Skip to main content

Warbixin Kooban: safarkaygi Gedo Q2


Qormadi hore waxaan kaga soo hadalnay in ree baladnimadu kobacday, dhismayaasha iyo dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada oo aan waxbarashada kasoo qaadannay. Waxay ahayd inaan ku xijiyo caafimaadka iyo adeegyada kale balse waxaa igu soo noqnoqday codsi ah inaan wax ka iraahdo ammaanka gobalka iyo waxaan soo arkay. Qodobkaas ayaan maanta gorfayn doonaa hadduu Eebbe idmo. 

Gobalka waxaa laga galaa dhulka ama cirka. Inta badan magaalooyinku waxay leeyihiin garoomo diyaaradeed oo shaqeeyo. Doolow ayaa ugu caalaminsan oo duullimaad maalin walba ah leh. Baardheere iyo Garbahaareey ayaa soo raaco. Buurdhuubo iyaduna marmar waa laga dagaa haddase dib u habayn ayaa garoonkeeda ku socdo in duullimaadku hagaago ayaa suuragal ah. Cid walba oo hawada marto cabsi badan ma qabto. Laakiin haddii dhulka la maro waa howlo badan tahay.

Dadka qurbaha ka tago inta badan Mandera ayay Gedo ooga gudbaan. Xadku rasmi ahaan waa uu xiran yahay. Hasa yeeshee si caadi ah ayay la isugu gudbaa. Askarta Kiinyaanku waxay qaataan konton shilin. Labada dhinacba (Mandera iyo B/Xaawo) isku si ayay u baadaan oo kontonka looga qaadaa. Lacagtaas hal mar ayaa la qaadaa. Tusaale, haddii B/xaawo ka gudubto oo aad soo noqonayso, sii socodka kaliya ayaad bixin kontonka. Haddii aad boorsooyin wadato taksi ayaa ku gudbin lagactiisuna 20 doolar way gaari. Jawiga iyo cidda maalinkaas waardiyaha xuduudka ah ayaa go'aamiyo. 

Saas oo ay tahay cidna kulama taliyeen inay marto waayo waxaa badan qatarta ku xeeran. Waxaa suuragal ah in askari iskaa qabsado oo ay noqoto in lacag badan lagugu soo furto. Dhibka ugu badan waa marki aad soo noqonayso oo askarta garoonka joogta oo danninaysa inaad Soomaaliya ka timid ay baarasho ugu dhaqaaqaan taleefankaada iyo sirahaada. 

Badeecadu caadi ayay u gudubtaa. Karreetooyin ayaa qaado oo dhinaca Mandera geeyo ama ka keeno. Waxaa labada dhinac u dhaxeeyo ganacsi xooggan. Caano geel inta ay u yaryihiin ayaa maalinle u gudbo. 

Magaalooyinka gobalku waa nabad. Inta maamulladu haystaan iyo inta xarakadu haysataba mid walba gudaheeda xeerarka ka jiro waa ku nabad. Haddii aad shacab tahay waxbadan oo laga baqo ma jiraan. Baabuurka aad saarantahay haddii la joojiyo inaysan cidna kula hadal ama ku baarin ayay u badan tahay. Gaarida safarka ka timaado waxay toos u galaan isteeshinnada meesha ay tageen. Tusaale, haddii aad B/xaawo ka baxdo oo aad Garbahaareey u socoto, gaariga aad saarantahay wuxuu istaagi isteeshinka Tuulobarwaaqo oo ay Shabaab haystaan, shaqadooda ayay qabsan waadna kasoo gudbi. Marki aad Garbahaareey gesho si la mid ah ayuu gaarigu si toos ah isteeshinka ku tagi. Sidii oo kale ayay gaariga iyo cidda saaran eegi si fududna ku fasixi. 

Arrinta kaliya ee dhibka leh waa taleefanka kaamiradda leh. Kaasi Shabaabku haddii ay kugu arkaan way kaa jabin ganaaxna khatar ayaad ugu jirtaa. Haddii ay xaqiiqsadaan inaad carrada ku cusub tahay moobilka unbayaa ka jabine ku ganaaxi mahayaan. Laakiin inta lagu xaqiijinayo ayaaba dhib kuugu filan iyo moobilkaadi wax walba kuugu jireen oo hortaada lagu baduugay. Dadku waxay wada wataan labo moobil sidaa darteed. Mid tooshle ah oo Shabaabka la tuso iyo kan kale oo marki la joogo meelaha xorta ah la isticmaalo. Waxaa kaloo ay cabsi ka jirtaa Ceelcadde oo diyaarado duqaymo aan loo aabi yeelin ka gaysteen habayno badanna ay dul heehaabaan oo shacabka argagax ku ridaan. 

Garbahaareey ayaan joogay waqtigii iigu badnaa. gudaheeda Mako way ammaan badnayd. Saacadda aad doonto ayaad socon kartaa. Tuug iyo mooryaan laga cabsado lagama yaqaan. Xabbad haba sheegin. Madaxda joogta istaaf la'aan ayay magaalada lugeeyaan. Ciidanka waxaa ka muuqato asluub iyo haybad. Waxay ku labistaan tuutahooda haddii ay baladka dhex joogaa. Baladxaawo oo labo sano ka hor mar aan tagay ay ka buuxeen caruur cagacad oo qoryo sidato xataa waa is baddashay oo askar dolwadeed oo haybad leh ayuu ciidankeedu u muuqday.

Dhawaan waxaa la tababaray ciidan boolis ah oo loogu talagalay inay la wareegaan amniga madaniga ah. Booliska waxaa loo xiray dharki booliska hubna ma sitaan. Waxay u muuqdaan in laga qoray dadka caadiga oo aysan ahayn mooryaanti la qaramayn jiray. Waxaa ka muuqato qurux waxaadna ku arki safafka masaajidda iyagoo diresykooda xiran oo aan wax hub ah sidan.

Intaas waxaa dheer in dadku u muuqday inuu ka ilbaxay gacan ka hadalki. Tusaale, Garbahaareey waxaa ku nool dad siyaasad ahaan aad isaga soo horjeedo. Qaar si kal iyo laab ah ayay Jubalaan u liqsanyihiin, halka in kale ay aaminsanyihiin dowlad dhexe maamulka Jubalaan-na munkar ay u arkaan. Saas oo ay tahay dadka iska soo horjeedo waa wada shaahaan, fadhidiriraan oo si adag u doodaan haddana gacan-qaad ma dhaco.

Nin aan Baladxaawo kusii maray ayaa iguu yiri "Garbahaareey ayaan dhawaan tagay oo meelna ka hormartay meelna aysan waxba iska baddalin. Xaggaa siyaasadda meel la mid ah Soomaaliya kuma taal oo waxaan arkay labo kooxood oo iska soo horjeedda oo bannaanbaxyo samaynayo isku mar oo inta taallada labada dhinac ka kala istaageen mid walba dhinaceeda mikrafoon ugu qaylyayso. Haddana dagaal iyo qaylada iyo qaylada iiga du' kama dhacayn oo mid walba markay danteedi dhammaysatay ayay hoyatay. Midda aysan waxba iska baddalin waxaa weeye in aadan ka helayn wax furuut iyo cunto macaan ah".

Warka ninkaas igu yiri waan xaqiiqsaday waana sida uu u sheegay. Laakiin waxaan la hubin in is ogalaanshuhu uu ka dhashay culayska Shabaab ku hayaan iyo inuu bisayl keenay oo laga gudbay dagaalki. Waqtigaa sheegi!

Si kooban gobalka amni ayaa ka jiro. Meelaha ugu yar ee ay dilalku ka dhacaan ayuu ka mid yahay. Aano qabiil in laga gudbay baad mooddaa. Shirqoollada shabaabku meelaha kale ka fuliyaan kama dhacdo inta badan, gaar ahaan Garbahaareey. Saas oo tahay aminiga ka jiro waa mid xaaladdiisa (relative) lagu qiimeeyay. Dhulku wuxuu u kala qaybsanyahay dowladda iyo Shabaab. Mid walba wuxuu leeyahay shuruuc iyo xeerar u gaar ah, wuxuu qaataa canshuur iyo lacago kale mid walbana wuxuu rabaa in loo hoggaansamo. 

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco:https://ibrahim-shire.blogspot.com/

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *