Buugga Halgan iyo Hoggaanwaxaa la daabacey Julaay 2026. Waxa uu ka koobanyahey 244 bog. 40 bog ee u danbeeya waxaa ku qoran faallooyin ay soo gudbiyeen asxaabtii Sheekha. Waxa ay uga hadleen shaqsiyaddiisa wixii ay ka yaqaanneen. Labada boqol ee kale waxaa lagu soo koobey wareysiyo sheekha laga qaadey waqtiyo kala duwan. Buugga waxaa qorey wiil uu sheekhu dhaley oo la yiraahdo Cabdiraxmaan Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf. Cabdiraxmaan waxa uu sheegtey in uusan buuga ku darin wax isaga ka yimid. Wax Alla waxa laga helo labadaas boqol ee bog waa erayadii sheekha oo qoraal loo rogey sida uu nagu yiri Cabdiraxmaan. Wareysiyada salka u ah buugga waa laba qeybood. Qeyb waxaa qaadey Dr Cumar warsame. Buuggu waxa uu tilmaamey in la duubey intii u dhaxaysay Jannaayo 2013 ilaa Juun 2013. Waa wareysiyo qaatey 14 fadhi. Qeybta labaad waxaa duubey Sheekh Cabdullaahi Faarax Taano 2001-dii. Sida uu qoruhu sheegey waxa ay ahaayeen laba cajalood. Xogtaas waxa aan ka fahanney in codka she...