan ka ogaado waxaana codsaday in maanta aan ka qayb galo Alla bariga taasoo la ii ogolaaday. Salaaddi Casar ka dib ayaan tagay goobta la ii sheegay in muraadku ka dhacayo. Waxaan koox koox u yimid wadaaddadi ducayn lahaa. Waxaa soo xaadiray 21 wadaad oo dhalinyaro aan labaatan gaarin u badan. Waxaa la keenay cunno fudud sida bun, daango, timir iyo cabbitaanno kala duwan. Cunto ka dib waxaa naloo qaybiyay boqol boqol kun oo Soomaalli ah. Waxaana la yiri akhriya waxaad kartaan oo Qur'aan ah duceeyana. Waxaa loo duceeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed ducadina waxaa lagu khatimay qurba-joogta oo aad iyo aad loogu duceeyay in Eeebbe dhowro iyaga iyo caruurtooda.  Waxaan codsaday in

Maxaa iiga baxay shirki dhallinyaro ee aan abid uga qayb-galo Soomaaliya

Xalay   waxyar  un  salaadda   maqrib  ka dib,  ayaa   waxaa    acanta  I  qabta y   wiil   dhalinyaro  ah  oo   madax  u ah  qalin- maalka magaalada .  Wuxuu   iga   codsaday   inaan   kala   qayb   galo   kulan xog-waraysi  ah  oo  ay  leeyihiin   saacaddaas   waana   aqbalay laakiin   wa xaan  ka  cudur-daartay  in la  igu   daro   dadka   kalmadda ku   leh .  H alkaan   waxaan   ku   tuuro-goyn   doonaa   waxy aabihi   aan is  iri   il- qabad   togan   ama   taban   ayay   leeyihiin   ee   dhacay   intuu kulunku   socday . Kulunka   waxaa   ka  qayb- galay   lix   iyo   toban   saddex   dumar   yihiin iyo   aniga   oo   korjoogto   ahaa . Mid ma  ogiye   inta  kale  waxay wada   haysteen   shahaadooyin   ilaa   heer   jaamacadeed  ah  una badan   heerka   koowaad .  Waxaa   meesha   lagu   xusay   inay   ilaa afartanha   yihiin   dhalinta   kas oo   baxday   jaamacadaha   ee   baladka joogo .  Intii   xaadirtay   kulankaas  afar  mooyee   inta  kale wax un  camal  ah  aya

Contact Form

Name

Email *

Message *