Skip to main content

Posts

Showing posts from October, 2018

Muuna Miiggane: Q2aad (Sheeko taxana ah)

                                           Cabdiyo Miigagne, maalintii la kufsaday hadda waxaa ka soo wareegtay 12 bilood. Mudadaas waxay u dhaxaysay isbitaalo, qaar dalka gudihiisa ah iyo dibada. Cabdiyo maalintii askarta Kenyan-ka ah kufsadeen 16 sano jir bay ahayd. Waxay ahayd gabadh si wacan loo soo koriyey, xannaano aabe iyo naxariis hooyo ayay ku soo barbaartay. Quruxda waxay ka raacday hooyadeed Saxarla Guure, waa joog dhexaad itaal dumar oo wacan Rabbi ku mannastay, si kale wax kuma garatide waa qalanjo qurux la soo ka caysa. Waa gabadh han weyn, isuma quudho meelaha hoose, ragga xod-xoda doonka ah ama faduuliya qaarbeyna salaanta ka qaadin. Nin ay maalin xantiisa ama xumaan laga sheegayo   maqashay jubudhu uma tiraahdo, uma furto umana xidho, waa sabaabtaa   midda   dhalinyaro badan u la colloobeen uguna si feeyaan mid qab iyo islaweyni dilay. Waxay ku riyootaa iyadoo halyey guursaday, gaaf wacanna loo tumay oo   hooyo noqotay, iyadoo   ubad inta dihatay misana daadaha

Dowladdu Ma ku Ceebaysantahay inay Baraha Bulshada ka Shidaal qaadato

In badan waxay kooxaha mucaaradka ku ah dowladda hadda jirta iyo madaxda maamul goboleeyadu dowladda ku eedeeyeen inay xoogga saartay baraha bulshada. Taageerayaasha badan ee dowladdu ku leedahay baraha bulshada ayaa lagu tilmaamay kuwo lagu bixiyay lacag badan. Waxaa eedaha lagu daray in shacabki Soomaaliyeedba ay kasoo qaadday inta ooga sacab tunto Faysbuugga. Haddaba eeddaasu ma saxbaa dowladduse ma ku saxantahay inay ku tiirsanaato baraha bulshada si ay u ogaato rabitaanka shacabka? Waxaa qabaa inay sax tahay arrintaas. Bulsho walba oo dal ku nool waxay ka koobantahay saddex un. Koox siyaasadda ku jirta ama talo ha hayso ama mucaarad ha noqoto. Koox ree balad ah oo ku xiran idaacadaha lana socoto waxa dalka ka socdo sidaas darteedna wixii soo kordha wax ka yiraahda iyagoo isticmaalayo kannaalo kala duwan sida wargaysyada iyo baraha bulshada. Kooxda seddexaad waa dadka meesha uu u badan yahay. Waa shacab weynaha aan waxba ka ogayn waxa socda. Waxaa dhici karto ianysanba ka

Tacliin sare Dumarka Dan ma ugu jirtaa?

Inta la ogyahay waayihii hore, gabdhuhu waa ku qatanaayeen goobaha waxbarashada. Gaalo iyo islaan dhammaan dhaqammadi jiray waxay ka sinnaayeen in wiilasha la hormariyo marki la joogo waxbarshada. Hab dhaqankaas si guud waa isu baddalay. Dadaal dheer iyo dagaal xooggan ayaa loo galay in dhaqankaas wax laga baddalo. Si weyn ayaa loogu guulaystay. Waddamada horumaray tirada gabdhaha ee waxbarato ayaa ka badan midda wiilasha. Marki la gaaro heer jaamacadeed farqigu wuu sii kordhaa. Tusaale, dalka Ingriiska 27.3% wiilasha dugsiga sare ka baxay ayaa jaamacad ka aaday sanadki hore (2017) halka midda gabdhuhu ay ahayd 37.1%. Tira ahaan 30,000 ayay gabdhuhu dheer yihiin tirada wiilasha jaamacad galay sanadkaas.  Maraykanka  gabdhaha haysto shahaado heer kolej ah ee da'doodu u dhaxayso 22-29 waxay gaarayaan 5.5 milyan halka wiilasha la midka ah ay yihiin 4.1 milyan.  Dunida inteeda kale waa un sidaas ama si u dhow. Waxbarshada gabdhaha waxay ka mid tahay halbeegyada lagu cabbiro

Muuna Miiggane. Q1aad (Sheeko Taxane ah)

                                                            Muna maanta waa sideed iyo toban jir, waa gashaanti dhamaystiran gugii kaba ka roor iyo kalayaacii ayay ku dhalatay duleedka tuulada qax u jog, ee   gobolaka Gedo. Waagay yarayd hooyadeed Saxarla Guure, waxay ka maqli jirtay gabadhayda Muna, waa falxad sanadkay dhalatay gu’ samaad buu ahaa, adhigii noo dhalay waxaruu wada dhalay, geelii noo dhalayna nirguu wada dhalay,   hal mid ah na   kama   af qudhmin oo   si fiican bay da’daasu u hana qaadday. Laakiin Muna arrintaas hooyadeed sheegtay ma hubto dhabnimadeeda wali wax mucjisa ah iskuma ay arag. Waa barqo duhur xigeen ah waxay hoos taagantahay geed Tincad ah, si qasad la aan ah ayay indheheedu laamaha geedka iyo ubaxa saaran ugu duldhacayaan. Xasuus badan ayaa maankeeda si fasax la aan ah u soo weeraraysa. Dhacdooyin badan oo muruga leh ayaa ka sheeda ka soo maaxaya, waxaase ugu daran labo dhacdo oo sigaar ah iyada u taabtay tiiranyo iyo muruga badana ku reebay midi do

Ma Haweenki ayaa xero-taraaray mise Raggi ayaan la socon isbaddalka Dhaqan-dhaqaale

Waxaa aad usoo batay furrinka qoysaska Soomaaliida ee qurbaha ku nool. Furriinku wuxuu ahaa mid horay u jiray sababo kala duwan ay keeni jireen. Dhowrki sano ee noo dambeeyay waxaa sabibhi kusoo biiray mid cusub oo aan dhaqanka soomaalida ka mid ahayn. Hooyooyinka Soomaaliyeed ee haysta caruur baaluq ah haddana habaynki u baxayo casho iyo maqaayad fadhiisi ayaa si xowli ah u korodhay. Dhaqankaan wuxuu raggi ay qabsatay ku noqday ceeb iyo wajigabax ku qasbay inuu tallaabo qaado ama bulshada dhexdeeda kuu ceebaysnaado, taasoo horseeddo furrin dag-dag ah iyo qoys burburo. Haddaba ma gabdhihii ayaa hallaabay mise ragga ayaa ka haray isbaddalka nololsha ku yimid? qormadaan gaaban ayaan isku day donta inay su'aashaas ka jawaabto. Aadanuhu waa rabid badane. Marki uu shay helo wuxuu u baahan mid kale. Waa halkii Suubbanuhu ka yiri "aadane calooshiisa waxaa buuxiyo oo aan carro ahayn ma jiraan". Mar kale waxaa isagii yiri SCW "haddii aadane la siiyo waadi daha

Warbixin ku Saabsan Xaaladda Gargaarka aadaninimo

Waxaa soo baxay warbixin ka warramayso xaaladda uu ku suganyahay gargaarka aadaninimo ee dunida. Maaddaama aan nahay ummad ku tiirsan gargaarka caynkaan ah, qaar badan oo dhalinteenna ka mid ahna ay ka shaqeeyaan howlaga gargaarka waxaa ila wanaagsanaatay inaan in la wadaago qodabbada ugu muhiimsan ee warbixinta. 1: Gargaarka wuxuu ku baxaa waddamo tiro yar: 60% gargaarka bini-aadamnimo waxaa lagu bixiyaa toban waddan oo kaliya. Suuriya ayaa ugu badan oo waxay heshaa 14% waxaana labeeyo Yemen oo 8% lagu bixiyo. 7 ka mid ah tobankaan waddan waa muslimiin barax la' waxayna kala yihiin: Turki, Suuriya, Yemen, Lubnaan, Ciraaq, Urdun iyo Falastiin. Waddamada Turki, iyo Urdun dhibka laga caawiyo waa xaqootiga Suuriya kasoo barakacay. Saddexda dhimman waa Itoobiya, Koofurta Suudaan iyo Giriigga oo ah meesha Yurub usoo maro qaxootiga ka imaanayo dalalka Afrika iyo Carabta. Koongo iyo Suudaan ayaa ka baxay tobanka hore marki ugu horraysay tan 2011'ki iyo 1999'ki sideey

Contact Form

Name

Email *

Message *