Muna maanta waa sideed iyo toban jir, waa gashaanti dhamaystiran gugii
kaba ka roor iyo kalayaacii ayay ku dhalatay duleedka tuulada qax u jog, ee gobolaka Gedo. Waagay yarayd hooyadeed Saxarla
Guure, waxay ka maqli jirtay gabadhayda Muna, waa falxad sanadkay dhalatay gu’ samaad
buu ahaa, adhigii noo dhalay waxaruu wada dhalay, geelii noo dhalayna nirguu wada
dhalay, hal mid ah na kama af
qudhmin oo si fiican bay da’daasu u hana
qaadday. Laakiin Muna arrintaas hooyadeed sheegtay ma hubto dhabnimadeeda wali
wax mucjisa ah iskuma ay arag.
Waa barqo duhur xigeen ah waxay hoos taagantahay geed Tincad ah, si
qasad la aan ah ayay indheheedu laamaha geedka iyo ubaxa saaran ugu
duldhacayaan. Xasuus badan ayaa maankeeda si fasax la aan ah u soo weeraraysa. Dhacdooyin
badan oo muruga leh ayaa ka sheeda ka soo maaxaya, waxaase ugu daran labo
dhacdo oo sigaar ah iyada u taabtay tiiranyo iyo muruga badana ku reebay midi dorraad
ayay dhacday midana isbuuc ka hor. Waayahanba diyaaradaha Kenya deegaanka duqaymo ba’an ayay
ka wadeen si aabayeel la’aan ah ayay dad iyo duunyaba u rusheynayeen. Duqaymhaas
waxaa ku nafwaayay aabbeheed Miiggane. Duq Miiggane asagoo subixii nabad ku
waabariistay halo dhawr ah oo irmaan ah ayuu ku dareeriyay kayn guriga u dhaw
nasiib xumase xoogaba hadduu gurigii ka yar durkay diyaaraduhu weerar bay ku soo qaadeen
halkaasna waxaa ku nafwaayay Miiggane iyo duldihii uu caruurta u maalijiray.
Dhacdada labaad oo taas ka sii daran waxay ahayd markii isbuuc ka
hor walaasheed Cabdiyo Miiggane ay magaalada caano u qaaday meel dhexe iyadoo
sii socota oo dhawr caag oo caano ahina
dhabarka ka u saaranyihiin ayaa ciidan Kenyan ah meel ku qabtay ka dibna ay
afduubeen oo ay halkaas ku kufsadeen, iyadoo dhawaac ah oo nafxuni ku jirto
ayaa isbitaal loola cararay ilaa iyo maantana isbitaalkii ayaa lagu dabiibayaa.
Askartii dhibkaas u gaysatayna cid tillaabo ka qaadday iyo cid la xisaabtantayna
hasheegin.
Muna maalintii ay dab ka gudday ilaa maanta dhaagaheedu balaayo way
maqlayeen meel hebla dagaalbaa ka dhacay, dad baa la qarxiyay dad baa…. Dad baa
la xasuuqay dad baa la laayay, gabadh baa la kufsaday hoog iyo hiirtaanyaley laakiin
wali musiibadu sidan maanta gondaha u qabsatay uma soo marin. Haddii ay maqli
jirtay dad la qarxiyay maanta waa duunyo la qarxiyay, haddii ay maqli jirtay
diyaarad ciidan lagu weeraray oo laysay maanta waa diyaarad geel weerartay oo toban ka
dishay, haddii ay maqli jirtay qof baa la dilay maanta aabbeheed Miiggane ayaa
la dilay, haddii ay maqli jirtay gabadhbaa la kufsaday maanta walaasheed ka
wayn baa la kufsaday. alla murugo waynaa!.
Waayahanba su’aalo waxaa jiray aay Muno jawaabo u wayday, waxaa
jiray erayo ay fasiraadooda ku wareertay waa erayo balastic ah oo hadba sidii
cinjirkii meeshii la doono loo jiido, waxaa ka mid ah erayadaa: Dawlad, Maamul
Goboleed, Federal, Farmaajo, Axmed madoobe, Ethopia, Kenya ,argagixiso,
Al-shabaab, Ahlu sunno, Al-qaacido iyo
kuwa kaloo badan. Su’aasha ugu badan ee maskaxdeeda daalisay waxay ahayd waxan
oo magac ahi manfac yaraa oo mushkilad badanaa, wax aan dagaal iyo dil ahayn
garaad koodu ma keeni waayay ? saw waddo kale oo aan dagaal ahayn lama heli
karo?.
Sanadkii hore ayay ahayd markii ciidan Itoobiyaan ah oo saqaafe ah
laguna sheegay in ay argagixisada baacsanayeen ay walaalkeed Gaanni Miiggane tuulada
ficil-xun beerka kaga toogtay isagoo geel ka waraabinaya ceel halkaa ku yaalla.
Darroodna diyaaradaha Kenyan ah ayaa aabbeheed halihiisa ku dhexdilay Muna waxay
istidhi malaha maba ogide oo lax daad ka war la dahaye argagixida ay dawladuhu la dagaalamayaan waa
reerkiina ? oo geela diyaaradaha lagu xasuuqayna muxuu galabsady? dee mooyi
malaha geela laftiisa ayaa argagixisada ka mid ah!!.
Muna walaalkeed markay cidamadu Itoobiyaanku gardarrada u toogteen
mid ka mid ah madaxda gobolka ayaa ka hadlay dilkii walaalkeed wuxuuna yidhi
ciidanka Amisom ee walaaleheen ah aad bay u mahadsanyihiin mid ka mid ah
argagixisada ugu waa wayn waddanka ayay
maanta maydkiisa haadda u wadheen!! Muno markay warkaas maqashay waxaa ku soo
dhacay meersiyo yamyam tiriyay Rabbi ha u naxariistee:
Waagaan dad qalatada
U aqiin dugaag falan
Illaan duni war uma hayn
Shaw dabeecadaa jira
In calool la dooxoo
Dhiig la daadsho mooyee
Aan farxadiba soo dagin
Illaan xiisa darariyo
Darsin waayahaa qaba
Maxaa yaab isdabayaal.
war illaan yaab goormuu wiilkaas yar ee miskiinka ah ee geel jiraha
ah argagixiso wayn noqday. Aad bay Muno
ninkaas warkiisa ula yaabtay waxay aamintay gaalkii walaalkeed dilay in nin kani uga daranyahy waxaa qalbiga kaga soo
dhacay meerisyadii Qamaan Bulxan lahaa:
“Daabaca
ninkii kugu dhuftee, daabka kuu celiyey
Iyo kii duleedshaay ku yidhi, wax isma doorshaane.”
Iyo kii duleedshaay ku yidhi, wax isma doorshaane.”
Waxay maanka ku haysay in Madaxwaynaha Ummadu jeceshahay ee
barakaysan Farmaajo arrinta soo dhexgali doono oo ninkaas dhiigii walaalkeed
duudsinaya uu tillaabo ka qaadi doono ka dibna ciidankii waleelkeed gardarrada
ku dilay la xisaabtami doono oo ka noolayn doono xaajadaa gurracan. Laakiin balaayo
waxay dhacday markii madaxwaynihii juuqba laga waayay waxaabad mooddaa
kaniinkii hurdada in uu liqay oo waxa waddanka ka socdaba uusan ka war hayn
mise wuu ka war hayaaye tabar buu u waayay uu wax uga qabto? oo hadduusan wax
kale awoodai xataa hadal ma awoodi waayay iyo waan ka xunahay oo kaliya in uu
dhaho? mise raali buu ka yahay ayay Muuno is waydiisay!
La soco qaybta labaad
W/Q: Maxammed Rashaad Muxyaddiin
saajid4045@gmail.com
Wan ka helay sheekadan,away qeybtii labaad
ReplyDelete