![](https://upload.wikimedia.org/wikipedia/en/3/3d/Somali_woman_in_traditional_dress_Circa_1940.jpg)
Cabdiyo Miigagne, maalintii la kufsaday hadda waxaa ka soo wareegtay 12 bilood. Mudadaas waxay u dhaxaysay isbitaalo, qaar dalka gudihiisa ah iyo dibada. Cabdiyo maalintii askarta Kenyan-ka ah kufsadeen 16 sano jir bay ahayd. Waxay ahayd gabadh si wacan loo soo koriyey, xannaano aabe iyo naxariis hooyo ayay ku soo barbaartay.
Quruxda waxay ka raacday hooyadeed Saxarla Guure, waa joog dhexaad
itaal dumar oo wacan Rabbi ku mannastay, si kale wax kuma garatide waa qalanjo
qurux la soo ka caysa. Waa gabadh han weyn, isuma quudho meelaha hoose, ragga
xod-xoda doonka ah ama faduuliya qaarbeyna salaanta ka qaadin.
Nin ay maalin xantiisa
ama xumaan laga sheegayo maqashay
jubudhu uma tiraahdo, uma furto umana xidho, waa sabaabtaa midda dhalinyaro badan u la colloobeen uguna si
feeyaan mid qab iyo islaweyni dilay. Waxay ku riyootaa iyadoo halyey guursaday,
gaaf wacanna loo tumay oo hooyo noqotay,
iyadoo ubad inta dihatay misana
daadahaysay, aqal daahya weyn ka soo toostay.
Sowtan
ma aha Cabdiyo, isbitaalada ka dhamaanla, sowtan sida ay jidhka uga dafeetowday
maskaxdana uga dhaawacantay. Cabdiyo iyadadoo magaalada Balad-xaawo, caano u
soo qaaday ayaa askar Kenyan ah oo u igman la dirirka argagixisada meel ku qabatay, ka dibna inta af-duubeen ayay
kufsadeen, saddex nin oo feedha waaweyn markay isu dabamareen ayaa miyir ugu
dambeeysay, xanuunkii ayay la suuxday kolkay dantoodii ka gaadheen ayay
askartaas cawaanta ah meeshii uga tageen iyadoo suuxsan, ilaahay baa dad ku soo
bixiyay markii hore in ay mayd tahay baa la mooday, waxaase la arkay in wali
nololu ku dambayso.
Isbitaal baa loola cararay, Balad-xaawo markii waxba lagag
qaban waayay ayaa Maandheera loo gudmiyay, dhakhaatiirtii waxay sheegeen Cabdiyo, in si xun wax u gaadheen “ilaa toban nin ayaa fuushay
gabadhaas yar” sidaas waxaa yidhi dhakkaatiirti baadhay miskiintas. Muddo ayay
koomo ku jirtay. Cabdiyo, waxay soo miyirsatay iyadoo isbitaal Maandheera ku
yaala ku jidha. Indhaha markay kala qaadday waxaa agfadhiyay gabadh kal
kaalisaa ah oo dhar cad wadata. Cabdiyo geesaha ayay fiirisay waxay aragtay
qolka ay ku jirto iyo sariirta ay dul taalo, maxaa meel danqanaysa, maxaa
dhaawac ku yaala, maxaa diif ka muuqata oogadeeda. Gabdhii la joogtay ayaa
faraxday, hal mar ah ayay kor u ugu dhawaaqday “alla way miyirsatay” oo hadana
af qalaad ku hadashay.
Daqiiqad
ka dib waxaa qolka illinka ka soo galay nin madow oo dhar cad ku la bisan, san
weyn iyo timo jareer ah ayuu lee yahay, waa itaal dhexaad aad u feedha weyn,
Cabdiyo markay in dhaha ku dhufatay ninkaas way naxday, way argagaxday, waxaa
ku soo dhacay maankeeda nimankii saddex bari ka hor sida arxan darrada ah u
hoolifeeyay, kii ugu horreeyay ee ku bilaabay ganaf-ganfaynta iyo kani wayba isu
waji egyihiin, midabka, muqaalka, murqaha waaweyn, sanka, timaha, lama kala
garto, dirayska unbaa u kala duwan. “Alla ninku ninkii u ekaa mindhaa waa ina
adeerkii iyo mooyi walaalkii wuxuu yahay” sidaas ayay niyada ka lahayd.
Ninkii
ayaa hadlay, Af qalaad ayuu ku hadlay, luuqadii dorraad nimankii askarta ahaa
ee kufsaday ku hadlayeen ayuu isna ku hadlayaa, -Af-sawaaxili- gabadhii dharka
cad qabtay ayaa ka turjumaysa, Cabdiyo, garatay ruxuu in uu dhakhtar yahay
laakiin hadda dhibkii Cabdiyo, soo gaadhay waxaaba kagaran oo ciil ka hayaa,
waxa ninkan loogu keenay, colaaddii ay Kenyan-ka dhammaan u qaaday ayaa durba
xidida raacday iyo xubnaha jidha oo dhan.
“Waddanka ma dhakhtar kalaa laga waayay, maxaa
addoonka laguugu keenay? Mise inta jidhkaaga dhaawaca ah ka soo hadhee hanbada
ah ayaa isna lagu masuumay”? su’aalahaa
iyo kuwo la mid ah ayay is waydiinaysaa. Cabdiyo, miyeysan ogayn in dadka Gedo ku nool
oo dhanba Maandheera caafimaad iyo dakhtar u doontaan, todobada degmo ee Gedo
ka koobantahay -Garbahaarreey, Baardheere, Beled-xaawo, Luuq Doolow, Buur-dhuubo-
intaasba uumiyaha ku nool ayaa Maandheera u caafimaad taga! Oo may inta isu
tagaan Isbitaal ay kaga kaaftoomaan dhistaan? Mooyi. Sow Maandheera magaalo magaalo liqday maaha?! mayee waa
magaalo Gobol dhan liqday! mayee waa dhaqaale dhaqaale liqay! mayee waa
waxbarasho waxbarasho liqday! Mayee waa
dhaqan dhaqan liqay! mayee waa dhismo
dhisma liqay! mayee waa bilic bilic liqday! mayee waa dad dad liqay! iyo dal dal
liqay. “Ninkii seexdaa sicii dibi dhalay”.
Sawaxankaas iyo su’aalo kaleba iyada oo
maskaxda Cabdiyo, ee curdanka ah ka
guuxayaan ayay dhaawac tahay oo ay
taalaa Isbitaal ku yaala meel aynan jeclayn, dhakhtar ayna jeclay waxay u
dhaawacan tahay si ayna jeclayn. Intii ay Isbitaalka ku jirtay Cabdiyo, waxay
ogaatay dhismaha magaalada Maandheera, kala badh reer Gedo in ay leeyihiin, maxaa
fuuqaq dhaadheer iyo dabaqyo ay ka taageen oo ma ayagaale maxay dhulkan u
dhisteen? May gobolkooda dunsan dhistaan? Dee amaan la’aan! Oo maxaa ammaanka
ka qaaday?! Dee wadaniyadda ayaa ka maqan! Maye way ku yartahay! Mayee
dhulkanba ayagaa la haan jiraye jinni ka xoog weynbaa ka xoogay! Mayee
soomaalidoo dhan baa dhaqankaas le’e oo meel aysan lahayn isku barakaadiye sow
maad arag kuwa dabaqyada ka dhistay Nayrobi iyo meela kale oo badan.
Kala xariir:
saajid4045@gmail.com
The Best Mobile Casino Apps for 2021 - Casino Sites
ReplyDeleteThis is when you get 유니벳 in 강원 랜드 칩 걸썰 the mood for mobile gaming, and 챗 룰렛 there's no better casino app for you 레드 벨벳 러시안 룰렛 than BetUS. This casino app 리턴벳 offers you an impressive