Buugga Halgan iyo Hoggaanwaxaa la daabacey Julaay 2026. Waxa uu ka koobanyahey 244 bog. 40 bog ee u danbeeya waxaa ku qoran faallooyin ay soo gudbiyeen asxaabtii Sheekha. Waxa ay uga hadleen shaqsiyaddiisa wixii ay ka yaqaanneen. Labada boqol ee kale waxaa lagu soo koobey wareysiyo sheekha laga qaadey waqtiyo kala duwan. Buugga waxaa qorey wiil uu sheekhu dhaley oo la yiraahdo Cabdiraxmaan Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf.
Cabdiraxmaan waxa uu sheegtey in uusan buuga ku darin wax isaga ka yimid. Wax Alla waxa laga helo labadaas boqol ee bog waa erayadii sheekha oo qoraal loo rogey sida uu nagu yiri Cabdiraxmaan. Wareysiyada salka u ah buugga waa laba qeybood. Qeyb waxaa qaadey Dr Cumar warsame. Buuggu waxa uu tilmaamey in la duubey intii u dhaxaysay Jannaayo 2013 ilaa Juun 2013. Waa wareysiyo qaatey 14 fadhi. Qeybta labaad waxaa duubey Sheekh Cabdullaahi Faarax Taano 2001-dii. Sida uu qoruhu sheegey waxa ay ahaayeen laba cajalood. Xogtaas waxa aan ka fahanney in codka sheekha la duubey oo haddii loo baahdo la heli karo. Buugga inta aad akhrinayso ma ogaan kartid xogta lagu siiyey wareysiga ay ku jirto. Tusaale ma midkii 2001-diiba mise waa kuwii danbe oo lama xusin.
Sida laga fahmi karo ciwaanyaraha, buuggu waxa uu ka warramayaa taariikhnololeedkii sheekha. Laakiin Sheekhg ma uusan ahayn sheekh ka mid ah culimada Soomaaliyeed e waxa uu ahaa siyaasi xil weyn qabtey go’aannadiisiina ay saameyn waartay oo dhib iyo dheefba leh ku yeelatey dad badan iyo deegaan dhan. Taas ayaa xiiso gaar ah u yeeleysa buugga dadka taariikhda jecelna ku qasbeysa in ay dheegtaan.
Buuggu waxa uu ka kooban yahay 8 cuutub. Shanta cutub ee hore, oo qaadatey 88 bog oo buugga ah, waxa ay ka hadlayaan noloshii sheekha dhalashadiisii ilaa uu jaamacad ka baxey iyo shaqooyinkii uu qabtey ilaa burburkii dalka. Waa qeybta xambaarsan qeybta hore ee ciwaanka (Halgan). Sidaa darteed erayga “halgan” ee ciwaanka ku jira ha u qaadan mid hubeysan oo hoggaan lagu gaarey ee halgankii nolosha iyo waxbarashada ee sheekhu galey. Malaha “harjad” ayaa ku habbooneyd baan is iri. Casharro badan oo dedaalka sheekha, himiladiisii iyo ragannimadiisii tuseysa ayaa ku muush ka ah.
Buuggu waxa uu ku qoranyahey luuqad fudud. Akhriskiisu waa sahal, fartiisu waa fariid, sida uu isu heystana waa heersare. Tafatir toolmaan ayaa lagu sameeyay. Habqoraalkiisu ceeb ma leh.
Qeybta hore ee buugga waxaa ku jiro dhacdooyin uu si kooban u xusey sheekhu oo sawir naga siinayaa xaaladdii dalka iyo dadka. Tusaale, 1969-kii mar uu ku soo laabtey dalka isaga oo Masar ka yimid waxaa uu yiri.
“... Waxa aad akaysay aqoonyahanno jaamacado ka soo laabtay oo wada baaga muudda ah oo huteellada wada fadhiya. Qofkii kugu arka baasaboor una maleeya inaad dibadda ka timid wuxuu ku moodayay in kheyrkii oo dhan laguu dhammeystiray.”
Arrintaasi waxa ay na baraysaa in dhibta shaqa la’aanta ee maanta taagan iyo dhoof jeceylku uu ahaa mid waqti dheer jirey.
Sheekhu waxa uu ardaynimo ugu baxay Masar 20/11/1965. Habeenkii bixitaanka marka uu ka hadlayay waxa uu yiri:
“Waxaa xusid mudan in maalintii aan diyaaradda raacaynay, raggii kale ee aan wada soconnay ay wada xirnaayeen jaakad ama suud sida loo yaqaan…. Ma aannan helin. Ma ahayn mid qaali ah laakiin ninka aan tabar hayn ama gacan-qabasho helin culays ayay ku ahayd”.
Ilaa maanta qofka soomaaliga ah markii uu dhoofayo waxa uu jecelyahay in uu xirto suud. Waxa aad arkaysaa arday tigidkiisa la qaaraamey oo waalidkiis ku qasbaya in ay suud deyn ah u qaadaan ama ehelka kale ku dhiba in suud loo iibiyo. Sida ka muuqata hadalka sheekha waa arrin waa hore ku biirtey dhaqanka Soomaalida.
Sheekhu waxaa uu xusey arrimo badan oo yaab leh oo uu marqaati ka ahaa. Dhaqamadii siyaasadda ee dalka ka jirey ayuu wax badan innooga sheegey. Degmada Luuq waxaa ka jiray saddex xisbi: Leegada, xisbiga Great iyo Digil iyo Mirifle. nin kii madaxda ka ahaa xisbiga Great ayaa booskii banneeyay. Dabadeed xisbigu waxa uu codsaday in la raadiyo nin Marreexaan ah oo suuq leh oo booska loo magacaabo. Sheekh Maxammed oo magaalada xer ku ahaa ayaa booskii loo cimaamadey. Waa dhaqan muujinayo in waxa maanta jira ay yihiin mid waa hore soo billowdey.
Dhacdo kale oo i cajabgelisey waxa ay dhacdey 1990-kii. Asbuucyo uun ka hor burburkii dalka. Markaan sheekh Maxammed waxa uu ka tirsanyahey ururkii Itixaad. Waa koox culima ah oo dar Alle u midowdey. Dalkii oo sii burburaya ayaa u muuqdey. Qaar ka mid ah culimadaas ayaa u arkey in dagaalka socdo uu u dhaxeeyo Habargidir mucaarad ah iyo Marreexaan muxaafid ah. In intooda labadaas qabiil shiraan oo dalka xal u keenaan ayey ku fekereen. Sheekha oo arrintaa ka warramayo waxa uu yiri:
“Dhanka culimada waxaa billowday fadhiyo la isaga waraysanayo xaaladda uu galay dalku. Fadhiyadaas waxa ay ka billowdeen dhallinyaro wadaaddo ah oo isugu jireay Marreexaan iyo Habargidir… Waxa ay isugu yeereen culimo ka soo kala jeeda labada beelood oo ay ka mid ahaayeen Sheekh xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Aadan sheekh Cabdullaahi.”
Sheekh Maxammed waxa uu sheegey in uu shirkii ka sheegey in dagaalku uusan ku koobneyn labada beelood ee shireysa sidaa darteed loo baahanyahay in loo yeero culimada Soomaaliyeed oo dhan. Waa dhacdo muujineysa heerka qabiilku gaarsiisanyahay soomaalida dhexdeeda. Dagaalkii dalka oo dhan ka socdey ee u dhaxeeyay dowlad Soomaali u dhantahay iyo jamhado qabiilooyin ka koobnaa ayay culimadii u arkeysay mid laba jifo u dhaxeysa. Sawirka aan nolosha ka haysanno oo dhan ayaaba naga khaldan!
Xogo badan iyo sheekooyin xiisa leh ayaa buugga sidaa ugu dhex xardhan. Laakiin meesha dhegta loo wada taagayo ee la is leeyahay xogo malab ama dacar mid ah ayaa loogu tagayaa waa qeybta danbe ee ciwaanka buugga “Hoggaan”. Waa qeybta uu sheekha kaga sheekeeyay imaaraddii Gedo ee uu madaxda ka ahaa 1992-1997.
Ha yeeshee buuggu ma sido wax cusub oo loo riyaaqo. 98% waxaa la dhihi karaa waa buunbuunin iyo sheegasho aan caddeymo wadan ama ugu yaraan aysan la socon wax awal naga qarsoonaa oo xog ah. Qeybtaas waxaa aad loogu dheeraaday wax qabadkii Itixaad ee xagga amniga, waxbarshada iyo dhaqaalaha. Laakiin buuggu ma sido wax ka badan intii dadku wada ogaa.
Tusaale ahaan, in iskoollo iyo maddaaris furnaayeen dadku wuu wada arki karey oo ardayda direyska xiran ayaa caddeyn ugu filnayd. Buugga waxaan ka fileynay caddaad iyo caddeymo, sida “waxaan furnay iskoollo. Shantii sano ee aan xukunnay waxaa la diiwaan geliyaay 10 kun oo arday. Miisaaniyaddu waxa ay ahayd 300 oo kun. Laba nobol oo macallin ayaan shaqo siinney” iyo erayo la mid ah oo xog dheeraad ah noogu daro intii ay indhaheennu arkayeen. Nasiibdarro buuggu arrimahaas waba noogama kordhin.
Qeybta danbe buugga ayaan ku dheeraan doonnaa waayo waa mid saameyn nagu leh. Sidoo kale sheekha waxa uu ku darey 14 bog oo ciwaan looga dhigey “garnaqsi”. Maadaama akhrisyaasha uu u gardhigtey wixii nooga baxay ayaan uga jawaabeynaa.
Marka hore aan caddeeyo eedda iyo dhaliilaha aan taabaneyno in aysan sheekha naftiisa ku saabsanayn. Waxa lagu dhaggan yahay waa ururkii Itixaad. Sheekha madaxda ururka ayuu ka mid ahaa. Edda intiisa ayuu ku yeelan sida wanaagga uu intiisa ugu leeyahay. Wax isaga ku gaar ah oo weerar ama dhaleecyn ah ma jiraan. Allaha u danbidhaafo oo janno ha siiyo.
Sheekhu garta uu dhigtey waxaa ka mid ahaa in uu gobolka ka dhigey nabad Soomaaliya ka tacajubtay. Bogga 144 waxa uu ku yiri:
“Ururkii Itixaad kuma koobnayn dacwada iyo tacliinta oo keliya balse laamo u xilsaarnaa sugidda amniga gobolka. Taasina waxay sabatay in gobolku nabdoonaado kana badbaado isbaarooyinkii dadka lagu baaran jirey ee ka jirey inta badan ee gobollada dalka”.
Waa hubaal in Gedo aan laga aqoon isbaaro ilaa la soo gaarey 1999-kii. Balse ma ahayn mid uu Itixaad keeney. Itixaad waxa uu ka talinayay Beledxaawo iyo Luuq keliya. Doolow waxaa ka joogey ciidan yar laakiin maamulka waxaa haystay Xasan-deer oo lid ku ahaa. Inta kale ee gobolka nabad ayaa ka jirtay si la mid ah sidii nabad u ahaayeen Luuq iyo Beledxaawo. Lagama aqoon isbaaro. Lama arki jirin mooryaan qoryo sidata oo suuqa wareegeysa. Intaan ogahay dadka lagu diley dhinaca uu Itixaad xukumay ayaa ka badnaa intii lagu diley dhinaca uusan xukumin. Haddaba sidee sheekhu ku sheegan karaa in uu Gedo nabad ka dhigey? Sow ma habboonayn in uu hadalka ku koobo deeggaannadii uu xukumay?
Cidna ma inkiri karto wanaaggii uu Itixaad ka sameeyay deegaannadii uu xukumay. Si faahfaahsan waxaan uga hadlay buugga Halgankii Gunnimadoonka. Laakiin nabadda guud ee Gedo ka jirtey Itixaad sabab uma ahayn. Yaa sabab u ahaa dood kale oo aan halkaan boos u ahayn.
Inta aad akhrinayso buugga, waxaad dareemeysaa in looga jawaabayo dhaliilo uu horey u tabiyay buugga Hangankii Gunnimadoonka. Ciwaannada qaar waa kuwii buugga aan xusnay, warka ku qoranna waa jawaab toos ah loogu talagalay in looga jawaabo su’aal ciwaankaasu siday. Waa ciwaanka leh “Dagaalka ma laga baaqsan karay”?
Buugga Halgankii Gunnimadoonka su’aashaas ayuu keenay. Waxa uu si aad uga niqaashey in ay suuragal noqon lahayd in laga baaqsado in Xabashidu Gedo soo weerarto. Geeso badan ayuu wixii jirey ka istaagay. Taxliil, tacliilin iyo naqdin ka dibna waxaa uu ku gunaanaday in dagaalka laga baaqsan karay haddii la qaadi lahaa tallaabooyin uu buugu xusay.
Buuggan hadda aynu gorfeyno isla su’aashaas ayuu keenay. Laakiin, waloow looga hadlay 17 bog, jawaabtu ma noqon taxliilin iyo waaqaca oo dhinacyo badan la eego. Beddelkeeda waxaa la taxay shirar uu urur qabtay iyo dedaal uu u galay in uu bulshada deegaanka soo dhaweysto. Gunaanadkii jawaabtuna waxa ay noqotay in Itixaad doonayay in uu dadka xukumo isaga oo taageero ka hasyta laakiin ay SNF iyo Itoobiya middaa diiddanayd oo ay Xabashidu sidaa ku timid sidaa awgeedna aysan suuragal ahayn in dagaalka laga baaqsado. Bogga 176 ee buugga waxaa lagu yiri khulaasada:
“Ma laga baaqsan karay dagaalka? Waxaan ku soo xiriyaa shirkan oo sidoo kale marag u noqonaya in mar walba maamulka wadaaddu u taagnaayeen xal-raadinta iyo inaan gobolka loo horseedin amnidarro, bulshadana loo ilaaliyo waxqabadka muuqda iyo horumarka ay hiigsanaysay.”
Sida ka muuqato khulaasada kore, sheekhu waxa uu ku doodey in colaadda laga baaqsan lahaa haddii reer Gedo taageeri lahaayeen maamulkii Itixaad.
Haddaba taasi sax maaha. Marnaba Xabashida iyo gaaladii gadaal ka taagnayd ma daayeen gobolka inta Itixaad maamulayay. Taasi waxaa caddeyn ugu filan hadallada ku xusan buugga dhexdiisa. Bogga 156 ee buugga waxaa ku qoran sidatan:
“Tigreegu waxay dareemeen iftiinka Islaamiga ah ee baxaya kuna fidiya meel ka baxsan Soomaaliya, gaar ahaan dhankooda. Sidoo kale waxay garowsadeen in haddii uu sii fido dhaq-dhaqaaq ka curtay Gedo uu horseedi karo helitaan dowlad Soomaaliyeed. Arrintaasi waxau ku caddayd warbixinno laga qorayay Gedo, kuwaas oo nuxurkoodu ahaa: Haddii aan hadda wax laga qaban hawlaha ka socda Gedo, Geeska Afrika waxaa ka dhalan doona dowlad Islaami ah oo mayal adag. Taasina waxay keeni kartaa in danaha reer Galbeedka ee Geeska Afrika ay ciriiri galaan”.
Bogga xiga ayaa sii wadey sababta Tigeeru u soo weeraray Gedo waxaana ku qoran:
“Tigreegu waxa xukuma Kaniisadda Orthodox oo ah tan ugu xagjirsan Kaniisadaha… Sidaa darteed ma aysan oggolaan karin curashada maamul Islaami ah oo ay deris wadaag yihiin”.
Akhriste bal halkaas dul istaag oo gartaas nala naq. Maamulka sidaa u fahansanaa cadaawadda Tigreega, asii aan hayn awood uu isaga difaaco, halkii uu raadin lahaa jid looga baaqsado dagaal lala galo, waqtigii geliyey daandaansi hor leh haddana ku doodaya waan isku daynay in dagaalka laga baaqsado laakiin dhinaca naga soo horjeeday ayaa diidey, ma wax la qaadan karaa? Sidee dagaalka ku baaqan lahaa haddii ay SNF meesha ka bixi lahayd illeen colaadda Tigreegu waxa uu ahaa maamul col la ah oo sii xoogaysanyee?
Laga yaabo in aad is tiraahdo sidee col ula ahaa ama u daandaansadey urur Itoobiya. Isla buuga dhexdiisa ayuu sheekhu ku qirayaa in xiriir la laahyeen ururkii Itixaad ee dagaalka kula jirey maamulkii Tigreega. Bogga 196 waxaa ku qoran:
“Eedda ah inaad xiriir la lahaydeen Al-Itixaad Al-Islaami, gaar ahaan qaybta ka hawlgalaysay deegaannada Soomaalida ee Itoobiya, waa sax.”
Haddaba dowlad mar kuu qabta cadaawad diimeed; Mar kuu qabta cadaawad dhuleed; mar kalana aad taageeraysid, si aan gabbasho lahayn, jamhad dagaal kula jirta, sideed uga baaqsan kartay weerarkeeda? Akhristoow adiga ayaan kuu daayay jawaabta balse aan ka jawaabo midda aad maanka ku hayso ee ah maxaa kaloo furnaa?
Jawaabtaas oo faahfaahsan waxaad ugu noqon kartaa buugga Halgankii Gunnimadoonka. Iyada oo kooban, dadka qaba in dagaalka laga baaqsan karey waxa ay ku doodayaan waxa ay ahayd in la qaato taladii urur weynihii Itixaad ee ahayd meelna yaannan ku yeelan ciidan hubeysan. Culimadii reer Waqooyi-galbeed iyo kuwii reer Waqooyi-bari waxa ay fahmeen in aysan dhulkooda ka difaaci karin dal kale oo soo weeraray. Sidaa darteed waxa ay diideen in Itixaad xeryo ciidan ku yeesho dhulkooda. Laascaanood ayaa u danbaysay oo bil ka hor duullaankii Gedo ayaa la kala direy ciidan aan hub haysan oo xeryo lagu tababbari jirey. AUNtee Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka warhelay in Xabashidu ku soo duuleyso ayaa kala direy si uu dadkiisa iyo deegaankiisa u badbaadiyo. Intii uu sheekh Cabdinaasir gartey ayey madaxdii Itixaadkii Gedo garan waayeen.
Sheekhu waxa uu sheegey in madaxdii Itixaad soo amreen in uu dhallinyarada kala diro 1992. Bogga 138 waxa uu ku yiri:
“Jabbuuti waxaa laga soo saaray go’aan ahaa in mucaskarka Gedo uu ka baxo Luuq. go’aankaas ma uusan noqon mid aan ku qanacno wuxuuna ka mid ahaa waxyaabihii dhaliyay khilaafka.”
Mar kale 1993-kii ayaa sheekh Maxammed lagu wargeliyay in uu u hoggaansamo amarka madaxda sare oo uu kala diro dhallinyarada labada goorba wuu diidey. Bogga 140 waxa uu ku yiri:
“Markii uu soo baxay go’aankii lagu kala dirayay dhammaan ciidamadii Al-Itixaad Al-Islaami ee ku kala baahsanaa gobollada dalka, qaybta Gedo waxaa naloo soo diray Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar Axmed iyo Sheekh Cabdiwaaxid Xaashi Xasan. Waxay la yimaadeen laba qodob oo kala ahaa: in amiirka [sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf] iyo ku xigeenkiisa [macallin Maxammuud macallin Nuur] xilka laga qaado [iyo] in la kala diro ciidamada.”
Sheekh Maxammed waxa uu sheegey in labadiiba ay diideen sababtana bogga 141 ayuu faahfaahiyay. Laakiin nuxurku waa in uusan u hoggaasamin amarkii ka soo baxay madaxdiisa.
Haddii uu maalintii u hoggaansami lahaa amarkii madaxdiisa, Gedo waxa ay u badbaadi lahayd sidii ay u badbaadeen gobolladii kale ee dalka. Amar diiddadii waxay dhalisay dhibaatada ilaa maanta afka lagu difaacayo. Doodba ma jirteen haddii go’aankii ururka la fuliyo 1993-kii.
Waxaa yaab leh in sheekh Maxammed u aqoonsanaa dhulka Soomaaligalbeed dhul Itoobiya. Sida aan soo sheegnay, buuggu waa codkii sheekha oo qoraal loo rogey. Haddaba waxa ku qoran waxa ay noo yihiin erayadii sheekha. Buugga dhexdiisa ugu yaraan shan jeer ayaa lagu qorey erayo tilmaamaya in sheekhu dhulkaas u aqoonsanaa dhul Itoobiya. Bogga 20aad sheekha oo ka warramayo deegaan Dooloow u dhow oo uu xernimo u tagey waxa uu yiri:
“Markii aan Dooloow imid, ayaa la ii sheegay in sheekh Ilka-dahab iyo xertiisii ay aadeen dhanka Laba-Shillindi, oo ah carro Itoobiya. Waxay u dhowdahay webi la yiraahdo Webeyd, waxayna ka tirsan tahay gobolla Afdheer oo ka mid ah deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.”
Bogga 144 mar uu sheekha ka sheekeynayay horumarkii ururkiisu keenay waxa uu yiri:
“Dabayshaas barakaysan waxay sidoo kale gaartay deegaannada deriska la ah gobolka Gedo sida Soomaalida Itoobiya”.
Bogga 196 laba jeer ayay ku timid “deegaannada Soomaalida ee Itoobiya”.
Dadka aamminsan qaddiyadda Soomaaligalbeed marnaba dhulkaas iyo dadkaas uma arkaan Itoobiyaan. Sinnaba kuma noqon karaan Itoobiyaan. In dhulka soomaaligalbeed tilmaan looga dhigo “ee Itoobiya” waa gef weyn oo aan fasir lahayn. Akhristoow garnaqsi ayuu buuggu noo dhiibtaye sidee qof dhulkaas u yaqaan dhul Itoobiya ugu doodi karaa xoreynta dhulkaas ayaan qeyb ka ahaa? Haddii aadan magaca keliya xoreyn karin sidee xeryo ciidan ugu ooddey in aad dhul xoreyso? Haddii aad dadkaas iyo deegaankaas u taqaan Itoobiyaan maxay ahayd xilka kaa saarnaa oo aad colaadda u soo jiidatay?
Buuggu qeybta garnaqsiga waxa kale uu ku keenay eedaymo uu sheegay in horey loogu jeediyay oo ku jawaabayo. Waxaa ka mid ahaa waxa ay cuskadeen xukunnada ay fulin jireen. Laakiin waxa uu doortey sheekhu ama qoraha buugga ayaa xushey kuwo jawaabtooda aysan dood badan ku jirin. Tusaale, wuxuu ka jawaabay waxa ay u daliishadeen khidmad ay ka qaadi jireen baabuurta xamuulka ah. Taasu dad badan dood kama qabin waa arrin maangal ah oo la fahmi kar sababta khidmada loo qaadey dabcan diintana qiil looga waayi maayo.
Jawaabaha laga sugayay ee aan la soo hadalqaadin waxaa ka mid ahaa: waxa ay u cuskadeen raggii Soomaaliyeed ee baabuur ay dhaceen awgii Itixaad uu ugu wareejiyey Kiinya. Buugga meelna loogama soo qaadin arrintaa. Waxaa muuqato in la xushay intii ururka sawir fiican ka bixin lahayd. Magacyada raggaas iyo sida ay wax u dhaceen ugu noqo buugga Hangankii Gunnimadoonka.
Eed kale oo uusan ka jawaabin waa in dad badan ay qabaan in Itixaad uu laba sharci ku kala dhaqi jirey ciidankiisa iyo shacabka uu xukumo. Markii ciidanku danbi galo sharciga masaalixada iyo xeer jajabka ayaa la cuskan jirey. Markii shacabku danbi galo oraahdu waxay ahayd “Kitaabka Alle wax aan ahayn ku kala bixi maayo”.
Taasi hadal la iska yiri ma aha. Intii u dhaxaysay 1992 iyo 1996, danbe kale iska daaye, dilalka uu ciidanku geystay tobon ayay kor u dhaafeen. Waxan raadiyay in helo qof oo ka mid ah oo inta maxkamad la keeney shareecadu waxay siiso la mariyay. Buugga Halgankii Gunnimadoonka oo rag badan oo Itixaadkii Gedo ah ay akhriyeen si weyna u naqdiyeen tabtaas ayaan ugu qorey waxaana raaciyey qofkii haya hal kiis Allaha ka dhigee ha noo jawaabo. Ilaa maanta jawaabtaas waan sugeynaa.
Sheekha oo ka jawaabaya dilalka ay geysteen ciidankii uu xukumay bogga 201 waxa uu ku yiri:
“Qodob labaad ee gaabis ama ilduuf ku dhacay wuxuu ahaa in ay jireen falal dhacay dagaallada ka hor. Ma ahayn kuwo ku talagal ah ama go’aan la qaatay balse waxaa geystay niman dhallinyaro ah oo degdegay oo islahaa wax wanaajiya, hase yeeshee waxay khilaafeen mabda’a tadarujka iyo qiimeynta maslaxada. Dhallinyaradu waxay na galiyeen magao badan. Qaar waan bixinney, qaarna iyadoo wax nagu dhimman yihiin ayaa duullaankii Tigreegu dhacay.”
Waxa sheekhu ul jeedo gaabis iyo ilduuf dhacay ma in aan tallaabo laga qaadin baa? Maamul, dowlad, jamhad iyo cid walba oo meel ka arrimisa oo xubnaheedu danbi galayaan waa dabiici. Ma jirto cid ku eedeynayso Itixaad maxay danbi u galeen. Eeddu waxa ay tahay markii ay danbi galeen maxay u qaadin tallaabo ciqaabeed muuqato. Magbaan bixinney? Magta waxaa lagu samirsiiyey dadkii qofku ka baxay e qofkii danbiga geystay meedey wixii lagu sameeyay? Magta xaggee lagu go’aamiyay? Maxkamad mise xafiisyada madaxda? Ma ahayd mag dhammeystiran mise waxay ahayd afka dufan isu marin?
Ugu yaraan hal kiis oo aan ka warqabo waxa uu ahaa afka dugan isu marin. Nin la diley aabbihii ayaa lagu yiri annagu lama macaamilmo qabiilo. Waxaan wax siinnaa qofka dhintey caa’iladiisa. Adaa carruurta u weyn. Waxaan kuu haynaa laba boqol oo kun oo shilin soomaali ah! Markii uu diidey jawaabtu waxay noqotay “cirka warmo u jar”.
Waqtiga uu Itaxaad tobon qof oo uu diley mago ka dhiibayo, dhinaca kale ee gobolka waxaa ka jiery qisaas xukunka lagu ridi jirey bannaan dadku daawanayo (fulinta qisaasta ma aha). Hal dil ayaa Garbahaarreey ka dhacay qisaas ayaa lagu dhammeeyay. Dhowr dil oo Baardheere ka dhacday qisaas iyo mag ayaa lagu dhammeeyay hadba midkii ay doorteen dadka wax laga diley. Dhinaca Itixaad mag keliya ayaa ka jirtey illeen cidda wax dilaysay ciidanka ururka ayuu ahaaye.
Dilalka aan kor ku sheegnay waxa ay dhaceen intii nabadda lagu jirey. Markii ay bannaanka tageen, waxa ay billaabeen dhabbagal iyo socoto gowrac. Dhowr dil oo si foolxun ay u filyeen ayaa jirey. Sheekha oo arrintaa ka hadlayo waxa uu yiri (bogga 191):
“Sidoo kale waxaa jirey rag iyaguna caan ahaa oo ku baxay gacanta wadaaddada. Waxaa ka mid ahaa Bile Shuuke Macallin Cabdi, Cabdulwahaab Cabdullaahi Warsame iyo Xasan Jaamac Falax-falax. Labada nin ee hore waxaa la dilay markii wadaaddada laga saaray magaaloyinka oo ay miyiga galeen. Waxaan caddaynayaa inuusan jirin go’aan aniga iga soo baxay ama si guud maamulka Itixaad ee Gedo lagu gaaray in la laayo raggaas. Falka waxaa gaystay dhallinyaro caraysan, waana go’aan iyaga u gaar ah”.
Waxa ay dilaan go’aan iyaga u gaar ah miyaa guusha ay keenanna waa mid madaxdu sheegato? Haddii uu sheekhu qaadan lahaa amarkii la siiyay 1993-dii dhallinyaradu dariiqa ma istaagteen raggaasna ma aysan dileen. Go’aanka kala dirista ciidanka Itixaad sababtii ugu weynayd ayaaba ahayd in aan la xakameyn karin dhallinyarada jannadoonka ah. Ninkii go’aanka diidey masuuliyadda wixii ka dhashay ma diidi karo.
Laba cidna kuma eedeyn sheekh Maxammed inuu amarka dilka bixiyay waxa loo haysto waa in ururkii Itixaad uusan arrintaa canbaareyn, iska beri yeelin waxna ka oran oo uu ka aammusay. Aammusku waa aqbalaad sida la wada ogyahay.
Waxa aan ka hadlayno waa rag shacab ahaa oo iyaga safar ah inta baabuur lagala degay la gowracay oo midkood meydkiisa qashin lagu dhex tuurey oo xataa aas ay quuri waayeen. Sheekhu wuu karay in uu yiraahdo amarka ma bixin laakiin wuu kari waayay inuu raaciyo “waan ka xumahay in la dilo” ama uu tuso wax uun dareen ah oo muujinayo inuu ka xumaa dilka raggaas iyo intii la midka ahayd. Halkii uu oran lahaa waa gef weyn oo ururka ka dhacay eeddii waxa uu saarey willasha uu ku amray duurka gala oo dhuumalaysi dagaallama.
Sheekhu garnaqsiga waxa uu ku darey in aysan SNF garab ordin oo ay u daayeen aadidda shirarka dibadda sida Itoobiya iyo Kiinya. Sheegshadaan meel adag ma haysato. SNF waa saddex xaraf laakiin markii la sheego dadka waxaa ku soo dhacayo qabiilo Marreexaan la yiraahdo. Waxay ahayd summad qabiil iyo deegaan. Sidaas oo kale ayay Soomaalidu u wada sidatey summado dhowr xaraf ah ka kooban. Bogga 195 waxaa ku timid: “shirarka matalaadda gobolka Gedo wax ku sheegta SNF oo keliya ayaa jirta”.
Haddaba mar la tagayo shirarka dibadda, SNF waxay wax ku raadinaysay in ay matasho qabiilo weyn oo dhul ballaaran deggan. Sidaa darteed waxa la qeybsanayo wax weyn in laga siiyo ayay ku doodeysay. Jawaabaha ay helayeen waxa ay ahayd in uusan jirin deegaan buuxa oo ay ka taliyaan oo gobolka qeybo badan uu Itixaad haysto SNF-na aan waxba laga weydiineyn.
Dhinaca kale Itixaad ixtiraam uu hayo SNF ugama harin shirarka dibadda ee dhowr arrimood ayaa diidayay. Kow cidda qabaneysay Itixaad boos uma oggolayn. Laba Itixaad qudhiisa shirarkaas waxa ay u arkayeen kuwo baadil ah oo ay gaalo dabada ka riixayso in laga qaybgalana ay tahay diin la’aan. In xaalku sidaa ahaa waxaa noo caddeynaya isla buuggan. Shirkii Adis 1993 waxaa lagu heshiiyay in Soomaaliya oo dhan maamul isku nooc ah loo dhiso. Markii SNF isku dayday in ay fuliso go’aankii Adis 1993, Itixaad waa diidey. Sababtu waxy ku taallaa bogga 152-53:
“Qodobaddaas waxaa lagu soo saaray qoraal. Hase yeeshee dhaqan gelintooda waxaa is-hortaagey maamulkayaga wadaaddada. Aniga mooyee, xunihii kale ee guddiga fulinta ayaa ka horyimid. Guddiga fulintu dooddoodu waxay ahayd “waa inay ka bari noqdaan gaalada”.
Sida aad arki karto madaxdii Itixaad waxay taagan yihiin SNF gaalada ha ka bari noqoto si aan maamul ula wadaagno. Maamulka meesha yaallo waa midkii UNISOM soo dhistey. Haddii SNF laga rabo in ay ka bari noqoto UNISOM sidee Itixaad ku dhihi karaa shirarka dibadda SNF ayaan ku xurmeynay? Sidee uga bari noqon lahaayeen iyaga oo addeecaya go’aannadii ka soo baxay shirkii UNISOM.
Buugga waxaa ku yimid meelo sidii ay wax u jireen aan loo tebin. Aan soo qaadanno qabashadii Luuq. Waa markii Itixaad Luuq uu ka saarey Caydiid. Ciidanka Itixaad waxaa lagu soo xoojiyey malleeshiyaad Marreexaan ah sida ku qoran bogga 134. Mar haddii magaalada la qabtey qorshuhu waxa uu ahaa in loo jeesto xagga Baardheere iyo Kismaayo.
Sheekha waxa uu sheegey in ay ciidanka ku yiraahdeen qofkii raba ha nala joogo kii rabana halkii uu ka yimid ha aado. Haddaba sidaas fudud wax uma dhicin. Tegiddu shardi ayuu ku xirey Itixaad. Shardigu waxa uu ahaa in qofkii tegaya laga reebayo qoriga uu sito. Qofkii raba in uu qoriga haysto saddex akhtiyaar ayaa midkood ayaa la siiyey: kow, aan kaa iibinno (qiimo aad uga hooseeyay midkii suuqa); aan kuu hayno oo waa danbe u soo laabo (is-aammin ma jirin) ama hayso oo naga mid noqo (urur aadan rabin ku biir) . Intaas qofkii aan ku qancin qoriga ha dhigo oo ha baxo. U fiirsno dadka ikhiyaarka laga qaadey ee la leeyahay qori lama bixi kartaan waa ciidankii gurmadka ugu yimid.
Ujeedku waxa uu ahaa in qof sita uusan dib ugu laaban dhinaca SNF. Si go’aankaas loo fuliyo Itixaad waxa uu amar ku bixiyay in uusan ka gudbin qof ciidankii SNF ah oo qori sita. Buundada ayay dhigeen ciidan baara. Dabcan waa is weji yaqaanney oo dad wada dhashey ayay ahaayeen.
xogtaan ma ahayn mid qarsoon. Wareysi aan ka qaadey, hadda ka hor, ciidankii SNF ee sidaa ay ku dhcadey iyo qaar ka tirsanaa Itixaad oo goobjoog ahaa ayaan ka xaqiijiyey. Xogtaas oo faahfaahsan meel kale ayaan ku qorey oo Eebbe idinkii dhawaan la faafin doonaa. Halkaan waxaa naga quseeyo in sida sheekhu dhigey aysan arrintaa u dhicin.
Buugga waxa kale oo si aan ku tagal ahayn u marqaati kacayaa qaar ka mid ah dhaliilaha urur loo jeediyay. Tusaale waxaa lagu eedeeyay in ururku ahaa mid aan sawiran karin waxa ka dhalanaya tallaabooyinka aad qaadayaa. Matalan, weerarkii koowaad ka dib, shir madaxdii Itixaad ku yeesheen Gedo waxaa lagu go’aamiyey in ururku la wareego lixda degmo ee gobolka muddo lix bilood ah “ujeedku wuxuu ahayd in degmo kasta taliskii loogu talagalay la wareego”. Bogga 158 iyo bogga 194 go’aan lagu xusey.
Bal u fiirso dhibka uu abuurey go’aankaan. Buugga dhexdiisa sheekhu waxa uu noogu sheegay in ciidankiisu ahaa qiyaastii 600. Awood ay ku difaacaan Luuq ma aysan hayn. Markaas waxa dagaalka kula jiro waa AMXAARO keliya. Hal askari oo Marreexaan lama joogin. Halkii laga fogaan lahaa wax walba oo Marreexaan iyo Amxaaro isu soo dhaweyn kara, waxaa la qaatay go’aan ah in gobolka lala wada wareegno. Dadkii awal lagu kicinayay Hawiye shaar wadaad soo xirtey ayaa dhulkii idinka qaadanayo ayaa weerar lagu qaaday. Weerarkii koowaad Buurdhuubo ayay ku qabsadeen. Dadka ay dileen waxaa ka mid ahaa Macallin Diiriye imaamkii masaajidka jaamaca ee magaalada. Waxaa ka dhashay in Marreexaan isku shubo Doolow oo Amxaaro garab hesho.
Ninka aad go’aansatay in aad kala wareegto masaajidka uu imaamka ka yahay, xafiiska booliska uu xukumo, degmada uu maamulo ama meel kale oo uu madax ka yahay sideed ugu fekertay in uu gacmaha laabto oo uusan kula dagaallamin? Wiilka 20 jirka ah ee aabbihii oo jooga meeshii ku dhashay, ku barbaaray, ku dhaqmay si maasajidka uu imaamka ka ahaa looga qaato 30 xabbo lagu dhiftey sidee loogu fekeray in uu gacmaha laabto oo usaan kula dagaallamin. Eedda ma isagaa leh mise adiga gurigiisa ku weeraray adoo xukun doon ah?
Maxaa looga waayay dad shirka fadhiyay qaar yiraahda dagaal “Amxaaro ayaa nagu furan ee mid qabiilo yaannan isku furin. Waar dadkaan yaannan ku riixin in ay Amxaaro kaalmo u doontaan.”
Qofkii las ocdey taariikhdii jamhadihii dalka qabsaday wuu garan lahaa sida weerar lagu qaado dad meel deggan ay u horseedi lahayd Amxaaro xeryo u furto.
Wacyi la’aanta haysay dadka go’aankaas gaarey waxaa kuugu filan in ay ku fekarayeen in dagaalka ay maalgelin doonaan qurbajoogta. Bogga 158 waxaa uu sheekhu ku yiri:
“Ugu danbayn waxaa la isla qaatay in muddo lix bilood ah maamulka lagu baahiyo gobolka. Waxaa billowday abaabul iyo diyaargarow, waxaana farriin ka helnay jaaliyadaha dibadda oo oranaysay wixii taakulo ah ee aad u baahan tihiin waan idiin haynaa ee dhankiinna qorshe la imaada. Laakiin markii danbe waxaan caddaatay in jaaliyaduhu aysan hayn wax lagu fuliyo qorshihii aan dejinnay.”
Horey waxaan u soo marnay sheekha oo leh in aan jirno waxaa diiddana Itoobiya u adeegaysa reer Galbeedka. Halkaan dagaal lagu qabsado gobol dhan ayaa lagu fekerayay in laga helo jaaliyado ku nool dalal col kula ah.
Ma jiri karin lacag aruurin bannaan lala imaan karay oo Itixaad lagu taageeri karay. Dadku waxa uu ahaa mid waddamada uu joogo ku cusub oo ama xamaal ku nool ama ceyr. Dalkii qax iyo colaado ayaa ka taagnaa oo qof walba oo qurbaha joogey qoysas dhan baa dul saarnaa. Xaggee ka keeni karaan qarash lagu galo dagaal intaas la eg la isma weydiin.
Sidii caadada u ahayd, iyaga oo aan xaajada dhinacyo badan ka joogsan ayay ku sheekeysteen ciidan nagu filan waan haysannaa haatanna gurmad baa Xamar nooga yimid. Wixii qarash ah ee aan u baahanno jaaliyadaha ayaa diyaar ah. Gobolka oo dhan aan qabsanno oo aan maamulkeenna ku soo rogno lix bilood gudahood. Allaahu Akbar Allaahu Akbar! Shirku noo xiran!
Taasi waxay dhashay in iyaga oo weli shacabka Buurdhuubo dagaal kula jira intii hore ee ay haysteen lagala wareego sagaal bilood ka dib!
Qormada oo dheeraatay aan ku soo xiro, buuggaan waxa uu xoojiyey eedaymihii jirey e kama uusan jawaabin. Dooddaan waxa ay ahaan doontaa mid taagan inta laga helayo madax Itixaad oo ku dhac leh oo tiraahdo gef baa naga dhacay waana ka xunnahay wixii naga dhacay. Inta la taaganyahay dadkii ururku la laayay masuul kama annan ahayn e dhallinyaro caraysan baa leysay; dad geegaan weerar kuma aannan qaadin iyada oo la qiranayo in go’aan gole shuuro lagu gaaray in degmo walba la qabsado; inta dooddu tahay imaanshaha Amxaaro wax shaqa ah kuma lihin iyada oo aan isla oggolnahaye in haddii uusan ururku ciidan hubeysan Gedo ku haysan aysan weligeed Amxaaro soo aaddeen, meel la isaga soo dhawaado ma jiri doonto!
Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
Comments
Post a Comment